(ERGO) – In ka badan kun iyo shan boqol oo qoys oo colaad u dhaxaysa labo qabiil uga barakacay horraantii bishan deegaanada Dudumaaye, Gareeri, Beled amaani iyo Awgaduud ee gobolka Shabeelaha-hoose ayaa xaalad nololeed oo aad u liidata ku wajahaya duleedka magalada Wanlawayn oo ay gaareen.
Xuseen Cabdullaahi Xuseen wuxuu sheegay in qoyskiisa oo sagaal ah ay degeen meel bannaan aysanna haysan biyo iyo cunno ku filan. Waxay maalinta dhan dawarsadaan dadka ku nool magaalada oo cabaar u jirta si ay u helaan wax ay hal waqti cunaan.
Maalmaha qaar oo ay soo waayaan ayuu sheegay in gaajo u hooyaan carruurtiisa oo kan ugu yar saddex jir yahay. Ninkaan oo ah 47 jir noloshiisa oo dhan ku soo qaatay gobolka ayaa sheegay in xilligaan ay wajahayaan xaaladdii ugu darneed ee ay abid mutaan.
“Hadda oo la soo qaxay dhibaato badan ayaa jirta. Cariiri badan ayaa jira kole nolosha wakhtigii hore ayey ficnayd. Halka wakhti in aan helno ayaa adag magaalada ayaan iska galnaa dad walaal ah ee Meesha jooga ayaa mar-mar wax nasiiya sidaas waaye xaalkeena.”
Xuseen oo ka mid ahaa beeralayda deegaanka Dudumaye ayaa sheegay in beertiisa ay maleeshiyaad ka mid ah qabiilada dagaalamayay ay dab qabadsiiyeen beertiisa oo shan hiktar ah oo ay noloshoodu kaligeed ku tiirsaneyd.
Wuxuu tilmaamay in halkaas uu ku basbeelay dalag iskugu jiray khudaar iyo raashin oo uu tacbayay, uuna filayay in uu u soo go’o dhamaadka sanadka 2025. Wuxuu tilmaamay in uu ku maal geliyay illaa $1,500 oo uu dayn ku soo qaaday taas oo dadkii lahaa ay xilli kasta soo waydiiyaan.
Ninkaan waxaa intaas u dheer in laga gubay labo guri oo cariish ah iyo kayd raashin oo beerta ugu dhexyaalay, kuwaas oo sii kordhiyay samaynta. Wuxuu kaga gol-lahaa kaydka in uu ku baxsado xilliyada ay dhacaan masiibooyinka nuucaan ah, balse qorshihiisa ayaa fashilmay markii ay dablaydu arkeeen.
Wuxuuu ka cabsi qabaa in saamaynta arrintaan uu dib kaga soo kabsan waayo.
“Colaaddu waxay ii saameysey beerta horta nolosha beerta ayey saarneyd, beertiina waa la iga gubey. Cunto la’aan iyo biyo la’aan waaye dhibaato badan ayaa jirta, meeshii loo soo barakacayy iyadana abaar badan iyo dhibaato badan ayaa ka jirta.”
Qoyska Xuseen cunno xumada waxaa u dheer biyo yari. Wuxuu sheegay in aysan awoodin gadashada biyaha ceel gaar loo leeyahay oo halkii jirgaan la siiyo labo kun oo shilin Soomaali ah. Wuxuu tilmaamay in maalin iyo habeen ay isku celiyaan hal jirgaan oo ay ku caawiyaan qoysas daris la’ ah.
Biyahaas yar oo aan ku filnayn qoyskiisa ayuu tilmaamay in ay u adeegsadaan keliya cabista iyo inay wax ku karsadaan. Ninkaan ayaa sheegay in xaaladaha isku biirsaday qoyskiisa ay ka sii darayaan marba marka ka danbaysa.
Dhamaan dadka ka barakacay deegaanada colaaddu ka dhacday ayaa galay xaalad isku mid ah sida maadaama ay ku wada waayeen kaabayaashooda dhaqaalaha oo beeruhu ugu horreeyeen.
Axmed Maxamed Nuur oo ka mid ah wuxuu sheegay in muddo labo todobaad ah oo uu barakac yahay uu carruuurtiisa oo 10 ah uu u la’yahay cunno ku filan hal waqti.
Wuxuu tilmaamay in ay ku tiirsan yihiin caawinaad ay siiyaan cunto bisil qoysas ay qaraabo yihiin oo ay soo dul degeen oo aan joogto ahayn.
Wuxuu xusay in xaaladdaas ay u dheer tahay hoy la’aan. Waxay gabaad sadaan geedo aan har fiican lahayn halka ay habeenkii ku seexdaa kortoomo ay magaalada ka soo aruursadeen iyaga oo aan haysan wax ay dhaxanta ka huwadaan. Wuxuu ka walaacsan yahay xaaladda qoyskiisa.
“Welwelka ani ihaya waxa weeyaan noloshaada maxay noqon doontaa reer dad ayaad dul saaran tahay maxaa kuu danbeyn doona? Baahi miyaad u dhiman doontaan adiga iyo carruurtaada sidee noqon doontaan?”
Axmed oo ku noolaa deeganka Dudumay oo ah halka dadka ugu badan ka soo barakaceen ayaa sheegay in colaaddu ay ku soo aaday xilli ay la tacaalayeen roob yari saamayn xooggan ku yeelatay beerahooda.
Wuxuu tilmamay in dalag iskugu jiray raashin iyo khudaar oo uu si dhib leh ku tacbay laga gubay xilligii uu goosan lahaa.
Waxaa sidoo kale ka gubtay kayd caws ah oo uu aruurinayay labadii sano ee la so dhaafay si uu xoolo-dhaqatada uga iibsado xilliga uu jiilaalku dheeraado. Wax soo saarka beertiisa kaga soo go’i lahaa ayuu ku qiyaasay illaa $5000.
Badalkii uu faa’iido ka filayay wuxuu sheegay in ay kaga tagtay dayn uu awoodi la’yahay bixinteeda oo ku gashay abuurka beerta oo sanadkaan uu muruq iyo maal iskugu geeyay.
“$270 ayaa la iigu leeyahay. Dhibaatada maanta nahaysata Illaah ayaa naga bixiyo gargaar Illaah hana siiyo caawin ayaan u baahanahay.”
Wuxuu xusay in uu soo gaaro magaalada Walanlawayn oo u jirta deegaankiisa qiyaastii 25 km ay ku qaadatay maalin iyo habeen, maaddama uu garabka ku soo qaaday sadex u yar carruurta oo aan socon kari safarkaas dheer.
Ninkaan oo ah 70 jir ayaa sheegay in uusan lahayn xoog iyo xirfad uu ku shaqaysato xitaa haddii uu isku hawli lahaa in uu xaaladdaan adag ka saaro reerka. Wuxuu tilmaamay in waxa kali ah ee uu yaqaano ay tahay beer falashada meesha ka baxday.
Wuxu quus ka muujiyay in uu dib u tacbadoo beertiisa xitaa haddii colaadda la xaliyo maadaama la gubay asna uusan lahayn awood uu ku oodo mar kale.
Saamaynta ka dhalatay colaadda kuma eka dadka soo barakacay oo kali ah ee sidoo kale waxay saamayn xooggan ku yeelatay kuwii horay u sii joogay degmada Walanwayn.
Waxay galeen xaalad isku mid ah maaddaama ay isku dayeen in ay sahaydooda ku quudiyaan dadka soo dul degay, sida uu sheegay Godoomiyaha ku xigeenka Arimaha bulshada degmada Cumar Cismaan Aadan.
Dadka soo gaaray magaalada ayuu xusay in ka maamul ahaan ay u sameeyeen soo dhawayn walow ay aad uga sareeyaan awooodooda. Wuxuu tilmaamay in ay ku sameeyeen tirakoob si loo siiyo meel ay degaan. Wuxuu sheegay in hadda ay soo gareen dad ka badan 1,500 oo qoys.










