Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Dhibaatooyin ka jira tuulada Gidheeys oo ka tirsan Galgaduud

admin by admin
July 17, 2012
in Barakacayaasha iyo Qaxootiga
0
Dhibaatooyin ka jira tuulada Gidheeys oo ka tirsan Galgaduud
0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

blankHaweenka ku nool deegaanka Gidheeys oo illaa qiyaastii 30km dhanka koofur bari kaga beegan magaalada Cadaado ee gobolka Galgaduu, ayaa ka cabanaya xaalado xagda nolosha ah oo la soo darsay gaar ahaan xilliyada dumarka ay foosha ku timaado taasoo ay kala kulmaan haweenkani dhibaatooyin faro badan oo ay ka mid tahay dhimasho iyo dhiig bax fara badan.

Salaado Dhoorre Shuuriye waa guddoomiyaha ururka farshaxanka ee haweenka ku nool deegaankaasi, waxayna sharraxaad ka siisay Raadiyo Ergo dhibaatooyinka ay qabaan “Marka hore baahida aan qabno waxaa ka mid ah biyo la`aan, annagu waxaan cabnaa biyahaas biirta ah oo ceelka laga soo saaro, matoorro malihin isbitaal ma lihin, gabdhaha guryaha dhexdooda ayaan isga dhalinnaa oo haweeneydii xoogaa hilible h ayaan dhahnaa ku fadhiiso, si canugga uu dibadda u yimaado,” Ayay tiri Salaado.

Salaado Dhoorre ayaa Sheegtay inay jiraan hay`ado soo gaaray deegaankooda kuwaasoo  soo gaarsiya gargaar raashiin iyo waxbarasho isugu jirta, laakin waxay hoosta ka xarriiqday in aanay jirin dadaal ku aaddan wax ka qabashada dhibaatooyinka dumarka foolanayo oo ay ku tilmaantay in maalinba maalinta ka dambeysa ay sii kordhayaan dhibaatooyinkaasi.

“Innagu waxaan nahay dad dumar ah oo ma sameyn karno ceel, hay`adihii inoo yimidna waxay inoo keeneen raashiin masaggo iyo galleey isgu jira, waxayna noo fureen Iskuullo laakiin weli hay`ad na tiri ceel iyo wax la mid ah ayaan idiin qodeynaa ma jirto,” ayay hadalkeeda ku dartay.

Ugu dambeyn waxay codsi u dirtay cidkasta oo Soomaaliyeed oo wax ka qabn karta dhibaatooyinka ay qabaan in dumarka ku nool deegaanka Gidheeys ay gacan ka siiyaan samata-bixintooda, gaar ahaan caafimaadka iyo waxyaabaha aasaasiga u ah nolosha bini`aadamka.

Deegaanka Gidheeys waa deegaan ay ku nool yihiin dad Xoolo dhaqato ah, inkasta oo ay in ka yar 30km u jiraan magaalada Cadaado haddana waa tuulo ay dadkeedu noloshoodu ku tiirsan tahay dhaqashada xoolaha, waxaa ka jira goobo waxbarasho oo arday fara badan ayaa u dareera tacliinta laakiin kama jirto xarun caafimaad xitaa farmashiye, waana dhibaatada ugu weyn ee ay qabaan dadka ku nool tuuladaasi.

Cumar Xabeeb Nuur (Teacher)/FM

Previous Post

Qm: Waxaa gargaar wali u baahan 2.5 milyan oo qof

Next Post

Barakacayaasha Gaalkacyo oo ka cabanaya nolol xumo

Related Posts

blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Dhadhaab: Dhallinyaro qaxooti ah oo hirgaliyay ganacsiyo beddelay noloshooda

May 20, 2026
Shabeellaha dhexe: Qoysas ka baxay nolosha barakaca markii la siiyay dhaqaale iyo tababar
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Shabeellaha dhexe: Qoysas ka baxay nolosha barakaca markii la siiyay dhaqaale iyo tababar

May 18, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Mudug: Dad roob yari ku cayroobay oo xeryo ku yaalla deegaan Xarfo ku wajahaya nolol xumo

May 15, 2026
Gaalkacyo: Nolol xumo ka dhalatay waalidiin xabsi ku mutaystay daymo lagu yeeshay
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Gaalkacyo: Nolol xumo ka dhalatay waalidiin xabsi ku mutaystay daymo lagu yeeshay

May 9, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Haween shaqooyin adag ka qabta Muqdisho oo maareeyay nolosha qoysaskooda

May 6, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Nolol xumo ka dhalatay qaxootiga Dhadhaab oo laga jartay gunno gargaar oo la siin jiray

April 28, 2026
Next Post
Xarun lagu xannaaneeyo gabdhaha agoonta ah oo laga furay Boondheere

Barakacayaasha Gaalkacyo oo ka cabanaya nolol xumo

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 06-JUN-2026

IDAACADDA 06-JUN-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 06-JUN-2026
Episode play icon
IDAACADDA 06-JUN-2026
June 6, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 05-JUN-2026
June 5, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 04-JUN-2026
June 4, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 03-JUN-2026
June 4, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 02-JUN-2026
June 2, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo