(ERGO) – Saddex boqol oo qoys oo markii ugu horraysay galay xaalad barakac ayaa cunno xumo, hoy la’aan iyo biyo yari ku wajahaya xeryaha Buulo-samow iyo Awmacalin oo toddobo km u jirta magaalada Marka.
Waxay ka soo carareen guryo iyo beero ay ku lahaayeen dagmada Awdhiigle billowgii bishii Oktoobar, halkaas oo ay ka jirto colaad u dhaxaysa ciidamada dowladda iyo kooxda Al-shabaab.
Xasan Nuur Cali oo ka mid ah dadkaas wuxuu cunno iyo biyo u la’yahay qoyskiisa oo toddobo qof ah. Waxay ku biireen xerada Buulo-samow iyagoo ka faro-maran agabka jiifka, kan cunnada iyo hoyga.
Wuxuu ku tiirsan yahay raashin bisil oo qoysaska xerada ay ku taageeraan. Wuxuu sheegay in ay cunno la’aan noqdaan maalmaha qaar wax ka badan 48 saac, taasi oo galisay xaalad adag.
Waxaan la kulmay Xasan xilli galab ah Xasan oo dhinac fadhiya carruurtiisa. Wuxuu ka dayriyay cunno xumo saamayn daran ku haysa, tan iyo markii ay barakaca ku tageen xerada.
“Waxan dareemaynaa raashiin la’aan, biyo la’aan dhanka caafimaadka caruurta iyo annaga xitaa waan dareemaynaa. Hoyga waa geedo Cali-garoob la dhahayo oo madaxa la isku-galiyay. Waxaan saarnay dhar-dhamaad ah. Bacda-roobka xitaa ma jirto. Sansiyeeri xitaa mahaysano oo dhilmaayada la iskaga celsho. Geedo aan soo aruursanay ayaan guri ka dhiganay.”
Wuxuu tilmaamay in xerada ay galeen aysan ka jirin adeegyada aasaasiga u ah bulshada marka laga reebo tuubo biyaha ka keenta ceel-biyood ku yaal magaalada Marka, taas oo fayl dheer loo galo.
Wuxuu xusay in saacado badan ku qaadato helidda labo liitar oo biyo ah maalmaha qaarna la goosto qoyskiisa oo ka ooman. Dadka fursadda u hela ayay ka dawarsadaan, kuwaas oo ku caawiya.
Xasan oo 55 jir wuxuu ku guuldaraystay helidda shaqo xoogsi ah oo uu ku maareeyo nolosha qoyskiisa. Wuxuu sheegay in shaqada la isku siiyo waji-garasho, taasi oo iskudaygiisa shaqo doon aan saacidin.
Shaqo helidda waxay ahayd rajadiisa koobaad si uu u badbaadiyo nolosha carruurtiisa, waana sababta uu u soo tiigsaday Marka. Wuxuu tilmaamay in muddo 2 toddobaad ah uu ku laalaabanayay magaalada oo ka fog xerada, balse uu ku hungoobay shaqadii uu naawilayay.
Dhibaatadan ayuu xusay in colaaddu ay bidday, taas oo sidoo kale galaafatay waxbarashada carruurtiisa oo labo ah, kuwaas oo da’doodu ay u dhaxayso 7-14 jir. Waxay dhiganayeen iskuul hoose iyo dhex ah oo ku yaalla dagamada Awdhiigle.
“Waxbarasho iska dhaafee iyagaa naftooda qiil-qiil ay ku jirtaa. Meeshii aan ka imaanay dagmada Awdhiigle bay ahayd. Hadii la dhoho waa laabanaa xitaa meel loo noqdo mataallo. Guryihii waa la gubay, beerihiina waa la baabi’iyay xoolahaas meelahaas jooga ayaa iska daaqay.”
Beertiisa oo afar hiktar ah waxaa ku beernaa dalag u badan khudaar oo uu galiyay bil ka hor, kuwaas oo meesha ka baxay, markii uu soo barakacay, maaddama ay baylah u noqdeen xayaanka.
Sidoo kale wuxuu colaadda ku waayay guri ka kooban saddex qol ayu xusay in uu ku lahaa Awdhiigle, kaas oo dad dib ugu noqday magaalada ay u sheegeen in la gubay. Wuxuu sheegay in ka hor barakaca uu qoyskiisu haysta hoy iyo cuno ku filan.
Wuxuu intaas ku daray in saamayntii ugu darnayd ee colaadda ka soo gaartay ay ka mid ahayd safar lug ah oo uu la soo galay carruurtiisa. Wuxuu xusay in uu qaatay muddo shan maalin ah. Haraad iyo gaajo ayay ku wajaheen masaafada u dhaxaysa Marka iyo Awdhiigle oo 50 km ah.
Nolosha barakaca iyo midda shaqo doon waa kuwa ku cusub ninkan oo beeraley ah. Tacabka ayaa ahaa isha-dhaqaale ee qoyskiisa.
Xerada ay ku barakaceen Xasan iyo carruurtiisa waxaa horay u degganaa in ka badan ka badan kun qoys, kuwaas oo meel ay dagaan ka waayay xerayaha ku yaalla magaalada Marka.
Muriiddi Xasan ookar waa guddomiyaha xerada Buulo-samow oo dadka ugu badan ku barakceen. Wuxuu xusay in qoysaskii horay u daganaa xerada ay caawiyeen dadka ku cusub ee colaadda ka soo barakacay.
Waxay wax ka siiyaan cunnada ay karsadaan maalintii iyo biyaha ay helaan inkastoo aysan joogto ahayn, taasi oo samatabixin ku meel gaar ah u noqotay.
Guddi ay leeyihiin xeryaha Buulo-samow iyo Awmacalin ayaa ku dhiiri-galiya qoysas dhaqaale ahaan dhaama in ay caawiyaan. Dadka soo barakacay intooda badan mahaystaan xitaa agabka cunnada.
Dadka dhinaca cunnada iyo biyaha laga taageero waxaa ka mid ah Axado Aamiin Muudey. Qoys dariskeeda ah ayay la wadaagaan cunnada ay karsadaan, kuwaas oo si isxilqaan ah u taageera.
Carruurteeda oo siddeed ah ayay sheegtay cunnada ay helaan in aysan ku filnayn, balse ay nolosha ku badbaadsadaan. Axado oo ka soo barakacday deegaanka Johara waxay colaadda ku waysay curadkeeda.
Wuxuu ahaa 31 jir dhalay afar ka mid ah carruurta korintooda ay la daalaadhacayso. Waxay sheegtay in ay haleen xabado ay iswaydaarsadeen kooxaha dagaalamaya.
Wuxuu lahaa beer shan hiktar ah, halkaas oo uu ka soo saari jiray nolol-maalmeddka qoyska, taasi oo hadda meesha ka baxday.
“Aabbohood dagaal ayuu ku dhintay ma joogo. Aabbahaas markii uu joogay gaajo maqaban jirin. Dugsi ayay dhiganayeen, waana la shaqaynayay. Hadda shaqo ma jirto, maaddama aabaha la waayay. Hadda xaggiina ayaa damac nooga jiraa gaajo nahaysa, beerna ma falanayno. Waxaan qadaan hal ilaa saddex bari.”
billowgii bishan Oktoobar ayay ku biirtay xerada Buulo-samow. Waxay tilmaamtay in dhibaatada ku haysata ay adagtahay in ay ka soo kabato. Waa 61 jir aan la hayn xoog iyo xirfad ah ay ugu shaqayso qoyskeeda oo carruur u badan.
“Noloshayda waxay ku tiirsan tahay dariska. Raashin bisil maahan. Waa mid ciirin ah, cidna waan ka helaa cidna waan ka waayaa. Waxaas la ii soo aruuriyo ayaan carruurtayda ku noolaysanaa.”
Biyo yarida ka jirta xerada waa caqabad ay kawada siman yihiin dadka ku nool xerada. Axado waxay sheegtay in dadka xoogga leh ay waqti dheer taagnaan karaan goobta lagu sugo helidda biyaha tuubada ka yimaada oo feyl loogalo.
Biyahan waa iib. Labaatankii liitar ayaa ah 2 kun oo shilinka Soomaaliga ah, balse heliddooda ayaa ku adkaata haddiiba ay hesho lacag ay ku iibsato, maaddama dadka xerada aysan wada gaarin muddada kooban ee ay socdaan biyaha ka yimaada qasabadda.
Waxay jeclaan lahayd in dib ay ugu laabato deegaankeeda oo nabad ah si ay dib ugu fashaan beertooda, taas oo u diyaarsanayd in la tabco, balse colaaddu ay caqabad ku noqotay.
Maamulka xeryaha Buulo-samow iyo Awmacalin oo ay ku qulqulayaan qoysaska colaadda ka baxsanaya ayaa sheegay in duruufihii nolol xumo ee ka jiray xeryaha ay kordheen, maaddama dad horleh oo baad iyo biyo doon ah ay dulsaar ku noqdeen Sida uu sheegay Muriidda oo horjooge ka ah xerada Buulo-samow.
“Codsiga aan u dirayo hay’adaha caalamiga ah waxa waaye dadka dadka soo barakacay ee hadda soo dagay iyo kuwii horay u joogay in si dhaqso ah looga soo gaaro. Waxaana u daran biyo iyo guri lagu hoydo.”
Aafooyinka colaadda waxay qoysas badan u horseeday rajo xumo nololeed iyo mid mustaqbal. Waxay cuuryaamiyeen wax-soo-saarka beeraha oo qoysas badan u ahaa il-dhaqaale, kuwaas oo bannaan joog ka noqday hantidooda.










