(ERGO) – Cunno xumo, iyo biyo yari ayay wajahayaan boqollaal qoys oo danyar iyo xoolo dhaqato iskugu jira oo bishii June Bacaad ku soo rogmada uga barakacay deegaanka Kulub ee gobolka Mudug. Waxay hadda joogaan dhul taag ah oo aysan waxba ku haysan.
Waxaa meesha ka baxay guryihii ay daganaayeen, ceelashii biyaha, goobihii waxbarashada iyo caafimaadka. Axmed Cabdullaahi oo dadkaas ka mid ah wuxuu qoyskiisa oo 10 qof ah u awoodi la’yahay cunno ku filan.
Waxa keli ah ee noloshoodu ku tiirsan tahay waa dayn aan joogta aheyn iyo caawimaad ay waydistaan qof dad ay ehel yihiin oo jooga magaalooyinka waaweyn ee Putland, marka ay ka waayan ayuu xusay inay danta dhaafin waydo inay gaajo ku joogan.
“Noolasheenu aad ayay u hooseysa hadda oo nolol aad u liidato ayaan ku suganahay. Cuntada saddexda waqti ee maalinkii hal mar ah ayaa shidaana dabka, halkaas mar ayaan si dhib ah ku helnaa. Inaan labo ama saddeex shidaana ma awoodi karno oo barakaca iyo roob yarida ayaa na saameeysay.”
Axmed ayaa sheegay in xaaladoodu sii adkaatay, markii bishii Ogoosto ay Puntland joojisay jillaabashada aargoosatada xaalufka badduna uu sababay inay waayaan kalluunka oo muddo dheer ay ku tiirsanaayeen
Wuxuu ka shalaynaya inuusan waxbo ka kaydsan $10 illaa $15 oo uu joogto uga heli jiray shaqadiisii. Ninkaan ayaa sheegay inay suuragali waysay shaqooyin xamaal ah oo uu marar kala duwan ka raadiyay magaalada Garacad oo u jirta 12 km.
Wuxuu xusay in qoyskiisa cunno xumada ay u dheer tahay hoy la’aan. Waxay gabadsadan qol ay ka samaysteen alwaax iyo jiingado oo ay ka dhisteen dhul taag ah. Waxay bannaan-yaal ka noqdeen 2 qol oo dhagax ah, jiko iyo musqul ay ku lahaayeen deegaanka Kulub, kuwaas oo uu bacaadku qariyay.
“Bacaadku waa mid ay dabeyl xoog leh la soo socoto. Sidii ay noogu socotay ayay deyrkii guriga noogu oodna qarisay. Barkadii ay biyaha noogu jireen ayuu sidoo kale buuxiyay intuu gudaha u galay. Inaan celino ayaan isku daynay. Waxaan ka cabsanay in guriyaha ay nagu soo dumaan anagoo hurudna, sidaas ayaan uga soo barakacnay.”
Axmed ayaa sheegay in bacaadka ku soo rogmaday tuulada Kulub ay uga waxbarasho beeleen 8 carruur ah oo dhiganayay fasalada saddexaad, afraad iyo shanaad, kuwaas oo uu bishii ka bixin jiray $20.
Wuxuu tilmaamay in carruurtiisa ay waxbarasho la’aan yihiin tan iyo bishii May ee sanadkan, markaas oo bacaadka dartiis albaabada loo laabay iskuulkii deegaanka. Ma awooda dhaqaalaha wax looga dhigto iskuullada deegannada ku dhaw oo badan.
Deegaanka Garacad oo ah kan ugu dhaw ayuu tilmaamay in qofkiiiba wax lagu baro $10 oo uusan heli karin. Ninkaan ayaa xusay in waxabarasho la’aanta carruurtiisa ay murug badan ku hayso, balse faro marnaantiisa darteed uusan xal u hayn.
“Waan ogahay in haddii aynan waxbarasho helin ay saameyn ku leedahay mustaqbalkooda ayna adkaan doonto in ay naftooda iyo ehelkoodaba wax taraan, balse ma awoodo inaan waxbarashada u sii wado.”
Axmed oo 52 jir ah ayaa sheegay in noolashiisa oo dhan uu ahaa kallumeyste, sidoo kalana uusan laheyn xirfad kale oo uu u baxsan karo xilligan adag.
Qoysaska ku barakacay bacaadka ku habsaday tuulada Kulub ayaa ka siman saamaynta nololeed ee haysta. Saciid Xasan Yusuf wuxuu tilmamtay in qoyskiisa oo 9 qof ah ay wajahayaan daruufo liita oo dhanka nolosha ah.
Wuxuu sheegay in si ay u beeqaamiyaan ay hal mar maalinkii dabka ku shitaan deyn ay ka soo qaataan dukaamo ay leeyihiin dad ehelkooda ah oo ku yaalla degmada Garacad. Wuxuu tilmaamay in reerkiisa ay sidoo kale dhibaato ku qabaan helida biyaha.
“Markii hore ceelal ayaa noo qodnaa oo aan biyaha ka heli jirnay. Ceelashii hadda bacaadka ayaa aasay. Booyado ayaa $140 illaa $160 biyaha nooga keena degmada Garacad oo noo jirta 12 km. Lacagtaas ma awoodi karno, balse dayn iyo inaan u dan sheegano ayay biyaha nagu siiyaan.”
Saciid ayaa sheegay in labo waddo oo ay baabuurta u soo mari jireen uu bacaadku xiray. Dadaalo ay dadka deegaanka ku doonayeen inay dib ugu furaan ayuu sheegay inaysan u suuragalin.
Waxaa arrintan ka dhalatay in gawaarida ay booyaduhu ka midyihiin ka soo wareegan waddooyin fogfog ilaa 35 km si ay deeganka u soo gaaraan. Bacaadka ayuu sidoo kale tilmaamay inuu aasay xaruntii caafimaadka ee deegaanka.
Wuxuu sheegay in xarunta oo bilaash ahayd ay qoyskiisa ka heli jireen adeegyo ay ka mid yihiin tallaalka carruurta, dawooyin, buskud iyo qayb ay haweenku ku umuli jireen. Adeeg la’aanta caafimaad ee deegaanka soo wajahday ayuu tilmaamay in ay saamayn ku yeelatay, ayna awoodin dhaqaale ay ku aadaan isbitaalada deegaannada kale.
“Caafimaadka saamaayn weyn ayaa soo gaartay. Qofkii kaa xanuunsada sharoobo qandho jabin xita ma u heli kartid. Labo qof ayaa xaaladaan caafimaad darrada u dhintay illaa hadda. Haweeyney foolaneysay oo dhiig bax dartiis u dhimaatay iyo oday wayeel oo ah deegaanka aan uga waynay hal kaniini oo qandho jabin ah.”
Saciid ayaa sheegay in xaruntaas oo ay gacanta ku haysay hay’ada Save The Children aysan hadda wax shaqo ah ka socon, maaddaama uu bacaadku aasay.
Ninkan oo xoola dhaqato ah ayaa sheegay in 50 ari oo ay noolashoodu ku tiirsanayd ay sodon ka mid kaga dhamaadeen roob la’aan deeganka ka jirtay labo xilli. 20 neef oo u joogta ayuu tilmaamay inay yihiin wayd aan iib galin, sidoo kalana aan haysan daaq iyo biyo toona.
Bacaadka ayaa wada gaaray dhamaan deeganka, taas oo ka dhigtay meel lama degaan ah sida uu sheegay Cabdi yuusuf oo ah guddoomiyaha Kulub.
Wuxuu tilmaamay in marka laga soo tago ciidda guuraysa oo dadka ay ku waayeen adeegyadii aasaasiga u ahaa ay sidoo kale u dheer tahay inay wajahayaan nolol xumo ka dhalatay inay meesha ka baxeen nacfigii xoolaha iyo badda oo ay ku tiirsanayeen.
“Hoy, waxbarasho, caafimaad iyo waddo midna ma haystaan. Waxay u barakaceen duleedka deegaanka, dad danyar ahaa oo haddana barakacay xaaladooda waa garan kartaa. Jiingad aan qoraxda ka celin karin ayay dhisteen. Waxaa ugu darsamay abaar ka dhameeysay xoolihii yaraa ee u joogay iyo badxiranka ay dowladda Putland sameeysay. Nolol aad u liidato ayay dadkan ku suganyihiin.”
Guddomiyaha ayaa sheegay in arrintan aygaarsiyeen Putland, balse aysan wax jawaab ah ka helin. Wuxuu sheegay in haddii aan la xakameeyn bacaadkan oo sii fidiya ay ka cabsi qabaan in dadka uu ka sii barakiciyo meelaha taaga ah ee ay joogaan.
Saamaynta carra-guurkan oo deeganka Kulub ka soo jirtay tan iyo sanadkii 2012 ayaa boqollaal qoys ku sababay nolol xumo aysan xalkeeda hayn sidii ay uga soo kaban lahaayeen.










