Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Beeraha Iyo Xoolaha

Qoysas ka fursan waayay xaaladda barakaca oo Laascaanood ku wajahaya nolol xumo

Jibril Osman by Jibril Osman
February 10, 2026
in Beeraha Iyo Xoolaha, Cunto-Yaraanta, Wararkii u Danbeeyay
0
Pastoralists with nothing left descend on Lasanod town and surroundings in Sool

Cibaado Jaamac Guuled oo sheegtay in qoyskeeda ay wajahayan nolol xumo daran/Asia Yusuf/Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Boqollal qoys oo xoola dhaqato ah ayaa biyo yari, cunno xumo iyo hoy la’aan ku wajahaya magaalada Lascanood oo ay soo gaareen bishii December. Waxay deegaannadoodi uga soo tageen roob yari jirtay.

Waxay qaarkood dulsaar ku noqdeen dad eheladooda ah oo magaalada ku nool, halka kuwa kalana ay miciin bideen xerada Gooja-cadde oo aysan ku haysan dhamaan adeegyada aasasiga u ah nolosha.  

Caasho Maxamuud Jaamac oo ka mid ah waxaa ku adag inay cunno u hesho qoyskeeda. Waxay maalinta dhan ku wareegtaa xaafadaha magaalada iyada oo kaalmo waydiisanaysa. Waxay soo heshaa ugu badnaan kiilo raashin ah, taas oo aan ku filayn carruurteeda oo 12 ah.

“Marna waa helna marna waa waynaa. Waxaan ku tiirsanahay kaalmo aan ka helno dadka muslimka iyo dayn aan ka soo qaadano dukaamada noo ogolaada. Dad xoola dhaqato ah oo nacfigooda ku tiirsan ayaan ahayn. Iyagiina markii ay naga dhamaadeen ayaan magaalada u soo cararnay.”

Caasho ayaa sheegtay in carruurteeda oo kan ugu yar uu 10 bil jiro ay la qabsan la’yihiin qatooyada waqtiga dheer. Haweeyneydan ayaa xustay in ilmaheeda aabbaahood uu shaqo la’aan darteed guriga joogo.

Waxaa dhanka kale ku adag helida biyaha. Waxay tilmamtay inay ku tiirsanyihiin hal jirgaan oo dhabarka uga soo qaado ceel riig ah oo gaar loo leeyahay oo ay u dan-sheegato, kaas oo xerada u jira 7 km.

“Hoyga aan ku noolnahay waa meelihii ay askartu daganaan jireenoo bushash dhamaad ah. maalinkii qorraxda nama celin karo. habeenkiina qabowga nagama celin karo, sidoo kalana naguma filno. Danta nagu qasabtay meel kale waa waynay.”

Caasho ayaa sheegtay in wali carruurteeda aysan ka soo kaban daal ay kala soo kulmeen socdaal lug ah oo labo maalin ku soo qaatay, kaas oo ay kaga yimaadeen deeganka Boocame oo lascaanood u jira qiyaastii 30 km.

Waxay xustay in xaaladan ay uga waxbarasho beeleen afar carruur ah oo dugsi Qur’aan uga dhigan jiray deegankoodii, kuwaas oo ay bishii ka bixin jirtay $60 isku darkooda.

Dugsiyada magaalada Lascaanood oo halkii qof wax lagu baro $15 ayay sheegtay inaysan awoodi karin. Waxay cabsi ka muujisay mustaqbalka waxbarasho ee carrurteeda.

Dhanka kale waxay xustay in si joogta ah loo soo waydiyo $500 oo intii ay deegankoodii joogeen raashin, arrad-tir iyo calaf ugu soo qaaday xoolihii u joogay.

“Noolasheenei hore waxaynu ahayn dad xoola leh oo cad iyo caanaba heli kara oo isku filan. Hadda waxaan galnay nolol adag oo biyo yari, cunno la’aan iyo waxbarasho la’aan leh. Deegaankii roob yari daran ayaa ka dhacday meel aan u laaban karna ma ahan.”

Caasho ayaa sheegtay in qoyskeeda oo xooluhu u ahaayeen ishooda dhaqaale ay roob yari jirtay sanadkii hore uga dhinteen 180 ka mid ah 200 oo ari ah oo ay noloshoodu ku tiirsnayd.

blank

Labatan neef oo hadda u haray oo saygeeda uu magaalada ku keenay hayaan ku qaatay afar maalin ay yihiin wayd aan nacfi lahayn, sidoo kalana aysan u awoodin in ay u iibiyan biyo iyo calaf.

Reer guuraga ay saameeysay roob yarida dalka ka jirtay muddoyinkii ugu danbeyay ayaa ka siman nolol xumada aysan hayn xalkii ay uga bixi lahaayeen.

Cibaado Jaamac Guuled oo ka mid ah dadka ka soo barakacay tuulada Qurac-dheere oo hoos taga magaalada Lascaanood, waxay tilmamtay in qoyskeeda oo 7 qof ah ay wajahayaan xaalad adag oo dhanka nolosha ah.

“Hal mar oo aan mar si u helno ayaan dabka shidanaa. Haddii aan heli karno saddex mar ayaan jeclaan lahayn inaan dabka shidano, laakiin ma awoodno. Nolosheenu aad ayay u hooseysaa, biyo cunto iyo waxbarasho ma haysano. Wax aan haysano malahan.”

Cibaado ayaa sheegtay in shaqooyin xoogsi ah oo ay marar ka duwan ka raadisay magaalada aysan soo helin. Dadka oo aan aqoon ayaa adkeeyay.

Dhanka kale waxay xustay in qoyskeeda ay culays ku qaban helida biyaha. Waxay ku tiirsanyihiin hal jirgaan oo ay ka soo dawarsadan dadkii hore u deganaa xerada.

Waxay ka faro maran-yihiin $4 oo ay fuustadii iibiiyan gaari dameero keena biyaha. Waxay sheegtay inay ku adkaato inay dayn kaga qaatan, maaddaama aan la aqoon oo ay deeganka ku cusub yihiin.

Haweeyneydan ayaa sheegtay in dhanka kale ay waxbarasho la’ aan ka yihiin saddex carruur ah oo horray dugsi Qur’ aan uga dhigan jiray deegaankoodii.

Cibaado oo kaligeed ku ah maaraynta nolosha reerkeeda ayaa xustay in nolol xumada ku haysa xerada ay u dheertahay walwal joogta ah oo ay kala kulmeyso dayn lagu leeyahay.

“Kun doollar ayaa la iiga leeyahay bakhaaradii deegaanka oo aan raashin iyo calaf ugu soo qaaday reerka iyo xoolaha. Biyihii aan cabanay waa laiga yeeshay. Dayntaas culays aad iyo aad u badan ayay igu haysa. Qof dayn lagu leeyahay wad garan kartaa, kama seexdo meel aan ka bixiyana ma garanayo.” 

Qoyska Cibaado oo weligood xoola dhaqato ahaa ayaa roob yarida ku waayay 36 oo ka mid ahaa 50 ari ah oo ay noloshoodu ku tiirsanayd. Waxay uga le’deen biyo yari, bad xumo iyo cudurro aysan aqoonsan oo isku raacay.

Afar iyo toban neef oo u haray ayay xustay in ilmaheeda aabbaahood uu kula haray deeganka oo aysan ku haysan calaf iyo biyo toona, kuwaas oo ay rajo xummo ka muujisay in ay u sii nagaan doonnan.

Dadka ilahoodi nolosha ku waayay roob yarida oo xeryaha lagu barakacay oo aysan nolol dhanta ka helin ku biiray ayaa rajo xumo ka mujiyay sidii ay xaaladan uga samata bixi lahaayeen, maadaama ay ku suganyihiin xaalad ceyrtow ah.

Boos Dubad Boos oo ah guddoomiyaha magaalada lascaanood ayaa sheegay in qoysaskaan ay ku sugan yihiin xaalad aad u liita. Wuxuu xusay inaysan u awoodin inay gargaar siiyaan, maaddaama aysan wax dhaqaale iyo taageero midna haysan.

“Baahiyaha ugu daran waa biyaha cunnada, hoyga iyo caafimaadka. Waxay ka aradanyihiin dhamaan adeegyada aas-asiga ah. Waa dad aan waxbo haysan oo ay roob yaridu saamayn daran ku yeelatay. Nadaafad daradda musqul la’aanta ka dhalatay ayaa ugu daran. Wax gargaar ahna ma helin.”

Gudoomiyaha ayaa sheegay in tan iyo bishii December ay diwaangaliyeen ku dhawaad 200 qoys oo roob yarida ka jirtay deegaannada ku dhow magaalada Lascaanood ay sameeysay.

Wuxuu xusay in xaalada dadkaan ay la wadaageen dowlada iyo hay’ adaha gargaarka, basle aysan wax jawaab ah ka helin.

Previous Post

Qoysas barakac ah oo iskaashi dhaqaale uga baxay nolol xumo ku haysay Baydhabo

Next Post

Qoysas uu ka istaagay kab dhaqaale oo nolol xumo ku wajahaya Dhuusamareeb

Related Posts

Qoysas ku nool Galgaduud oo cunno xumo uga baxay adeegsiga mooto Faykoonta
Beeraha Iyo Xoolaha

Qoysas ku nool Galgaduud oo cunno xumo uga baxay adeegsiga mooto Faykoonta

March 25, 2026
blank
Wararkii u Danbeeyay

Arday raashin iyo biyo ku taageeray qoysas roob la’aan ay ku hayso miyiga Bari

March 24, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qaxooti cusub oo nolol xumo iyo diiwaan galin la’aan ku wajaha Dhadhaab

March 19, 2026
Saamaynta roob la’aanta oo kordhisay ardayda Jubbaland ee waxbarashada ka haraya
Wararkii u Danbeeyay

Saamaynta roob la’aanta oo kordhisay ardayda Jubbaland ee waxbarashada ka haraya

March 17, 2026
blank
Wararkii u Danbeeyay

Qoysas nolol-maalmeedkooda ay galaafatay colaad ka jirta Hiiraan

March 12, 2026
Mudug: Nolol xumo ka dhalatay qoysas laga jaray biyo bilaash ay oo ku heli jireen
Wararkii u Danbeeyay

Mudug: Nolol xumo ka dhalatay qoysas laga jaray biyo bilaash ay oo ku heli jireen

March 11, 2026
Next Post
blank

Qoysas uu ka istaagay kab dhaqaale oo nolol xumo ku wajahaya Dhuusamareeb

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 24-MAR-2026

IDAACADDA 24-MAR-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 24-MAR-2026
Episode play icon
IDAACADDA 24-MAR-2026
March 24, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 23-MAR-2026
March 23, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 22-MAR-2026
March 22, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 21-MAR-2026
March 21, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 20-MAR-2026
March 20, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo