Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Barakacayaasha iyo Qaxootiga

650 qoys oo ku barakacay colaado oo ku dhibaateysan deegaanka faafaxdhuun ee gedo

Radio Ergo by Radio Ergo
May 23, 2012
in Barakacayaasha iyo Qaxootiga
0
Xarun lagu xannaaneeyo gabdhaha agoonta ah oo laga furay Boondheere

Keydka sawirrada Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

blankWaxaa laga deyrinayaa xaaladaha nololeed ee ay ku sugan yihiin boqollaal qoysas oo ku barakacay dagaallo dhowaan ka dhacay deegaanka Faafaxdhuun oo ka tirsan gobolka Gedo ku dhexmarey 17kii bishaan May ciidamada Kenya iyo kuwa dowladda oo isku dhinac ah iyo xarakada Alshabaab, dadkaan oo u badan haween iyo carruur ayaa dhibaatada ugu darani tahay cunno la,aan iyo hoy la,aanQoysaskaasi barakacayaasha ah ayaa markii ay dagaalladu dhaceen u cararay goobaha miyiga ah ee ku teedsan Faafaxdhuun, iyagoo la hadlayey warbaahinta Ergo ayey waxay sheegeen in xaaladdooda nololeed haatan ay taagan tahay meel halis ah, dhibaatooyinka nolol xumona ay u sii dheertahay welwelka colaadaha iyo degganaansho la`aanta halkaasi ka jirta iyo weliba xirnaanshaha waddooyinkii ay soo marayeen badeecooyinka ganacsi oo ku xirmay dagaallada.

Axmed Maxamed Cidiyar oo  oo ka mid ah duqeyda qoysaska ka barakacay Faafaxdhuun oo la hadlayay Ergo ayaa sheegay in meel halis ah ay taagan tahay nolosha dadkii ka barakacay Faafaxdhuun oo tiradoodu uu ku sheegay in ay gaarayaan ku dhowaad ilaa 600 oo qoys, isagoo sheegayna  mushkiladda ugu daranna in ay ka taagan tahay dhinaca helitaanka raashinka, hoy la,aan iyo weliba cudurro ay ka mid yihiin duumada iyo caabuqyada neef mareenka ku dhaca oo uu sheegay carruur badan in ay la liitaan.

Sidoo kale Aadan Shuqul Nuunow oo ah guddoomiyaha deegaanka Faaxafdhuun ayaa sheegay dadka ka barakacay Faafaxdhuun in ay gaarayaan ilaa 650 qoys oo guryahoodii ka cararay, waxaana  uu rajo xumo uu ka muujiyey xaaladaha ay  ku sugan yihiin qoysaskaasi faraha badan in xilligan ayan uu muuqan ifafaalo ay dib ugu soo laaban karaan deegaanka, maaddaama weli ay taagan tahay cabsidii dagaal.

Ma jiraan ayuu yiri ilaa iyo hadda cid gargaar bini,aadinnimo u fidisey qoysaskaasi, 21 maalmood ka hor ayaan ugu dambaysay raashin gargaar oo la soo gaarsiiyo Faafaxdhuun, kaasoo ahaa raashin ay so dhiibtay WFP oo ay soo marsiisay hay’ad gudaha lana yiraahdo HEAD, fadhigeeduna yahay Ceelwaaq, rashinkaasna ay soo gudbiyeen ciidamadda Kenya, ammaanka waddada oo xun darteed ayaa ka koobnaa saliidda raashinka lagu karsado, digir iyo galley, siduu sheegay guddoomiyaha deegaanka Faafaxdhuun.
Salixi/MH/FM

Previous Post

Hadal uu isuduwaha bani’aadamnimada ka soo saarey hawlgalka mileteri ee waddada afgooye

Next Post

Sagaal soomaaliya oo laga sii daayay xabsiyada namibia

Related Posts

Gaalkacyo: Nolol xumo ka dhalatay waalidiin xabsi ku mutaystay daymo lagu yeeshay
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Gaalkacyo: Nolol xumo ka dhalatay waalidiin xabsi ku mutaystay daymo lagu yeeshay

May 9, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Haween shaqooyin adag ka qabta Muqdisho oo maareeyay nolosha qoysaskooda

May 6, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Nolol xumo ka dhalatay qaxootiga Dhadhaab oo laga jartay gunno gargaar oo la siin jiray

April 28, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas nolol xumo ku wajahaya Baydhabo markii laga gubay beero iyo kayd raashin

April 24, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas laga gubay hantidooda oo Shabeellaha hoose ku wajahaya xaalad nolol xumo

April 17, 2026
Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen

April 13, 2026
Next Post
Xarun lagu xannaaneeyo gabdhaha agoonta ah oo laga furay Boondheere

Sagaal soomaaliya oo laga sii daayay xabsiyada namibia

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 11-MAY-2026

IDAACADDA 11-MAY-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 11-MAY-2026
Episode play icon
IDAACADDA 11-MAY-2026
May 11, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 10-MAY-2026
May 10, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 09-May-2026
May 9, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 08-MAY-2026
May 8, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 07-MAY-2026
May 7, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo