Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Gedo: Dab ganacsi la’aan iyo nolol xumo biday qoysas barakac ku ah Doollow

Jibril Osman by Jibril Osman
February 4, 2026
in Barakacayaasha iyo Qaxootiga, Cunto-Yaraanta, Wararkii u Danbeeyay
0
Gedo: Dab ganacsi la’aan iyo nolol xumo biday qoysas barakac ku ah Doollow

Haweenay shaax ku hor-gadaysa dukaan ka gubtay/kaydka Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Waxaa isku biirsaday burbur ku yimid ganacsi uu lahaa iyo gargaarkii hay’adaha oo ka istaagay qoyska Nuunow Mustaf Ibraahim oo barakac ku ah dagmada Dollow, kuwaas oo wajahaya xaalad nolol xumo.

Dab baabi’iyay dukaan uu ku iibinayay raashinka iyo bagaashka 28 Diseembar ee sanadkii hore ayaa ka dhigtay Nuunow mid la soo bixi waayay cunnada qoyskiisa oo 3 ah. Waxay maciin-bidaan ehelladooda.

Waxaa la mid ah konton qoys oo ku hanti beelay dab burburiyay suuq ay ku lahaayeen xerada Kabaaso. Dabka ka hor waxay ahaayeen dad iska caabiyay nolosha adag ee barakaca, lana soo bixi jiray cuunada.

Qoyska Nuunow waxaa ku filnaan waayay kaalmada raashin ee uu ka hello dad ay ehello yihiin, kuwaas oo 24 saacba mar ay dabka saartaan. Wuxuu ka dayriyay in aysan ku filnayn, joogtana ahayn taageerada.

Toddobaadkiiba waxay siiyaan 2 kiilo oo bariis ah iyo kiilo saliid ah, si kastaba ha ahaatee wuxuu xusay in raashinka yar ay beeqaamiyaan, maaddama uu yahay rajadooda kaliya ee ay haystaan xilligan adag.

“Hadda wax qaraabada iyo dariska inoo keenaan mooyee waxkale oo aan haysano malahan. Dukaanka ayay nolosheenu ku tiirsanayd, dukaankina waa kaa gubtay. Marka xaalka jiro ayaa kaas ah. Dukamada ayaan ku tiirsanayn. Wax kale oo kayd ah oo noo yaalay malahayn, marka dadka dhan isku marxalad ayay ku suganahay.”

Wuxuu tilmaamay in ganacsiga ka gubtay in dhib badan u maray yagleeliddiisa isagoo ka soo billaabay bagaash uu magaalada ku wareejin jiray. Dabka baabi’iyay oo kacay xilli habeen ah ayuu sheegay in uu rajo beel ku riday.

Waxaa meesha ka baxay $6 oo qoyskiisu uu maalintii ka dhigan jiray nolol-maalmeedka, taas oo Nuunow uu ka soo saari jiray ganacsigiisa. Lacagtan waxay ku bixi jirtay raashinka qoyska iyo caanaha lagu lasiiyo labo ilmood oo ka yar da’da shanta sano.

Wuxuu xusay caana-booraha ah oo cunnada kaliya ee ay ku nool yihiin uu gabaabsi ka siiyay. Wuxuu u iibiyay billowgii bishan markii lacag dayn ah uu ka helay qof ka mid ah ehelladiisa. Wuxuu gocanayaa noloshii uu ku jiray qoyskiisa, xilligii uu lahaa dukaanka.

“Aniga dukaankeyga waxa uu ahaa midka ugu hantida badan. Lacag $12,000 ah iiga gubatay. Marka nolosheyda maanta mid la qiyaasi karo maahan runtii. Shalay waxaan ahaa qof dukaankiisa ku tiirsanaa, maantana ah mid darbiyada iska taagan oo bulshadu indhahooda ku daawanaya ayaan ahay. Dukaanka waxaa ku tiirsanaa saddex qoys keyga ayaana afar ku ahaa. Isha kaliya dhaqaale ee ay haysteena, kaas kaliya ayuu ahaa. Maanta ninka u cararayay oo u xamaalaayay aniga ayuu ahaa oo aan ku biilaayay ee ma jirto meel kale oo aan aniga ka biilaayay.”

Hantida ka burburtay Nuunow waxay ku soo aadaysaa xilli la dhimay kaalmadii cunno iyo middii lacag ee la siin jiray qoysaska barakaca ah ee ku jira xerada Kabaaso oo ku taalla Dollow. Wuxuu xusay in shan bil ka hor qoyskiisa ay ka istaagtay gargaar raashin oo bille ay u siin jirtay WFP.

Waxay iskugu jirtay min 20 kiilo oo bur, bariis iyo galley ah. Gaarka uu waayay saamayn ku mayeelan qoyskiisa, maaddama ay ku naaloonayeen dhaqaalaha maalin laha ah ee ka soo galayay dukaankiisa, balse wuxuu sheegay in hadda aysan jirin cid kaga baahi badan dib u helidda cunnadaas.

Nuunow oo 35 jir wuxuu dhowr jeer ku guuldaraystay in uu helo shaqo xoogsi ah si uu u dabooli baahida qoyskiisa. Wuxuu sheegay in fursadaha shaqo oo yar iyo dhaqaalaha dadka soo gala oo yar ay saamayn taban ku yeelatay qorshihiisa shaqo raadinta.

Saamayn nolol xumo oo guud ayaa ka dhalatay ganacsiga ku gubtay xerada Kabaaso, kaas oo inta badan ay la ahaayeen qoysas ku jira xaalad barakac. Boqollaal qoys ayaa si toos ah iyo si dadban ugu tiirsanaa.

Sida uu inoo xaqiijiyay maamulka xerada Kabaaso ganacsiyada gubtay mid kasta oo ka mid ah waxaa ka shaqaynayay labo ama saddex shaqaale ah, kuwaas waayay shaqadooda, sidoo kale waxaa qutu-yoomka ka heli jiray dad aan waxba haysan oo u soo dawarsi tagi jiray suuqa.

Muqtaar Isaaq Cabdi oo hanti gaaraysa $11,000 ku waayay dabka wuxuu la daalaadhacay saamayn nolol xumo oo ka dhalatay. Wuxuu sheegay in tirada qoyskiisa oo badan iyo duruufta soo wajahday ay bidday xaalad ka daran tii abaartay ee ka soo ka xaysay miyiga.

Carruurtiisa oo 19 ah waxay biilan jireen bakhaar cunnada iyo bagaashka lagu iibin jiray, kaas oo ku basbeelay dab ka kacay suuqa gaar ahaan qaybta raashinka iyo maacuunta. Arrinta waxay galaafatay cunno saddex waqti ah oo qoyskiisu ay joogto u heli jireen.

Hase ahaatee, hadda waxaa ku adag helidda hal waqti waxay quutaan. Ganacsigiisa waxaa ku tiirsanaa afar qoys, kuwaas xaalad adag ku jira tan iyo billowgii bishan Janaayo

“Dukaanka ayay ku xirnaayeen oo meel kale ma jirto. Waagi hore beeraha ayaan ku maaweelin jiray.. Hadda wixi dhamaa dukaanka ayaan iskugu gaystay oo reerki dhan dukaanka ayay saarnaayeen. Saddexda waqti toos ayay ugu adeegan jireen. Hooyadey iyo labo wiil oo walaalkey dhalay dukaanka ayay ka adeegan jireen iyagana saas ayay dulsaar iigu ahaayeen oo afar qoys ayaa ku tiirsanaa. Meel kale haddii aan wax looga keenayn iyo meel kale oo loo qayliyo hadde culays wuu jiraa.”

Wuxuu sheegay in dayn marna loo diido marna la siiyo ay ku tiirsan yihiin, taas oo uu aaminsan yahay in aysan sii socon karin marka daymo badan ay isku tagtagaan. Kiilo bariis ah haddii la helo ayuu xusay in qoyskiisa ballaaran ay wadaagaan, taas oo ku filnayn, balse gaajada la iskaga xijiyo.

Dukaankiisa ayuu xusay in aysan waxba ka badbaadin. Waxaa uga qasaartay $11,000 oo uu ku qiyaasay hanti u taallay. Ganacsigan wuxuu furtay bartamihii sanadkan, markii lacag uu ka helay beero uu ka shaqeeyay iyo mid dayn ku helay uu ku furtay.

Ninkan oo 55 jir ah wuxuu jid-dheer u soo maray hirgalinta ganacsigan. Sanadkii 2016 ayuu ku cayroobay abaar ka dishay 28 geel iyo 150 ari ah. Wuxuu u soo hayaamay Doollow oo ka billaabay falidda beeraha. Wuxuu sheegay in ganacsigii halganka uu u soo maray ugu danbayn uu basbeelay.

“Horta Ilaah ayaan taageero weydiisaneynaa oo Alle wax badal qeyr qabo hana siiyo. Midda labaad qofkii na taageeri karo wax walbo ayaan uga baahanahay. Waad dareemi kartaa qofkii wixii uu haystay ay ka gubteen oo ay ka basbeeleen taageero waa uu ubaahan yahay.”

Ganacsato aan badnayn ayaa isku dayaya in ay dib uga soo kabtaan qasaaraha hanti la’aanta iyo nolol xumada inkastoo duruuftu u run sheegtay. Waxaa ka mid ah Hodan Maxamed Xasan oo dib u howl-galisay dukaan ay ku iibin jirtay dharka, kaas oo dabku uu saameeyay.

Lacag ay dayn ku heshay ayay ku dhistay dukaanka qaybaha uu ka burburay, balse waxay awood u waysay in ay soo dhigto dharkii jumlada iyo tafaariiqda ahaa ee ay gadi jirtay. Waxay subax walba ku kallahdaa bakhaarrada magaalada si u hesho dayn kale oo ku camirto meherada.

Labadii toddobaad ee u danbeeyay ku howlanayd qorshahan, balse weli ma helin cid siisa dayn ay dib ugu furto ganacsigeeda. Hodan dhinaca kale waxay wajahaysa dhibaato nolol xumo oo haysta.

“Awal dad subixii soo kaca oo suuqaas ganacsigooda iskaga haysto oo hantidoodi u taalo oo iska ganacsanaya ayaan ahayn, kadib waxaa xigtay in wixii ay isku bas-beelaan oo ay xaaladii isbeddasho. Ma jiraan wax ka ceentay oo laga bixiyay. Carada oo isku gubatay oo isku basbeeshay oo waxba laga bixinin ayaan imaanay. Guurigi dayn ayaan ku dhisnay oo aan soo qaadnay wax la galiyo ayuu rabaa dhib waa iska jiraa, laakiin waa wax uu Alle keenay.”

Dhinaca kale waxay sheegtay in nolol ahaan ay liitaan qoyskeeda oo aan heli karin inta badan 24 saacba hal mar waxay karsadaan. Waxay ka kooban yihiin toban, kuwaas oo carruur aan gaajada xamili karin ay ku jiraan sida ay sheegtay.

Ganacstada hanti belay waxay u badnaayeen kuwa horay u soo maray waayo aragnimada cayrta. Waxay ku xoolo beeleen abaaro sanado kala duwan qayb ka tirsan dalka ku dhuftay, kuwaas oo ay ka dhaxleen waayo aragnimo badan.

Previous Post

Xaalad quus ah oo ka dhalatay roob la’aanta ka sii daraysa ee haysa qoysas ku nool Bari

Related Posts

Xaalad quus ah oo ka dhalatay roob la’aanta ka sii daraysa ee haysa qoysas ku nool Bari
Beeraha Iyo Xoolaha

Xaalad quus ah oo ka dhalatay roob la’aanta ka sii daraysa ee haysa qoysas ku nool Bari

February 3, 2026
Dhoobley: Qoysas barakac ah oo abuurtay il-dhaqaale oo lagu garab-siiyay
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Dhoobley: Qoysas barakac ah oo abuurtay il-dhaqaale oo lagu garab-siiyay

February 2, 2026
blank
Cunto-Yaraanta

Waayeel iyo dad nugul oo looga guuray deegaan roob la’aan ah oo Hargaysa hoostaga

January 30, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Kumannaan qof oo dhibaato nolol xumo ku wajahaya  deegaannada Koonfur-galbeed

January 29, 2026
Mudug: Xoolo-dhaqato hore oo nolol xumo kaga baxay tacabka dhulka oo ay ku dhiiradeen
Beeraha Iyo Xoolaha

Mudug: Xoolo-dhaqato hore oo nolol xumo kaga baxay tacabka dhulka oo ay ku dhiiradeen

January 28, 2026
Qoysas ku biiray xeryaha Baydhabo oo cunno xumo iyo hoy la’aan wajahaya
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas ku biiray xeryaha Baydhabo oo cunno xumo iyo hoy la’aan wajahaya

January 26, 2026

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 03-FEB-2026

IDAACADDA 03-FEB-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 03-FEB-2026
Episode play icon
IDAACADDA 03-FEB-2026
February 3, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 02-FEB-2026
February 2, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 01-FEB-2026
February 1, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 31-JAN-2026
January 31, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 30-JAN-2026
January 30, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo