Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Meel ka dhacyada xuquuqda aadanaha ee Muqdisho

admin by admin
December 21, 2011
in Barakacayaasha iyo Qaxootiga
0
Meel ka dhacyada xuquuqda aadanaha ee Muqdisho
0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

blankKhilaafaadka hubeysan ee Soomaaliya ka taagnaa muddada ka badan 20 sano ayaa ku reebay dad badan sheekooyin ay ka sheekeeyaan oo aad u xanuun badan, laakiinse xaaladda waddanka oo ka soo hagaagaysa oo ay dowlad dhexe ay hadda ka jirto, ayaanay wax badan isbaddelin.

Kulan gaar ah oo ka dhacay magaalada Muqdisho, ayaa lagu soo bandhigayey murugooyin dadku ka soo mareen dad lebbisan direyska ciidamada ammaanka dowladda.

Hooyo ka mid ah kuwii ka soo qayb galay kulankaan, ayaa ka warrantay wixii dhibaato loo geystey “Walaalayaalow aniga 2 sano ka hor ninkaygii ayaa inta la kaxaystay habeen waxaa subaxii madaxiisa la soo dhigay laanta Suuq Bacaad, waa la i soo wacay waxaa la yiri aaway Axmed Ciise waxaan iri ma garanayo, waxay dhaheen naa laantuu yaallaa madaxiisiiye ka qaado, inaa Lilaahi Alle ayaan magan galay baan ku iiri: “Arrintii labaad 2 bilood ka hor ayey igu dhacday, niman ayaa habeen ii soo dhacay gabadh aan dhalay oo 3 jir ah ayay kaxaysteen, anigu wax hub ah ma haysan cid i ilaalisana ilama joogin, intay kufsi u geysteen, ayay dileen, waxaan helay gabadhii oo labadeeda xubnood kala jabnaayeen, waxay ahaayeen ma sheegi karo, niman kabo waaweyn oo askareed sitay ahaayeen, walaalayaalow iga raalli ahaada ayey hooyadaani tiri iyadoo ilmo dareen xambaarsani ka qubanayso, arrintaanina waxay ka dhacday Jiiro Garoob oo ku taal Muqdisho.

Sidoo kale mid ka mid ah dadkii ka soo barakacay gobollada dalka oo abaaraha ka soo cararay ayaa Muqdisho soo gaaray wuxuuna sheegay in isagana haweenaydii uu qabay kufsi iyo dhaawac loo geystay.
“Walaalayaalow anigu waxaan lahaa Lo` iyo Ari, waxaan u soo cararay Muqdisho anigoo ka imid gobolka Bay, waxaan joogaa 11 bilood, waxaan soo degey xerada Badbaado, habeen Arbaco ah nin dirayska ciidanka wata ayaa noo soo dhacay, xaaskeygii ayuu damcay inuu kufsado way qaylisay, ka dib wuu cararay wuu soo noqday isagoo qori wata, wuxuuna nagu yiri maato yahay maatadu dhashay kaalaya iga celiya, iyadii oo umul ah ayuuna fara xumeeyey wuxuuna xabad kaga dhuftay kellida, xaaskaygii oo dhaawac ah gaadhi gacan ayaan ku qaaday waxaan geeyay cisbitaal Madiina, shan maalmood ka dib lugtii ayaa laga gooyey, waxaana na caawiyey rag Soomaaliyeed oo hay`ado gargaar markaas u shaqaynayey.

Ninkii sidaas yeelay in la qabtay ayaa naloo sheegay, lana xukumi doon laakiin wax war ah iyo meel uu ku danbeeyey ma aqaan.

Denbiyadii kulankaan lagu soo bandhigay way fara badnaayeen, waxa kaloo ka mid ah haweenaydaan:

“Aniga dhibaato waxay igu qabsatay kaamka Sareedo, ciidan sheeganaya inay yihiin booliis ayaa habeen noogu soo galay guri buush ah oo aan degganayn, waxayna iigu geysteen kufsi, 4 nin ayaana kufsigaas ii geystay.”

Marwo Caasho Cali oo ka mid ahayd haweenkii kulankaas ka qayb galay, ayaa is bar bar dhigtay anshaxa booliiskii dowladdii hore lahaan jireen iyo kuwa hadda jira.

“Booliiskii dowladdii Siyaad Barre waxay ahaayeen ciidan dhinac kasta ka dhisan, leh qaybo dhammays tiran, daba gal sameeya, dadka ilaaliya, waxaan garanayaa nin guri aan deris ahayn habeen lagala baxay, runtii ninkaasi wuxuu ahaa nin dadka aad u dhiba, marka siday ku ogaadeen ayaa la yaab ahayd, kuwa hadda booliiska inoo ahna waa qayb ka mid ah dhibaatada bulshada haysata, oo hab dhaqankoodu ma hagaagsana. Waxayna hadal qiiro leh ay ku tiri, hadddi kii aan dhalnay na kufsanayo, kii dirayska ciidanka watay na kufsanayo maxaan samaynaa?

Ku xigeenka xeer ilaaliyaha gobolka Banaadir oo si gaar ah arrintaas loo waydiiyey ayaa sheegay in xil gaar ah arrintaan dowladda ka saaran yahay, wuxuuna qiray inay jiraan kiisas isa soo taraya oo kufsi iyo tacaddiyo kale oo ay geysanayaan ciidanka booliisku, kuwaasoo ka dhacaya qaybaha kala duwan ee Muqdisho.

Marwo Canab Xasan, waa ku guddoomiye ku xigeenka ururka qaranka haweenka Soomaaliyeed, waxayna sheegtay in inta dembiilayaasha la qarinayo aysan bulshada waxba u qabsoomayn, waxayna eedda saartay in raggu yihiin kuwa gabay masuuliyaddii dadka iyo dalkooda ka saarnayd, waxay kaloo sheegtay in dadka Soomaaliyeed markii ay dayaceen masuuliyaddii saarnayd ay sababtay in hooyooyinkii la silcaan carruur dhaawac qabta, ka dibna kufsi loogu sii daro. runtiina waa arrin xanuun badan iyadoo la ogyahay qofkii kufsiga geystay ama dhibta lagu difaacayo qabiil oo guriguu galay aan laga soo saarin, qaybaha dowladda iyo qof kastoo Soomaali ahina hadduusan muujin mas`uuliyad waxba inoo hagaagi maayaan. Waxayna kula dardaarantay bulshada in qofkastaa iska xil saaro sidii loo caawin lahaa qofkastoo dhibaataysan.

Dilalka iyo tacaddiyada kale ee ay gaysanayaan dadka wata direyska ciidamada waa kuwo aan qarsoonayn wuxuuna dhacay falkii ugu dambeeyey 18-kii Diseembar oo Cabdisalaan Sheekh Xasan Xiis oo ahaa wariye u shaqaynayey TV-ga Horn Cable nin xiran direyska ciidamadu dil ugu geystay Muqdisho waxayna arirmahaani daliil cad u yihiin intay gaarsiisan tahay dhibaatada ay keentay nidaam la’aanta iyo qaska ragaadiyey bulshada Soomaaliyeed oo weli u muuqda in ciidankii ammaanku yihiin kuwo iyagu qayb ka ah dhibaataynta dadka, waxayna hoosta ka xarriiqaysaa howsha baxaadda leh ee u taal bulshada iyo dowladda Soomaaliyeed oo iyadu wakhtigaan ku mashquulsan sidii ay u riixi lahayd ururrada ka soo horjeeda.

Yuusuf Keynaan/MH/MG/FM

Previous Post

BANDHIG LAGU HORUMARINAYO DHAQANKA IYO AF SOOMAALIGA OO XAAFADDA EASTLEIGH LAGU QABTAY

Next Post

Dhaawacyada duqeyntii Hoosungow diyaaradaha dagaalka Kenya ka geysteen oo laga deyrinayo

Related Posts

blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas laga gubay hantidooda oo Shabeellaha hoose ku wajahaya xaalad nolol xumo

April 17, 2026
Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen

April 13, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Danyar xamili waayay kirada guryaha oo xero ku taalla Hargaysa ku wajahaya nolo xumo

April 10, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Dad ka barakacay colaadda Baydhabo oo dhibaato cunno xumo iyo hoy la’aan wajahaya

April 8, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Nolol xumo ka dhalatay biyo yari ku haysa Muqdisho in ka badan 12,000 oo qoys

April 6, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas ku xarooday xeryaha Baardheere oo la il-daran nolol xumo ka dhalatay dhaqaale la’aan

March 27, 2026
Next Post
Dhaawacyada duqeyntii Hoosungow diyaaradaha dagaalka Kenya ka geysteen oo laga deyrinayo

Dhaawacyada duqeyntii Hoosungow diyaaradaha dagaalka Kenya ka geysteen oo laga deyrinayo

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 17-APR-2026

IDAACADDA 17-APR-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 17-APR-2026
Episode play icon
IDAACADDA 17-APR-2026
April 17, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 16-APR-2026
April 16, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 15-APR-2026
April 15, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 14-APR-2026
April 14, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 13-APR-2026
April 13, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo