Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Dhoobley: Qoysas barakac ah oo abuurtay il-dhaqaale oo lagu garab-siiyay

Jibril Osman by Jibril Osman
February 2, 2026
in Barakacayaasha iyo Qaxootiga, Wararkii u Danbeeyay
0
Dhoobley: Qoysas barakac ah oo abuurtay il-dhaqaale oo lagu garab-siiyay

Nin ku jira xaalad barakac oo samaystay il-dhaqaale oo qoyskiisu ay ku tiirsan yihiin/kaydka Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Boqollaal qoysas oo barakac iyo danyar isugu jira oo ku nool deegaanka Dhoobley ee gobolka Jubbada hoose ayaa ka soo kabtay nolol xumo. Waxaa isbeddelkan u sahlay ilo-dhaqaale oo joogto ah oo ay ku abuurteen $360 oo barnaamijka gargaar Baxnaano qoyskiiba ay ku siiyeen hay’adaha NRC iyo WRRS bishii September 2025.

Aamina Ismaaciil Cumar waxay lacagtaas uga faa’iidaysatay inay daqli ka samayo ari wayd ah oo inta ay naaxiso ay dib u iibiso. Waxay qoyskeeda oo deggan xerada Danwadaag arrintan u horseeday nolol ka wanaagsan middii ay hore ugu sugnaayeen.

Haweeneydan ayaa sheegtay inay ganacsigan billowgii ku ibo furtay toban orgi oo yaryar midkiiba ay ka bixisay 22 doolar, waxay dib ugu gaday markii ay daryeeshay min $33. Waxay labadii toddobaadba heshaa ugu yaraan $70.

“Wax wayn ayaa iska beddelay. Sabab too ah. Awal xoolaba maanaan lahayn. Haddase xoolo ayaan leenahay oo nolashooda ku dabarikara wax hortooda taagan oo iyagu mulki u leeyihiin. Markii hore dad aan waxba haysanin ayaan ahayn.”

Aamina ayaa sheegtay inay hadda ku joogaan 22 neef. Saddexdii bilood ee la soo dhaafay waxay soo iibsatay riyo riman kuwaas ooh adda u dhalay oo ay ka hesho caano iyo orgi ay faa’iido ka raadiso.

Waxay tilmaamtay in culayskii dhaqaale iyo cunno yari haystay ay ka baxeen. Carruurteeda ayay xustay inay u listo ariga irmaan isla markaan ay dhabanahaan soo kabteen.

Amina ayaa sheegtay inay horay u taqaanay dhaqashada xoola, sida loo badiyo tarankooda iyo nacfigooda, taas oo u riixday inay ka ganacsado si ka duwan sidii hore.

“Neefkii waxaa laga yaaba afar boqol oo faa’iido ah in ay ka soo baxdo. Mid kale afar boqol ka soo hara oo SH SOM ah. Lacagtaas ayaan isku aruurinayaa. Labada milyan ee SH SOM aan hello ayaan duruufta I hortaagan ku maareeya. Raashin ha ahaato ama cafimaad ha ahaato ama dharka iskuulka ha ahaato. Baahida markaas I hortaagan ayaan ku bixiyaa.”

Haweeneydan ayaa sheegtay inay nolosh barakac ka fursan waayeen markii abaaro isxigxigay ay u dhaafeen 150 oo ay ku dhaqanayeen miyiga degmada Jilib ee gobolka Jubadda Dhexe.

Aamina ayaa xustay markii ay yimaadeen deegaanka in maamulka Dhooblay uu u siiuyay dhul nus hektar ah si ay tacbadaan, balse fatahaad dhacday dhamaadkii 2023 ayaa sababtay inuu ka aasmo ceel biyood ay ku waraabsan jirtay dalagyada. Waxay intaas raacisay inay waayeen dhaqaale ay dib ugu dayac-tiraan iyada iyo 20 kale oo ah haween ay beeralay isla ahaayeen.

“Suuqa waxaan ka helli jirnay lacag kaash ah. Ilmaha waa noo cunni jireen oo qukhaar meel looma dooni jirin. Marka anaga lacagta kaashka ah waxaan ku soo iibsan jirnay raashinka. Dad waxaa jira beerihii ka xumaadeen baxnaano aan waxba kala hadhin. Dadka waa kala fikir duwan yihiin. Dad sidayda ah oo badan oo baxnaano wax kala hadhay ayaa jira”.

Aamina ayaa ka welwel la’ quudinta carruurteeda siddeed agoon ah. Waxay ku taamaysaa inay dib ugu laabato noloshii xoolo dhaqashada oo ay ku soo garaadsatay haddii ay u tarmaan xoolaheeda.

Mashruucan waxaa ka faa’iidaystay 8,040 qoys oo ku nool Dhoobley. dhaqaalaha bixiyay Banking Aduunka oo soo marsiiyey dowllada Soomaaliya, halka ay hay’adahana fuliyeen.

Hodan Maxamed Cabdi gargaarka uga faa’iidaysatay inay miis lagu gado khudaarta, milixda iyo agabyo kale ay ka furatay xerada ee Kaam Qorax. Waxay sheegtay in markii lacagta ay heshay ay ka fekertay sidii il joogto ah ay ugu samaysan lahayd.

Haweeneydan ayaa tilmaamtay in nolosha qoyskeeda oo sdeed ah ay isbeddeshay, markii ay u billaabatay inay macaash maalinle ka hesho ganacsigeeda.

“Khudaarta hadba si ayaa loo iibsada mar $5, Mar $6 mar $7. $360 waxaan ku furtay miis khadaar iyo bagaashka lagu iibiyo sida nacnac, Oomada, Shaampada waxaas. $160 ayaan isaga bixiyey. $140 bagaash ayaan ku adeegtay. Lixdan waxaan ka soo iibsaday khudaar.”

Hodan waxay si jimlo ah uga soo iibsataa khudaarta gudaha magaalada Dhoobley, waxay si taraariiq ah dib uga sii gataa dadka degan xerada.

Hadda waxay ku filnaaday maaraynta nolasha carruurteeda oo ay saddex waqti siiso cunno leh koosaarteeda.

“Qof waxii u soo cadaada manta ilmaha dabka u saaranaysa ayaan ahay iyo qof inta uu suuqa aado aan waxba soo hellaynin waa kala fiican tahay. Qof ilmaha digir iyo bariis dabka u saaranaya iyo qof saaka inta u dhaqaaqay in shaqo soo hellinba waa kala duwan tahay”.

Haweeneydan ayaa ganacsigan habeenkii kala hoyada faa’iido u dhaxaysay lix ilaa toddobo doolar, taas oo oo kor u qaatay noloshooda.

Waxay ka fakaraysaa sidii ay u balaadhin lahayd gmiiskeeda si ay u helaan nolol wanaagsan uga baxaan nolosha barakacnimada.

“Waxaan rajaynayaa in ganacsiga ii waynaado hadda waa ganacsi yar. Nin ku dhashay ma jiro ee nolasha ay ii kala kacdo insha Allaah”.

Hodan iyo qoyskeeda ayaa waxaa ka soo barakaceen sanadkii 2022 degmada Saakow ee gobolka Jubbada dhexe. Waxaa ay ahaayeen beeralay. Waxaa soo barakicisay abaar saamayn ku yeelatay dalagyada beeraha. Taaas oo keentay in ku biiran xeryaha barakaca Dhoobley.

Gudoomiyaha Xeryaha barakaca Dhoobley Muxumed Wacdi Maxamed oo la hadlay Radio Ergo ayaa sheegay in mashruuca wuu wax taray nolasha dadka barakaca ah. Wuxuu intaas ku daray in loo baahan yahay in la sii waddo maaddaama ay jiraan dad badan oo soo galaya xeryaha  iyaga o fara maran.

“Dadka isku mid ma ahan. Dad daymihii iyo baahidii markaas taagnayd ayey ku dabareen. Dadna waxbay ka qabsadeen.  Qof laba ka gata. Qof sadex ka gata. Dad ganacsi ka furta. Dad badan ayaa arintaas wax ka samaysaty”.

Muxumed ayaa intaas raaciyay in dadka lagu xulay sidii ay u kala duruuf badnaayeen iyo baaxadda qoysaska. Wuxuu intaas raaciyay inay hay’adda u madax-banneeyeen diiwaangelinta si ay uga fogaadaan wax is dabo marin.

Qoysas waxay tusaale nool u yihiin in qofka duruuf kasta oo haysa haddii dedaal sameeyo inuu riyadiisa ganacsiga ka gun gaari karo si uu u noqdo isku filan oo soo saarta dhaqaale u uku maareeyo noloshiisa.

Previous Post

Waayeel iyo dad nugul oo looga guuray deegaan roob la’aan ah oo Hargaysa hoostaga

Next Post

Xaalad quus ah oo ka dhalatay roob la’aanta ka sii daraysa ee haysa qoysas ku nool Bari

Related Posts

Xaalad quus ah oo ka dhalatay roob la’aanta ka sii daraysa ee haysa qoysas ku nool Bari
Beeraha Iyo Xoolaha

Xaalad quus ah oo ka dhalatay roob la’aanta ka sii daraysa ee haysa qoysas ku nool Bari

February 3, 2026
blank
Cunto-Yaraanta

Waayeel iyo dad nugul oo looga guuray deegaan roob la’aan ah oo Hargaysa hoostaga

January 30, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Kumannaan qof oo dhibaato nolol xumo ku wajahaya  deegaannada Koonfur-galbeed

January 29, 2026
Mudug: Xoolo-dhaqato hore oo nolol xumo kaga baxay tacabka dhulka oo ay ku dhiiradeen
Beeraha Iyo Xoolaha

Mudug: Xoolo-dhaqato hore oo nolol xumo kaga baxay tacabka dhulka oo ay ku dhiiradeen

January 28, 2026
Qoysas ku biiray xeryaha Baydhabo oo cunno xumo iyo hoy la’aan wajahaya
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas ku biiray xeryaha Baydhabo oo cunno xumo iyo hoy la’aan wajahaya

January 26, 2026
Qoysas qaxooti ah oo ku helay xerada Dhadhaab xuquuq deganaansho iyo mid cunno
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas qaxooti ah oo ku helay xerada Dhadhaab xuquuq deganaansho iyo mid cunno

January 23, 2026
Next Post
Xaalad quus ah oo ka dhalatay roob la’aanta ka sii daraysa ee haysa qoysas ku nool Bari

Xaalad quus ah oo ka dhalatay roob la'aanta ka sii daraysa ee haysa qoysas ku nool Bari

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 03-FEB-2026

IDAACADDA 03-FEB-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 03-FEB-2026
Episode play icon
IDAACADDA 03-FEB-2026
February 3, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 02-FEB-2026
February 2, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 01-FEB-2026
February 1, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 31-JAN-2026
January 31, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 30-JAN-2026
January 30, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo