Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Beeraha Iyo Xoolaha

Dalagyo ka qasaaray beeralayda Mudug markii ay biyo la’aan wajaheen

Jibril Osman by Jibril Osman
September 11, 2025
in Beeraha Iyo Xoolaha, Cunto-Yaraanta, Wararkii u Danbeeyay
0
Dalagyo ka qasaaray beeralayda Mudug markii ay biyo la’aan wajaheen

Mid ka mid ah beeraley quus ka jooga dalagga beertiisa/kaydka Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Qiyaastii afartan qoys ayaa nolol xumo ku wajahaya xerada Ramaas oo 8 km u jirta degmada xarfo ee gobolka Mudug.  Arrintan ayaa ka dhalatay markii ay biyo la’aan ay uga qalaleen dalagyo ay sugayeen inay goostaan Luulyo iyo Agoosto.

Qosyka Xaawo Cabdi Jaamac oo ka mid ah qoysaskaas ayaa awoodi la’ inay helaan cunno ku filan.  Haweeneydan ayaa xustay inay meesha ka baxday rajadii ay ka lahayd beerteeda 800 mitir ah biyo la’aan darteed.

Waxay sheegtay inuu ka engagay tacabkeedii markii ay u wayday biyo ay ku waraabiso. Waxay isku dayday inay booyad shubato balse qiimaheeda $50 ah ayay xustay inaysan lacag u helin. Hadda waxay joogtaa quus.

“Geedihii waraabka ahaa way ii bixi waayeen biyo la’aan darteed. waxaa dhacday in beertii iga daadato. sanadkaan masaggo ayaan ku beeray roob la’aantii ayaa iga joojisay. Anigu haddaan biyo haysan lahaa waxbaa iiga soo bixi-lahaa. sidaas darteed bay hadda beertaydii isaga oodan tahay, waxna aysan ku oolin.”

Waxaa culeyska ku kordhinaya $1,300 oo ah lacag dayn ah oo ay galisay abuurka, daawo iyo shaqaale, taas oo hadda loo haysto. Waxaa u dheer $1,400 oo dayn kale ag.  Waxay tilmaamtay inaysan awoodi bixindeeda maaddaama beertii ay ku hungowday.

Xaawo oo lix-sano barakac ku ah xerada markii ay xoolihii uga dhamaadeen abaartii Sima 2017 ayaa sheegtay inay beerta ka biilaysay qoyskeeda 13 qof ah oo hadda wajahaya xaalad cuno yari ah.

Waxay la daalaadhacayaan hal waqti oo ay ka soo saarto dawaar gurigeeda u yaalla oo maalinkii ay ka hesho ay ka soo gasho labo doolar. Waxay sheegtay in lacagtaas aysan ku filnayn maaddaama ay yihiin qoys ballaaran.

Maalmaha aysan helin macmiil ay ku shaqayso waxay sheegtay inay dukaan dayn waydiisato, kaas oo ku wargeliyay inay bixiso 125 dollar si loo siiyo mid cusub.

“Noloshaydaan iska baacsadaa, markii beertii iga burburtay baan suuqayga iska gallay, waxaan ku tushoo kharkhaan. waxaasaan nolol maalmeedkayga ka raadsadaa, iyadana hadda wax iigama soo baxaan, habeenkii wixii ay ii goyso baan kasoo gataa.”

Haweeneydan waxay tilmaantay in muddo sanad ah aysan helin roobkii ay beerteedu ku tiirsanayd ee ay filaysay, taas oo saamayn ku yeelatay ishii dhaqaale ee ay dabka ka shidan jireen.

Xaawo oo 49 sano jir ah ayaa sheegtay inay ka qalaleen Yaanyo, liin-dhanaan, kabsar, canbe, afkaadho iyo calafka xoolaha, markii ay biyo ku filan u wayday.

Waxay xustay inay noloshooda ahayd mid sidan ka wanaagsan balse hadda ay ku jiraan xili adag. Waxay tilmaamtay inay waxbarashada ka reebtay qaar ka mid ah carruurteeda, markii ay bixin wayday $100 oo isku gaartay.

Xaawo keliya ma aha dadka biyo la’aantu ka bi’isay beerihii ay ku tiirsanayeen dhaqaale ahaan. Waxaa jira  haween kale oo ku nool xerada Ramaas oo isku bedellay beeralay kuwaas oo hadda wajahaya nolol xumo.

Faadumo Jaamac Ciise waa hooyo korinaysa 18 carruur ah oo isugu jira kuwa ay dhashay iyo kuwa ay ayeeyo u tahay ayaa ka mid ah dadkaas. Waxay la kulmayaan cunno yari labadii bil ee la soo dhaafay markii ay dalagyo u saarnaa beer ay iskaashato ku yihiin iyada 15 haween kale ah ay biyo la’aan u qalaleen.

Haweeneydan ayaa xustay inay hubanti la’aan ku jiraan hadda. Noloshooda ayaa ku tiirsan raashin deyn ah oo ay dukaan ka soo qaateen, kaas oo ay carruurta hal waqti siiso si ay ugu tashiisho. Waxaa welwelka ku laba-laabaya dayn gaaraysa $1,600, taas oo isku-biiraysay oo aysan awoodin hadda inay iska bixiso.

“Caruurta noloshoodu aad bay u liidataa, caruurtu waxay cunaan, cabaan ama bartaan ma haystaan. 20% ayay ku nool-yihiin 80% waa eber. Haddaan midna la haysan maxaa la samaaye oo cuna ay u baahan-yihiin ka mid tahay. biyaha waxaan kasoo helnaa 3KM ayaan kasoo dhaaminaa riig ah. gabdhahaa duudkooda kusoo dhaamiya habeen iyo subax intay koox koox isku raacaan.’’

Faadumo waxay sheegtay in beerta ay fashaan oo gaaraysa 1 km ay dalagyadii ugu danbayeeyay ku qasareen, sidoo kalena ay galeen dayn gaaraysa $2,700 oo dollar oo maalgashi ah, oo ku baxday shaqaalaha, abuurka, biyaha iyo daryeelkeeda.

Dayrtii iyo gugii isku xigay ayay tilmaantay inaysan beertu helin roob ku filan, taas oo kusii adkaysay xaalada. Waxay xustay inay ka qalasleen khudaar isugu jirta basbaas, kabsar, yaanyo iyo qare oo ay ku hanwaynayd inay dhaqaale fiican ka helayso, si ay nolosha qoyska ugu maareyso.

Waxay sheegtay inay hadda dalagyo kooban oo weli beerta ku yaalla inay ku waraabiyaan booyado biyo ah, iyadoo halka gaari loogu shubo 50 dollar. Biyahaas ay xustay inay ku shubaan baco, una yaryareeyaan dhirta waaweyn si aysan u qalalin. Bishaan ayay xustay in biyaha lagu leeyahay ay marayaan 300 oo dollar, iyadoo booyadihii sidoo kale la waayay markii deegaano kale ay suuq ka helaan.

“Waxaa naga qalalay qaraha, batiiqa iyo liin-dhanaanta, dhirta waaweyn nagama qalalin, baag noo yaala ayaan biyo ku shubanaa, baag baana ku waraabinaa, waxyabahaas dhirta waaweyn ah. hadda 50 dollar ayaan ka bixinaaa booyadii biyaha ah. Biyahaas deyn bay i geliyeen, bishaan $330 dollar ah ayay i geliyeen, waagii hore nama gelin-jirin anaa faa’ido heli-jiray.’’

Faadumo iyo qoysaska kale ee ku nool Ramaas ee duleedka Xarfo oo ay soo galeen 13 sano ka hor markii xoolihii ay ka dhamaadeen ayaan ka  quusan in waayahoodii wanaagsanaa ay ku noqdaan, balse waa rajo ku xiran in beerohoodu helaan biyo waraab ah oo ku filan.

Maxamed Muuse Cabdi oo ah Eng. cilmiga biyaha ka shaqeeya, ahna la taliyaha dhanka biyaha ee hay’ada maxaliga ah ee Kaalo Puntland ayaa sheegay in beeralayda Puntland ay ku dhiban-yihiin biyo la’aanta. sidoo kalena ay khasaaro badan galaan markay waayaan roobabkii ay filayeen.

Wuxuu beeralayda ku tiirsan roobka ku dhiirigeliyay inay abuurtaan dalagyada aan u baahnayn biyaha badan ee la qabsan kara una u adkaysan kara isbeddelka cimilada.

“Habka biyo-beekhaaminta casrigga ah wuxuu u shaqeeyaa in beertii tuubooyin la dhigo, qaab tashqiilin ah u shaqaynaya, goobtaas waxaa isugu imaanaya labo tuubo. Laankasta ku dhinac yaal ayaa loo dhigayaa. Tuubooyinkaas sidda roobkii camal ayay kor uga imanayaan. Hababka kale waxaa ka mid ah in ciid qoyan oo nafaqaysan lagu beero. Dalagyada ay ka mid yihiin qamadiga, sareenka biyo badan iyagoon u baahnayn ayay baxaan.”

Qoysaskan oo weli iyaga oo barakac ah ku adkaysanayaya inay sii wadaan inay dhulka ka soo saartaan quudkooda iyo in dheeraad ah ayaa hadda ka fekeraya beddel kale oo ay noloshooda ka soo saaran karaan.

Roob yarida ayaa keenta inay sanad kasta boqollaal qoys ka soo tagaan deegaannadoodii iyo beerahoodii marka ay ku adkaato inay ku sii noolaadaan. Arrintan ayaa u baahan xal dawladeed iyo mid bulsho si aan loo waayin dad wax beerta oo gacantooda maala

Previous Post

Da’yar barakac ku ah Muqdisho oo shaqo la’aan ay seejisay waxbarashada

Next Post

Hargaysa: Gabdho adeegtooyin noqday markii ay dhaqaale xumo ka reebtay waxbarashada

Related Posts

Hargaysa: Gabdho adeegtooyin noqday markii ay dhaqaale xumo ka reebtay waxbarashada
Wararkii u Danbeeyay

Hargaysa: Gabdho adeegtooyin noqday markii ay dhaqaale xumo ka reebtay waxbarashada

September 12, 2025
Da’yar barakac ku ah Muqdisho oo shaqo la’aan ay seejisay waxbarashada
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Da’yar barakac ku ah Muqdisho oo shaqo la’aan ay seejisay waxbarashada

September 10, 2025
Adeeg Online taksi ah oo shaqo u abuuray dhallinyarada Hargeysa
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Dhallinyaro ku jira xeryaha Cadaado oo abuurtay fursad shaqo

September 9, 2025
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Dhibaato ka dhalatay xarumo caafimaad oo ka xirmay dad barakac ku ah Baydhabo

September 8, 2025
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qaxootiga Dhadhaab oo wajaha xaalad quus ah markii laga goostay gargaar cunno

September 5, 2025
Adeeg la’aan caafimaad oo ka dhalatay 20 isbitaal oo ku xirmay colaadda Hiiraan
Caafimaadka

Adeeg la’aan caafimaad oo ka dhalatay 20 isbitaal oo ku xirmay colaadda Hiiraan

September 4, 2025
Next Post
Hargaysa: Gabdho adeegtooyin noqday markii ay dhaqaale xumo ka reebtay waxbarashada

Hargaysa: Gabdho adeegtooyin noqday markii ay dhaqaale xumo ka reebtay waxbarashada

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 11-SEP-2025

IDAACADDA 11-SEP-2025 by Radio Ergo

IDAACADDA 11-SEP-2025
Episode play icon
IDAACADDA 11-SEP-2025
September 11, 2025
Episode play icon
IDAACADDA 10-SEP-2025
September 10, 2025
Episode play icon
IDAACADDA 09-SEP-2025
September 9, 2025
Episode play icon
IDAACADDA 08-SEP-2025
September 8, 2025
Episode play icon
IDAACADDA 07-SEP-2025
September 7, 2025
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo