Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Kumanaan qoys of qaxootiga ah oo cunno-yari wajahaya markii la joojiyay lacag bille ah oo ay ka heli jireen hay’adda WFP

Radio Ergo by Radio Ergo
May 31, 2024
in Barakacayaasha iyo Qaxootiga, Wararkii u Danbeeyay
0
Kumanaan qoys of qaxootiga ah oo cunno-yari wajahaya markii la joojiyay lacag bille ah oo ay ka heli jireen hay’adda WFP

Jaariyo at home with her kids when she can’t find work in Hagadera camp/Ahmed Abdullahi/Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Qoyska Faadumo Cumar Ibraahim oo 11 qof ah ayaa xaalad cunno xumo ku wajahaya xerada qaxootiga Xagardheer labadii bil ee la soo dhaafay, markii la joojiyay lacag bille ahayd oo ay ka heli jireen hay’adda WFP.

Waxay ku iibsan jireen iidaanka cunnada iyo kiilooyin raashin ah oo iskugu jira bariis, bur iyo sonkor. Waxay isticmaali jireen cunnadan galinka hore maalintii, halka galinka danbana ay karsan jireen masago iyo misir ay hay’addu siiso.

Lacagta la joojiyay ayaa qoyska faadumo uu heli jiray $45 waxaana ku tiirsanaa 400,000 oo qof  oo ku nool xeryaha Dhadhaab. Maamulka xeradan ayaa Raadiyow Ergo u sheegay in WFP ay ku war-galisay bishii Abriil hakinta lacagtaas, dhaqaale xumo darteed.

Carruurta Faadumo 24 saacba hal waqti oo ka mid ah ayaa dabka loo shidaa. Dadka la deggan ee dhaqaale ahaan dhaama ayaa ku caawiya raashinka ay dabka saartaan. Waxay ka dayrisay xaaladda ay ku jiraan.

“Aad iyo aad bay noloshu u xuntahay. Waxaan haysano malahan. Shaax xitaa maanan karsan saaka. Illeen sonkor nala ma siiyo. Dayn nalama siiyo. Wax nala siiyo malahan. Dibadda dad nooma jiro oo lacag ma suganno bishii. Ma shaqayn karo 60 jir baan ahay. Ilmaha canjeelo ayaan u dubi jiray subixii canjeeladii ma haystan. Dhibaato wayn baa nahaysata.”

Waxay tilmaamtay in xaaladda nololeed ee qoyskeedu uu wanaagaa ka hor inta aan la joojin gunnada lacageed. Carruurteeda waxay u heli jirtay dhar ay ku arad tirtaan iyo caano-boore, kuwaas oo ay ka soo qaadan jirtay ganacsato ay macaamiil ahaayeen.

Hase ahaatee, tan iyo markii ay istaagtay gunnadii la siin jiray waxaa meesha ka baxay dayntii ay heli jiratay. Waxay sheegtay in lagu yeeshay lacag $193 ah, taas oo markasta la waydiiyo goorta ay bixinayso.

“Hadda dadkii lacagta igu lahaa ayaa guriga iigu imaanaya. Lacagteenii na siiya ayay i leeyihiin waxaan ku bixinaayo malahan, Lacagta Bamba chakula dad baa ii hayay, markii ay ii soo dhado. Waa u tegi jirey. Waa la iigu soo adeegayay. Sonkor wax iyo alaale wixii aan rabo ayaan ku soo qaadanayay. Hadda qof i aaminaya malahan. Chakuladii way go’day.”

Lacagta la siin jiray qoyskeeda ayaa lagu magacaabaa Bamba chakula, taas oo can ka ah xeryaha qaxootiga. Waxaa u weheliya raashin ka kooban 55-kiilo oo masago ah iyo 16 kiilo oo misir ah oo bil walba ay helaan.

Raashinkan ayaa ka go’ay 20 bishan. Waxay rajaynaysaa in ay hesho todobaad kaddib, balse rajo xumo ayay ka muujisay in aysan la socon gunnadii lacageed ee booska fiican uga jirtay hab nololeedkooda.

“Lacagta Bamba chakulada waa u dhibaataysan nahay ha nalo soo celiyo waan ku noolayn. Haddii sidaan shib lagu dhaho dad baa rafaadaya.”

Faadumo iyo qoyskeeda waxay sanadkii 2002 ka soo qaxeen deegaanka Mogaanbow oo hoostagta degmadda Jamaame ee gobolka Jubbada hoose. Waxay ahaayeen beeralay ay noloshoodu ku tiirsanayd beer 4 hiktar oo ay ku la haayeen deegaankaas.

Abaaro is xigxigay oo ku dhaftay ayaa sababay qaxitaanka ay sameeyeen. Tani waxay keentay in ay maciin bidaan xeryaha qaxootiga ee Dhadhaab. Qoyskan ayaa ku tiirsan gargaarka hay’aduhu bixiyaan, maaddama aabbaha reerka uus geeryooday .

Jaariyo Mukhtaar Xuseen oo ku nool xerada Xagardheer waa hooyada 8 carruur ah. Waxay ka mid tahay dadka ay saameynta ku yeelatay gunnada lacageed ee ka istaagtay. Waxay ku howlan tahay samtabixinta carruurteeda oo cunno xumo wajahaya.

Bil ka hor ayay billowday raadinta shaqada nadaafadda guryaha iyo dhar-dhaqista si ay qoyskeeda uga saarto xaaladda nolol-xumo, balse weli kuma guulaysan in ay joogto u hesho. Toddobaadkii mar ama labo jeer oo ka mid ah ayay ku soo shaqaysaa lacag ka yar $3.

Waxay sheegtay in lacagta ka istaagtay ay ku iibsan jireen caanaha oo lagama maarmaan u ah carruurteeda oo yar yar u badan iyo raashin iskugu jiray, sonkor, bur iyo bariis. Waxay xustay in ilmuhu aysan cuni karin raashinka mucaawinada loo bixiyo.

“Moordi baa la si siiyay. 42-kiilo oo moorsi ah ayaan soo qaatay. Moodi waa ebekerkeed maxaan hadda moordi ka cunayaa, burka kuma jiro, baaso kuma jirto, bariis kuma jiro. Carruurta hadaba waxay ka qaadeen shuban iyo matag. Waxba nooma tarayso moordidu. Bamba Chakulada waxay noo ahayd sac irmaan oo aan maalayso, sonkor, caano, cusbo, iyo caleen ayaanu ku soo qaadanaynay.”

Waxay ka walaacsan tahay nolol xumada la soo gudboonaatay qoyskeeda iyadoo xeryaha ay ka jirto shaqo yari. Waxay sheegtay in muddo toddobaad ah aysan helin shaqo nadaafadeed. Waxaa la mid ah saygeeda oo gaari gacan ku xamaasha. Tani waxay keentay in carruurteed ay gaajo ku seexdaan habeennada qaar.

“Anigu waxaan qabto maleh masaakiin baan ahay. Halka ayaan fadhiyaa, ninkayguna shaqo ma hayo. Wuu soo wareegaa maalintii isagoo shaqo raadinaya. Wuu iska soo noqda marka uu waayo. WFP iyo UN tashada ama meeshan meel dhaanta oo aan Chakula ka maarano na geeya ama Chakuladii noo soo celiya.”

Qoonadada lacageed ee WFP ay siinaysay bil walba qaxootiga Dhadhaab ayaa lagu qiyaasay 212-million oo shilling ka kenya ah, oo u dhiganta lacag gaareysa 1,600,000$. sida ay sheegeen ganacsatada xeryaha oo lacagtaa bedeecado ugu bedeli jrey qaxootiga. Lacagta cadaanka ah qaxootiga loo billaabay sanadkii 2016. Xilligaas wixii ka horreeyay waxaa la siin jiray raashinka kaliya.

Khaliif Dhuubow Jeelle guddoomiyaha xerada Xagardheer ayaa Raadiyow Ergo u sheegay in lacagta cadaanka ahayd ee laga gooyay dadka ku nool xeryaha ay mugdi gelinayso nolosha kumanaan qoys oo ay il-dhaqaale ay u hayd.

Khaliif waxaa uu xusey in durba xerada laga dareemay saameyn lacag yari gaar ahaan goobaha ganacsiga oo ku tiirsan badeecadaha ay ka iibiyaan qoysaska qaxootiga ah. Wuxuu tilmaamay in maqnaanshaha lacagtaas ay keeni karto nolol xumo baahsan.

“Lacagtaas saamaynteeda aad bay u badan tahay, sababtoo ah qaxootiga waxa kaliya ee uu ku noolaa in iyada tahay baan ognahay annaga. Waxa kale waa Moordi. Moordida lafteeda waa moodri dhimatay oo waqti dheer taallay weeye. Waa arin dhibaato weyn leh. Wixii aan qaxooti u qabnay oo aan islahayn aad ku sii nagaatan inta aad waddankiinii ka hagaagayo rajo beel baan uga sugan nahay, sababtoo ah lacagtaas wax laga maarmi karay maahan dadka ayaa ku noolaa.”

Qoysaska qaxootiga ah ee ku nool xeryaha Dhadhabaab ayaa ka hor gunnada lacageed ee la joojiyay cabasho ka qabay raashinka la siiyo oo boqolkiiba konton la dhimay, taas oo sababtay cunno yaraan soo wajahday qaxootiga Soomalida.

 

Previous Post

Sanaag: Beeraley ku qasaaray dalag ay dayn ku beerteen markii biyo la’aan ay ku dhacday

Next Post

Muqdisho: Qoysas ku jira xeryo barakac oo la qabsan la’ nolosha magaalada

Related Posts

In ka badan 120,000 oo qof oo biyo yari sababtay cunno xumo ku wajahaya Xagardheer
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

In ka badan 120,000 oo qof oo biyo yari sababtay cunno xumo ku wajahaya Xagardheer

February 20, 2026
Reer-guuraaga Sanaag oo wajahaya cudurro uga dhacay xoolaha iyo cunno xumo
Beeraha Iyo Xoolaha

Reer-guuraaga Sanaag oo wajahaya cudurro uga dhacay xoolaha iyo cunno xumo

February 17, 2026
Colaad burbur dhaqaale iyo nolol xumo galisay qoysas ku laabtay Sabiid iyo Caanoole
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Colaad burbur dhaqaale iyo nolol xumo galisay qoysas ku laabtay Sabiid iyo Caanoole

February 16, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Roob la’aan labo sano jirsatay oo ku qasabtay qoysas hor leh in ay ku barakacaan Garowe

February 14, 2026
Buundo la’aan nolosha ku adkaysay qoysaska muruq-maalka Baardheere
Cunto-Yaraanta

Buundo la’aan nolosha ku adkaysay qoysaska muruq-maalka Baardheere

February 13, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas uu ka istaagay kab dhaqaale oo nolol xumo ku wajahaya Dhuusamareeb

February 12, 2026
Next Post
Muqdisho: Qoysas ku jira xeryo barakac oo la qabsan la’ nolosha magaalada

Muqdisho: Qoysas ku jira xeryo barakac oo la qabsan la’ nolosha magaalada

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 20-FEB-2026

IDAACADDA 20-FEB-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 20-FEB-2026
Episode play icon
IDAACADDA 20-FEB-2026
February 20, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 19-FEB-2026
February 19, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 18-FEB-2026
February 18, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 17-FEB-2026
February 17, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 16-FEB-2026
February 16, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo