(ERGO) – Boqollaal qoys oo barakac ah oo ka soo laabtay labadii sano ee u danbaysay dalka Itoobiya oo ay qaxooti ku ahaayeen markii uu ka go’ay gargaar ay heli jireen ayaa xaalad nolol xumo ah ku wajahaya xerada Kabaaso ee magaalada Doolow ee gobolka Gedo.
Qoysaskan oo markii ay imaadeen xerada dulsaar ku noqday qoysaskii horay u deganaa ayay xaaladdooda ka sii dartay bishii shanaad ee snadkaan xilligaas oo uu sodoo kale joogsaday gargaar ay reeraha ay la degeen ka heli jireen hay’adda WFP, kaas oo noloshoodu ku wada tiirsanayd.
Madiino Maxamed Aadan waxay qoyskeeda oo 9 qof ah u awoodi la’dahay cunno ku filan. Waxay dabka ku shitaan wax ay ku caawiyaan dadka magaalada ku nool oo ay u soo dan-sheegato. Waxay soo hesho ayay xusaty in xitaa aysan hal waqti ku filnayn.
“Hadda quraac aan iidan laheeyn mooye wax kale ma awoodno. Dadkii na caawin jirayna iyagaan waxbo heli karin oo la’ waxay quutaan. Wax walbo waa naga go’een. Carruurtayda aad ayay u rafadsanyihiin. Marki hore dariska ayaa lagu noolaa oo wixii ay helaan wax naga siin jiray. Markaas saddex waqti ee subaxa, duhurka iyo habeenka ayaan wax karsan jirnay.”
Madiino ayaa sheegtay inay waysay min shan kiilo oo iskugu jiray bur, sonkor, bariis iyo 2.5 liitar oo saliida cunada lagu karsado ah, kuwaas oo ay bille kaga heli jirtay qoysas deris kula ah xerada oo hay’ada WFP siin jirtay $80.
Haweeyneydan ayaa xustay in si ay u maareyso nolosha caruurteeda oo keligeed ku tiirsan ay raadisay shaqooyin nadaafad ah oo aysan soo helin, maaddaama ay badan yihiin haweenka kale ee sidoo kale suuqa kula jira
Maalinteeda oo dhan waxay ku qaatadaa inay xaafadaha wareegto. Waxay baxdaa iyada oo og in aysan shaqo helayn. Waxaa arrintaas ku qasbaya markay aragto xaaladda ay carruurteedu ku sugan yihiin cid u maqanna aysan jirin.
“Hal cunug oo nafaqo darro la liito ayaan haysta, kaas ayaan meel ilmaha lagu cabbiro sidoo kalana malmalaato lagu sii geeya. Shan xabo oo la i soo siiyo ayaan siiyaaa. Hay’ad ama meel kale oo ay wax naga soo galaan malahan. Gaajada na hayso ayaa noogu daran.”
Madiino ayaa sheegtay in cunno xumada ay u dheer tahay walwal ka haysta waxbarasho la’aanta carruurteeda. Waxay tilmaamtay in saddex ka mid ah oo gaaray xilligii waxbarashada ay daruus la’aan yihiin, maaddaama aysan awoodin $5 oo halkii qof wax lagu baro iskuullo gaar loo leeyahay ee xerada.
Waxay xustay in kuwa kooban oo bilaash ah kuna yaallo xerada Kabaaso ay dhigtaan tirada ardaydii loogu tala-galay oo ay boos uga waysay. Waxaa murug ku haya mustaqbalka ilmaheeda oo aysan u hayn xal ay wax ku bartaan.
Haweeyneydan ayaa sheegtay in maareynta nolosha qoyska ay kali ku tahay. Ilmaheeda aabbaahood ayay tilmaamtay inuu yahay wayeel aan waxbo ku soo kordhin karin nolosha reerka.
Qoyska Madiino ayaa sanadkii 2023 dib uga soo laabtay dalka Itoobiyo oo ay qaxooti ku ahaayeen tan iyo sanadkii 2011. Waxay go’aankaasi qaateen markii hay’adaha gargaarka iyo dowladda Itoobiya dhimeen qoondada qaxootiga la siin jiray.
Dhamaan qoysaska ka soo laabtay dalka Itoobiya ee soo miciin biday xeryaha magaalada Doolow ayaa nolol xumada ka siman. Aamino Cabdi Cali waxay lix carruur ah oo keligeed ay korinayso u awoodi la’dahay quud-maalmeedka.
Waxay dabka ku shitaan lacag ugu badnaan $3 ah oo toddobaadka dhan ay ka soo hesho shaqooyin nadaafad ah oo aysan joogto u helin. Markii ay soo wayso waxay sheegtay inay soo dawarsato ama ay calool marnaan ku seexiso carruurteeda oo yaryar.
Qoyskeeda waxaa cunno xumada u dheer biyo yari xaaladooda sii adkaysay oo xerada ku haysata.
“Biyaha iyo wax walbo waa lacag. $0.6 oo halkii jirgaan la iibiyo tuubooyinka xerada inta badan ma heli karno. Inaan dhabarka uga soo qaadano wabiga Jubba ama aan ilmaha hal caag noo soo dhaamiyaan ayaan ku tiirsanahay, markii Illahey na siiyo waan iibsana.”
Aamino ayaa sheegtay in labo carruur ah oo kala jira 10 iyo 12 ay biyaha uga dirto webiga Jubba oo u jira in ka badan 30 daqiiqo oo socod ah, marka ay wayso lacagtii ay ku iibsan lahaayeen. Carruurta oo gajaysan ayay maalin dhan ku qaadata in ay keenaan 20 liitar qaad aan reerka ku filnayn.
Waxay sheegtay in ay cabsi ka qabto in carruurteeda ay wabiga kaga dhacaan, maaddaama aysan dabaasha aqoon, balse inaysan hayn doorasho kale ay ku qasabtay inay u dirto.
Haweeyneydaan ayaa sheegtay in saddexdii sano ee la soo dhaafay ay ahayd bukaan socod keligeed u dhaqdhaqaaqda ilmaheeda oo ay aabbaahood kala tageen sidoo kalana aan ku biilin.
“Qof xanuunsan oo la dhiban dhiig lagu shubay ayaan ahay. Dhowr sano ka hor ayaa dhiiga la igu shubay mar aan umulayay. Qoraxda kuleelkeeda iyo shaqada badan waa i dhibayaan, haddana cid kale oo ay ilmaheyga sugayan oo aan ani ka aheyn ma jirto. Anna iyagoo baahan ma seexan karo.”
Aamino reerkeeda ayaa sanadkii 2024 ka soo laabtay gobolka Liiban ee dowlad deeganka Soomaalida oo ay qaxooti ku ahaayeen in ka badan toban sano.
Qoysaska soo laabtay ee xerada Kabaaso ku wajahaya xaaladaha adag ee dhanka nolosha ah waxaa ka mid ah reerka Suldaano Abshir Cali. Waxay sheegtay in ganacsi yar oo ay bilawday sanad iyo bar ka hor uu ka xirmay bishii July.
Waxaa isku raacay daymo laga qaatay, markii gargaarkii ay waayeen dadka xerada iyo in aysan helin cid wax ka iibsata. Raashin kiilooyin ah oo ay iibin jirtay ayay ku qasbanaatay inay carruurteeda ku quudiso, kaas oo ka dhamaaday afar bil ka hor.
“Culays aad ah ayaa na haysta. Cunto xumo ayaa na haysa oo carruurtayda hal mar ah ayaan dabka u shidaa. Biyaha waan gadanaa, caagi toban riyaal ayaa nagala siiya illa shan riyaal, sidaas oo ay tahay saf ayaan u galnaa. Raashin iyo biyo iyo wixii naloo awoodo waan u baahanahay in nala siiyo.”
Suldaano ayaa sheegtay in xaaladdan ka hor ay ganacsigeeda ka heli jirtay labo illaa saddex doolar maalinkii. Waxay culays joogto ah kala kulmaysa $50 oo ah dayn ay marar kala duwan ugu soo adeegatay, kaddibna ay iska bixin waysay.
Waxay qoyskeeda bishii Febraayo ee sanadkii hore dib uga soo noqdeen xerada qaxootiga Boqol-maayo ee dalka Itoobiya oo ay muddo sanado ah barakac ku ahaayeen.
Qoysaskan oo naawilayay inay qayb ka noqon doonaan dadka hay’adaha ka hela kabka dhaqaale oo hadda gabi ahaan meesha ka baxay ayaa galay nolol xumo ka daran middii ay uga soo guureen xeryaha dalka Itoobiya ku yaallay.








