Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Colaad burbur dhaqaale iyo nolol xumo galisay qoysas ku laabtay Sabiid iyo Caanoole

Jibril Osman by Jibril Osman
February 16, 2026
in Barakacayaasha iyo Qaxootiga, Cunto-Yaraanta, Wararkii u Danbeeyay
0
Colaad burbur dhaqaale iyo nolol xumo galisay qoysas ku laabtay Sabiid iyo Caanoole

Qoysas ku dhiban xeryo lagu barakacay/Katdka Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Boqollaal qoys oo bishii hore dib ugu laabtay deegaanada Sabiid iyo Caanoole ee gobolka Shabeellaha Hoose ayaa wajahaya cunno yari, hoy xumo iyo biyo yari.

Xaaladdan waa mid ka dhalatay saameynta uu ka tagay dagaal u dhexeeyay Alshabaab iyo ciidanka dowladda oo ay ku burbureen ilihii dhaqaale ee ay ku tiirsanaayeen qoysaskan oo u badan beeraley.

Cali Nuur Madey oo bishii Jannaayo tagay deegaanka Sabiid ayaa Raadiyow Ergo u sheegay in reerkiisa oo lix qof ah ay faro marnaan ku laabteen, uuna la’ yahay wuxuu ku maareeyo noloshooda.

Wuxuu sheegay in halkan ay ku door bideen inay hoygooda tahay, balse aysan ku haysan nolol dhaanta tii ay ay ku wajaheen degmada Afgooye oo ay ku noolaayeen muddo sagaal bil ah.

“Sabiid ayaan ku soo laabtey oo danta nagu kaliftey maaddaama carradii aan naqiinay inaan ku dhimanno aan door bidnay. Nolosheena xaalad illaah og yahay ayaa lagu dhex jiraa marka insha allah gargaar illaah ayaan ka sugeynaa, deegaankeena ayaan iska dhex joognaa ee wax kale ma hayno.”

Cali oo 41 jir ah ayaa tilmaamay in hal waqti ay quutaan cunto bisil ama ceyriin oo ay ku caawiyaan qoysas beeraley ah oo dagaalka aan ku ceyr toobin.

Cunno yarida ayuu xusay inay u dheer tahay hoy xumo iyo biyo yari. Aqal cooshad ah ayaa uga ag dhisan halkii uu ku yaallay gurigoodii hore oo ahaa afar qol oo jiingad ah, balse colaadda ku burburay.

Halka ugu dhow ee ay ka helaan biyaha waa Webiga Shabeelle oo u jira 4 km, sida uu sheegeyna waa mid biyo yareeyay, jiilaalka dartiis. Xaaladaas waxay ku kaliftay in webiga dhexdiisa ay ka qotaan laas gacmeedyo illaa hal mitir ah oo ay ka dhurtaan biyo yar oo soo maaxda marka ay sugaan ku dhowaad hal saac.

Waa sida kaliya ee ay hadda biyaha ku helaan in ka badan 830 qoys oo ku laabtay deegaanada Sabiid iyo Caanoole oo ceelashii ay la haayeen ay ku burbureen dagaalka.

“Runtii waxaa jirto nolol aan nolol lagu tilmaami karin waayo biyo la is ticmaalayo malahan oo webiga dhexdiisa bacaadka ayaan godod ka qodqodaney, biyahaas ayaa la iska cabayaa adi dhibaato aad ubaahsan ayaa deegaanka kajirto. Waa xaalad aanad qiyaasan karin oo aad u cakiran.”

Cali ayaa sheegay in labo carruur ah oo dhigan jiray dugsi hoose iyo dhexe aysan wax baran tan iyo bishii Aprill ee sanadkii hore, markaas oo ay collaadda ka barakaceen. Iskuulka deegaanka oo dagaalka ku burburay ayuu tilmaamay in aan wali dib loo dhisin, carruurtiisuna ay ka mid yihiin 700 arday oo xaaladan awgeed waxbarasho la’aan ah.

Ninkan ayaa intaas ku daray in colaadda ka hor ay ka mid ahaayeen dadka ladan ee deegaanka, uuna lahaa dukaan lagu gado bagaashka oo uu ka heli jiray dhaqaale joogta ah iyo beer saddex hegtar ah oo qudaar, digir iyo galey ay uga baxayeen iyo matoor waraab oo qiimahiisa uu ku sheegay $1,500 balse maanta waxba kama hayo.

“Waxyaabaha sida gaarka ah ii saamysey waxaa kamid ah tacab la’aanta, maanta haddii matoorkii ii ooli laa waxbaan tacban lahaa, wixii aan nolosheyda ku soo celin lahaaba wey bur bureen, gurigeyga oo bur burey. Waa mugdi oo nolol kama jirto.”

Dagaalka u dhexeeya ciidanka dowladda iyo Alshabaab waa mid dhowrkii sano ee la soo dhaafay ku soo laa laabtay deegaanada Sabiid iyo Canoole oo hadda ku jira gacanta dowladda.

Beeraha iyo guryaha ayaa badi ku gubtay duqeymo cirka ah iyo rasaasta qoryaha fudud iyo madaaficda dhulka. Dadku ma haystaan dammaanad amni, mana jirto cid ka taageertay soo noqoshada oo qaarkood ay soo lugeynayeen masaafo dhan Illaa 10 km.

Qoyska Iisho Xasan Maxamuud oo sidaas ku yimid deegaanka Sabiid, waxay halkan ku wajahayaan nolol xumo colaaddu dhaxal siisay.

Reerka oo ka kooban 8 qof malahan il dhaqaale, waxaana dabka u shida qoysas ay u dawarsi tagto oo ku caawiya wax yar oo aan ku filneyn.

“Carruurta jaqaf jaqaf ayaan u aruuriheynaa, halka markii hore seddex waqti ay heli jireen oo barwaaqo ay ku jireen. Maanta nolosha aan ku suganahay waa marxalad habeenkii haddii wax la kariyo kii habeenkii oo barya ayey cunayaan ilmaha subixii. Wax kale oo aan u karihayo oo aan faro ku hayo malahan.”

Qoyska Iisho ayaa ka soo laabtay degmada Af-gooye oo u jirta 21 km, halkaas oo ay ka degganaayeen xerada Hubushow oo ay sheegtay in cunno yari, hoy xumo iyo biyo yari ku haysatay ay sidoo kale halkan ku wajaheyso.

Haweeneydan oo 44 jir ah waxay xustay in halkan ay uga carartay beer afar hiktar ah oo ay uga baxayeen digir, masago, galey iyo qudaar, balse ay u soo noqotay beertii oo gubatay oo ay xoolo daaqeen.

“Meel aan ka shaqeysto ma qaano oo beeraley ayaan iska ahaa oo xoogeyga ayaan ku tiirsanaa. Ilmaheyga meel aan kala seexiyo malahan, waan rafaad sanahay, habeenkii dhaxan ayaa jirta, maalinkiina qorrax, meel aan ka galno malahan.”

Maxamed Abuukar Axmed oo ah guddoomiyaha deegaanada Sabiid iyo Caanoole ayaa Raadiyow Ergo u sheegey in dadku ay soo laabanayaan, balse ay wajahayaan dhaqaale xumo aysan waxba ka qaban karin.

Dagaalka ayuu sheegay inuu burburayay dhammaan adeegyadii bulshada, sida caafimaadka, waxbarashada, biyaha iyo ilihii dhaqaale ee ay dadku ku tiirsanaayeen.

“Xaalad bini’aadantinimo ayaa weli ka sii jirta. Waxyaabaha aan qorsheynay waxa weyaan in deegaankii dib loo dhiso is kaashato ahaan in lagu dhiso qorshahaas ayaa noo degsan gudoomiyaha gobolka dhankiisana codsi ayaa noo jira sida ugu dhaqsiyaha badan in uu noogu yimaado ayaan rabnaa.”

Gobolka Shabeellaha Hoose oo caan ku ah tacabka beeraha ayaa wajahaya colaad soo jiitameysa sanooyin dhowr ah, taas oo hoos u dhigtay wax soo saarka beeraha, qoysas badanna ku kaliftay inay barakacaan oo ay ka cararaan ilihii dhaqaale ee ay ku tiirsanaayeen.

Previous Post

Roob la’aan labo sano jirsatay oo ku qasabtay qoysas hor leh in ay ku barakacaan Garowe

Next Post

Reer-guuraaga Sanaag oo wajahaya cudurro uga dhacay xoolaha iyo cunno xumo

Related Posts

Nolol xumo ka dhalatay gargaar ka istaagay boqollaal qoys oo ku nool Mudug
Wararkii u Danbeeyay

Nolol xumo ka dhalatay gargaar ka istaagay boqollaal qoys oo ku nool Mudug

March 11, 2026
Beeraley roob yari iyo bacaad ay saameeyeen oo ku barakacay Shalaanbood
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Beeraley roob yari iyo bacaad ay saameeyeen oo ku barakacay Shalaanbood

March 10, 2026
Warbixin ay baahisay Ergo oo ka caawisay dad barakac ah in ay helaan dhul ay leeyihiin
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Warbixin ay baahisay Ergo oo ka caawisay dad barakac ah in ay helaan dhul ay leeyihiin

March 6, 2026
Gedo: Rag shaqo ka helay beero ku yaalla Baardheere oo qoysaskooda ka saaray nolol xumo
Cunto-Yaraanta

Gedo: Rag shaqo ka helay beero ku yaalla Baardheere oo qoysaskooda ka saaray nolol xumo

March 5, 2026
Mudug: Daymo ka istaagay iyo abaaro is xig-xiga oo nolol xumo u bidday boqollaal beeraley ah
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Bari: Nolol xumo ku dhacday beeralayda Caluula markii ay biyo la’aan uga qalaleen dalagyada

March 4, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Bay: Waxbarasho la’aan soo wajahday carruurta qoysas ka barakacay roob yarida

March 3, 2026
Next Post
Reer-guuraaga Sanaag oo wajahaya cudurro uga dhacay xoolaha iyo cunno xumo

Reer-guuraaga Sanaag oo wajahaya cudurro uga dhacay xoolaha iyo cunno xumo

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 11-MAR-2026

IDAACADDA 11-MAR-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 11-MAR-2026
Episode play icon
IDAACADDA 11-MAR-2026
March 11, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 10-MAR-2026
March 10, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 09-MAR-2026
March 9, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 08-MAR-2026
March 8, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 07-MAR-2026
March 7, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo