Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Caafimaadka

BUKAANADA TBDA ISBITAALKA LAASCAANOOD OO AY LA SOO DARISTAY CUNO IYO DAAWO LA’AAN

Hemed Abdiaziz by Hemed Abdiaziz
February 6, 2012
in Caafimaadka
0
BUKAANADA TBDA ISBITAALKA LAASCAANOOD OO AY LA SOO DARISTAY CUNO IYO DAAWO LA’AAN

Keydka sawirrada Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

blankIsbitaalka guud ee magalada Laascaanood qaybtiisa Qaaxada ayaa waxa haysata cuno iyo daawo la’aan daran, iyadoo arrintan ay sababtay in qaar badan oo kamid ah bukaanidii jiifay qeybta qaaxada ay isaga baxeen halkaasi.

Dadkan qaba xanuunkan TBda ayaa waxa ay yihiin kuwo aan awoodin in ay helaan waxay cunaan, iyagoo intooda badan ay ka yimaadeen baadiyaha, aysana wax qaraabo ah ku lahayn magaalada.

Isbitaalka guud ee magaalada Laascaanood ayaa waxa in muddo ahba gacanta ku hayay  jaaliyadaha dibada iyo haya’da barnaamijka cuntada adduunka ee WFP oo haray u siin jirtay dadka cunooyin tayo leh oo ay daawada ku qaadan jireen.

Markaad booqato gudaha isbitaalka ayaa waxaa kuu muuqanaya sariiraha isbitaalka oo maran, waxaana qaar kamid ah bukaanadu Radio Ergo u sheegeen  in ay aad u dhibaataysan yihiin, uguna baaqayaan haya’daha gargaarka in ay soo caawimaan.

“Walaal halkan waxa ka taagan dhibaato adag, dadkii ku jirayna way ka baxeen markii ay waayeen  daryeel,  anaga halakan waxa nagu haysata cuno yaraan daran waxaana aan doonaynaa in nala soo caawiyo” sidaasi waxaa sheegay mid kamid bukaanada

Safiya Axmed Cumar oo kamid howl wadeenada qaybta TBda ayaa Idaacda Ergo uga warantahay sababaha keenay xaaladan cuno la’aanta ah ”Dad badan oo qaba cudurkaan ayaa isbtaalka soo geli jirey markii cuntada ay qaadan jireen bukaanada, laakiinse  hadda waxaan ka walaacsanahay qeybtii haweenka oo xirantay, in qeybta TBdana ay xiranto”

Maamulka iyo shaqaalaha isbitaalka Laascaanood ayaa ugu baaqay hay’addaha samafalka iyo jaaliyaddaha dibada in ay gacan ka soo gaysteen sidii loo daryeeli lahaa bukaanadaasi, oo badankood ay yihiin dad aan awoodi karin in ay iibsadaan cunada ay daawada ku cunayaan. waxaa kaloo taas ka sii daran iyadoo ay jiraan dad bilooyin qaatay daawooyinka oo aan dhamaysan taasoo iyana leh saamayn iyo in cudurkii markale in la daaweeyo ay adkaato.Maamulka isbitaalka Laascaanood ayaa dhibaatadda ugu weyn ee hadda haysata qaybta qaaxada ku sifeeyey daawa la’aan ka jirta isbitaalka.

Cabdikariin Olol/MG

Previous Post

QIIMAHA XOOLUHU KA JOOGAAN MAGALOOYIN DOOR AH TODOBAADKAAN

Next Post

Bisha Cas ee Qadar oo dib u dejin u samaysay 1,500 oo barakacayaal ah

Related Posts

blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Umulisooyin daryeel iyo talooyin caafimaad u sameeya haweenka ku nool Dhadhaab

January 13, 2026
blank
Caafimaadka

Nolol xumo iyo daryeel la’aan isku biirsaday qoys ku nool Shabeellaha dhexe

December 1, 2025
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Dayac iyo nolol xumo haysata dadka qaba xaaladda dhimirka ee ku nool Dhadhaab

November 3, 2025
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Dhibaato ka dhalatay xarumo caafimaad oo ka xirmay dad barakac ku ah Baydhabo

September 8, 2025
Adeeg la’aan caafimaad oo ka dhalatay 20 isbitaal oo ku xirmay colaadda Hiiraan
Caafimaadka

Adeeg la’aan caafimaad oo ka dhalatay 20 isbitaal oo ku xirmay colaadda Hiiraan

September 4, 2025
Shabeellaha Hoose: Haweenka ku jira xilliga foosha oo wajahaya gargaar la’aan caafimaad
Caafimaadka

Shabeellaha Hoose: Haweenka ku jira xilliga foosha oo wajahaya gargaar la’aan caafimaad

July 21, 2025
Next Post
Bisha Cas ee Qadar oo dib u dejin u samaysay 1,500 oo barakacayaal ah

Bisha Cas ee Qadar oo dib u dejin u samaysay 1,500 oo barakacayaal ah

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 17-APR-2026

IDAACADDA 17-APR-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 17-APR-2026
Episode play icon
IDAACADDA 17-APR-2026
April 17, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 16-APR-2026
April 16, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 15-APR-2026
April 15, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 14-APR-2026
April 14, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 13-APR-2026
April 13, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo