(ERGO) – In ka badan 200,000 oo qoys oo danyar, xoolo dhaqato iyo beeralay isugu jira ayaa xaalado cunno xumo, biyo yari iyo hoy la’aan ah ku wajahaya deegaannada Xiriiro, Barookhle iyo miyiga u dhow. Warbixin ay 22 Janaayo ay soo saartay hay’ada ICRC ayaa tiradan lagu xaqiijiyay.
Dadkan waxaa isku raacay abaarta oo ka laysay xoolihii, beerihiina nacfi tirtay iyo dagaalka Calmiskaad oo horay u saameeyay ilihii ay ku tiirsanaayeen. Waxaa qallalay ceelashii biyaha, iyadoo deegaannadan ay xirmeen xarumihii waxbarashada iyo caafimaadka.
Mahado Cilmi Mataan waxay sheegtay in 180 ari ah oo noloshoodu ay ku tiirsanayd ay ka dhinteen 150 ka mid ah. Waxaa u jooga 30 neef oo jiilaalku ka dhigay kuwo aan lahayn cad, caano iyo iib toona. Arintaan ayaa sababtay in ay carruurteeda oo 11 ah u awoodi wayso cunno, biyo iyo gabaad.
‘Xaaladeenu waa adag tahay wax aan cuno ka baxsano ma haysano wax shaqo ah oo meel nooga yimaada ama cid wax noo soo tuurtana ma jiraan. Baahi ayaa jirta oo col iyo abaar ayaa na helay. Saamayn weyn ayaa jirta dad guryahoodii ka soo barakacay ayaa nahay.”
Mahado ayaa sheegtay in dagaallada iyo roob la’aantu ay burburiyeen hab-nololeedkoodii. Waxay tilmaamtay in ay ku jiraan xaalad adag oo aysan horay u soo marin. Carruurteeda oo ah agoon ay kaligeed korinayso ayay sheegtay in ay mar u kariso raashin ay dayn uga soo qaado dukaamo ku yaalla deegaanka xiriiro.
Dayntaas oo ay qaadanaysay ku dhawaad sanad ayay sheegtay in ay ku gaartay in ka badan $1,000. Mararka qaar ayaa loo sii diidaa oo ay soo laabataa iyadoo faro maran, taas oo keentay in ay gaajo ku seexdaan carruurteeda oo 5 jir ugu yar yahay.
Qoyskeeda waxaa saamayn ku haysa biyo yari. Waxay sheegtay in booyado ka soo qaada magaalooyinka Carmo iyo Boosaaso oo qiyaastii u jira in ka badan 100 km ay deegaanka ku keentay $300 oo aysan heli karin.
Kala fogaan dhulka iyo wadooyinka oo raf ah ayaa sababay in ay qaali noqdaan. Culayskaas dhaqaale ayaa ku qasbay in ay qoysaska biyaha shubta 20 liitar waydiisato maalinkii, halka neefafka u jooga ay ku barido dadka xoolaha shubanaya in qofbaa qaar u waraabiyo.
“Wadankaan labo sano roob kama di’in. Biyo ayaa lagu nool yahay gaadiidkii dhaamin jirayna waa gadan weynay. Meel ceelasha ka fog ayaan joognaa. Gargaar biyo ayaan u baahanahay. Wax lagu noolaado ma jiraan hadda.”
Mahado ayaa sheegtay in xaaladdaan ay u dheer tahay hoy xumo. Waxay degan yihiin buush ay ka samaysay maryo iyo geedo ay isku dartay oo dhinac ay jiingad ka saartay, kaas oo aan wada qaadin qoyskeeda oo badan. Habeenkii ayay xustay in ay carruurta kuwa yar yar seexiso maalinkiina ay geedaha harsadaan.
Dadkii ka barakacay dagaallada Calmiskaad waxaa xaaladooda sii xumeeyay roob la’aanta oo si isku mid ah u saamaysay ililihii noloshoodu ay ku tiirsanayd. Kaalmo la’aanta iyo kaydadkii ay la soo guureen oo meesha ka baxay ayaa uga sii daray.
Dhudi Guuleed Xasan waxay qoyskeeda oo 9 ah u la’dahay cunno iyo biyo ay ku noolaadaan. Waxay sheegtay in ay hal mar dabka saartaan in yar oo uga harsan 30 kiilo oo masago ah oo maamulka deegaanka Barookhle uu siiyay dhamaadkii bishii December.
Haweenaydaan ayaa xustay in dhaqaale xumadu ku sababtay in aysan xitaa dayn qaadan karin. Waxaa deegaanka Barookhle oo ay u ku sugan yihiin looga leeyahay $500. Buugeedii ayaa la xiray horaantii Sanadkan, markii dhowr mar oo laga dalbaday ay waxba bixin waysay.
“Markaan imaanay daynta waa nala siin jiray, laakiin hadda waqtiga ayaa xummaday oo nin-walba xoogaagiisa isagaa reebtay kii gacan marnaana xaaladiisu waa adag tahay, awalna xoolo badan ma aanan lahayn meeshii aan xijiga ka guran jirnayna waa ka nimid.”
Dhudi ayaa sheegtay in markii ay deegaankeeda joogtay ay haysteen nolol middaan dhaanta. Waxay ku tiirsanaayeen xijiga oo ay labo mar guran jireen sannadka iyo ari yar oo ay ku haysteen tuulada Xagar.
Xero barakac oo duleedka Barookhle ah oo ay degan yihiin hadda waxay ku wajahayaan hoy la’aan. Qoys ay qaraabo yihiin ayaa ku caawiyay hal qol oo jiingad ah, kaas oo aan ku filayn carruurteeda. Odaygeeda waxay sheegtay in uu ka mid yahay ciidanka dagaalka ku jira oo uusan qoyska waxba ku soo kordhin.
Biyo, baad yari iyo cudurro isku raacay ayay labadii bil ee ugu danbaysay uga dhinteen 56 ka mid ah lixdan ari ah oo ay kala soo barakaceen deegaanka Xagar ee gobolka Bari. 4 neef oo u jooga waa wayd u baahan raashin, balse aysan u awoodin, kuwaas oo aysan rajo badan ka qabin in ay sii noolaan karaan.
Xaaladaan barakaca iyo wax la’aanta isbiirsaday waxaa uga waxbarasho beelay labo carruurteeda ah oo dugsi dhexe uga dhigan jiray deegaankoodii. waxay xustay in ay bixin waysay min $5 oo lagu dhigto iskuullada deegaanka Barookhle.
“Wax la’aan ayaa looga reebay iskuulkii iyo Qur’aankii labadaba. Anaguna guriga ayaan ku haynaa inlee haddii aysan tabar jirin cid loogu caroonayo ma jirtee.”
Dhudi ayaa sheegtay in sadddex carruurteeda ah ay qandho badan, qufac iyo shuban ku aragtay labadii toddobaad ee ugu danbaysay. Ma awoodo dhaqaale ay ku gayso isbitaallada magaalooyinka kale, xerada ay degan yihiina kama jirto xarun caafimaad ah, taas oo walwal hor leh ku abuurtay.
Haweenaydan ayaa sheegtay in ku dhawaad 40 sano oo ay ku nooleyd buuraha Calmiskaad ee gobolka Bari ay tahay markii ugu horaysay ee ay ka barakacdo. Dagaallada weli ka socda buuraha gobolka ayaa ka hor taagan in ay deegaankoodii dib ugu laabtaan.
Danta ayaa ku qasabtay in ay nolol ka raadiyaan xeryo buux dhaafay oo aysan ka jirin adeegyada aas-aasiga ah, balse kaliya ay amaan ku haystaan.
Warbixin ay hay’adda ICRC soo saartay 22 Janaayo ayaa walaac looga muujiyay xaaladaha adag ee ay hal sano kadib ku sugan yihiin dadka ay saameeyeen dagaalada ciidanka Puntland ay kula jiraan kooxda Daacish.
Cadiraxmaan Abdullaahi oo ka tirsan ayaa sheegay in dhulkii lagu dagaalamay oo aan wali laga sifayn miinooyinka iyo haraadiga hubka, ceelashii biyaha oo qallalan, nacfigii beerihii oo meesha baxay, xoolihii oo le’day, adeegyada waxbarashada iyo cafimaad oo burburay ay sababtay in nolosha dadku hoos u dhacdo.
“Meelaha qaarkood ee dadku tageen xitaa ma lahan awooda gaaritaanka waddo la’aan darteed. Noloshooda aad ayay uga sii liidataa sidii hore. Waxay joogaan guryo aan dhaxan iyo qorax celinayn iyo cunto hal mar ah sababtoo ah hab-nololeedkoodii ayaa burburay abaarta iyo colaada dartood.”
Cabdiraxmaan ayaa sheegay in sanadkii hore ay saddex xirmo oo daawooyin iyo agabka qalliinka ah ku wareejiyeen isbitaallada gobolka Bari iyo Balli-dhidin, iyagoo dib u dhis ku sameeyay xarunta caafimaadka isku-shuban. Waxay sidoo kale cawimaad cunno gaarsiiyeen ku dhawaad 10,000 oo qoys, balse ah wax aad u yar marka baahida jirta loo eego.
Qoysaskaan oo saamaynta roob la’aanta ku waayay ilihii ay ku tiirsanaayeen waxay quus ka muujinayaan maaraynta noloshooda, maaddaama ay waayeen xoolaha oo laf dhabar u ahaa.









