Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Barakacayaal codsday in dib loogu celiyo deegaannadooda

admin by admin
February 13, 2012
in Barakacayaasha iyo Qaxootiga
0
Barakacayaal codsday in dib loogu celiyo deegaannadooda
0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

blankBAY:- Qoysas badan oo markii hore ay dhibaateeyeen abaaraha Soomaaliya ayaa markale u baahan in loo sameeyo qorshayaal ballaaran oo dib loogu celinayo deegaannadooda oo haatan ay ka jirto barwaaqo, markii ay curteen roobab soo nooleeyay dhulka iyo dadka ay asiibeen abaaro salfaday nolosha kumannaan dad ah oo ku noolaa koofurta Soomaaliya.

Barakacayaasha qaarkood ayaa billaabay inay codsadaan in dib loogu celiyo deegaannadooda, ka dib markii ay heleen warbixin sheegaysa in tanka la filayo inay ka soo go`aan beeraha sanadkan uu yahay mid aad uga sarreeya xaddiggii hore ee miraha ka soo go`ijiray beeraha sanadihii ugu dambeeyay.

Haween, carruur iyo dad waayeel ah oo ay dib u celiyeen hay`ado gargaarka ka shaqeeya ayaa lagu soo warramayaa inay gaareen deegaanno ka tirsan gobolka Bay, oo ka mid ah goobihii sida ba`an ay ugu dhufatay macluusha Soomaaliya.

Waddooyinka magaalada Baydhabo waxaa lagu arkayaa qoysas u badan haween kuwaasi oo gacmaha iyo dhabarka ku sida carruur aysan ka muuqan nafaqo darro, qoysaska ayaa dib ugu laabanaya tuulooyin iyo deegaanno markii hore ay abaaraha dartood uga soo barakaceen.

Deegaanno hoostaga qaar ka mid ah degmooyinka gobolka Bay ayaa ka mid ah goobaha haatan ay gaareen barakacayaal lagu qiyaasay ku dhowaad labo kun oo qoys, sida uu sheegay Sheekh Xuseen Sheekh Yuusuf, guddoomiyaha degmada Diinsoor ee maamulka Al-Shabaab, waxaa degmadaasi iyo tuulooyin ku dhow soo gaaray kun qoys tan iyo horraantii toddobaadkan.

Soo laabashada qoysaskan ayaa ah tallaabo horey loo qaaday, taasi oo keeni karta sidoo kale inay soo laabtaan barakacayaasha ku jira kaamamka Muqdisho iyo xerooyinka ku yaalla waddamada deriska la ah Soomaaliya.

Arrintan waxay sidoo kale door wanaagsan ka qaadanaysaa soo nooleynta deegaanka oo ay saameeyeen abaarihii iyo biyo la`aantii ku dhuftay koofurta dalka, haatan cagaar badan oo soo jiita indhaha ayaa lagu arkayaa goob kasta oo ka mid ah gobolka, beeralleyda ayaa billaabay inay sheeko u aadaan fagaarayaasha tuulooyinka iyadoo fiidkii sawaxan laga maqlayo waraha oo lix bilood ka hor ahaa kuwo maran.

Cali Aadan wuxuu ka mid yahay beeralleyda gobolka Bay, Raadiyo Ergo ayuu u sheegay inay jirto barwaaqo isla markaana ay sii kordhayaan dadka ku laabanaya gobolka.

Beeralleyda ayaa aaminsan in dalagga ka soo go`a beeraha sanadkan uu noqon doono mid la keydiyo, oo loo iibgeeyo gobollada kale ee dalka. Aqoon yahannada deegaanka ayaa ku doodaya in loo baahan yahay abaabulka qorshayaal lagu dhiirri gelinayo dadka soo laabanaya, si loo abuuro kalsooni ay ku horumarin karaan wax soo saarkooda.

Dhibaatooyinka soo wajahay qoysaskii ugu horreeyay ee ku laabtay deegaannadooda, waxaa ka mid ah hoy la`aan iyo walaac ku aaddan mustaqbalka waxbarasho ee carruurtooda.

Si kastaba, barakacayaasha dib ugu laabanaya goobihii ay ka soo barakaceen ayaa u baahan in lagu caawiyo hoy iyo qalab si mar kale ay u billaabaan noloshoodii ay la degtay abaarihii ku dhuftay Soomaaliya.

Cabdicasis/MH/FM

Previous Post

QIIMAHA XOOLUHU KA JOOGAAN MAGALOOYIN DOOR AH TODOBAADKAAN.

Next Post

QIIMAHA CUNTADA QUUTUL DARUURIGA AH EE SOOMAALIYA

Related Posts

blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas laga gubay hantidooda oo Shabeellaha hoose ku wajahaya xaalad nolol xumo

April 17, 2026
Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen

April 13, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Danyar xamili waayay kirada guryaha oo xero ku taalla Hargaysa ku wajahaya nolo xumo

April 10, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Dad ka barakacay colaadda Baydhabo oo dhibaato cunno xumo iyo hoy la’aan wajahaya

April 8, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Nolol xumo ka dhalatay biyo yari ku haysa Muqdisho in ka badan 12,000 oo qoys

April 6, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas ku xarooday xeryaha Baardheere oo la il-daran nolol xumo ka dhalatay dhaqaale la’aan

March 27, 2026
Next Post
Qiimaha raashiinka ee magaalooyin Soomaaliya

QIIMAHA CUNTADA QUUTUL DARUURIGA AH EE SOOMAALIYA

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 17-APR-2026

IDAACADDA 17-APR-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 17-APR-2026
Episode play icon
IDAACADDA 17-APR-2026
April 17, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 16-APR-2026
April 16, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 15-APR-2026
April 15, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 14-APR-2026
April 14, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 13-APR-2026
April 13, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo