(ERGO) – Muumino Xaaji Yaxye oo ah haweeney leh uur siddeed bil ah ayaa ka walwal qabta inay si bad-qab ah u umuli doonto. Sababta ayaa ah deegaanka Muuri oo ay ku nooshahay oo aysan ku oollin xarun caafimaad.
Maamulka deegaanka ayaa sheegay in tan iyo bishii koowaad ee sanadkan la diiwaan-geliyay kiisaska haween umul raacay markii ay waayeen dhakhtar iyo carruur xaaladdo aan la xaqjijin u geeriyooday.
Muumino walaaca ku kordhinaya haween deegaanka ku nool oo daryeel xumo darteed ay dhibaato caafimaad soo gaartay lixdii bilood ee la soo dhaafay. Waxay qaarkood la kulmeen dhiig bax sababay dhintaan.
Waxay xustay in halka ugu dhaw ee ay adeeg daryeel caafimaad ka heli karto ay tahay degmada Afgooye oo qiyaastii u jirta 19 km, balse aysan awoodin dhaqaale ay ku aaddo iyo cid uga horreysa.
“Welwel weyn ayaa i haysta. Waxaa jira haween badan oo halis galeen oo deegaanka jooga annigana haweenkaas aan arko murugta way iska kay haysaa. Ma Xamar ayaa ku soo dhashaa ma iska baxdaa? Maxaad samaysaa? fekraddaas ayaa igu jirta. Dhaqaale la’aan ayaa iga hor taagan. Ma awoodo inaan qarashka gaadiidka iska bixiyo. Ma awoodi inaan ilmihii dhaafo.”
Haweeneydan ayaa tilmaamtay inay la noonashahay cudurka dhiig-karka oo aysan helin dawooyinka loogu tala-galay, taas oo ay dantu ku qasabtay inay isticmaasho noocyo ka mid ah daawo dhireed loogu sheegay inay ka caawin karaan xanuunkeeda.
Muddada ay uurka leedahay mar qura ma aysan la kulmin dhaqtar ay ka hesho talo iyo daryeel caafimaad sabab la xariirta dhaqaale xumo haysa. Muumino ayaa xustay inaysan hadda la socon xaaladdeeda caafimaad iyo midda uur-jiifkeeda.
“Dhibaato badan ayaan soo maray. Tallaalada haweenka xaamilada ah la tallaalo ma helin. Wallaahi dadka ayaan ka maqlay tuun ayaa la cunaa.Tuuntaas ayaa iska cunaa. Hal farmashi ayaa ku yaalla mana laga helayo daawada dhiig karta.”
Muumino waxaa u dheer tiiraanyo ay ku reebtay gabar ay dhashay oo hal sanno iyo bar jir aheyd oo u dhimatay cudur aysan xaqjiijin bishii lixaad ee sannadkii 2024. Waxay ku aragtay nabro iyo qandho daran, iyada oo intaa raacisay in aysan u helin wax gargaar caafimaad ah.
Muumino waxaa sidoo kale ka go’in xasuusta saygeedii oo dhamaadkii bishii Diseembar ee sanadkii hore lagu dilay dagaal u dhexeeyay dowlada iyo Alshabaab. Wuxuu hawlo shaqo ka waday oo uu ku sugnaa beer shan herkar ah oo ay ku leeyihiin deegaanka Bariire oo dhinac galbeed 20 km uga beegan deegaanka ay ku nooshahay. Haweeneydan ayaa hadda keligeed korisa sideed carruur ah oo aysan cidna ku daryeelin.
Qoyska Muumino ayaa colaad iyo abaar uga soo barakacay deegaanka Dhanaane ee gobolka Shabeelaha hoose bilowgii 2024. Deegaanka ay u soo nolol doonteen ayay hadda ku wajahayaan dhibaatooyin isbiirsatay oo aysan maaro u haynin.
Dadka adeeg xumada caafimaad ee deegaanka ka jirta ay saamaynta taban ku yeelatay keliya ma aha haweenka balse dhibaatadu waa mid wada gaartay. Carruurta waxay ka mid yihiin dadka ugu nugul. Maxamuud Xasan Cali, wuxuu geed har fiican aan lahayn oo ku horyaalla hoygiisa oo cariish ah ku hayaa wiilkiisa oo laba jir ah tan iyo bishii Abriil. Ma uusan u helin dawo iyo dhakhtar wax uga sheega jirradiisa.
Ninkan waxaa walaac ku haya xaaladda caafimaad darro ee uu ku sugan yahay wiilkiisa. Wuxuu xusay in qoyskiisu yihiin dad dhaqaale ahaan liita oo aan awoodin inay magaalo isbitaal ugu qaadaan.
“Calaamadaha lagu arkay waa in canugga ay qandho saa’id ah qabato, waa qandho dhawr habeen iyo maalmo saaran. Cannuga uu tabar-dhigay. Korkiisa nabro ayaa ka soo baxay. Wuu liitaa, heer wuxuu gaaray inuu tabar-darri darteed la qufici-waayo.”
Ninkan ayaa sheegay in caafimaad darrada ay u wehliso cunno yari sii adkaysay xaaladdiisa. Nolosha qoyskiisa waxay ku tiirsan tahay shaqo beer falid ah oo uu tilmaamay inay yaraatay.
Ninkan ayaa sheegay in maalinka uu baxo uu soo helo lacag u dhaxeysa hal illaa labo dollar, taasoo hal waqti ay dabka ku shitaan qoyskiisa. Wuxuu intaas ku daray in dhowr mar uu suuqa geeyay labo neef oo ari ah oo u jooga balse uu u soo celiyay markii uu waayay cid ka gadata.
Ninkan ayaa isku keeni la’ quud u helidda, carruurtiisa oo sideed ah, xaaskiisa iyo daryeel siinta wiilkiisa ka buka. Xaaladdan haddii ay sii jirto wuxuu ka cabsi qabaa inay dhibaato kale u horseedo.
Xanuunnada aan la hubin ee deegaanka ka jira iyo la’aanta goobo caafimaad waxay walwal badan ku heysaa dadka ku nool.
Dhaqtar Cabdcasiis Ismaaciil oo ku taqasusay cudurrada guud iyo qaliinka oo ka hawl-gala isbitaalka hooyada iyo dhallaanka Banaadir ee magaalada Muqdisho oo hor dhignay astaamaha dadka deegaanka ay nala wadaageen ayaa sheegay in xogta ay muujinayso inuu jiro cudurka Jadeecada ama bus-buska midkood.
“Cunugaaga haddii aad aragto qandho saa’id ah waa inaad u qubeyso ama maro intaa soo qoysid aad ku duubtaa. Talada waa muhiim in la talaalo. Waxaa kaloo loo baahanyahy oo cunuga muhiim u ah in la siiyo cabitaano sokor leh.”
Cabdicasiis ayaa dhanka kale tilmaamay in haddii hooyada uurka leh ay dareento dhiig-bax, madax xannuun, lalabo, cunno qaadasho la’aan, iyo dhaqdhaqaaqa cannugga oo yaraada ay yihiin astaamo qatar muujinaya.
Fursadaha shaqo ee deegaanka oo koobnaa ayaa sii yaraaday, markii 900 oo qoys ay barakac ku yimaadeen tan iyo bartamihii bishii Juun ee sannadkan, kuwaas oo colaado uga soo tagay deegaannada deriska la ah Muuri.
Gudoomiyaha deegaanka Muuri Ceynaashe Cabdullaahi ayaa Raadiyow Ergo u sheegay inay u dheer tahay biyo yari bidday inay cabbaan biyo aan nadiif aheyn oo ay u doontaan webiga Shabeelle oo u jira qiyaastii Lix km. Gudoomiyaha ayaa sheegay in baahiyaha deegaanka uu u gudbiyay maamulka gobolka Shabeelaha hoose, Koonfur Galbeed iyo hay’adaha samafalka, balse weli aysan ka helin wax jawaab ah.
“Sidii ay dadkan u heli lahaayeen xarun caafimaad waxaan codsanaynaa hey’adaha. Maamulka Koofur Galbeed waxaa ka codsaneynaa xarun caafimaad sidii degdeg loogu heli lahaa inay ku soo dadaalaan.”
Kaabayaashii muhiimka ahaa ee deegaanka Muuri waxaa saameeyay colaadaha ku soo noqnoqday. Dadka deegaanka ayaa xusay in baahiyahooda wax laga qaban karay balse la dayacay.