(ERGO) – Danyar gaara 51,000 kun oo qof ayaa waayay adeeg caafimaad iyo quudin bilaash ah oo ay ka heli jireen xarumo ku yaalla deegaannada Qalimow iyo Gololey ee degmada Balcad ee gobolka Shabeellaha dhexe.
Xarumahan oo ay gacanta ku haysay hay’adda Zamzam ayaa dhaqaale la’aan u xirmay bishii September ee sannadkan. Waxaa si gaar ah loogu adeegi jiray hooyada iyo dhallaanka oo heli jiray cunto nafaqo leh, daaweyn iyo la socod joogta ah.
Shukri Axmed Xasan oo leh Uur siddeed bil ah ayaa ka mid ah dadka uu saameynta ku yeeshay adeegga caafimaad ee istaagay. Waxay sheegtay inaysan wax daryeel ah helin saddexdii bilood ee la soo dhaafay, ayna dareemeyso tabar darro iyo xanuun.
Cabsida ay qabto ayaa ah siday ku heli doonto meel ay bad-qab ugu umusho. Halka ugu dhow waa degmada Jowhar oo u jirta ku dhawaad 30 Km. Waxay tilmaantay inaysan heli karin dhaqaale ay ku safarto iyo mid ay ku bixiso isbitaalada lacagta ah.
“Nafaqo darro aadaan u dareemaa iyo laba-labo, kulley waa xanuunsanahay. Waa walwalsanahay, inta ayaa ii rooneyd ma ahoo, aniga tabaraa xaga la igu geeyo maba laha, qof iska danyar aa iska ahay oo ciyaal iska korsaneysa.”
Shukri ayaa xustay in labo carruur ah ay ku dhashay xarunta Qalimow oo ay ku xirneyd muddo afar sano ah. Xilliyadan marka ay gaarto waxay heli jirtay daryeel caafimaad oo joogto ah iyo quudin, balse nasiib xumo markan oo ay leedahay uurka ilmaheedii saddexaad waxay wajahaysaa xaalad hubanti la’aan ah.
Farmashi deegaanka ku yaalla ayaa looga yeeshay deyn ay ku qaateen iyada iyo carruurteeda daawooyin looga dabiibay nafaqo darro, shuban iyo burukeeto. Waa Deyn aysan awoodin inay bixiso, balse ay sheegtay inay ku qasbanaatay markii ay wajaheen xaalad caafimaad darro.
“Carruurtu waa qandhanayaan, burkeetaa qabanee, calooshaa xanuunee, shuban iyo tabar yaraa qabanayso, anigu waan xanuunsanahay. Farnashiyaha ayaan tagaa sharoobo, kaniinayaal iyo daawooyin kale sidaan uga soo qaadayay waxaa leygu yeeshay lacag boqol doollar ah, meel aan ka bixiyo oo aan ogahayna ma jirto.”
Shukri oo 22 jir ah ayaa sheegtay in xaaladda caafimaad la’aanta ay u dheer tahay cunno yari. Waxay tilmaantay inaysan joogto dabka u shidan karin, reerkuna uusan laheyn il-dhaqaale oo ay nolosha ku maareeyaan.
Beer saddex hektar ah oo ay ku beeran jireen galey, masago, digir iyo iyo qudaar ayay xustay inaysan waxba uga soo go’in muddo siddeed bil ah.
Dalagyadii ugu dambeeyay oo ay beerteen bishii October ayay tilmaantay inay biyo la’aan uga qallaleen, roobka deyrta oo yaraa awgeed.
“Cunno nagu filan maba heysano, adiga subax kaliya ayaan shitaaba. Sidaan meel kasta deyn uga soo qaadayay, hadda waan waayay meel deyn isiisa oo aan ka soo qaado. Hadda guriga ayaan iska joogaa markaan waayay meel aan wax ka qaato, wax dabka lagu shido maleh, waanba yaabanahay.”
Xoolo dhaqato iyo beeraley ku nool 94 tuulo oo hoos yimaada degmada Balcad ee gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa xarumaha xirmay u soo doonan jiray adeegyo bilaash ah, sida ay xustay hay’adda gacanta ku haysay.
Xaaladan ayaa ku soo beegantay xilli dadka ku nool deegaanadan ay wajahayaan roob yari sababtay in xooluhu nacfi yeelan waayaan, beerahana wax soo saar laga waayo.
Maryan Guure Maxamed oo ah 29 jir ku nool deegaanka Gololey, waxay kamid aheyd haweenkii ugu dambeeyay ee ku umulay xarunta caafimaad ee deegaanka. Waxay nuujineysaa ilmo ay dhashay bishi sagaalaad ee sanadkan. Quudin ku filan oo aysan helin awgeed ayay xustay in caanaha naasku aysan kaafin karin dhallaankeeda.
Waxay sheegtay inaysan hadda haysan nafaqeyntii iyo hannaankii xaaladeeda caafimaad loola tacaali jiray.
“Isbitaalka markuu furnaa waa nala daryeelayay, canugana marka hooyadiis wax cuneyso ayuu naas heli karaa, laakiin haddii hooyadiis wax cuneynin oo ay baahantahay caano ku filan iyo naas mahelaayo.”
Qoyska Maryan ayaa culeyso dhaqaale wajahaya tan iyo bartamahii sannadkii hore ee 2024, markaas oo xanuuno iyo daaq yari isbiirsaday ay uga dhinteen 98 neef oo lo’ ah. Waxaa meesha ka baxay caanaheeda oo ay iib gayn jireen. Waxaa hadda u jooga labo sac oo aysan u heli karin calaf ku filan.
Dadka ku nool deegaannadan oo ay ugu horreeyaan odayaasha iyo haweenka ayaa cabashadooda bannaanka keenay, balse wax jawaab ah kama aysan helin hay’adaha iyo maamulka Hirshabeelle.
Maxamuud Nuur Xasan oo 62 jir ah oo kamid ah gudigga xarunta caafimaad ee deegaanka Qalimow ayaa tilmaamay in saddexdii bilood ee la soo dhaafay ay diiwaan geliyeen ku dhowaad 20 kiis oo ah haween si caadi ah u dhalin waayeeen umuliso dhaqameedyo tuulada jooga, kuwaas oo lagu qasbanaaday in Jowhar loo qaado.
“Xarunta caafimaad waxaa laga helayay sharoobooyin casri ah, daawooyin casri ah oo wax walba u roon, si kastaba ha’ahaatee, annaga oo dadka waaweyn ah ayaa doowooyin ka soo qaadanaynay ayaa daryeel ku qabnay wax kale iska dhaafe.”
Qudhiisa wuxuu kamid yahay dadka saameynta ay ku yeelatay xirnaanshaha xarunta caafimaad ee Qalimow, halkaasi oo ay ka heli jireen daawooyin isaga, afar xaas oo uu qabo iyo 26 carruur ah oo uu aabbo u yahay.
Xarumaha caafimaad ee albaabada la isugu dhuftay ayaa shaqeynayay muddo 12 sanno ah. Haween gaaraya 1,416 ayaa siddeeddii bilood ee ugu horreeyay sannadkan ku umulay xarumahan oo celcelis ahaan in ka badan shan dhalmo maalintii qaabilyay. Sidoo kale 1,138 carruur ah ayaa bishii lagala socday xaaladooda nafaqo. Sidaas waxaa Raadiyow Ergo u sheegay Suubow Maxamed oo ah madaxa caafimaadka iyo nafaqada ee hay’adda ZamZam.
Wuxuu tilmaamay in xaaladaha caafimaad iyo nafaqo ee deegaannada Qalimow iyo Gololeey ka jira hadda ay yihiin kuwo aan soo marin in ka badan 10 sanno oo ay deegaannadaasi ka howlgalayeen.
“Hadda dadaalo badan oo xoogan yaan wadnaa oo ay kamid tahay in aan dalbano dhaqaale aan xarumahan dib ugu furno. Sidoo kale balan qaadyo dad deeq bixiyaal kale aan ka helnay ayaa jira.”
Suubow ayaa tilmaamay in sanadkan 2025 ay xirmeen siddeed isbitaal, afartan xarumo caafimaad ah iyo saddex boqol oo xarumood oo lagula tacaali jiray dadka nafaqo darrada wajaha. Dhammaan waxay ku yaalaan Koonfurta Soomaaliya.








