Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Barakacayaasha iyo Qaxootiga

In ka badan 120,000 oo qof oo biyo yari sababtay cunno xumo ku wajahaya Xagardheer

Jibril Osman by Jibril Osman
March 2, 2026
in Barakacayaasha iyo Qaxootiga, Cunto-Yaraanta, Wararkii u Danbeeyay
0
blank

Nimco Ciise Roobaa oo biyo ay cabaan u raadsanayda deriskeeda/ Axmed Cabdullahi/Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Biyo yari ka dhalatay cillad ku timid ceelal-biyoodyadii xerada qaxootiga Xagardheer ayaa cunno xumo iyo haraad u horseeday qoyska Nimco Ciise Roobaa, kuwaas oo aan dabka shidan 24 saac ee la soo dhaafay.

Waxay awood u yeelayn waysay in ay u aroorto ceel gurigeeda u jira 3 km. Waxay dareemaysa tabar-yari  iyo xanuun, kaddib muddo 2 bil ah oo joogto ay dhabar uga soo qaadaysay ceelkaas 20 liitar oo biyo ah.

Waxay ka mid tahay ku dhawaad 120,000 oo qof oo dhibaatadan wajahaya tan iyo bishii Diseembar ee sanadkii hore, sida uu Raadiyow Ergo u sheegay maamulka xerada oo la tacaalay cillad bixinta ceelasha.

Nimco oo  ka cabanaysa xanuun daran oo dhabarka iyo madaxa ka ahaya ayaa sheegtay in carruurteeda ay haystaan haraad iyo gaajo, maaddama ay meesha ka baxday awoodii ay ugu dooni lahayd biyaha.

Waxay xustay in ay u darsadeen ceelka ka cilladood ay bilaash biyaha uga heli jireen aana ka fogayn gurigeeda. Waxay ka dayrisay xaaladda nololeed ee biyo yaridu ay galisay qoyskeeda.

“Dabka waxaan la shidan waayay waa biyo la’aan. Ilmihii halkii jirkaan ma loogu qubeeya, cabitaan miyuu u noqonaa mise waa lagu wayso qaataa? Si loo qaybiyo ayaan la’nahay. biyo uma haayo caawa. Shalay ayaan hal jirikaan waxaan dusha uga keenay suuqa xagardheer meesha u danbaysa.”

Haweenaydan oo kaligeed korsata carruur lagu furay waa danyar aan awoodin iibsashada biyo lacag ah oo booyado ay keenaan xeradeeda. Dadka awooda ayaa iibsada, waxaana adag in dayn lagu helo.

Saamaynta biyo yarida waxay galaafatay shaqo xoogsi ah oo dhaqaale ay ka heli jirtay Nimco. Shaqadan oo ahayd dhar-dhaqis ayay sheegtay in dadkii loo qaban jiray ay ka cudur daarteen biyo yari awgeed.

Haddii ay iskudayi lahayd raadinta macaamiil hor leh waxaa caqabad ku ah biyaha ay ka doonto masaafada ka fog gurigeeda. Waxay tilmaamtay in ay la tacaalayso dhibaatooyin isbarkan.

“Intii biyaha la waayay dantu waxay igu qasabtay, maaddama carruurtu ay ciyaal yihiin oo biyo aysan dooni karin, Salaaddii waan baxayay Xagardheer guriga u danbeeya baan hal jirkaan ka keenaa. Waqtiga aan xaafadda imaanayo waa duhur.”

Waxay Sheegtay in  la daala dhacayso shaqo la’aan iyo nolol xumo ay biday biyo yarida ka jirta  xerada Xagardheer ka. Tan iyo billowgii bishii Diseembar ma helin lacag dhan 4000-5000 oo shilinka Kenya ah, taas oo maalinle ay u heli jirtay, hadda se meesha ka baxday.

“Oonka aad iyo ayuu noo hayaa. Raashin waan heli kartaa. Qof walaal ah raashin wuu ku siinayaa. Raashin caawa aan karsado guriga wuu iigu jiraa. Laakiin biyo aan ku kariyo ma haysto.”

Waxay jeclaan lahayd in si degdeg ah xal loogu helo cilladda haysta ceelka riigga ah ee cilladoobay, kaas aas-aasi u ah nolol-maalmeedka carruurteeda oo si dadban iyo si toos ahba ugu tiirsan biyaha oo ay cabid iyo cuna karinta ay u isticmaalaan, marna loogu adeego qoysaska dharka loo dhaqo.

Qoyska Nimco wuxuu sanadkii 2020 amni xumo uga soo qaxay magaalada kismaayo ee gobolka Jubbada hoose, halkaas oo sidoo kale shaqooyin xoogsi ah ay ka qaban jirta.

Dadka ugu nugul ee xaaladda biyo yarida saamaysay waa naafada iyo dadka waayeelka ah ee aan haysan taageero. Waxaa ka mid ah Xasan Cabdullaahi Khamiis oo lugta midig naafo ka ah.

Waa aabbaha qoys lix qof ah oo kaligiis oo u dhaqdhaqaaqo. Culayska ka yimid ceelka jabay oo il-biyood u ahaa wuxuu u keenay shaqo hor leh. Wuxuu ku qasbanaaday in uu socdo maalin walba 4 saac.

Ceel biyood ka durugsan ayuu ka soo qaada biyaha qoyskiisa ay isticmaalaan 48 saacba hal mar. Waa in kayar 20 litir oo si adag uu ku soo qaado.

Wuxuu sheegay in muddo labo bil ah in uu ku jiray howshan adag. Waxa u wehliya cunno xumo uu ka cabanayo, taasi oo haysa qoyskiisa.

“Aniga iyo qoyskayga biyo la’aantu aad ayay noo dhibtay biyo la’aan ba’an ayaa na hayso. Ceelkii aan ka cabi jirtay waa jaban yahay. Dhib ayaan ka maraa. Biyaha meel fog ayaan ka doonaa. Lbao caag ayaan isku xiraa. Waan soo Soo jiidaa Culays ba’an ayaan dareemayaa. Hadde si aan biyo u helno ayaan garan la’nahay.”

Wuxuu tilmaamay in ay la kulmeen haraad daran oo aysan arag muddo 20 sano ah oo Xagardheer uu ku nool yahay. Wuxuu xusay in 24-kii saacba hal mar in dabka loo shido carruurta, sidoo kalana la siiyo biyo ay nafta ku ceshataan.

Helidda biyo ay u isticaamalaan dhinaca nadaafadda ayuu sheegay in sinaba aysan ku heli karin, taas oo walaac ku haysa.

“Biyo la’aanta nahaysa awgeed ayaan xanuun uga cabsi qabnaa. Qaxootiga waan ku rafaadsan nahay. Waxaan ka baqaynaa in daacuun calooleed uu nagu dhaco.”

Waxaa ka istaagtay shaqo dhismo ah oo uu  ku maareyn jiray qoyskiisa markii uu waayay fursad uu ku raadiyo biya-yarida darteed, sida uu xusay. Wuxuu tilmaamay in uu hadda qoyska ku maareeyo dayn uu ka qaato dukaamo  uu hore  macmiil ugu ahaa.

Qoyska ninkan waxay soo maciin-biday Dhadhaab burburkii dalka kadib. Wuxuu ka soo qaxay dagamada Jammaame oo calaad ay ku saamaysay. Wuxuu ka qaban jiray shaqada dhismaha guryaha.

Afar ceel oo riigag ah ayaa ciladoobay sanadkii u danbeeyay, kuwaas oo aan helin dayactir, waxaana arrintan ay ku soo aadday xilli cimilada ay kulushahay, isla markaana la gudagalay bisha Sooqaad.

Abuukar Shiikh Cabdullaahi gudoomiye ku xigeenka Xagardheer ayaa Radio Ergo u sheegay in maamulka xerada uusan awood u lahayn xal u helidda cillada ku timid ceelasha oo dhaqaale badan ku kacaya in la dayactiro.

“kulaylkii baa saa’id u batay. Matooradii iyaga oo markii hore biyo badan aan lahayn waa wada fariisteen. Aad baan halis ugu jirnaa. Mar hadii biyihii ay aad u yaraadeen oo helitaankoodii uu aad u adag yahay, xataa qofkii isagii oo laga yaabo in uu raashin haysto uu waayo wuxuu kor karsado.  Waa xaalad aad halis u ah. Wax qarsoon maahan.”

Biya-yaridan ayaa kusoo aaday iyadoo xiliyadii danbe ay sii yaraanayeen gargaarka la siiyo qaxootiga ku jira xeryaha Dhadhaab.

Previous Post

Reer-guuraaga Sanaag oo wajahaya cudurro uga dhacay xoolaha iyo cunno xumo

Next Post

Bay: Waxbarasho la’aan soo wajahday carruurta qoysas ka barakacay roob yarida

Related Posts

Nolol xumo ka dhalatay gargaar ka istaagay boqollaal qoys oo ku nool Mudug
Wararkii u Danbeeyay

Nolol xumo ka dhalatay gargaar ka istaagay boqollaal qoys oo ku nool Mudug

March 11, 2026
Beeraley roob yari iyo bacaad ay saameeyeen oo ku barakacay Shalaanbood
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Beeraley roob yari iyo bacaad ay saameeyeen oo ku barakacay Shalaanbood

March 10, 2026
Warbixin ay baahisay Ergo oo ka caawisay dad barakac ah in ay helaan dhul ay leeyihiin
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Warbixin ay baahisay Ergo oo ka caawisay dad barakac ah in ay helaan dhul ay leeyihiin

March 6, 2026
Gedo: Rag shaqo ka helay beero ku yaalla Baardheere oo qoysaskooda ka saaray nolol xumo
Cunto-Yaraanta

Gedo: Rag shaqo ka helay beero ku yaalla Baardheere oo qoysaskooda ka saaray nolol xumo

March 5, 2026
Mudug: Daymo ka istaagay iyo abaaro is xig-xiga oo nolol xumo u bidday boqollaal beeraley ah
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Bari: Nolol xumo ku dhacday beeralayda Caluula markii ay biyo la’aan uga qalaleen dalagyada

March 4, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Bay: Waxbarasho la’aan soo wajahday carruurta qoysas ka barakacay roob yarida

March 3, 2026
Next Post
blank

Bay: Waxbarasho la'aan soo wajahday carruurta qoysas ka barakacay roob yarida

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 11-MAR-2026

IDAACADDA 11-MAR-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 11-MAR-2026
Episode play icon
IDAACADDA 11-MAR-2026
March 11, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 10-MAR-2026
March 10, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 09-MAR-2026
March 9, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 08-MAR-2026
March 8, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 07-MAR-2026
March 7, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo