Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Nolosha aabe dhalay 27 carruur ah oo ku nool xerada qaxootiga Xagardheer

admin by admin
February 28, 2012
in Barakacayaasha iyo Qaxootiga
0
Nolosha aabe dhalay 27 carruur ah oo ku nool xerada qaxootiga Xagardheer
0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

blankDhadhaab:- Kadib dagaalladii ka qarxay Soomaaliya sanadkii 1991-kii, waxaa ka dhashay barakac xoog badan kaasoo sababay in dad badan ay isaga soo cararaan guryahooda oo ku yaalla magaalada caasimadda ah ee Muqdisho, badi dadkaasi waxay ku barakaceen oo dib u dejin looga sameeyay xerooyin qaxooti oo ku teedsan soohdinta kala qeybisa
Soomaaliya iyo Kenya, xerooyinkaasoo ay ka mid yihiin Xagardheer ,Ifo iyo Dhagaxleey oo ku yaalla deegaanka Dhadhaab ee gobolka Woqooyi Bari Kenya ,iyo kuwo kale .

Xeerooyinkaas qaxooti ee ku yaalla soohdinta, ayaa waxaa hadda ku jira oo ku nool qaxooti Soomaaliyeed oo iyagu ka soo barakacay dagaallada ka soconaya Soomaaliya iyo sidoo kale waxa ku jira qaxooti horey ugu sugnaa xerooyinkaasi.

Macruuf Cabdi Cuma,r waa 38-jir haysta 27 carruur ah, wuxuu ka mid yahay qaxootiga Soomaaliyeed ee ku nool xerada qaxootiga Dhadhaab, wuxuu Raadiyo Ergo u sheegay in isaga iyo carruurtiisuba ay ku nool yihiin xeradaasi, isagoo sheegay in uu ka mid ahaa dadkii ugu horreeyay ee lagu aasasay xeradaasi sanadkii 1991-kii.

“Waxaan ahay Aabbe haysta illaa 27 carruur ah, iyo saddex xaas ah waxaan deggannahay aniga qoysaskeyga iyo hooyadayba hal meel halkaasoo aan ku wada cunno wixii aan soo helno, runtii dhammaan mas`uuliyadda qoyska aniga ayay i saarantahay, waxaan biilka reerka ka dabbaraa farmashi yar oo aan ku iibiyo dawooyin kaasoo aan ku dhex leeyahay isla xerada Dhadhaab gudaheeda.” Sidaa waxaa Ergo u sheegay Macruuf Cabdi Cumar.

Macruuf ayaa sidoo kale sheegay inuu muddo ka badan 20 sanadood ku soo dhex jiray hawlaha dhanka caafimaadka, isagoo sheegay inuu la soo shaqeeyay hay`ado dhowr ah oo ay ka mid tahay hay`adda Takhaatiirta aan xuduudda lahayn ”Runtii waxaa mahad iska leh Allaah, maaddaama uu isagu isiiyaay carruurtaan intaa la eg , isla mar ahaantaana uu isagu ii quudiyo, mana jiraan wax dhibaatooyin ama shaqaao ah oo iga haysta dhanka haweenka aan qabo, taasoo ay ugu wacantahay aniga oo reerahayga kula dhqama run iyo daacadnimo, sidaana waxaa ku jawaabay Macruuf oo aan wax ka weydiinnay sida ay ugu suura gashay in saddex haween ah oo xaasaskiisa ah uu hal goob ah wada dejiyo, isagoo aan haysanin hanti ku filan.

Si kastaba ha ahaatee, waxaa jira dhibaatooyin dhanka nolosha ah oo haysta qoysaska ku nool xeryaha qaxootiyada ee Dhadhaab, kuwaasoo muddooyinkii ugu dambeeyay sare u sii kacay waxaana dhibaatooyinkaasi ka mid ah xaaladda dhanka ammaanka ee xeryahaasi oo muddooyinkii ugu dambeeyay noqday kuwa aan la isku hallayn Karin .

Axmed/FM/AA/MH

Previous Post

Qarax lala beegsaday garoon kubada cagta ah

Next Post

Xirfadaha ay noloshooda ku maarreeyaan hooyooyinka ku jira xeryaha barakaca ee Muqdisho

Related Posts

blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Dhadhaab: Dhallinyaro qaxooti ah oo hirgaliyay ganacsiyo beddelay noloshooda

May 20, 2026
Shabeellaha dhexe: Qoysas ka baxay nolosha barakaca markii la siiyay dhaqaale iyo tababar
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Shabeellaha dhexe: Qoysas ka baxay nolosha barakaca markii la siiyay dhaqaale iyo tababar

May 18, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Mudug: Dad roob yari ku cayroobay oo xeryo ku yaalla deegaan Xarfo ku wajahaya nolol xumo

May 15, 2026
Gaalkacyo: Nolol xumo ka dhalatay waalidiin xabsi ku mutaystay daymo lagu yeeshay
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Gaalkacyo: Nolol xumo ka dhalatay waalidiin xabsi ku mutaystay daymo lagu yeeshay

May 9, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Haween shaqooyin adag ka qabta Muqdisho oo maareeyay nolosha qoysaskooda

May 6, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Nolol xumo ka dhalatay qaxootiga Dhadhaab oo laga jartay gunno gargaar oo la siin jiray

April 28, 2026
Next Post
Xirfadaha ay noloshooda ku maarreeyaan hooyooyinka ku jira xeryaha barakaca ee Muqdisho

Xirfadaha ay noloshooda ku maarreeyaan hooyooyinka ku jira xeryaha barakaca ee Muqdisho

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 23-MAY-2026

IDAACADDA 23-MAY-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 23-MAY-2026
Episode play icon
IDAACADDA 23-MAY-2026
May 23, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 22-MAY-2026
May 22, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 21-MAY-2026
May 21, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 20-MAY-2026
May 20, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 19-MAY-2026
May 19, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo