Dad barakacayaal ah oo ku sugan tuulada Bursaalax oo ka tirsan degmada Galdogob ee gobolka Mudug oo qaarkood ay xoolahoodii uga le`deen abaarihii dalka ku dhuftay,
ayaa waxay ka cabanayaan inay haysato nolol xumo iyo daryeel la`aan, sida ay raadiyo Ergo u sheegeen qaar ka mid ah dadka ku nool halkaas.
Saynab Xasan Warsame oo ah guddoomiyaha xerada barakacayaasha ee lagu magaccaabo Horseed Bursaalax ayaa Ergo u sheegtay “Dadkaas tiradoodu waa 700 ilaa 800 qoys, waxyna isugu jiraan dadkii ay xooluhu ku dhaafeen abaarihi iyo dad kale, mana haystaan adeegyada cunto, waxbarasho iyo caafimaad, gargaarka hay`adahana waa nagu yar yahay.”
Xaliimo Xuseen, waxay ka mid tahay barakacayaasha Bursaalax waxayna sheegtay in waxyaabaha ay u baahan yihiin ay ugu weyn tahay hoyga iyo waxbarashada carruurta, iyadoo ka codsatay hay`adaha gargaarka inay caawinaad lasoo gaaraan.
“Ma jiraan wax aan haysanno, biyo nadiif ah, cunto iyo adeegyada caafimaadkaba aad baan ugu baahannahay, mana jiraan hay`ado samafal oo aan gargaar ka helnay, waxaan dareemeynaa in halkan nalagu ilaabay.” Sidaa waxaa tiri Maryama Xuseen Nuur, oo iyadana ka mid ah barakacayaashaas.
Nuur Cabi Cali, waa guddoomiyaha beesha Bursaalax waxuuna raadiyo Ergo u sheegay inay jiraan dhibaato nololeed oo haysata dadkaas oo aan ilaa iyo hadda helin wax gargaar ah oo ay cid walbana la socodsiiyeen, wuxuuna sheegay inuu codsanayo in dadkaas la soo gargaaro.
Burhan/FM/MH