Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Xaaladihii ugu dambeeyey ee dagaallada Jubbooyinka

Radio Ergo by Radio Ergo
October 19, 2011
in Barakacayaasha iyo Qaxootiga
0
Xaaladihii ugu dambeeyey ee dagaallada Jubbooyinka
0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

blankGuluf colaadeed oo xoog badan ayaa ka aloosan gobollada Jubbada Hoose iyo Gedo iyadoo ciidamo is garabsanayaa ay si saf ballaaran ah u galeen goobo door ah. Weriyaheenna Maxamed Axmed Ilkacase oo wakhtigaan ku sugan deegaanka Qooqaani ayaana nooga warramay bal xaaladihii ugu dambeeyey.

Wuxuuna sheegay in waqtigaan ciidamada dawladda iyo kuwa Raaskambooni ay ku sugan yihiin Qooqaani, halkaasina fariisin u tahay, halka ciidamada Alshabaab ay joogaan degmada Afmadow iyo tuulo ka sokaysa lana yiraahdo Xaya.

Wax dagaal ah oo dhaca ayuu weriyuhu sheegay inay ugu dambaysay kii ka dhacay deegaanka Jilbeyste oo u dhexeeya Taabta iyo Qooqaani, halkaasoo ay ku dhinteen 35 qof ka tirsan dhinacyadii dagaallamayey, dagaalkaasoo dhacay todobaadkii la soo dhaafay.

Generaal Yuusuf Dhuumaal oo ka mid ah saraakiisha hoggaaminaysa ciidmada dawladda Soomaaliya ayaa sheegay in waqtigaan ujeeddadoodu tahay sidii ay u gaari lahaayeen magaalada Kismaayo, ayna hadda wadaan qorhse ciidan oo ballaaran,

“Waxaa ciidamada dawladda oo ay kaabayaan kuwa Kenya ay kaga socdaan ururka Alshabab ilaa 4 jiho, Gedo ayey ka galeen degmada Ceel Waaq, Dhoobley, Kulbiyo iyo deegaanno ku dhow xeebta” sarkaalkaan ayaa ammaanay siday u socdaan qorshayaashooda ciidan.

Dhinaca ururka Alshabaab ayaan isku daynay inaan la xiriirno mase noo suurto gelin inaan wax faahfaahin ah ka helno. wuxuuse wariyaheennu sheegay in degmada Afmadow oo ay cidleeyeen laba maalmood ka hor ay hadda dib ugu soo noqdeen iyagoo keenay ciidan, kuna jira abaabul dagaal.

Maxamed Axmed Ilkacase wuxuu sheegay in ciidamadii dawladda Kenya ay waqtigaan ku sugan yihiin deegaanka Taabto, xilliganna ay adagtahay in guluf colaadeed la sii wado taasoo ay ugu wacan tahay roobab xooggan oo waqtigaan ka da’aya dhulka kaymaha badan ee ku teedsan gobolka Jubadda Hoose.

Qooqaani.

Maxamed Axmed Ilkacase/MH

Previous Post

Naf iyo maal imisaa Soomaaliya ku luntay laga soo bilaabo 1991 (Warbixin)

Next Post

SEYLADA BURCO OO GANACSIGA XOOLAHA UU CAMIRMAY

Related Posts

blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Roob la’aan qalajisay beeraha oo barakicisay 300 qoys oo maciin biday Afgooye

September 30, 2026
Qoysas laga raray xeryo ku yaalla Kismaayo oo ka cabanaya shaqo la’aan iyo nolol xumo
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas laga raray xeryo ku yaalla Kismaayo oo ka cabanaya shaqo la’aan iyo nolol xumo

September 3, 2026
Xoogsato laga hor istaagay shaqadooda oo Baydhabo ku wajahaya nolol xumo
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Xoogsato laga hor istaagay shaqadooda oo Baydhabo ku wajahaya nolol xumo

August 29, 2026
Qoysas nugul oo ku xoolo beelay roob la’aanta oo ku biiray xero ku taalla Gaalkacyo
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas nugul oo ku xoolo beelay roob la’aanta oo ku biiray xero ku taalla Gaalkacyo

August 28, 2026
Kalluumeysto barakac ku ah Muqdisho oo ka cabanaya xirfad la’aan ka dhan ah shaqadooda
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Kalluumeysto barakac ku ah Muqdisho oo ka cabanaya xirfad la’aan ka dhan ah shaqadooda

August 24, 2026
Beeraley colaad uga cararay dalagyo u soo go’ay oo nolol xumo ku wajahaya Baydhabo
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Beeraley colaad uga cararay dalagyo u soo go’ay oo nolol xumo ku wajahaya Baydhabo

August 10, 2026
Next Post
SEYLADA BURCO OO GANACSIGA XOOLAHA UU CAMIRMAY

SEYLADA BURCO OO GANACSIGA XOOLAHA UU CAMIRMAY

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 02-OCT-2026

IDAACADDA 02-OCT-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 02-OCT-2026
Episode play icon
IDAACADDA 02-OCT-2026
October 2, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 01-OCT-2026
October 1, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 30-SEP-2026
September 30, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 29-SEP-2026
September 29, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 28-SEP-2026
September 28, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo