Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Arrimaha Bulshada

Sanaag: Dhaqashada shinida oo il-dhaqaale u noqotay qoysas danyar ah.

Jibril Osman by Jibril Osman
March 20, 2024
in Arrimaha Bulshada, Wararkii u Danbeeyay
0
Sanaag: Dhaqashada shinida oo il-dhaqaale u noqotay qoysas danyar ah.
0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Cabdi Yuusuf Maxamuud  oo ah aabbaha siddeed Carruur ah wuxuu awood u yeeshay in uu ku filnaaday maaraynta noloshooda, markii uu billaabay dhaqashada shinida bishii Janaayo ee sanadkii hore.

Wuxuu ka mid yahay soddon dhallinyaro ah oo si wada jir ah Shinida ugu dhaqda dusha sare ee buurta Daalo ee deegaanka Karin  oo 16 km dhanka waqooyi kaga beegan magaalada Ceerigaabo ee gobolka Sanaag.

Cabdi ayaa xusay in shinidiisa uu bishii cel-celis uu ka helo dhaqaale gaaraya $350. Wuxuu tilmaamay in muddada uu dhaqanayo ay reerkiisu uga bexeen cunno yari ay wajahayeen. Waxay hadda dabka shitaan saddex waqti maalinkii.

“Wax badan oo wanaagsan ayaa iska kay bedelay oo aan dareemay, reerkii waa ii ladanyihiin. Rafaad badan iyo doon doon badan ayaan ka maarmay. Laakiin hadda nin wixii sugaya oo ku xisaab tamaya ayaan ahay.”

Qoyskiisa oo ku tiirsanaa kaalmo aan jooogto ahayn oo ay ka heli jireen dad ay qaraabo yihiin oo ku nool magaalada Ceerigaabo ayuu sheegay in uu ugu maarmay. Muddada uu hawshaan wado ayuu tilmaamay in uu dareemay isku filnaan shaqaale.

Labo sanduuq oo shinni ah oo uu ku darsaday koox iskaashato ah ayuu sheegay in saddexdii bilba uu ka helo malab gaaraya 24 kiilo isaga oo halkii kiilo siista $25. Waxaa in taas u dheer $150 oo mushaar ahaan looga siiyo santuuqyo kale oo uu waardiye ka yahay.

Cabdi dhaqaalaha soo galay ayuu xusay in ay u suuragalisay in uu iska gudo dayn dhan $2,500 oo lagu lahaa reerkiisa muddo labo sano ah, taas oo uu kari waayay bixin teeda. Wuxuu sidoo kale sheegay in uu ka dagay welwel badan oo uu ku qabay sidii uu u maarayn lahaa nololsha reerka.

“Waan u xamaal tagi jiray. Mar aan helo iyo mar aan waayaba waa noqon jirtay. Laakiin maanta waxaa ii qorshe an in aan shinidaan sii kordhiyo oo sii dhaqo oo aan heer sii gaarsiiyo.”

Cabdi wuxuu sanadkan waxbarashada ku daray saddex ka mid ah carruurtooda oo aan horay wax dhigan. Wuxuu geeyay markii uu ogaaday in uu awood u leeyahay bixinta qarashka waxbarashada oo bishii laga qaado $18. Waxay dhigtaan fasalka dugsiga hoose ee iskuulka tuuladiisa.

Dhanka kale xeryaha shinida waxaa shaqo abuur ka helay dad badan oo oo horay u haa baaga-muddo iyo kuwa qaban jiray shaqooyin aysan ka heli jirin dhaqaale ku filan, kuwaas oo ay u noqotay fursad nololshooda beddeshay.

Cabdiraxmaan Guuleed Cali ka mid ah dadkaas wuxuu gadaa meheradda lagu iibiyo malabka shinida oo iskaashatadan ay ka furteen magaalada Ceerigaabo.

Ninkan ayaa sheegay in mushaar bille loo siiyo oo gaaraya $200 uu reerkiisa u noqday il dhaqaale. Wuxuu sheegay in uu kaga maarmay shaqo xoogsi ah oo uu u aadi jiray magaalada Ceerigaabo si uu u maareeyo nololsha qoyska oo ka kooban todobo qof.

Tan iyo markuu shaqadaan billaabay bishii Febraayo ee sanadkii hore ayuu xusay in nololshoodu is beddeshay.

“Shaqo fiican ayaan ka helnay biilkii ayaan ka soo saaranayaa oo waa shaqo joogto ah. Dadku si fiican ayay nooga iibsadaan malabka aad ayay u isticmaalaan waa waxyaabaha dabeeciga ah ee ay u baahantahay nafteenu. Marka waxay noo tahay il-dhaqaale oo aan ku tiirsanahay waaye ilaahay mahadi kaga gaarto.”

Cabdiraxmaan wuxuu sheegay in tan iyo markii uu shaqadan billaabay ay meesha ka baxday welwelkii uu ka qabay cunno helidda reerkisa. Waxaa intaas dheer in uu awood u yeeshay in uu iskuulka ku daro labo ka mid ah carruurtiisa oo horay uu u gayn waayay faro-marnaan dhaqaale darteed.

Ninkan wuxuu sidoo kale qorshaynayaa in uu ku biiro iskaashadata. Wuxuu bil kasta meel dhigtaa $25 oo ka mid ah mushaarkiisa si uu uga miro-dhaliyo damiciisa ah in uu yeesho shini. Wuxuu istaas raaciyay in hadda uu maalinkasta qaato tababar la xariira sida shinida loo xannaaneeyo.

“Guul aan gaarnay ayaan u aragnaa biilka xaafadda layrka waxbarashada carruurta biyaha intuba maanan haysan meel ay ku tiirsanaayeen oo bishii aan ku xisaab tami karno ama aan heli karo oo aan dhaqaalo uga soo saari karo.”

Cabdiraxmaan Maxamed Muuse oo ah guddoomiyaha iskaashatadan wuxuu sheegay in markii ay billaabayeen maalgalinta xeryahan shinida uu ujeedkoodu ahaa in ay helaan wax ay nololshooda ku maareeyaan, balse ay hadda noqotay mid beddeshay nololsha dad badan.

Wuxuu xusay in afar iyo toban kun oo doollar oo ay ku billaabeen tacbashadeeda ay ka qaateen bangiga Dahabshiil. Lagactaas waxay ku qarash gareeyeen xerooyinka shinida, guryaha ay shaqaaluhu ku nool yihiin iyo barkado shinidu biyaha ka cabto.

Cabdiraxmaan wuxuu sheegay in muddo lix bil ah ay iskaga bixiyeen deyntii ay qaateen, markii ay qalabkii ugu horreeyay ay iib-geeyeen. Waxay hadda billabeen sida uu tilmaamay in ay dadka ku dhiiri galiyaan ka faa’iidaysiga qayraadka dalka oo ay ugu horrayso shinida oo ku badan deegaankooda.

“Runtii annaga ka dhalinyaro ahaan shaqo abuur ayay noo sameysay, dadkiina waxaanu tusnay in wax lala soo bixi karo oo dadkii ay iskood u shaqeysan karaan, waxaanu sameynay goob kale oo noocan oo kale oo iyagana dhowr iyo toban qof ka howlgalaan, tukaanadii Magaalada waxay u noqotay ganacsi sidaan ka filayn wax ka duwan ayaan ka helnay”

Xarumahan shinidan oo ah kuwii ugu horreeyay ee deegaanka laga hirgaliyo waxay il-dhaqaale u noqdeen dhallinyaro badan oo deegaanka horay shaqo la’aan u ahaa iyo kuwii baal gashada intaba. Sidoo kale dad badan ayaa hadda ku talo jira in ay ku soo biiraan markay arkeen wax-soo-saarkeda deg-degga ah.

Previous Post

Garowe: Haween ganacsi ka dhex sameystay xeryo barakac markii laga taageeray

Next Post

Muqdisho: Mootada Faykoon oo fursad shaqo abuur u noqotay dhallinyaro danyar ah

Related Posts

Qoysas ku nool Galgaduud oo cunno xumo uga baxay adeegsiga mooto Faykoonta
Beeraha Iyo Xoolaha

Qoysas ku nool Galgaduud oo cunno xumo uga baxay adeegsiga mooto Faykoonta

March 25, 2026
blank
Wararkii u Danbeeyay

Arday raashin iyo biyo ku taageeray qoysas roob la’aan ay ku hayso miyiga Bari

March 24, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qaxooti cusub oo nolol xumo iyo diiwaan galin la’aan ku wajaha Dhadhaab

March 19, 2026
blank
Wararkii u Danbeeyay

Qoysas nolol-maalmeedkooda ay galaafatay colaad ka jirta Hiiraan

March 12, 2026
Mudug: Nolol xumo ka dhalatay qoysas laga jaray biyo bilaash ay oo ku heli jireen
Wararkii u Danbeeyay

Mudug: Nolol xumo ka dhalatay qoysas laga jaray biyo bilaash ay oo ku heli jireen

March 11, 2026
blank
Wararkii u Danbeeyay

Dhaqashada Shinida oo fursad dhaqaale u noqotay qoysaska haween ku nool Baydhabo

March 10, 2026
Next Post
Muqdisho: Mootada Faykoon oo fursad shaqo abuur u noqotay dhallinyaro danyar ah

Muqdisho: Mootada Faykoon oo fursad shaqo abuur u noqotay dhallinyaro danyar ah

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 25-MAR-2026

IDAACADDA 25-MAR-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 25-MAR-2026
Episode play icon
IDAACADDA 25-MAR-2026
March 25, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 24-MAR-2026
March 24, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 23-MAR-2026
March 23, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 22-MAR-2026
March 22, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 21-MAR-2026
March 21, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo