Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Guurka qasabka ah oo nolol xumo biday gabadho da’yar oo ku nool Baydhabo

Jibril Osman by Jibril Osman
August 11, 2025
in Barakacayaasha iyo Qaxootiga, Cunto-Yaraanta, Wararkii u Danbeeyay
0
blank

Batulo Ali Mohamed, 20, married at an early age and now struggling to raise children alone in an IDP camp after divorce/Abdullahi Sharif/Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Urur haween oo ka shaqeeya xalinta khilaafaadka qoysaska iyo u doodidda haween iyo waxbarashadooda ayaa sheegay in 500 oo gabdhood ay ka hareen waxbarashada saddexdii ee sano ee u danbeeyay, markii ay guur ku qasbeen waalidiintooda.

Gabdhahan oo ku nool 210 xero oo ku yaalla duleedka magaalada Baydhabo 300 oo ka mid ah waxay hadda la daalaa dhacayaan koriimada carruurtooda, markii khilaaf muddo socday, kadib ay kala tageen ragoodii sida ururka u xaqiijiyay Radio Ergo.

Batuulo Cali Maxamed oo 20 sano jir ah ayaa Raadiyow Ergo u sheegtay in guurka aysan dooran oo waalidku siiyeen qof aysan aqoon hore u lahayn. Waxay xustay in markii la guursanayay 2023 ay dhamaynaysay dugsiga dhexe, hami wanaagsanna ay waxbarashada ka lahayd.

“Guriga ayaan iska joogaa, islamarkiiba ciyaal ayaan dhalay. Howlihii guriga iyo ciyaalka ayaan isla wadi waayay. Sideeddaad ayaan marayay, markii aan ka harayay iskuulka. Cidda joog waxbarashada intaan ha kugu ekaado ayaa la i yiri. Waalid ayaana i siiyay ee anigu ma dooran.”

Batuulo ayaa sheegtay in ay qorshaynaysay in marka ay dhamamyso dugsiga sare ay bilowdo jaamacad si ay heer fiican uga gaarto waxbarashada. Waxay jeclayd in ay cilmiga caafimaadka barato si ay dadka danyarta iyo barakaca ah ay si bilaash ah ugu adeegto.

Laba sano, kaddib waxay sheegtay in bishii Abriil ee sanadkan lagu furay iyadoo leh labo carruur ah oo hal sano iyo afar bil. Waxay xustay in aan lagu biilin iyaduna aysan shaqayn, taas oo galisay xaalad hubaanti la’aan ah.

“Caqabado badan ayaa i haya. Carruur aabahood aan kala tagney ayaan korinayaa. Cunigii cid ii haynaysa ma leh. Subaxdii ayaan dabka shidanaa. Haddiiba la helo nolol maalmeedka ayaaba adag oo ciriiri ah. Waxan ku maareeyaa dhar dhaqida. Intaas ayaan nolol maalmeedka wixii Ilaahay iiga sahlo ku maareeyaa.”

Batuulo ayaa tilmaamtay in ninkii ay kala tageen uu diiday masruufka carruurta. Arrintaas ayaa ku qasabtay in ay noloshooda ka maarayso shaqooyin nadaafad ah oo helitaankoodu adag yahay. Maalinkii ay hesho waxaa ka soo gala $2, taas oo aan wada dabooli karin baahida cunno iyo caano ee carruurteeda.

Batuulo ayaa sheegtay in markii ay waaydo shaqadaas ay dadka deriska ah wax waydiisato. Waxaa intaas u sii dheer in xerada ay degan tahay aysan lahayn ceel-biyood. Labaatanle biyo ah ayay ka helaan ceel u jira 35 daqiiqo oo socod ah, markii ay daruufteeda dhaqaale u sheegatay milkiilaha ceelka.

Waxay sheegtay in aysan lahayn xirfad ay ku shaqaysato, taas oo niyad jab hor leh ku abuurta. Batuulo ayaa xustay in qoyskeedu ay yihiin barakac aan wax dhaqaale ah ku dhaamin iyada. Aamino Axmed Maxamed waxay ka mid tahay gabdhaha iyagoo yar yar qoysaskoodu u guuriyeen.

Waxay sheegtay in iyadoo fasalka koobaad ee dugsiga sare ku jirta la guursaday bartamaha sanadkii 2022. Waxay tilmaantay in go’aankaasi uu soo afjaray riyooyinkeedii waxbarashada ee muddada ay soo waday.

Ninka guursaday iyo waalidkeeda ayay xustay in ay u sheegeen in iskuulka aysan sii wadan karin oo ay iska joojiso, badalkeedana ay reerkeeda dhaqato. Wixii xilligaasi ka dambeeyay waxay noqotay guri joog.

Aamino ayaa sheegtay in markii la guursanayay ay jirtay 17 sano.

Da’deeda oo yarayd waxbarashada laga joojiyay oo niyad jab ku abuurtay iyo in aysan guurka raalli ka ahayn ayaa sababtay in ay isfahmi waayaan ninkeedii. Waxay gocanaysaa saamaynta uu nolosheeda ku yeeshay go’aankaas.

“La igu qabso waxaa sababay waalidkayga oo ila jeclaaday, maaddama aan gabar ahay. Dhibaatada aan kala kulmay waa in aan waxbarashadii ka haray. Waxbadan ayaan qabsan lahaa haddii aan sii wadan lahaa.”

Aamino ayaa sheegtay in ay kaligeed korinayso shan carruur ah oo labo ka mid ah ay mataano yihiin, kuwaas oo ay u awoodi la’dahay cunno joogta ah. Haweenaydan ayaa sheegtay in ay noloshooda ku maareyso shaqo harqaan tolid ah oo maalintii ay ka hesho $2.5 ilaa $4. Harqaanka waxaa si bilaash ah ku bartay haweenay ay macaariifo yihiin.

Waxay tilmaantay in harqaanka oo kiro ah lacagta ka soo gasha aysan u kala qaybsamin cunntadooda iyo $1.5 kiro ah oo maalinle looga rabo. Carruurta oo aysan kalligood ka tagi karin ayay ku qasabanaatay in ay guriga hortiisa dhigato si ay deriska wax ugu tosho.

Aamino ayaa ka welwelsan in carruurteeda ay waxbarasho la’aan noqdaan sida iyada ku dhacday, maaddama ninkeedii horena uusan waxba ku tarin iyadana ay dabari la’dahay cunno maalmeedkooda. Waxay xustay in shuruud looga dhigay in carruurta ay isaga siiso ama ay kaligeed korsato.

“Hooyo haddii la furo ilmaheedana waa lala furay oo cidna kuma biilayso. Aabbahood wuxuu dhahay uma hayo dhaqaale ee haddii aadan haysan karin igu soo wareeji, anna ilmahayga aniga ayaa iska haysta.”

Aamino ayaa sheegtay in ninkeedii hore ay dhowr mar ka codsatay in uu ku garab siiyo koriimadooda, balse aysan waxba ka helin. Waxay xustay in ay kala tageen bishii labaad ee sanadkan iyadoo xilligaas umul ahayd. Wixii markaas ka dambeeyay ayay gashay noloshii ugu adkayd.

Haweenaydan ayaa xustay in habeennada qaar ay carruurteeda gaajo ku seexiso markay u waaydo wax ay siiso. Waxay sheegtay in ay culays kala kulmayso deyn lagu yeeshay shantii bil ee ugu dambaysay. Deynta ayaa ku gashay raashin, biyo iyo arrad-tir ay dhowr mar u soo qaadatay carruurta.

“Mar kasta caqabada aan kala kulmo waa in telefoon la ii soo diro oo lacagtii keen la igu leeyahay. In aan dadkii iska baryo oo aan dhaho ‘walaalow hadda gacantayda waxba kuma jiraan laakiin waa keenayaa’ waa ku qasbanahay.”

Aamino oo ka soo jeeda qoys danyar ah ayaa sheegtay in xaaladdan ay kali ku tahay oo aysan garab istaag ka helin karin waalidkeeda oo aan waxba ku biirin karin nolosheeda. Waxay qoyskeedu ka mid ahaayeen dadkii 2021 laga soo raafay gobolka Sool ee tagay deegaannada Koonfur Galbeed.

Qureysho Cali Maxamed oo ah guddoomiyaha urur u dooda waxbarashada gabdhaha iyo xallinta khilaafaadka qoysaska barakacay ayaa sheegtay in gabdhaha ugu badan ee guurka lagu qasbo ay da’doodu u dhaxayso 15 ilaa 20 sano. Waxay tilmaamtay in da’da yar ay badankoodu ku sababto inuu guurkoodu waari waayo oo la soo furo, taas oo culays kale u horseeda.

Qoysaska qaarkood oo aad u aaminsan inay qasab tahay in gabdhaha xilli hore la guuriyo ayay sheegtay inay horseeday in gabdhaha yaraanta lagu guursado, iyaga oo aan wax badan ka fahamsanayn nolosha guurka iyo barbaarinta carruurta, kadibna la soo furo, taas oo noqotay caqabad aan wali xal loo helin.

“Dhibaato ayaan soo aragnay sida gabdho la jirdilay oo ilamahooda iyo iyagu dayacan yihiin waalidkooduna uu baadiye jiro. Waxaan fariin ugu diryaa in aysan waalidiintu gabdhaha guurka ku qasbin.”

Qureysho ayaa xustay in waalidiinta qaarkood ay dhaqaale dartiis u guuriyeen gabdhahooda yar yar, halka kuwo kalena laga soo doontay oo sidaas ay ku bixiyeen, maaddaama ay u arkaan dhaqan soo jireen ah.

Qoysaska ku nool xeryaha barakaca ee gobollada dalka waxaa ku gadaaman daruufo adag oo dhanka nolosha ah. Waxay qaataan go’aamo ay ku saleeyaan baahiyahooda taagan, iyagoon ka fakarin saamaynta ka dhalan karta haddii ay caruurtooda ku qasbaan wax aysan raali ka ahayn.

Previous Post

Muqdisho: Haweenay ku dhibaatoonaysa korinta carruur badan dhaqaale xumo awgeed

Next Post

Khamaarka 1XBET oo saamayn nolol xumo ku yeeshay dadka deggan xeryaha Gaalkacyo

Related Posts

Mudug: Rag ku xoolo-beelay abaarta oo fursad shaqo ka helay warshad xanaanaysa Shinida
Wararkii u Danbeeyay

Mudug: Rag ku xoolo-beelay abaarta oo fursad shaqo ka helay warshad xanaanaysa Shinida

October 30, 2025
Qoysas colaad ku waayay beero iyo guryo oo cunno xumo ku wajahaya duleedka Marka
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas colaad ku waayay beero iyo guryo oo cunno xumo ku wajahaya duleedka Marka

October 29, 2025
Muqdisho: Dhallinyaro la shaqaalaysiiyay oo nolol xumo ka saaray qoysaskooda
Wararkii u Danbeeyay

Muqdisho: Dhallinyaro la shaqaalaysiiyay oo nolol xumo ka saaray qoysaskooda

October 28, 2025
blank
Beeraha Iyo Xoolaha

Reer-guuraaga Hiiraan oo daryeel caafimaad iyo mid daaq u helay geela abaarta u nugul

October 24, 2025
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Jigjiga: Colaadda Soomaalida iyo Oromada oo nolol xumo galisay beeraley iyo xoolo-dhaqato

October 23, 2025
Qoysas ka barakacay Aadan-yabaal oo xaalad quus ah ku wajahaya duleedka Warsheekh
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas ka barakacay Aadan-yabaal oo xaalad quus ah ku wajahaya duleedka Warsheekh

October 22, 2025
Next Post
Khamaarka 1XBET oo saamayn nolol xumo ku yeeshay dadka deggan xeryaha Gaalkacyo

Khamaarka 1XBET oo saamayn nolol xumo ku yeeshay dadka deggan xeryaha Gaalkacyo

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

Idaacadda 30-OCT-2025

Idaacadda 30-OCT-2025 by Radio Ergo

Idaacadda 30-OCT-2025
Episode play icon
Idaacadda 30-OCT-2025
October 30, 2025
Episode play icon
IDAACADDA 29-OCT-2025
October 29, 2025
Episode play icon
IDAACADDA 28-OCT-2025
October 28, 2025
Episode play icon
IDAACADDA 27-OCT-2025
October 27, 2025
Episode play icon
IDAACADDA 26-OCT-2025
October 26, 2025
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo