(ERGO) – Ku dhawaad 60 beeraley ah oo ku nool deeganka Ooda-gooye ee duleedka Laascaanood ayaa wajahaya nolol xumo markii dalagyo ay deymo ku abuurteen ay ka qasaareen.
Xaaladan oo haysatay tan iyo bishii Agosto ayaa ka dhalatay cayayaan aysan noociisa aqoon iyo biyo yari isbiirsaday.
Waxaa ka baaba’ay basal, yaanyo, basbaas, barbarooni, kamsar, qare iyo iyo qaar kale, kuwaas oo ay beerteen horaantii Juun, ayna filayeen in ay goostaan dhamaadkii bishii siddeedaad ee sanadkaan.
Samsam Axmed Maxamed oo beeralaydaas ka mid ah waxay sheegtay in arrintan ay cunno xumo u horseeday qoyskeeda oo 14 ka kooban.
Waxay u awoodi la’dahay raashin hal mar ay maalinkii dabka saartaan. Waxay ku tiirsan yihiin kaalmo aan badnayn oo ay ka helaan ehelkooda oo joogo Laascaanood.
“Duhurkii ama subixii ayaan wax karsanaa. noolasheenu beerta ayay ku tiirsanayd oo wax kale man heli jirin, haddana waxbo kuma yaallan oo waxaa isku raacay cayayaan iyo abaar oo na sameeyay. Wax kale oo aan meel ku ognahayna malahan.”
Samsam ayaa sheegtay in carruurteeda oo yaryar ay u adkaysan la’yihiin qatooyada waqtiga dheer ah. Habeennada qaar ayay xustay in ay gaajada la seexan waayaan.
Haweenaydan ayaa sheegtay in dukaamo deegaanka oo ay raashin ka soo qaadan jirtay looga soo diiday, markii lacagta lagu leeyahay ay ku gaarta $240.
Waxay xusay in qasaaraha beerteeda gaaray uu sababay in aan deyn kale lagu aaminin oo loo sheegay in tan ku qoran ay bixiso marka hore. Go’aankaas ay qaateen dadkii ay macaamiisha u ahayd ayaa niyad jab ku abuuray, maaddaama aysan heyn xal kale oo qoyskeeda ay ku quudiso.
Qoyska Samsam cunna xumada waxa u dheer in ay ku adag tahay helitaanka biyaha. Waxay maalinkii isku celceliyaan hal jirgaan oo gaari dameero deeganka keena ay ka deynsato, maaddaama aysan awoodin lacagta la iibiyo oo $0.5 ah.
Samsam ayaa sheegtay in ay awoodi waayeen kirada guryaha magaalada oo halkii qol lagu dego $50. Haweenaydaan ayaa xustay in qoyskeeda oo badan ay ku nool yihiin hal qol oo cariir ah. Carruurta yar ayay habeenkii seexiyaan inta waa weyna bannaanka ayay darmo dhigtaan.
“Waxaa hoy noo ah qol cariish ah oo aan ka dhisanay dhir iyo maryo aan isku geynay oo aan wax albaab ah laheeyn. Wuxuu noogu dhax yaalla beerta dhaxdeeda. Waanu awoodi weynay inaan sandaqad ama qol bulukeeti ah xita ka dhisano oo tabarteeda malihin.”
Samsam waa qofka kaliya ee u dhaqdhaqaaqa qoyskeeda. Ilmaheeda aabbahood ayay xustay in uu dhul-yaal u yahay cudurrada dhiig karka iyo sonkorta oo dhaqaatirtu ay ku sheegeen saddex ka hor.
Waxay markii hore noloshooda ka maarayn jirtay beer shan hiktar ah oo u ahayd isha kali ah ee ay ku tiirsan yihiin.
Hadda waxay sheegtay in murugta ugu weyn ay ka hayso sidii ay ku bixin lahayd Kharashkii ay galisay abuurkii ugu danbeeyay oo deyn ahaa, iskaba daah in ay nacfi ka heshee.
“Waxaan ku rajo weyna in wixii iga galaya ay iga soo noqdaan sidoo kalana aan faa’ido ka hela, balse waa ku qasaaray. Lacagtii deynta ahayd oo hadda laiga rabo igama soo bixin anigana waxbo kama faa’iidin.”
Qoyska Samsam oo xoola dhaqato hore ahaa ayaa wax beerashada ku soo biiray sanaadkii 2023. Waxay xilligaas ka soo barakaceen deeganka Tukaraq ee bariga gobolka Sool, markii roob yari iyo cudurro ay kaga dhamaadeen 30 neef oo ari ah oo ay noloshoodu ku tiirsanayd.
Dadka uu ka khasaaray wax soo-saarkii ay ku tashanayeen waxaa ka mid ah qoyska Fatuux Maxamed Casoowe oo hadda la-daalaa dhacaysa sidii ay quud-maalmeedka ugu heli lahayd 8 carruur ah oo ay dhashay iyo 9 ay ayeeyo u tahay.
Haweeneydan ayaa xustay in aysan waxba uga badbaadin dalagyo u badnaa qare, yaanyo iyo basal oo ay bishii Juun saartay beer toddobo hektar ah ay ku leedahay deegaanka Ooda- gooye. Qasaaraha gaaray ayaa qoyskeeda ku hoggamiyay cunno xumo.
“Faa’ideedii aan ka fileynay wax soo sarkeeni hoos u dhac weyn baa ku yimid, taas ayaa reerkeyga ku sababtay in labo mar oo aan ku filneyn ay dabka shitaan, maaddama aan aheyn dadka ku tiirsan beertaas oo aan meel kale ay wax ka soo galo jirin, intaas xita waa mar aan weyno iyo mar aan helno.”
Fatuux ayaa sheegtay in hadda ay qoyskeeda ku tiirsanyihiin deyn aan joogta aheyn oo ay ka soo qaataan dukaamo ay leeyihiin dad ay qaraabo yihiin oo ay u dan sheegatay. Mararka qaar ayay xustay in loo sheego in ay tii hore bixiso si tu kale loo siiyo, balse aysan awoodin.
Waxaa culeysyadas qoyskeeda u dheer dhibaato dhanka hoyga ah. Waxay gabaadsadan labo qol oo aan ku filneyn, sidoo kalana ay ku daganyihiin $100 oo kiro ah, taas oo ku adag bixinteeda. Haweeyneydan ayaa sheegtay in bishii hore ay ka bixisay gabar ay walaalo yihiin, markii la siiyay digniin ah in ay ka baxaan.
Dhanka kale haweeyneydan ayaa tilmaamtay in xaaladan darteed ay waxbarashada ka hareen saddeex carruur ah oo u dhiganayay dugsi hoose, markii lagu yeeshay $90 oo ah kharashkii laga rabay labadii bil ee la soo dhaafay.
“Waxay deyntaasi igu heysa culeys badan. Waxayna iga hortagantahay inaan deyn kale qaato si walbo ugu bahanahay, maaddaama ay dadku iga rabaan tii hore.”
Waxay sheegtay in ay aysan wax natiijo ah kala kulmin daawooyin ay cayayaanka kula dagaalameysay oo ay dhowr jeer adeegsatay. $150 oo uga baxday ayay tilmaamtay in ay deyn ahayd.
Beeraleyda deegaanka Ooda-gooye, waxay sidoo kale u maaro waayeen doofaar, danyeer iyo bakayle, kuwaas oo iyagoo raxan-xaran u socda soo weeraray beerahooda oo cunay dalagyadii u beernaa sida ay Raadiyow Ergo u sheegtay guddoomiyaha beeraleydan.
Farxiya Axmed Ciise ayaa tilmaamtay in ay caawimaad u baahanyihiin si beeraha oo noolashoodu ku tiirsantahay aysan meesha uga bixin.
“Waxaan jecelnahay inaan helno daawooyin tayo leh, silligyada beeraha lagu wareejiyo, in noola qoodo ceellaal iyo waxaan biyaha ku kaydsano xilli robbeedyada iyo inaan helno tababaro aqoontayada beeraha sare loogu qaadayo.”
Isbeddelka cimilada, roob yarida iyo cayaayanada ayaa caqabad ku ah wax-soo-saarka beeraleyda Soomaaliyeed. Waxaa meesha ka baxay dallagii ay naawilayeen gooshashadooda, taas oo galisay duruufo adag oo ku riixa in uu dabkoodu damo.