Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Soomali dib uga soo noqotay koonfur afrika

Radio Ergo by Radio Ergo
May 24, 2012
in Barakacayaasha iyo Qaxootiga
0
Soomali dib uga soo noqotay koonfur afrika
0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

blankWaxaa  kor u soo kacaya muddooyinkii ugu dambeeyay  dadka Soomaaliyeed ee ka soo laabanaya waddanka Koonfur Afrika, kaddib markii ay isa soo tareen dhibaatooyinka kala duwan ay kala kulmayaan halkaasi.

Toddoobaadkaan gudihiisa waxaa Muqdisho ku soo laabtay  illaa afartan ruux oo isugu jira caruur haween iyo rag kuwaasoo  ka yimid meelo kala duwan oo dhinaca koonfureed ee qaarada ah, dadkaan oo la socday diyaarad ka soo kicitintay magaalada Nairobi ee waddanka Kenya ayaa sheegay in ay ugu soo xiiseen dalkooda kaddib marki ay sheegeen in dhibaatooyin kala duwan ay kala kulmeen dalkaasi.

Xasan Cabdullaahi waa suxufi madax banaan waxaana waddanka Koonfur Afrika uu ku noolaa ku dhawaad illaa laba sanadood, Xasan wuxuu qayb ka ahaa dadki ku soo laabtay toddobaadkaan gudaha Muqdisho, wuxuu idaacadda Ergo u sheegay in ay sii korortay dhibaatooyinka sinji nacaybka ah ee lagu haayo dadka Soomaalida ah ee ku nool waddankaasi.
“Runti Soomaalidu waxay ku tagaan wado tahriib ah oo dhib iyo qaxar badan, waxay sii maraan dalal Afrikaan ah oo ay kala kulmaan xarig, jirdil iyo dhac, marki ay tagaanna waxaa loo geystaa faquuq iyo nacayb, Koonfur Afrika Soomaalida waa lagu dilaa, ganacsigooda waa la boobaa, oo waa lagu gubaa taasina waxaa ugu wacan Soomaalida oo ah dad aad u fir fircoon kuna wanaagsan ganacsiga”.

Xasan ayaa intaasi ku daray in Soomaalida uu silic ku haysto isagoo yiri ”inta la qabto ayaa madaxa loo galiyaa baco kuwaasoo qaarkood ay ku dhintaan” “waxaan indhahayga saaray dad ku sigtay in ay dhintaan kaddib markii madaxa loo galiyay bac, si loo dilo, sidoo kale dhibaatooyinka Soomaalida Koonfur Afrika ay  la kulmaan waxaa ka mid ah iyagoo lagu dhibo sharciga dhinaca dawladda, qolada wasaaradda arrimaha gudaha way joojiyeen bixinta sharciyada yaryar ee ay siin jireen dadka, kaasoo ay meelaha ku mar mari jireen”ayuu yiri Xasan oo sheegay in Soomaalida badidood ay hadda qorsheynayaan in ay isaga soo laabtaan waddankaasi maaddama lagu hayo sinji nacayb.

Xasan ayaa dhinaca kale sheegay in  mar sii horreysay ay waddankaasi soo gaareen wafdi ka socda DKMG Soomaaliya gaar ahaan wasaaradda arrimaha dibadda kuwaasoo u gogol xaarayay siudii ay u furi lahaayen safaarad Soomaaliya ay ku yeelato dalkaasi taasoo Soomaalidu ay si weyn u soo dhaweeyeen.
Si kastaba ha ahaatee waddanka Koonfur Afrika waxaa ku nool Soomaali aan ilaa hadda tiro rasmi lahaga soo saarin ku waasoo u tagay magan galyo iyo ganacsi, balse waxay halkaasi kala kulmeen dhibaatooyin badan sida dilal dhac, iyo hanjabaadyo, waxaase muddooyinkaan dambe billowaday in Soomaali badan oo joogtay dalkaasi  ay dib ugu soo laabtaan dalkoodii hooyo kuwaasoo sheegay in uu u dhaamo Koonfur Afrika.
Yusuf/AA

Previous Post

Dagaalo maalintii saddexaad ka socda duleedka waddada xiriirisa muqdisho iyo afgooye

Next Post

CUDURKA SHUBAN BIYOODKA OO KA DILAACAY MUQDISHO IYO AGAGAARKEEDA

Related Posts

Qoysas markii labaad barakacay sanadkan oo Jubbada hoose ku wajaha xaalad nolol xumo
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas markii labaad barakacay sanadkan oo Jubbada hoose ku wajaha xaalad nolol xumo

June 23, 2026
Dhadhaab: Haween ka soo kabtay ganacsiyo ka burburay markii la siiyay lacag amaah ah
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Dhadhaab: Haween ka soo kabtay ganacsiyo ka burburay markii la siiyay lacag amaah ah

June 19, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qiimo la’aanta ku dhacday lacagta dalka oo wiiqday rajada ganacsatada Baydhabo

June 18, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas ku nool Dhuusomareeb oo nolol xumo haysay uga baxay ka ganacsiga birta duugga ah

June 15, 2026
Qoysas ku cayroobay abaar ka dhacday Bari oo noqday kalluumeysto maareeyay noloshooda
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas ku cayroobay abaar ka dhacday Bari oo noqday kalluumeysto maareeyay noloshooda

June 10, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Waxbarasho la’aan iyo cunno xumo ka dhashay fatahaad ka dhacday Qalaafe

June 8, 2026
Next Post
CUDURKA SHUBAN BIYOODKA OO KA DILAACAY MUQDISHO IYO AGAGAARKEEDA

CUDURKA SHUBAN BIYOODKA OO KA DILAACAY MUQDISHO IYO AGAGAARKEEDA

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 26-JUN-2026

IDAACADDA 26-JUN-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 26-JUN-2026
Episode play icon
IDAACADDA 26-JUN-2026
June 26, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 25-JUN-2026
June 25, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 24-JUN-2026
June 24, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 23-JUN-2026
June 23, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 22-JUN-2026
June 22, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo