Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Cunto-Yaraanta

Hargeysa: Nolol xumo soo wajahday qoysaska ka ganacsada caanaha geela saamaynta abaarta darteed

Radio Ergo by Radio Ergo
January 7, 2026
in Cunto-Yaraanta, Masiibooyinka, Wararkii u Danbeeyay
0
Soomaaliland: Xoolo-dhaqato kireeya geel irmaan si ay cunno ugu helaan carruurtooda

Kaydka Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Haween danyar ah oo iibinta caanaha ku maareyn jiray nolosha qoysaskooda ayaa wajahaya shaqo la’aan saameyn ku yeelatay. Geela oo caanihiisa ay ku iibin jireen magaalada Hargeysa ayaa loola hayaamay dhul fog, markii loo waayay daaq iyo biyo ku filan, roob yari darteed.

Gaasira Maxamed Jaamac oo haweenkaas ka mid ah ayaa Raadiyow Ergo u sheegtay in dumarka shaqo la’aantu ku dhacday ay ku dhow yihiin boqol qof.

Xaaladan oo ay wajahayaan tan iyo bishii September ee sanadkii hore ayay tilmaantay inay ka dhaxleen cunno yari, in carruurtoodu waxbarashada uga harto dhaqaale la’aan iyo in laga saaro guryaha oo ay bixin waayeen kirada billaha ah.

Gaasira ayaa sheegtay inay isku dayday raadinta shaqo kale oo u badasha teedii hore, balse ay weyday. Labadii bilood ee lasoo dhaafay ayay xustay in qoysku uu ku tiirsanaa dayn uu soo qaato, taas oo laga jartay markii ay bixin waayeen lacag $500 ah oo lagu yeeshay.

“Daruufaha na haysta way adag yihiin abaarna way timid. Noloshayadu caanahaas ayay ku tiirsanayd haddana waan waynay. Shaqo kale oo noo beddelaysana ma haysano. Saamayn ayay nagu yeelatay, markii aan waynay wixii aan nafta ku maaraynaynay. Hoose u dhac badan ayaa jira. Ilamaha casho, quraac iyo qado midna ma leh waa is eegaynaa.”

Qoyskeeda oo ka kooban 13 carruur ah, iyada iyo seygeeda ayay xustay in hal waqti ay dabka ku shitaan intii ugu danbaysay raashiin ay dayn ku soo qaateen, kaas oo ay ka warwareyso haddii uu go’o siduu noqon doono xaalkoodu.

Iibinta caanaha geella oo ay ku tiirsaneyd 14 sano ayay tilmaantay inay u ahaayeen ildhaqaale oo muhiim ah. Waxay maalinkii ka heli jirtay $5.

Waxaa kabi jiray seygeeda oo isaguna ahaa xoogsade ka shaqeeya dhismaha, balse shaqo la’aan ayuu guriga la fadhiyaa tan iyo bishii January ee 2025, markii shirkad dhismo oo uu u shaqeynayay ay uga maarantay dad ajaaniib ah oo ka xirfad sareeya, kuna shaqeynaya mushaar jab.

Tan iyo bishii October waxaan aadin iskuul iyo dugsi Qur’aan carruurteed.

Gaasira ayaa sheegtay inay ku adkaatay bixinta lacag $41 oo ay ka dhiibi jirtay bishii. Waxaa sidoo kale, laga saaray labo qol jiingad ah markii ay bixin waayeen kirada bishii oo $30 doollar ah

Tan iyo bishii tobnaad Waxay wajahayaan qabowga Hargeysa oo habeenkii gaara illaaa 19 digrii.

“Qofka kiroolaha ah labo bil haddii uu noo dulqaatay tii saddexaad wuu naga saaray gurigiisa. Alaabtii dibada ayuu noo soo dhigay. Maryo aan isku gaynay ayaa hoy noo ah qabowga dhacaya waa arkaysaa bustaha habeenada qaar biyo in ay ka soo gudbayaan ayaa moodaysaa. Reer ayaan dul-saar ku nahay oo daaradooda buul ka dhisanay. Nolosha Illaahay ha noo beddelo.”

Gaasira oo 41 jir ah ayaa xustay in keyd la’aantu ay ka dhigtay qoys u nugul shaqo la’aanta oo ay ka baqeyso inay ku daba dheeraato. Waa xaalad ay awoodi wayday inay ka sii baaraan degto, maaddaama dhaqaalaha soo galayay uu ku koobnaa nolosha maalin laha ah oo kaliya.

Xirfad la’aanta iyo aqoon yaridu waa mid danyarta ku koobeysa shaqooyin aan joogta aheyn oo dhaqaalahoodu yar yahay.

Aamina Maxamuud Xassan iyo qoyskeeda oo 11 qof ah ayay xaaladan biday in dabku ka damo. Waa nolol hubanti la’aan ah oo ay sheegtay inay wajaheyso tan iyo bishii Agoosto, markaas oo ugu dambeysay iibinta caanaha oo ay ku jirtay muddo 17 sano ah.

“Cunnada sida lagu helaa waa iska adag tahay, waqtiyada qaar hal mar ayaa la helaa inta kalena waa la waayaa. Maalmaha intooda badanse waxba ma helno oo waa weynaa ama waqti cariiri ah ayay noqotaa. Markii aan wax u helo ayaan u kariyaa. Dadka ayaan uga soo baryaa ama suuqaan uga soo daynto, shaqo la’aanta ayaana keentay, carruurtuna niyad jab ayay ka qaadeen.”

Aamina ayaa xustay in seygeedu yahay waayeel 75 jir ah oo aan shaqo tagin. Qoyska ayaa kaligeed ku tiirsanaa. Waxay sheegtay in noloshooda uu ku filnaa dhaqaale gaaraya $7 oo ay ka heli jirtay iibinta caanaha geella oo maalinkii ay gadi jirtay 30 illaa 40 liitar.

Waxaa joogto ugu keeni jiray geel dhaqato ku nool tuulooyin kala ah Mado-weyn, Balayga-cas iyo Bacado oo magaalada Hargeysa u jira qiyaastii 18 illaa 40 km.

“Markii hore dad ganacsanaya ayaan ahayn, laakiin abaarahaas dartood ayaan ku waynay meeshii aan ku tiirsanayn. Caanahaas geela waxaan ka maarayn jiray biilka reerka, waxbarashada iyo noloshayada kale oo dhan ayaa ku xirnayd, markii aan weynay caqabado badan ayaa na soo wajahay.”

Qoyska Aamina waxaa cunno yarida u dheer hoy la’aan. Saddex qol oo ay degganaayeen ayaa laga saaray afar bil ka hor, markii ay kirada oo $45 ah bixin wayday. Reer ay qaraabo yihiin ayaa ku caawiyay hal qol oo ay sheegtay inuusan ku filneyn. Sidoo $9 oomay bixin wayday ayaa taxliin la’aan dhigay afar carruurteeda ah.

Axmed Yuusuf Cali oo dhaqda 53 geel ah, wuxuu aaminsan yahay in daaqii iyo biyihii ay ka heli jireen 20 sano ka hor roobabka joogtada ah aysan hadda jirin, hadane wali waxba kama badalin qaabkii hore ee dhaqashada xoolaha.

Jiilaalka hadda jira ayaa ku qasbay in bishii sagaalaad uu ka hayaamo deegaanka Mado-weyn, markii calaf iyo biyo uu u waayay geeliisa.

Wali ma helin natiijo ku filan, walow uu sheegay in deegaanka Geed-balaadh oo Gabilay ka tirsan oo uu hadda joogo ay dhaanto meeshii uu ka soo guuray.

Xoolaha oo hadda weyd ah ayuu xusay in jiilaalka ka hor uu maalin kasta suuqa Hargeysa geyn jiray afartan liitar oo caano ah. Bishii ayuu xusay inuu ka heli jiray lacag $600 ah. Qoyskiisa oo lix qof ah ayaa galay nolol xumo.

“Reer miyiga noloshoodu waa xoolaha. Caanaha waa qaadi jirnay waa nalaga soo iibsan jiray, waxaan ku beddelan jirnay raashinkii, dharkii iyo wixii aan u baahnayn oo noloshu waa xoolaha nool. Markii caanihii yaraadeen cuntadii ayaa hoose u dhacday, geelii waa guray. Xoolihii waa abaarsadeen, suuqa lagama iibsanayo, marka culayskaas ayaa yimid.”

Haweenka Hargaysa caanaha ku iibiya ayuu macaamiil la ahaa in ka badan 20 sano. Wuxuu xusay in hadda ay joogto u soo wacaan, balse uu u sheego in uusan geelu caano lahayn.

Previous Post

Dhallinyaro dib ula midoobay qoysaskooda markii laga bixiyay daymo ay u xirnaayeen

Next Post

Cunno xumo, biyo yari iyo hoy la’aan isku biirsaday qoysas soo maciin bidday xeryo ku yaalla Jowhar

Related Posts

In ka badan 120,000 oo qof oo biyo yari sababtay cunno xumo ku wajahaya Xagardheer
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

In ka badan 120,000 oo qof oo biyo yari sababtay cunno xumo ku wajahaya Xagardheer

February 20, 2026
Reer-guuraaga Sanaag oo wajahaya cudurro uga dhacay xoolaha iyo cunno xumo
Beeraha Iyo Xoolaha

Reer-guuraaga Sanaag oo wajahaya cudurro uga dhacay xoolaha iyo cunno xumo

February 17, 2026
Colaad burbur dhaqaale iyo nolol xumo galisay qoysas ku laabtay Sabiid iyo Caanoole
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Colaad burbur dhaqaale iyo nolol xumo galisay qoysas ku laabtay Sabiid iyo Caanoole

February 16, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Roob la’aan labo sano jirsatay oo ku qasabtay qoysas hor leh in ay ku barakacaan Garowe

February 14, 2026
Buundo la’aan nolosha ku adkaysay qoysaska muruq-maalka Baardheere
Cunto-Yaraanta

Buundo la’aan nolosha ku adkaysay qoysaska muruq-maalka Baardheere

February 13, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas uu ka istaagay kab dhaqaale oo nolol xumo ku wajahaya Dhuusamareeb

February 12, 2026
Next Post
Jalalaqsi: Xoolo dhaqato-beeralay abaartu saamaysay oo nolol adag ku wahajaya xeryo ku yaalla magaalada

Cunno xumo, biyo yari iyo hoy la’aan isku biirsaday qoysas soo maciin bidday xeryo ku yaalla Jowhar

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 19-FEB-2026

IDAACADDA 19-FEB-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 19-FEB-2026
Episode play icon
IDAACADDA 19-FEB-2026
February 19, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 18-FEB-2026
February 18, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 17-FEB-2026
February 17, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 16-FEB-2026
February 16, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 15-FEB-2026
February 15, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo