Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Barakacayaasha iyo Qaxootiga

soomaali qaxooti ah oo ku dhibaataysan xero ku taal bariga dalka suudaan

admin by admin
November 25, 2011
in Barakacayaasha iyo Qaxootiga
0
soomaali qaxooti ah oo ku dhibaataysan xero ku taal bariga dalka suudaan
0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

blankXeradan qaxootiga ah oo ku taala bariga dalka Suudaan oo lana yiraahdo Shagaraab ayaa waxay Soomaalida ku jirtaa ka cabanayaan nolol xumo aad u ba’an oo isgu jirta hoy la’aan, biyo la’aan iyo cunto la’aan.

Qaar ka mid ah haweenka ku jira xeradaas oo lasoo xariiray raadiha Ergo ee Khartuum waxay u sheegeen in xeradaas qaxootiga Shagaraab ay ku dhibataysan yihiin qaxooti Soomaali u badan oo intooda badan markoodii hore aha dad tahriibayaal ah oo u socday dalkaasi liibaya oo lacagtii ay wateen halkaasi kaga go’day.

Faadumo Maxamuud Nuur oo haysata 3 carruur ah midna uu kaga soo geeriyooday xuduuda saxaraha ah ee u dhaxaysa Eretariya iyo Suudaan, carruurta aabahoodna uu ku geeriyooday xerada qaxootiga Shagaraab ayaa waxa ay Radiyo Ergo u sheegtay in aysan haysan wax ay carruurta ku biisho oo aan ahayn in ay dhar usoo meydhto  reeraha Suudanta ah ee dagan goobtay ku taal xeradaas.

Faadumo ayaa waxay hoosta ka xariiqday in dhibatadan ay haysato dhamaan dadka Soomalida ah ee ku jira xeradaas, iyadoo intaas ku dartay meesha ay xerada ku taal oo ah meel aad u kulul oo mararka qaar uu heer kulku gaadho 50 digree (cabirka heer kulka lagu cabiro).
Faadumo oo ka warbixisay sida ay tahay xaaladeeda iminka hadaladeedana waxaa ka mid ahaa.

“Meesha meel lagu noolaan karo maaha hadana meesha ay ku dhigto daruufta waad iska fadhinaysaa, waxaan nolol maal meedka kasoo eryaa oo ilmaha ku maareeyaa kolba xaafadaha oo marba tii u baahan aan u tago oo dhar usoo maydho, waxaasna ma ahan wax dabooli kara baahidayda iyo tan carruurta”.

Ilmahayga kan ugu yar waa bil jir hadda, kan ka wayna waxa uu jiraa 6 sano gabdha ka roona waxay jirtaa 9 sano, carruurtii waa wax saas ah, iyaga laftirkoodii waxay kaa rabaan arad tirkoodii, kabahoodii, cuntadoodii ma wada heli kartid hadana waxaan ka soo helay dharkaan soo maydhay ayaan xaga daruuriga ku beegtaa, dugsi iyo wax barasho toona ma haystaan maxaan ku iraahdaaye Khalwo (dugsi qur’aan) iyo ma dhigtaan”

Xeradda Shagaraab waxay ku taalaa barta xuduudka saddex geesoodka u dhexeeya Suudaan, Ereteriya iyo Itoobiya, waxaa ku jira 60 meeyo qoys oo u badan haween iyo carruur Soomaaliya, waxaase jira tiro aan la cadayn karin oo maalin kasta soo gasha kana sii gudubta iyagoo ku sii jeeda safarka tahriibka ah ee ay ku beegsanayaan Liibiya siduu Ergo u sheegay mid ka mid ah hawl wadeenada UNHCR ee xeradaas magaciisana ku soo koobay Mumin,  waxaa kaloo xeradda ku jira qaxooti u dhashay wadamadda Ereteriya iyo Itoobiya.

Dhibaatadan haysata dadkas qaxootiga ah ee ku jira xeradas Shagaraab ayaa waxa sii cuslaynaya qul qulka dadka tahriib doonka oo maalmahan dambe ay Suudaan kusoo qul qulayeen tahriibayaal Soomaali ah.

Fiidow Maxamuud/MH

Previous Post

Khibradihii ay tahriibka ka kororsadeen muhaajiriinta soomaalida iyo itoobiyaanka ah

Next Post

Bandhig loo qabtay barta internetka cusub ee Radio Ergo raadiyaha arrimaha bina’aadanimada Soomaaliya

Related Posts

Qoysas laga raray xeryo ku yaalla Kismaayo oo ka cabanaya shaqo la’aan iyo nolol xumo
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas laga raray xeryo ku yaalla Kismaayo oo ka cabanaya shaqo la’aan iyo nolol xumo

September 3, 2026
Xoogsato laga hor istaagay shaqadooda oo Baydhabo ku wajahaya nolol xumo
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Xoogsato laga hor istaagay shaqadooda oo Baydhabo ku wajahaya nolol xumo

August 29, 2026
Qoysas nugul oo ku xoolo beelay roob la’aanta oo ku biiray xero ku taalla Gaalkacyo
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas nugul oo ku xoolo beelay roob la’aanta oo ku biiray xero ku taalla Gaalkacyo

August 28, 2026
Kalluumeysto barakac ku ah Muqdisho oo ka cabanaya xirfad la’aan ka dhan ah shaqadooda
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Kalluumeysto barakac ku ah Muqdisho oo ka cabanaya xirfad la’aan ka dhan ah shaqadooda

August 24, 2026
Beeraley colaad uga cararay dalagyo u soo go’ay oo nolol xumo ku wajahaya Baydhabo
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Beeraley colaad uga cararay dalagyo u soo go’ay oo nolol xumo ku wajahaya Baydhabo

August 10, 2026
Mandheera: Qoysas ka soo kaban waayay fatahaad baabi’isay beerahooda
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Kalluunka laga jillaabto webiga oo badbaado kumeel-gaar ah u ah beeralayda Baarsanguuni

August 6, 2026
Next Post
Bandhig loo qabtay barta internetka cusub ee Radio Ergo raadiyaha arrimaha bina’aadanimada Soomaaliya

Bandhig loo qabtay barta internetka cusub ee Radio Ergo raadiyaha arrimaha bina'aadanimada Soomaaliya

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 20-SEP-2026

IDAACADDA 20-SEP-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 20-SEP-2026
Episode play icon
IDAACADDA 20-SEP-2026
September 20, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 19-SEP-2026
September 19, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 18-SEP-2026
September 18, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 17-SEP-2026
September 17, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 16-SEP-2026
September 16, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo