Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Xaaladihii ugu dambeeyey ee dagaallada Jubbooyinka

Radio Ergo by Radio Ergo
October 19, 2011
in Barakacayaasha iyo Qaxootiga
0
Xaaladihii ugu dambeeyey ee dagaallada Jubbooyinka
0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

blankGuluf colaadeed oo xoog badan ayaa ka aloosan gobollada Jubbada Hoose iyo Gedo iyadoo ciidamo is garabsanayaa ay si saf ballaaran ah u galeen goobo door ah. Weriyaheenna Maxamed Axmed Ilkacase oo wakhtigaan ku sugan deegaanka Qooqaani ayaana nooga warramay bal xaaladihii ugu dambeeyey.

Wuxuuna sheegay in waqtigaan ciidamada dawladda iyo kuwa Raaskambooni ay ku sugan yihiin Qooqaani, halkaasina fariisin u tahay, halka ciidamada Alshabaab ay joogaan degmada Afmadow iyo tuulo ka sokaysa lana yiraahdo Xaya.

Wax dagaal ah oo dhaca ayuu weriyuhu sheegay inay ugu dambaysay kii ka dhacay deegaanka Jilbeyste oo u dhexeeya Taabta iyo Qooqaani, halkaasoo ay ku dhinteen 35 qof ka tirsan dhinacyadii dagaallamayey, dagaalkaasoo dhacay todobaadkii la soo dhaafay.

Generaal Yuusuf Dhuumaal oo ka mid ah saraakiisha hoggaaminaysa ciidmada dawladda Soomaaliya ayaa sheegay in waqtigaan ujeeddadoodu tahay sidii ay u gaari lahaayeen magaalada Kismaayo, ayna hadda wadaan qorhse ciidan oo ballaaran,

“Waxaa ciidamada dawladda oo ay kaabayaan kuwa Kenya ay kaga socdaan ururka Alshabab ilaa 4 jiho, Gedo ayey ka galeen degmada Ceel Waaq, Dhoobley, Kulbiyo iyo deegaanno ku dhow xeebta” sarkaalkaan ayaa ammaanay siday u socdaan qorshayaashooda ciidan.

Dhinaca ururka Alshabaab ayaan isku daynay inaan la xiriirno mase noo suurto gelin inaan wax faahfaahin ah ka helno. wuxuuse wariyaheennu sheegay in degmada Afmadow oo ay cidleeyeen laba maalmood ka hor ay hadda dib ugu soo noqdeen iyagoo keenay ciidan, kuna jira abaabul dagaal.

Maxamed Axmed Ilkacase wuxuu sheegay in ciidamadii dawladda Kenya ay waqtigaan ku sugan yihiin deegaanka Taabto, xilliganna ay adagtahay in guluf colaadeed la sii wado taasoo ay ugu wacan tahay roobab xooggan oo waqtigaan ka da’aya dhulka kaymaha badan ee ku teedsan gobolka Jubadda Hoose.

Qooqaani.

Maxamed Axmed Ilkacase/MH

Previous Post

Naf iyo maal imisaa Soomaaliya ku luntay laga soo bilaabo 1991 (Warbixin)

Next Post

SEYLADA BURCO OO GANACSIGA XOOLAHA UU CAMIRMAY

Related Posts

Rag qoysaskooda oo barakac ah ka saaray nolol xumo markii ay abuurteen fursado ganacsi
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Rag qoysaskooda oo barakac ah ka saaray nolol xumo markii ay abuurteen fursado ganacsi

October 21, 2026
Somalia live news, Somali live news, Radio Ergo news, Humanitarian news
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Galgaduud: In ka badan 100 qoys oo nolol adag uu galiyay bacaadka saamayn ku haya

October 15, 2026
Cunno xumo ka dhalatay ayax burburiyay dalag u beernaa beeraleyda Mudug
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas maciin-biday Janaale, markii ay ka barakceen duqayn saamaysay noloshooda

October 13, 2026
Nolol xumo iyo dayac nadaafadeed oo haysta 500 qoys oo la dajiyay duleedka Hargaysa
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Nolol xumo iyo dayac nadaafadeed oo haysta 500 qoys oo la dajiyay duleedka Hargaysa

October 12, 2026
Qoysas ku nool Ceel-jaale oo hoy la’aan noqday xilli digniinaha El Niño ay xoogaysteen
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas ku nool Ceel-jaale oo hoy la’aan noqday xilli digniinaha El Niño ay xoogaysteen

October 9, 2026
Qoysas ku biiray xeryaha Baydhabo oo cunno xumo iyo hoy la’aan wajahaya
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas nolol quus ah ku wajahaya xeryaha Caabudwaaq oo ay maciin bideen

October 7, 2026
Next Post
SEYLADA BURCO OO GANACSIGA XOOLAHA UU CAMIRMAY

SEYLADA BURCO OO GANACSIGA XOOLAHA UU CAMIRMAY

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 23-OCT-2026

IDAACADDA 23-OCT-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 23-OCT-2026
Episode play icon
IDAACADDA 23-OCT-2026
October 23, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 22-OCT-2026
October 22, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 21-OCT-2026
October 21, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 20-OCT-2026
October 20, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 19-OCT-2026
October 19, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo