Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Cunno xumo, biyo yari iyo hoy la’aan isku biirsaday qoysas soo maciin bidday xeryo ku yaalla Jowhar

Radio Ergo by Radio Ergo
January 8, 2026
in Barakacayaasha iyo Qaxootiga, Masiibooyinka, Wararkii u Danbeeyay
0
Jalalaqsi: Xoolo dhaqato-beeralay abaartu saamaysay oo nolol adag ku wahajaya xeryo ku yaalla magaalada

Qoys barakac oo gargaar sugayaa/ Keydka Ero

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – In ka badan 4.5 milyan oo qof ayaa cunno xumo, biyo yari iyo hoy la’aan ku wajahaya xeryo barakac ah oo ku yaalla gobollada Shabeellaha dhexe iyo Hiiraan 6 bil ee la soo dhaafay. Dadkan waxaa deegaannadoodii dib u qabsaday Shabaab, taas oo keentay in ay faro marnaan uga soo tagaan.

Waxay ku sugan yihiin xeryo buux dhaafay oo aysan ka jirin adeegyada biyaha, caafimaadka iyo waxbarashada. Waxay iskula nool yihiin buulal yaryar oo aan wada qaadin iyo meelo bannaan oo ay ooteen.

Maxamed Nuur Cali wuxuu sheegay in carruurtiisa oo kan ugu yar uu labo jir yahay aysan habeenkii hurdo fiican seexan gaajada iyo gabaad la’aanta haysa darteed. Qoyskiisa ayaa dagaalka u dhexeeya ciidanka dowlada iyo shabaab uga soo barakacay degmada Aadan-yabaal bartamihii 2025.

Wuxuu sheegay in ay isaga soo tagaan wax kasta oo noloshoodu ay ku tiirsanayd. Kaalmo kooban oo deris iyo qaraabo ay ka helaan ayay quutaan, ama way qadaan, markii ay waayaan.

“Xaaladda aan ku sugan nahay waa mid adag. Ilahay ayaana og, raashinkii waa cariiri oo dhib ayaan ku qabnaa helidiisa, hal jeer ayaan awoodnaa in aan dab shidano waayo labo mar lama keeni karo oo waa adag tahay.”

Qoyska Maxamed oo siddeed qof ah waxay hore u wajahayeen saamayn ka dhalatay roob yarida. Wuxuu labadii xilli ee u danbaysay awoodi waayay inuu dalag galiyo beer labo hektar iyo bar ah oo ugu taalla degmada Aadan-yabaal.

Xerada Alla-magan ee duleedka Jowhar oo aan lahayn ceel-biyood ayay duruufo isbiirsaday kuwajahayaan, taas oo niyad jab ku abuurtay.

Waxaa iskugu yimid qoysas ka soo barakacay deegaannada Xawaadleey, Ceel-baraf, Biya-cade, Masaajid Cali Gaduud iyo qeybo ka mid ah Hiiraan.

Wuxuu xusay in uusan heli karin lacag uu biyo uga soo iibsado ceel gaar loo leeyahay oo u jira qiyaastii 30 daqiiqo oo socod ah. Dadka ayay waydiistaan wax ay maalinkaas cabaan.

Maxamed ayaa tilmaamay in uu shaqooyin xoogsi ah ka raadiyay magaalada Jowhar, balse uusan waxba ka helin. Meesha oo ay ku cusub yihiin iyo fursadaha oo yar ayuu u sababeeyay. Ninkan xusay in ay safar lug ah oo shan cisho ku qaatay ay ku gaaraan magaalada Jowhar bishii Luulyo.

Carruurtiisa ayuu sheegay in uu ku arkayo qufac iyo qandho badan ku dhawaad bil haya. Xerada ma lahan xarun caafimaad, isna ma awoodo qarash uu isbitaal ugu qaado. Waxaa intaas u dheer in ay ka muuqato tabar darri ay gaajadu ku sababtay.

Waxay isaga soo tageen saddex qol oo jiingad ah, labo aqal Soomaali ah, musqul, barkad, agabkii u dhex yaallay iyo 25 ari ah oo u joogtay. Xoolaha ayaa noqday caato aan gali karin socod illaa 70 km ah oo u dhexeeya Aadan-yaal iyo Jowhar.

“Anagoo faro marn ayaan halkaan nimid. Wax xoolo ah ama raashin ama lacag ah oo aan la imaanay ma jiraan. Nafteena kali ah ayaan la soo cararnay. Wax kasta waa ka soo tagnay hal shay kama aannan soo qaadan magaalada. Dagaalka ayaa nagu kor dhacay waana ka soo orodnay.”

Maxamed ayaa xusay in noloshooda ay ku tiirsanayd beeraha iyo xooloha labadiina ay hadda waayeen. Ma lahan xirfad uu magaalo uga shaqaysto, taas oo keentay in qoyskiisa ay wajahaan culaysyo nololeed.

Dagaallada ciidanka dowlada iyo shabaab ku dhex maraya deegaanno ka tirsan gobollada dalka ayaa xaalado adag u horseeday qoysas badan oo horay u haystay nolol fiican.

Cali Xuseen Cabdi wuxuu cunno, biyo iyo hoy u la’yahay carruurtiisa oo 8 ah iyo xaaskiisa. Ku dhawaad 7 bil oo ay joogeen xerada Jowhar Bile ma aysan helin wax ay noloshooda ku maareeyaan, iyaguna gacan marnaan ayay ku yimaadeen. Xaaladaan ayaa ku riixday in ay dawarsadaan.

“Dad walal ah oo noo damqaday ayaa noo keena raashin bisil ama ciiriin ah, sidaas ayaan ku nool nahay oo meeshaan ku joognaa. Wax dab shitaa naguma jireen. Caqabadaha noogu daran waa hoy iyo cunno la’aan, biyaha oo nagu adag iyo adeegyada caafimaadka.”

Cali ayaa sheegay in tan iyo markii ay yimaadeen uusan ka daalin in uu shaqo ka raadiyo beeraha duleedka Jowhar. Waabarigii ayuu baxaa si uu u helo qof howl u dirsada, balse gabbal dhaca ayuu soo laabtaa isaga faro maran daalna u wehliyo.

Waxay galeen nolol ka liitada middii ay ka soo barakaceen, mana awoodaan in ay dib ugu laabtaan deegaankoodii oo shabaab ay weli haystaan.

Cali ayaa xusay xaaladaan ay uga waxbarasho beeleen shan carruur ah oo daruus bilaash ah ku qaadan jiray deegaanka Xawaadley oo ay ka yimaadeen. Wuxuu sheegay in uusan rajo ka qabin in uu waxbarasho ugu daro tabar la’aanta dhaqaale darteed.

“Carruurtayda oo dhan waxay ii baranayeen dugsi iyo iskuul, haddese guriga ayay iska joogaan aqoon la’aan waaye, meel aan geeyana uma hayo, sababtoo ah agabkii ay wax ku baranayeen ayaanan u heli karin. Sanad-dugsiyeedkaan wuu dhaafay ilmahayga.”

Cali ayaa sheegay in deegaankoodii ay ku haysteen nolol tan dhaanta. Waxay ka soo baraceen beer hal hektar ah iyo labo qol oo cariish ah oo ay tuulada ku lahaayeen. Ninkaan ayaa tilmaamay in gurigiisa uu hadda noqday fariisin ay joogaan Shabaab.

Waxay ahaayeen beeraley muddo dheer ku noolaa deeganka Xawaadley. Barakacaan oo saamayn nololeed ku yeeshay ayuu xusay in uusan aqoon sidii uu uga saari lahaa reerkiisa.

Dhanka kale Wasiir ku xigeenka wasaaradda gargaarka Hirshabelle Cumar Maxamed Cumar ayaa sheegay in dadka kor u dhaafayaan 50,000 oo qoys ay ka barakaceen tuulooyin iyo degmooyin ay illaa horaantii sanadkii hore dib u qabsadeen Shabaab.

Waxaa dhanka kale jirto cabsi laga qabo in xaaladu ka sii darto, maaddaama deyrtii aan la helin saadashuna aysan muujin roob dhow, sidoo kalena deegaannadii la qabsaday aan weli la xorayn.

“Dhibaatooyinka nololeed ee ka dhashay waxaa ka mid ah, waxaa halis ku jirta nolosha dadka iyo duunyada, carruurta shan sano ka yar nafaqo darro ayaa haysa, cunno xumo ayay wajahayaan oo qofkii maalinkii hal waqti hela ayaa nasiib leh. Haddii qofku waayo wixii uu ku tiirsanaa waa garan kartaa saamaynta ka dhalanaysa.”

Wasiirka ayaa sheegay in dadka lagu soo barakacay aysan waxba ku dhaamin kuwa u yimid. Taas ayaa keentay in ay yaraato cawimaada ay dhexdooda iska heli karaan. Wasaaradda oo kaashanaysa hay’ada

SODMA ayuu xusay in ay meelo kooban ka sameeyeen gargaar raashin iyo biyo dhaamin ah, balse ay aad u yar tahay marka loo eego baahida jirta.

Warbxiin ay horaantii December soo saartay hey’ada gargaarka iyo maareeynta masiibooyin Soomaaliya ayaa lagu sheegay in tirada dadka ka barakacay gobollada Shabeelaha dhexe iyo Hiiraan illaa bartamihii sanadkii 2025 ay markasta sii kordhayso. Dadkaan badankooda wax gargaar ah ma helin illaa xilligaas.

Previous Post

Hargeysa: Nolol xumo soo wajahday qoysaska ka ganacsada caanaha geela saamaynta abaarta darteed

Next Post

Sool: Colaaad xaalad hubanti la’aan ah galisay qoysas ka soo barakacay Ceerigaabo

Related Posts

Gedo: Dab ganacsi la’aan iyo nolol xumo biday qoysas barakac ku ah Doollow
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Gedo: Dab ganacsi la’aan iyo nolol xumo biday qoysas barakac ku ah Doollow

February 4, 2026
Xaalad quus ah oo ka dhalatay roob la’aanta ka sii daraysa ee haysa qoysas ku nool Bari
Beeraha Iyo Xoolaha

Xaalad quus ah oo ka dhalatay roob la’aanta ka sii daraysa ee haysa qoysas ku nool Bari

February 3, 2026
Dhoobley: Qoysas barakac ah oo abuurtay il-dhaqaale oo lagu garab-siiyay
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Dhoobley: Qoysas barakac ah oo abuurtay il-dhaqaale oo lagu garab-siiyay

February 2, 2026
blank
Cunto-Yaraanta

Waayeel iyo dad nugul oo looga guuray deegaan roob la’aan ah oo Hargaysa hoostaga

January 30, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Kumannaan qof oo dhibaato nolol xumo ku wajahaya  deegaannada Koonfur-galbeed

January 29, 2026
Mudug: Xoolo-dhaqato hore oo nolol xumo kaga baxay tacabka dhulka oo ay ku dhiiradeen
Beeraha Iyo Xoolaha

Mudug: Xoolo-dhaqato hore oo nolol xumo kaga baxay tacabka dhulka oo ay ku dhiiradeen

January 28, 2026
Next Post
Qoysas la dajiyay deegaan Hargaysa u jira 20 km oo ka cabanaya cunno xumo iyo dhaxan daran

Sool: Colaaad xaalad hubanti la’aan ah galisay qoysas ka soo barakacay Ceerigaabo

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 04-FEB-2026

IDAACADDA 04-FEB-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 04-FEB-2026
Episode play icon
IDAACADDA 04-FEB-2026
February 4, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 03-FEB-2026
February 3, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 02-FEB-2026
February 2, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 01-FEB-2026
February 1, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 31-JAN-2026
January 31, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo