Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Beeraha Iyo Xoolaha

Mudug: Beeralay cunno xumo wajahaya markii uu qasaaray dalag ay beerteen

Jibril Osman by Jibril Osman
March 7, 2024
in Beeraha Iyo Xoolaha, Cunto-Yaraanta, Masiibooyinka, Wararkii u Danbeeyay
0
Mudug: Beeralay cunno xumo wajahaya markii uu qasaaray dalag ay beerteen

Kaydka Ergo/sawir hore

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Qoyska Cabdi Ciise Ereg oo 13 qof ah kooban waxay muddo saddex bil ah wajahayaan cunno yari aad u liidata. Waxaa u sabab ah in uu ka qasaaray dalag u saarnaa beer saddex hekter ah oo iskugu jiray khudaar iyo raaashin.

Waxay ka mid yihiin 51 beeraley ah oo ku nool deegaanka Dhardhaar ee gobolka Mudug oo daadkii ka dhashay roobkii darta ay galaafteen dalaggii ay beerteen bishii September, kaas oo ay qorshaynayeen in ay goostaan horraantii sanadkan.

Cabdi oo aan lahayn il kale oo dhaqaale waxaa qoyskiisa hadda ku tiirsan yihiin caawin aan joogto ahayn oo ay ka helaan dad ay qaraabo yihiin oo deggan magaalada Bandiiradley oo deegaankoodu hoos tago.

Raashinka ay u keenaan ayuu sheegay in ay karsadaan hal waqti si ay u beeqaamiyaan. Wuxuu intaas raaciyay in arrintaan uu la kulmay xilli uu filayay in uu ka soo kabsado abaaro horay u ragaadiyay wax soo saarka beertiisa.

“Waad dareemi kartaa wax weyn baa ka filaayey iyo in aan noloshayda ka debaro oo iyadana aan ku sii hormariyo laakiin hadda maba dhacin.”

Cabdi dhanka kale waxaa ka dhamaaday kayd raashin oo uu kala haray dalag aan badnayn oo ka soo ga’ay beertiisa gu’gii hore, kaas oo ahaa galley masago iyo digir. Wuxuu sheegay in kayd la’aantu tahay culayska ugu wayn ee ay hadda wajahayaan.

Ninkan wuxuu xusay in ganacsato uu dayn ka soo qaadan jiray oo deggan magaalada Bandiiradley oo horay ay u lahaayeen macaamil soo jireen ah ay ka joojiyeen in ay wax daymiyaan, markii ay oggaadeen in beertu ka qasaartay. Waxay ku leeyihiin $800 oo uu raashin ku qaatay.

Lacagtaas lagu leeyahay Cabdi intaas kuma eka. Waxaa u dheer $1,500 oo uu ku maalgaliyey abuurkii halaabay. Wuxuu hadda la kulmaa waydiimo joogta ah oo kaga imaanaysa dadka daynta ku leh.

“Daynta warkeeda waa lagu qalalay sida loo lahaa bishaaney soo go’aysaa waa la baxinayaa tukaamadii xaalkooda waa Allow sahal in nalaka ceyriyay markaan taaganahay ninka tukaanka leh wixii buu kaa rabaa anna saan u lahaa bishaan isug wixiiba gacantayda ka baxay”

Cabdi ayaa tilmaamay in horay markii ay beertu ka nacfi beesho uu u weecan jiray ari uu dhaqan jiray, balse abaarihii dalka soo baray ayaa ka galaaftay. Wuxuu tilmaamay in ay hadda u hareen 12 neef oo ah arinmaan iyo waxaro aan suuq galin.

Wuxuu sheegay inuusan hayn qorshe uu qoyskiisa ugu abuuri karo il dhaqaale maaddaama uusan lahayn xirfad kale. Muddo shan sano ah oo uu beeraley ahaa wuxuu xusay in qasaaro heerkan gaarsiisan uusan horay ula kulmin.

Beeralaydan si ay mar kale beeraha u tacbaan waxay isku dayeen in ay tuubo waraab ah ay ka soo jiidaan ceel riig ah oo u jira 12 km, balse dhaqaalaha ku baxaya ayay awoodi waayeen, taas oo quus ka dhigtay damacoodii.

Xasan Aadan Xaashi ayaa sheegay in reerkiisa oo ka kooban 10 qof ay wajahayaan nolol xumo aad u liidata oo dhanka cuntada ah. arrintaas ayaa ka dhalatay qasaaraha dalag u badnaa khudaar oo uu ku abuuray beer afar hektar ah, kaas oo uu qorsheynayay in ay xilligaan nololshooda ku dabaridoonaan.

“Noloshayda waxay ku yeelatay saameyn waa garan kartaa qof  danyarow ah oo inta wax beertay isku xir xiray silig iyo qod iyo shiddaal gaari ah gaari aadan lahay soo kiraysa oo isku keentay oo dalagii ruqay qaarna ay latageen qaarna dul fariisteen inta badan wey qasaartay”

Xasan oo beertu u ahayd halka meel ee uu ku tiirsan yahay ayaa dalagga u saarnaa filayey in uu ka faa’iidi doono lacag u dhaxaysa labo kun ilaa saddex kun oo doollar. Rajadaas ayaa Meesha ka baxday horraantii bishii Nofeembar, markii daadku ka qaaday.

Ninkan ayaa xusay in wax-soo-saarka beerta ay kula tiirsanaayeen labo qoys oo kale oo ay ehel yihiin, kuwaas oo aan iyagu beer lahayn. Waxay ka saacidi jireen tacbidda  iyaga oo qaybsan jiray waxa ka soo go’a.

Xasan si uu u maareeyo nololsha qoykiisa ayuu sheegay in hadda uu ku qasbanaaday in uu qabto shaqo ku cusub oo ah dhismaha guryaha. Wuxuu u aadaa magaalada Bandiiradleey oo shan km u jirta.

Wuxuu tilmaamay in hal ama labo maalin uu helo todobaadkii shaqo wuxuuna ka helaa min $7. Lacagtas ayuu sheegay in aysan ku filnayn qoyskiisa. Wuxuu ku soo iibiyaa raashin aan iidaan lahayn oo ay hal mar ay karsadaan. Wuxuu ku dhib qabaa la qabsiga hawshan cusub sida uu sheegay.

“Shaqadaan wey adagtahay waana wax loo baahanyahay mar haddii jawaan ku daba joogo anigaa la iga rabaa sidaa nolosha ku maareyn lahaa marka wey adagtahay salaadii baa shaqa galeysaa markii aad subxiga tukatid toddoba saac baa ka dageysaa marka heliduna waa marka wax la dhisaye markasta lama helo siday u shaqo ya rtahay”

Xasan wuxuu ka walwalsan sidii uu iskaga gudi lahaa dayn lagu leeyahay oo dhan $1,700, taas oo lagu yeeshay labadii sano ee la soo dhaafay oo beertiisa aysan ka soo go’in dalag fiican. Waxaa ku leh ganacsato ku lool magaalooyinka Gaalkacyo iyo Bandiiradlay oo ay macaamiil ahaayeen.

Cabdirashiid Maxamed Xirsi oo ah guddoomiyaha iskaashatada beeraleyda deegaanka Dhardhaar ayaa sheegay in horay u wajahayey dhaqaalo-xumo ka soo gaartay abaarahii dalka ka dhacay oo aysan afar sano wax beeran. Wuxuu xusay in sanadkan oo ay roobab badan heleen ay filayeen in ay ka soo kabtaan balse aysan u suura galin.

Wuxuu tilmaamay in beeralayda qasaaraha soo gaaray ay sabab u ahayd daadadka oo dhaafay xad ay wax ka qaban karaan iyo tababar xumo ka haysatay qaabka ay u la tacaalayaan arrintan.

“Culeysyada hadda jira labo dhinac ayuu ka imaanayaayo, dhinac waa dadkii isku dayga sameeyey oo tabartoodii gaabisay ama roob ha sababsadeen ama si kale ha oga gaabiyeene oo awalna iska danyar ahaa. Wax soo saarka culeyska ku imaan kara waa dareemi kartaa awood iyo shaxdii biyaha lagu dhigi lahaa iyo agabkii kale ee ka caawin laha lama helin, marka nusqaan baa imaatay dhinac walbaba.”

Beeralayda gobolka Mudug oo horay ula daalaa dhacayay wax soo saar la’aan dhanka cimilada ah ayaa arrintan ku noqotay mid ay ka quus dhigeen tacbashada.

Previous Post

Caynaba: Dhallinyaro la baray xirfado loona maal-galiyay oo billaabay nolol cusub

Next Post

Dhadhaab: Mashruuc nadaafadeed oo il-dhaqaale u noqday qoysas qaxooti ah

Related Posts

Waxbarasho la’aan soo wajahday carruurta reer-guuraaga ku nool Cadaado
Wararkii u Danbeeyay

Waxbarasho la’aan soo wajahday carruurta reer-guuraaga ku nool Cadaado

October 17, 2025
Boqolllaal qoys oo abaar ka soo barakacay oo nolol xumo ku wajahay dagmada Xudur
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Boqolllaal qoys oo abaar ka soo barakacay oo nolol xumo ku wajahay dagmada Xudur

October 17, 2025
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Gedo: Gargaar la’aata ka jirta xeryaha oo sababtay burbur ganacsi iyo nolol xumo

October 15, 2025
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas laga saaray xarumaha dowladda oo duleedka Muqdisho ku wajahaya nolol xumo

October 13, 2025
Guddi ay samaysteen dadka barakaca ku ah Baydhabo oo fursado shaqo u helay 500 qof
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Guddi ay samaysteen dadka barakaca ku ah Baydhabo oo fursado shaqo u helay 500 qof

October 10, 2025
blank
Beeraha Iyo Xoolaha

Bakool: Haween dhisidda guryaha u legeeya masaafo dheer si ay u quudiyaan carruurtooda

October 8, 2025
Next Post
Dhadhaab: Mashruuc nadaafadeed oo il-dhaqaale u noqday qoysas qaxooti ah

Dhadhaab: Mashruuc nadaafadeed oo il-dhaqaale u noqday qoysas qaxooti ah

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 17-OCT-2025

IDAACADDA 17-OCT-2025 by Radio Ergo

IDAACADDA 17-OCT-2025
Episode play icon
IDAACADDA 17-OCT-2025
October 17, 2025
Episode play icon
IDAACADDA 16-OCT-2025
October 16, 2025
Episode play icon
IDAACADDA 15-OCT-2025
October 15, 2025
Episode play icon
DAACADDA 14-OCT-2025
October 14, 2025
Episode play icon
IDAACADDA 13-OCT-2025
October 13, 2025
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo