Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Arrimaha Bulshada

Muqdisho: Mootada Faykoon oo fursad shaqo abuur u noqotay dhallinyaro danyar ah

Jibril Osman by Jibril Osman
March 23, 2024
in Arrimaha Bulshada, Wararkii u Danbeeyay
0
Muqdisho: Mootada Faykoon oo fursad shaqo abuur u noqotay dhallinyaro danyar ah

Kaydka Ergo/sawir hore

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Maxamuud Barow Xasan wuxuu awood u yeeshay inuu qoyskiisa u helo cunno saddexda waqti ah. Wuxuu sheegay inay u suuragalisay, markii bishii Diseemmber ee sannadkii 2023 uu shaqo ka helay shirkad kireysa mootooyinka oo ku taalla magaalada Muqdisho.

Wuxuu tilmaamay in maalintii uu ka helo shaqadaan lacag u dhaxeysa $15-$20 oo faa’iido ah marka uu iska bixiyo lacagta kirada oo ah $7.

Qoyskiisa oo ka kooban xaaskiisa 7 qof ah ayuu sheegay Maxamuud inuusan walwal ka qabin inuu u waayo cunnadooda iyo adeegyada kale ee ay u baahan yihiin.

“Farxad iyo rayn-rayn ayaan dareemayaa, taas waxay ku tusineysaa inaan hadda ahay shaqsi isku kalsoon, markaasna waalidkiisa iyo xaaskiisa maareysan karo. Wixii qarash ah oo ay u baahan yihiinna u soo dirsan kara.”

Maxamuud oo 25 sano jir ah ayaa xusay inuu ka baxay shaqo la’aan haysay muddo shan bil ah. Nolosha qoyskiisa ayuu markii hore ka maareyn jiray mooto bajaajta uu kiraysan jiray. Wuxuu wuxuu sheegay inuu iska joojiyay, markii sanadkii hore loo beddelay A iyo B uu ka soo saari waayay kiradii laga rabay maalin dhaafka iyo masruufka qoyska.

Maxamuud ayaa tilmaamay in muddadii uu shaqo la’aanta ahaa uu qoyskiisu wajahayay xaalad adag oo dhanka nolosha ah. Wuxuu sheegay inay ku tiirsanaayeen $100 oo uu u soo diri jiray adeerkiis oo ku nool dalka Sweden.

“Mootadii lacagtii aan qoyska ka maareyn jiray way soo saari weysay mid cidda dhan anfacda wey noqon weysay, taasi waxay keentay inaa ka guurno gurigii aan Kaaraan ka daganayn.”

Maxamuud ayaa sheegay in xaaladda adag ee shaqo la’aantu ay keentay in saddex walaalihiis ah iskuulka laga saaro bishii Oktoobar, markii uu bixin waayay lacagta iskuulka ee billaha ah.

Shaqadan uu billaabay ayaa u horseedday inuu bishan Feberaayo ku celiyo iskuulka. Walaalihiis oo dhigta fasallada 4 iyo 5 ee iskuulka Kaaraan ayuu isku-darkooda bishii ka bixiyaa $21.

Fursadda Fekon waxay fursad shaqo u noqotay 950 dhallinyaro ah oo isugu jiray kuwo shaqo la’aan ahaa iyo dad ku shaqo waayay nidaamka A & B ee mooto bajaajta loo beddelay.

Mootadaan waxay dadka ku sugan xaafadaha Muqdisho u sahashay in iyaga oo jooga guryahooda loo keeno adeegyada ay ka dalbadaan maqaayadaha iyo dukaamada ganacsiga ee magaalada.

Qoyska Maxamuud tan iyo markii uu geeriyooday aabhiiis 9 sano ka hor waxaa reerka hormuud u ahaa hooyadiis oo ka shaqayn jirtay nadaafadda xafiisyada Xamar weyne oo bishii ay ka heli jirtay $80. Laakiin saddexdii sano ee la soo dhaafay markii Maxamuud uu dhammeeyay iskuulka ayuu kaalintaas la wareegay si uu qoyska ugu shaqeeya

Qaar ka mid ah dhallinyarada helay fursaddaan shaqo waxay ka soo jeedaan qoysas barakac ku ah xeryaha degmada Hodan ee Sigaale, kuwaas oo nolol maalmeedka qoyskooda ka soo saari jiray bajaajta, balse markii ay shaqooyinka ku xumaadeen u diga-rogtay ka shaqaynta mootada Fekon.

Axmed Cabdirisaaq Maxamed oo 28 sano jir ah wuxuu ku filnaaday masruufka hooyadiis iyo afar walaalihiis ah, kuwaas oo ku tiirsan lacagta uu ka soo shaqeeyo mootadada.

Shaqadan ayuu sheegay inuu maalintii ka helo $10-20 oo faa’iido ah.Wuxuu tilmaamay inay helitaanka lacagtaan awood u siisay in qoyskiisa ay ka baxaan hubanti la’aan cunno oo ay wajahayeen lix bil oo uu shaqo la’aan ahaa.

Wuxuu xusay in isbeddel ku yimid noloshooda markii uu shaqada billaabay dhamaadkii bishii December ee sanadkii 2023.

“Mararka qaarkood waxaa dhici jirtay in aan maalinkaas waxba la cunin. Hadda ugu yaraan laba waqti iyo Saddex waqti ayaan ugu yaraan cunnaa.”

Axmed ayaa tilmaamay in hooyadiis ay si aan joogto ahayn uga shaqayan jirtay lows-iibinta iyo dhar-dhiqsta, balse hadda ay joojisay shaqooyinkaas, maaddaama uu isaga ku filan yahay nolosha qoyska.

Wuxuu ku rejo weyn yahay inuu kordhiyo dedaalkiisa shaqada, si uu qoyskiisa uga raro xerada barakaca ee ay ku nool yihiin.

“Waxaan ku biiray Shirkad kireysa mootooyinka oo shaqo soo bandhigtay, markii aan u tagay imtixaan ayay iga qaadeen oo ah in aan mootada wadi aqaano, kaddibna shaqada way I siiyeen. Hadda siddaasi ayaan ku shaqeeyaa. Waxaan ka helay lacag aan ku maareyn karo nolol maalmeedka, waxna ka dhigan karo.”

Qoyska Axmed waxay sannadkii 2019 ka soo barakaceen duleedka magaalada Jowhar, markii ay saameysay fatahaad uu wabiga Shabeelle u geystay beer afar hiktar ah oo ay lahaayeen qoyskiisa, taas oo ay ku tiirsanaayeen wax soo-saarkeeda.

Isticmaalka mootada Fekonka ee degmooyinka Muqdisho ayaa aad u kordhay billihii la soo dhaafay. Dhalinyaradaan ayaa qaadda dadka, alaabaha sida cunnooyinka maqaayadaha laga dalbado, hamaanka gaaska iyo adeegyada kale ee loo baahan yahay.

Shirkaddaha bixiya adeegyada badankood waxay ka diwaangashan yihiin Online-ka. Madaxa Shirkadda Aamin Motors Axmed Yuusuf Mulaah oo ku taalla Isgoyska KM4 ayaa sheegay  in dhalinyaradaan ay shaqaaleysiiyeen ay yihiin kuwa da’doodu ka hooseyso 25 sano, islamarkaana badankood ay ka soo jeedaan qoysas danyar iyo barakac isugu jira.

“Muhiimadeenna waa qofka in uu mootada ka xayn karo oo uu ka soo bixi karo masuuliyad loo diro. Qofka waa in uu shaqeyn karaa haddii uu shaqeyn karo waan kaa qaadaneynaa. Ma jirto wax shuruud ah iyo wax dhibaato ah.”

Isticmaalka teknoologiyada iyo ganacsiyada cusub ayaa kaalin ka qaatay sanadihii dambe shaqaaleysiinta dhallinyarada oo il dhaqaale u noqotay qoysaskooda danta yar.

Previous Post

Sanaag: Dhaqashada shinida oo il-dhaqaale u noqotay qoysas danyar ah.

Next Post

Isbitaalka Shalaanbood oo sariiro u la’ bukaanno uu soo ritay shuban-biyood

Related Posts

Qoysas ku nool Galgaduud oo cunno xumo uga baxay adeegsiga mooto Faykoonta
Beeraha Iyo Xoolaha

Qoysas ku nool Galgaduud oo cunno xumo uga baxay adeegsiga mooto Faykoonta

March 25, 2026
blank
Wararkii u Danbeeyay

Arday raashin iyo biyo ku taageeray qoysas roob la’aan ay ku hayso miyiga Bari

March 24, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qaxooti cusub oo nolol xumo iyo diiwaan galin la’aan ku wajaha Dhadhaab

March 19, 2026
blank
Wararkii u Danbeeyay

Qoysas nolol-maalmeedkooda ay galaafatay colaad ka jirta Hiiraan

March 12, 2026
Mudug: Nolol xumo ka dhalatay qoysas laga jaray biyo bilaash ay oo ku heli jireen
Wararkii u Danbeeyay

Mudug: Nolol xumo ka dhalatay qoysas laga jaray biyo bilaash ay oo ku heli jireen

March 11, 2026
blank
Wararkii u Danbeeyay

Dhaqashada Shinida oo fursad dhaqaale u noqotay qoysaska haween ku nool Baydhabo

March 10, 2026
Next Post
Isbitaalka Shalaanbood oo sariiro u la’ bukaanno uu soo ritay shuban-biyood

Isbitaalka Shalaanbood oo sariiro u la’ bukaanno uu soo ritay shuban-biyood

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 25-MAR-2026

IDAACADDA 25-MAR-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 25-MAR-2026
Episode play icon
IDAACADDA 25-MAR-2026
March 25, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 24-MAR-2026
March 24, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 23-MAR-2026
March 23, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 22-MAR-2026
March 22, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 21-MAR-2026
March 21, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo