Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Beeraha Iyo Xoolaha

Xoolo-dhaqatada Galgaduud oo awoodi waayay in ay dabka shitaan biyo yari awgeed

Jibril Osman by Jibril Osman
November 23, 2025
in Beeraha Iyo Xoolaha, Cunto-Yaraanta, Wararkii u Danbeeyay
0
Xoolo-dhaqatada Galgaduud oo awoodi waayay in ay dabka shitaan biyo yari awgeed

Photo/kaydka Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Boqollaal qoysas reer guuraa ah ayaa xaalado biyo yari iyo cunno xumo ah oo saamayn nololeed ku yeeshay ku wajahaya miyiga deegaanka Iidoole oo qiyaastii 30 km dhanka waqooyi bari kaga beegan degmada Cadaado ee gobolka Galgaduud.

Qoysaskaan waxaa ka jabay bartamihii Oktoober halkii ceel-biyood ee ay ku tiirsanaayeen. Arintaan ayaa u horseeday in dadka iyo xooluhu ay oomaan.

Waxay isugu jiraan dad horay deegaanka u joogay iyo kuwo ka soo hayaamay tuulooyinka Miirxayley, Xinjilab, Hog-dugaag iyo Bowdo-dhogorre oo aan roobkii deyrta laga helin.

Khaliif Maxamed Siyaad ayaa sheegay in roob yar oo Iidoole ka da’ay uu 10 bishii hore uga soo guuray duleedka Miirxayley si uu daaq iyo biyo ugu helo lixdan ari ah oo uu jooga.

Wuxuu la kulmay ceelkii oo halaabay iyo naqii yaraa oo la dhamaystay, markii dad badan ay ku soo guureen. Ninkaan ayaa xusay inay ku adkaatay qoyskiisa oo 10 ah adeegsiga biyaha ceel-gacmeedyo muddo 13 sano ah aan la isticmaalin.

Wuxuu sheegay in ay yihiin dhanaan wasaqaysan oo carruurtii ay kaga jirradeen. Shan ceel oo deegaanka ku yaalla ayuu xusay in ay isku mid yihiin.

“Badar iyo biyo waa la waayay labadaba, aad ayaan ugu dhibaatoonay biyaha. Qoyska dhan 20 liitar ayay maalinkii ku joogaan, mana ku filna.”

Khaliif ayaa sheegay in dadku ay cabitaan kali ah u isticmaalaan halka caag ee ay helaan. Qoyska ninkaan waxay sidoo kale wajahayaan cunno xumo. Arigiisa oo aan roob fiican helin saddex xilli oo isku xigta ayaa nacfi beelay, meel kalena dhaqaale kama soo galo.

Wuxuu tilmaamay in afar bil ka hor ay ugu danbaysay neef uu ka iibsado. Waxay ku tiirsan yihiin kiilooyin raashin ah oo ay mar mar u soo dhiibaan ehelkooda degan magaalada Cadaado oo ay u dan sheegtaan.

Markii aysan waxba ka helin ayuu xusay in ay qatooyo ku joogaan carruurtiisa oo kan ugu yar uu labo jir yahay. Wuxuu xusay in xitaa loo diiday daymihii, taas oo xaaladooda sii adkaysay.

“Saddex waqti ayaan awal heli jirnay oo magaalada ayaan u safri jirnay. Dadkii aan ka soo qaadan jirnayna waa diideen oo wixii hore bixi ayay na leeyihiin, waxana uma hayno, xaalkeena waa meeshii ugu hoosaysay, Ilaahay ayaan faraj ka sugaynaa.”

Khaliif ayaa sheegay in Cadaado iyo Miirxayley looga leeyahay $740 oo reerka uu biyo iyo raashin dhowr mar ugu soo qaatay. Wuxuu xusay in joogto loo soo waydiiyo, balse uusan hayn qorshe uu ku bixiyo. Daynta ku badatay ayaa sababtay in buugiisa la xiro.

Wuxuu sheegay in beec la’aanta xoolihiisa oo ay ka war qabaan dadkii uu wax ka soo qaadan jiray ay keentay in aan lacag kale lagu aaminin. Neefafka u jooga waxaa isku raacay deegaanka oo aysan aqoon, gaajada iyo oonka.

Wuxuu filayay in geeddiga dheer ka-ddib uu arigiisu heli doonaan daaq iyo biyo si uu ugu soo kabsado saamayntii jilaalka, ayna uga helaan iib ama wax ay qashaan.

“Markii hore waxaan ka soo guuray meel 80 km noo jirta. Waxaan soo socday muddo toddobo beri ah, xoolihii waa xoog yaraayeen, roobna ma hayno, kii horena wax la dhamaystay ayaan u nimid meeshii aan ka soo guurnayna neef gaari kara kuma jiro.”

Khaliif ayaa sheegay in uusan deegaankiisii dib ugu laaban karin oo wali ay roob la’aantu ka jirto, meesha ay joogaanna aysan ku haysan nolol dhaanta tii ay ka yimaadeen. Arigiisa ayuu tilmaamay in aysan waxba u soo kordhin tan iyo markii uu yimid.

Dhanka kale waxaa waxbarasho la’aan ka ah shan carruur ah oo qur’aanka uga baran jiray Miirxayley, kuwaas oo uu ka cabsi qabo in ay hilmaamaan, maaddama ay yar yar yihiin. Miyiga Iidoole oo u soo guureen ayuu xusay in uusan dugsi ku oollin.

Qoyska ninkaan oo ah reer guuraa waligood ku noolaa gobolka Galgaduud, waxay cabsi ka qabaan in biyo iyo baad la’aanta ay kaga dhamaadaan xoolihii ay waqtiga dheer ku tiirsanaayeen.

Dhibaatada biyo yaridu waxay si isku mid ah u saamaysay dadka u soo guuray deegaanka Iidoole iyo kuwii horay u deganaa.

Cabdullaahi Maxamuud Xaashi wuxuu biyo ku filan u awoodi la’yahay qoyskiisa oo sideed qof ah iyo 40 ari ah oo ay dhaqdaan.

Wuxuu tilmaamay in ay dhibaatooyin caafimaad darro ka qaadeen biyaha wasaqda ah ee ku jira ceel-gacmeedyada oo ay dantu ku qasabtay isticmaalkooda.

“Lacag lagu soo qaato ma haystaan oo xaalad adag ayaa lagu jiraa. Ceel-gacmeedyada biyahoodu waa biir, markii la cabay calool xanuun, shuban iyo qufac ayaa dadkii ku dhacay. Qashinka ayaa ku daadanaya dhowr iyo toban sano ceel aan la cabin oo af banaan weeye.”

Cabdullaahi ayaa sheegay in 15 Nofeembar uu xarunta caafimaadka Iidoole geeyay saddex carruur ah oo calool xanuun iyo shuban badan uu ku arkay. Wuxuu tilmaamay in ay daawadu gabaabsi ku tahay oo kali ah oo-aaris la soo siiyay.

Wuxuu tilmaamayay in ay karkariyaan biyaha ka hor inta aysan cabin si ay u kala miirmaan kuwa nadiifka ah iyo wasaqda ku jirta. Cabdullaahi qoyskiisa waxaa biyo yarida u wehliya cunno xumo.

Wuxuu sheegay in 10 kiillo oo bur, bariis iyo sonkor ah oo ay ka soo daynsadeen 18 bishaan bakhaaro Cadaado ku yaalla ay hadda ka sii dhamaanayso waxkalena aysan hayn.

“Nafta ayaan la yaabannahay waxaan ka baqayaa in aniga iyo carruurtu aan diraacdaas ku harno. Lacag wax lagu gato kama jirto hadda dayn ayaan ku nool nahay. Waagii xooluhu cayilaan ayaan idin siinaynaa ayan dhahnay xoolihiina roob ma helin.”

Cabdullaahi ayaa sheegay in uu culays kala kulmayo $600 oo tan iyo bishii Luulyo ee sanadkaan lagu leeyahay. Xoolihiisa oo uu ka waayay wax iib gala ayaa ku qasbay in uu daynta qaato. Roob la’aanta saamaysay ayaa meesha ka saartay rajadii uu ka qabay in uu iska bixiyo.

Arigiisa wuxuu waraabiyaa 7 maalin kadib, maaddaama shubidda ceel-gacmeedyada dhib iyo howl badan laga maro. Wuxuu xusay in halkii mar ay afar nin isla shubaan, kuwaas oo aan joogto loo wada heli karin.

Guddoomiyaha deegaanka Iidoole Shariif Cumar Maxamuud ayaa Raadiyow Ergo u sheegay in xaalada biyo yaridu ay saamaysay boqollaal qoysas oo deeganka isugu yimid iyo kuwo booyado uga dhaansan jiray.

Wuxuu xusay in ceelkaan oo muddo dheer la isticmaalayay uusan dayac-tir helin, taas oo keentay in uu shaqada joojiiyo. Roob yari jirta iyo dadka oo isku soo guuray ayuu sheegay in ay xaalada sii adkaysay.  Wuxuu tilmamay inaysan awoodin cillad-bixinta ceelka dhaaale yarida haysa darteed.

 “Matoorkii iyo tuubooyinkii ayaa wada dilaacay. Bamkii oo daqoobay oo shaqadii gabay weeye. Canaabta saaranna aad ayay u badan tahay. In la dayac-tiro waxaa hortaagan dadkaan waa dad abaaraysan beec ma hayaan kuwii joogay iyo kuwii soo guuray midna, xoolahaas ayayna ku tiirsan yihiin oo meel kale waxba kama soo galaan xoolihiina waa ka nacfi beeleen.”

Biyaha dhanaan ee ceel gacmeedayada oo la sii cabbo ayuu sheegay in ay dhibaato caafimaad ka dhalan karto. Waxaa intaasi u dheer in xarunta caafimaad ee deeganka ay ka jirto daawo la’aan oo dadka xanuunsada aan loo heli karin meel la geeyo.

Previous Post

Dhadhaab: Cunno xumo haysa 10,000 oo qoys oo laga waayay diiwaanka raashin bixinta

Next Post

Carruurta qoysas soo barakacay oo waxbarasho la’aan ku wajahaya Gaalkacyo

Related Posts

Qoysas barakac ku tagay Wanlaweyn oo ka dayriyay nolol xumo haysa
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas barakac ku tagay Wanlaweyn oo ka dayriyay nolol xumo haysa

November 25, 2025
Carruurta qoysas soo barakacay oo waxbarasho la’aan ku wajahaya Gaalkacyo
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Carruurta qoysas soo barakacay oo waxbarasho la’aan ku wajahaya Gaalkacyo

November 24, 2025
Dhadhaab: Cunno xumo haysa 10,000 oo qoys oo laga waayay diiwaanka raashin bixinta
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Dhadhaab: Cunno xumo haysa 10,000 oo qoys oo laga waayay diiwaanka raashin bixinta

November 21, 2025
blank
Cunto-Yaraanta

Shaqo la’aan nolol xumo galisay qoysaska rag dhulka kala dalaala oo ku nool Baydhabo

November 20, 2025
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Dhadhaab: Dab baabi’iyay boqollaal ganacsi oo nolol xumo biday qoysas ku tiirsanaa

November 18, 2025
Haween iyo rag ka shaqeeya nadaafadda Kismaayo oo hela raashin bille ah
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Haween iyo rag ka shaqeeya nadaafadda Kismaayo oo hela raashin bille ah

November 17, 2025
Next Post
Carruurta qoysas soo barakacay oo waxbarasho la’aan ku wajahaya Gaalkacyo

Carruurta qoysas soo barakacay oo waxbarasho la'aan ku wajahaya Gaalkacyo

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 25-NOV-2025

IDAACADDA 25-NOV-2025 by Radio Ergo

IDAACADDA 25-NOV-2025
Episode play icon
IDAACADDA 25-NOV-2025
November 25, 2025
Episode play icon
IDAACADDA 24-NOV-2025
November 24, 2025
Episode play icon
IDAACADDA 23-NOV-2025
November 23, 2025
Episode play icon
IDAACADDA 22-NOV-2025
November 22, 2025
Episode play icon
IDAACADDA 21-NOV-2025
November 21, 2025
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo