(ERGO) – Boqollal qoys oo xoola dhaqato ah ayaa biyo yari, cunno xumo iyo hoy la’aan ku wajahaya magaalada Lascanood oo ay soo gaareen bishii December. Waxay deegaannadoodi uga soo tageen roob yari jirtay.
Waxay qaarkood dulsaar ku noqdeen dad eheladooda ah oo magaalada ku nool, halka kuwa kalana ay miciin bideen xerada Gooja-cadde oo aysan ku haysan dhamaan adeegyada aasasiga u ah nolosha.
Caasho Maxamuud Jaamac oo ka mid ah waxaa ku adag inay cunno u hesho qoyskeeda. Waxay maalinta dhan ku wareegtaa xaafadaha magaalada iyada oo kaalmo waydiisanaysa. Waxay soo heshaa ugu badnaan kiilo raashin ah, taas oo aan ku filayn carruurteeda oo 12 ah.
“Marna waa helna marna waa waynaa. Waxaan ku tiirsanahay kaalmo aan ka helno dadka muslimka iyo dayn aan ka soo qaadano dukaamada noo ogolaada. Dad xoola dhaqato ah oo nacfigooda ku tiirsan ayaan ahayn. Iyagiina markii ay naga dhamaadeen ayaan magaalada u soo cararnay.”
Caasho ayaa sheegtay in carruurteeda oo kan ugu yar uu 10 bil jiro ay la qabsan la’yihiin qatooyada waqtiga dheer. Haweeyneydan ayaa xustay in ilmaheeda aabbaahood uu shaqo la’aan darteed guriga joogo.
Waxaa dhanka kale ku adag helida biyaha. Waxay tilmamtay inay ku tiirsanyihiin hal jirgaan oo dhabarka uga soo qaado ceel riig ah oo gaar loo leeyahay oo ay u dan-sheegato, kaas oo xerada u jira 7 km.
“Hoyga aan ku noolnahay waa meelihii ay askartu daganaan jireenoo bushash dhamaad ah. maalinkii qorraxda nama celin karo. habeenkiina qabowga nagama celin karo, sidoo kalana naguma filno. Danta nagu qasabtay meel kale waa waynay.”
Caasho ayaa sheegtay in wali carruurteeda aysan ka soo kaban daal ay kala soo kulmeen socdaal lug ah oo labo maalin ku soo qaatay, kaas oo ay kaga yimaadeen deeganka Boocame oo lascaanood u jira qiyaastii 30 km.
Waxay xustay in xaaladan ay uga waxbarasho beeleen afar carruur ah oo dugsi Qur’aan uga dhigan jiray deegankoodii, kuwaas oo ay bishii ka bixin jirtay $60 isku darkooda.
Dugsiyada magaalada Lascaanood oo halkii qof wax lagu baro $15 ayay sheegtay inaysan awoodi karin. Waxay cabsi ka muujisay mustaqbalka waxbarasho ee carrurteeda.
Dhanka kale waxay xustay in si joogta ah loo soo waydiyo $500 oo intii ay deegankoodii joogeen raashin, arrad-tir iyo calaf ugu soo qaaday xoolihii u joogay.
“Noolasheenei hore waxaynu ahayn dad xoola leh oo cad iyo caanaba heli kara oo isku filan. Hadda waxaan galnay nolol adag oo biyo yari, cunno la’aan iyo waxbarasho la’aan leh. Deegaankii roob yari daran ayaa ka dhacday meel aan u laaban karna ma ahan.”
Caasho ayaa sheegtay in qoyskeeda oo xooluhu u ahaayeen ishooda dhaqaale ay roob yari jirtay sanadkii hore uga dhinteen 180 ka mid ah 200 oo ari ah oo ay noloshoodu ku tiirsnayd.

Labatan neef oo hadda u haray oo saygeeda uu magaalada ku keenay hayaan ku qaatay afar maalin ay yihiin wayd aan nacfi lahayn, sidoo kalana aysan u awoodin in ay u iibiyan biyo iyo calaf.
Reer guuraga ay saameeysay roob yarida dalka ka jirtay muddoyinkii ugu danbeyay ayaa ka siman nolol xumada aysan hayn xalkii ay uga bixi lahaayeen.
Cibaado Jaamac Guuled oo ka mid ah dadka ka soo barakacay tuulada Qurac-dheere oo hoos taga magaalada Lascaanood, waxay tilmamtay in qoyskeeda oo 7 qof ah ay wajahayaan xaalad adag oo dhanka nolosha ah.
“Hal mar oo aan mar si u helno ayaan dabka shidanaa. Haddii aan heli karno saddex mar ayaan jeclaan lahayn inaan dabka shidano, laakiin ma awoodno. Nolosheenu aad ayay u hooseysaa, biyo cunto iyo waxbarasho ma haysano. Wax aan haysano malahan.”
Cibaado ayaa sheegtay in shaqooyin xoogsi ah oo ay marar ka duwan ka raadisay magaalada aysan soo helin. Dadka oo aan aqoon ayaa adkeeyay.
Dhanka kale waxay xustay in qoyskeeda ay culays ku qaban helida biyaha. Waxay ku tiirsanyihiin hal jirgaan oo ay ka soo dawarsadan dadkii hore u deganaa xerada.
Waxay ka faro maran-yihiin $4 oo ay fuustadii iibiiyan gaari dameero keena biyaha. Waxay sheegtay inay ku adkaato inay dayn kaga qaatan, maaddaama aan la aqoon oo ay deeganka ku cusub yihiin.
Haweeyneydan ayaa sheegtay in dhanka kale ay waxbarasho la’ aan ka yihiin saddex carruur ah oo horray dugsi Qur’ aan uga dhigan jiray deegaankoodii.
Cibaado oo kaligeed ku ah maaraynta nolosha reerkeeda ayaa xustay in nolol xumada ku haysa xerada ay u dheertahay walwal joogta ah oo ay kala kulmeyso dayn lagu leeyahay.
“Kun doollar ayaa la iiga leeyahay bakhaaradii deegaanka oo aan raashin iyo calaf ugu soo qaaday reerka iyo xoolaha. Biyihii aan cabanay waa laiga yeeshay. Dayntaas culays aad iyo aad u badan ayay igu haysa. Qof dayn lagu leeyahay wad garan kartaa, kama seexdo meel aan ka bixiyana ma garanayo.”
Qoyska Cibaado oo weligood xoola dhaqato ahaa ayaa roob yarida ku waayay 36 oo ka mid ahaa 50 ari ah oo ay noloshoodu ku tiirsanayd. Waxay uga le’deen biyo yari, bad xumo iyo cudurro aysan aqoonsan oo isku raacay.
Afar iyo toban neef oo u haray ayay xustay in ilmaheeda aabbaahood uu kula haray deeganka oo aysan ku haysan calaf iyo biyo toona, kuwaas oo ay rajo xummo ka muujisay in ay u sii nagaan doonnan.
Dadka ilahoodi nolosha ku waayay roob yarida oo xeryaha lagu barakacay oo aysan nolol dhanta ka helin ku biiray ayaa rajo xumo ka mujiyay sidii ay xaaladan uga samata bixi lahaayeen, maadaama ay ku suganyihiin xaalad ceyrtow ah.
Boos Dubad Boos oo ah guddoomiyaha magaalada lascaanood ayaa sheegay in qoysaskaan ay ku sugan yihiin xaalad aad u liita. Wuxuu xusay inaysan u awoodin inay gargaar siiyaan, maaddaama aysan wax dhaqaale iyo taageero midna haysan.
“Baahiyaha ugu daran waa biyaha cunnada, hoyga iyo caafimaadka. Waxay ka aradanyihiin dhamaan adeegyada aas-asiga ah. Waa dad aan waxbo haysan oo ay roob yaridu saamayn daran ku yeelatay. Nadaafad daradda musqul la’aanta ka dhalatay ayaa ugu daran. Wax gargaar ahna ma helin.”
Gudoomiyaha ayaa sheegay in tan iyo bishii December ay diwaangaliyeen ku dhawaad 200 qoys oo roob yarida ka jirtay deegaannada ku dhow magaalada Lascaanood ay sameeysay.
Wuxuu xusay in xaalada dadkaan ay la wadaageen dowlada iyo hay’ adaha gargaarka, basle aysan wax jawaab ah ka helin.











