(ERGO) – In ka badan 150 carruur ah oo ka soo jeeda qoysas barakac ku ah xeryaha Alla- Aamin, Doonyaale, Buulo-agoon iyo kuwa kale oo magaalada Gaalkacyo ku yaalla ayaa waxbarasho la’aan ah tan iyo bishii sagaalad ee sanadkan.
Carruurtan oo dugsiga hoose iyo dhexe dhameeyay sanad dugsiyeedkan ayay waalidiintooda u awoodi waayeen inay ku daraan dugsiga sare dhaqaale la’aan haysa darteed, taas oo keentay inay gabi ahaan iskaga haraan.
Hindiya Nuux Caalin waxaa duruus la’aan ka noqday labo carruur oo sanadkan u gudbi laha fasaalka koowaad ee dugsiga sare. Waxay ku noqotay caqabad culus, maaddaama aysan hayn xal ay waxbarashada ku sii wataan. Waxay la daalaa-dhacaysaa nolosha kale ee reer oo ay keligeed ku tahay.
“Markii hore carruurteeda wax ayay ii baranayeen, waan ku faraxsana. Hadda markii ay meel sare waxbarashadii ka gaareen wax la’aanta i haysa darteed ayaa waxbarasho la’aan dhigtay. Arriintaas aad ayay qalbi jab igu tahay xitaa carruurta si joogta ayay ii waydiyaan innaan iskuul geeyo, balse ma awoodi karo.”
Hindiya ayaa sheegtay in xerada Alla-aamin oo ay ku nool yihiin aysan ka jirin dugsiyo sare. Waxay xustay in kuwa ugu dhaw oo ku yaalla gudaha magaalada Gaalkacyo qofkiiba laga rabo $20 bishii, taas oo aysan awoodin iyo $3 oo ah gaari raaca maaalinlaha ah.
Xerada ay degan yihiin ayaa magaalada u jirta dhawaad hal saac ah oo socod ah, taas oo sababtay in aysan lug ku gaarin. Waxay xustay in dugsi hoose iyo dhexe oo xerada ay ka hirgalisay wasaaradda waxbarashada Puntland ay carruurteeda bilaash ku dhameeyeen.
Haweenaydan ayaa ka cabsi qabta in faro-marnaanteeda darteed ay carruurteeda seegan waxbarashada dugsiga sare. Nolosha qoyskeeda ayaa ku tiirsan biro ay soo aruuriso kaddibna iib-geyso, taas oo aan u qaybsami karin cunno iyo waxbarasho.
“Mararka qaar waxaa laga yaaba inaan saddex bari arruuriyo markii aan suuqa geeyo kiilooyin dhowr ah oo aan ka soo helo $2 illa $4, intaas habeenkii ayaan hal mar dabka ku shidana. Ilmaha labada waqti ee kale shaah, mushaari ama wixii habeenkii hara ayaa la siiya, maaddaama aysan lacagtaas noogu filnayn saddex mar.”
Hindiya ayaa sheegtay in labadii sano ee la soo dhaafay ay meesha ka baxeen shaqooyin dhar-dhaqid ah oo ay maalinkii ka heli jirtay $3 oo joogta ah, taas oo ugu filnayd cunno labo mar ah. Dadkii ay u shaqeyn jirtay ayaa soo iibsaday mashiino looga maarmay.
Waxaa sidoo kale qoyskeeda ku adag helida biyaha. Waxay xustay in tubbooyin biyo dhanaan ah oo xerada ku yaalla halka jirigaan la iibiyo $0.5. Deyn ayay uga soo qaataan, maaddaama aysan helin karin lacagtaas. Saddex dollar oo la iibiyo halka fuusto ee biyaha macaanka aysan heli Karin.
Haweeynaydan ayaa tilmaamtay inay walwal ku haysa $400 oo ah deyn looga leeyahay raashin iyo biyo ay qoyskeeda dhowr mar u qaaday. Waxay sheegtay in joogto loo waydiyo, hasa ahaate aysan awoodin bixinteeda.
Waxay xustay in maareeynta nolosha reerka ay kali ku tahay oo carruurteeda aabbahood ay kala tageen 7 sano ka hor. Qoyska Hindiya ayaa 2012 dagaallo qabiil uga soo barakacay magaalada Bardaale ee gobolka Bay, halkaas oo beeralay ay ku ahaayeen.
Waalidiinta awoodi la’ inay carruurtooda waxbarashada sare ku daraan dhaqaale xumada awgeed waxaa ka mid ah Mulki Maxamuud Cali. Wiil iyo gabadh ka soo gudbay dugsiga hoose iyo dhexe ayaa hadda guriga u jooga iyagoo tacliin la’aan ah.
Waxaa meesha ka baxday rajadeedi ahayd inay waxbarashada heer wanaagsan ka gaaraan, maaddaama aysan heyn dhaqaalaha dugsiyada sare lagu dhigto.
“Baabuur raaca, lacagta wax lagu barayo, buugii, qalinkii iyo dharka iskuulka oo dhamaan isku gaaraya $100 ayaanan haynin, sidaas ayay carruurtayda waxbarasho la’ aan ku yihiin. Waxaan waayay doorasho aan ka aheyn in ilmihii ay guriga ii fadhiyaan.”
Mulki ayaa sheegtay in dadaalkii ay 8 sanno ku soo bixisay carruurteeda uu hadda qasaaro noqday. Waxay xustay inaysan jirin cid kale oo ka caawin karta arrintaas, taas oo rajo-beel galisay iyada iyo ilmaheeda.
Haweenaydan ayaa sheegtay in sidoo kale ay sanadkan dugsiga hoose iyo dhexe ee xerada Buulo-agoon oo bilaash ah ay uga soo qalin jabinayaan wiil iyo gabar kale, kuwaas oo aysan u hayn xalkii ay waxbarashada ku sii wadan lahaayeen.
Waxay tilmamtay inay tahay qofka kaliya ee u dhaqdhaqaaqa reerkeeda. Odaygeeda ayay xustay in uu yahay wayeel aan waxbo ku soo kordhin noloshooda. Qoyskeeda oo 11 qof ah ayaa ku tiirsan shaqooyin nadaafad ah oo aan joogta aheyn.
“Waxaan dabka ku shidana wixii aan ka soo helo shaqooyin dhar dhaqaal ah. Waxaan ugu badnaan ka hela $4 oo aan wax badan noo goyn. Waa maalin aan helno iyo maalin aan wayno. Hadda aan kula hadlayo hal toddobaad wax shaqo ah ma helin. Marka ay xaalada nagu adkaato dukaamada ayaan iska barinaa oo aan dhahna deyn nogu caawiya.”
Mulki ayaa sheegtay in culeysyadaas ay u dheertahay biyo yari. Waxay maalinkii tashiishaan hal jirgaan oo ay dhabarka uga soo qaado tubbooyin bilaash ah oo ku yaalla xerada Hala-bookhad oo u jirta masaafo dhan 1 km. Waxaa u dheer dayn gaaraysa $350, Waxay u sheegeen in aan deyn kale la siin doonin illaa ay ka bixiso tii hore, taas oo quus galisay.
Qoyska Mulki ayaa 10 sano ka hor ka soo barakacay magaalada Boosaaso, markii ay awoodi waayeen noolasha magaalada oo qaali ku noqotay.
Maxamed Cabdullaahi Cumar oo ah maamulaha dugsiga hoose iyo dhexe ee Alla-aamin ayaa sheegay inay sanad dugsiyeedkan ka baxeen ku dhawaad 20 carruur ah oo illaa hadda aan u gudbin dugsi sare dhaqaale xumo darteed.
“Waxbarasho la’aanta carruurta waxaa xal u noqon kara in iskuullo sare in looga dhiso xeryaha ay joogan. Waxay arrintan sidoo kale fursad u noqon lahayd dhalinyaro jamacado soo dhameeyay oo macalimiin noqon kara oo iyagana fursado shaqo ka heli lahaa ama waalidintan in laga garab siiyo kharashka iskuulka iyo lacagta gaari raaca.”
Maamulaha ayaa sheegay in wasaarada waxbarashada ee Putland ay u gudbiyeen, hasa ahaatee aysan wax jawaab ah wali ka helin. Qoysaska barakacay oo halgan maalinle ah kula jira sidii ay dabka ku shidan lahaayeen ayaan awoodi karin in carruurtooda ay ka bixiyaan lacagta waxbarashada, taas oo mustaqbal la’aan ku hoggaammisa carruur badan.










