(ERGO) – Kontan qof oo isugu jira dhallinyaro iyo muruq-maal la daalaadhacayay maaraynta nolosha ayaa fursad shaqo abuur ka helay warshad qalliinka xoolaha ka shaqeysa oo bishii May ee sanadkan laga furay duleedka magaalada Jigjiga ee gobolka Faafan.
Fursaddan shaqo oo ah middii ugu horreysay ee ay ku heleen deegaankooda ayaa ku sintay riyooyinkoodii nolosha. Waxay bille u qaataan mushaar isbeddel nololeel u horseeday qoysaskooda oo la legdamay dabshidada.
Cabdiraxmaan Nuur Ibraahim oo 43 jir ah wuxuu ka mid yahay dadka loo qaatay shaqaalanimada. Wuxuu bille u helaa 17 kun birr una dhigan $175. Lacagtan ayuu sheegay inuu uga maarmay cunno ay qoyskiisa ku caawin jireen dad ay qaraabo ay yihiin.
“Noloshaydu aad ayay isu badashay, Imika shaqadii markii aan mushaaradkii helay ee xaafadaha ayaa lagu koriyaa caruurrtii xaafadii qosykii wax walba wixii loo baahan yahay mushaarka aan qaadano ayaan ka dabaraynaa.”
Ninkan ayaa sheegay in deegaanka aysan horey uga jirin fursad shaqo. Halka ugu dhaw ee uu u xoogsi tagi karo waa magaalada Jigjiga oo u jirta qiyaastii 20 kg. Sicir barar magaalada ka jira ayaa saameeyay dhismaha guryaha oo uu maalinta uu helo ay ka soo gali jirtay wax ka yar $3.
Maaraynta nolosha qoyskiisa ayaa ku adkaatay markii beer 10 hectar ah oo uu ku tacban jiray masago iyo gallay ay abaar uga dhacday. Sidoo kale waxaa baad la’aan uga dhintay dhamaadkii sanadkii hore 50 neef oo ari ah oo uu caano iyo cadba ka helayay.
Shaqadan ayuu sheegay inay ku soo beegantay xilli uu ka welwelsanaa quudintaa carruurtiisa oo lix ah iyo xaaskiisa. Wuxuu ku faraxsan yahay inuu tuuladiisa dhexdeeda ku helay shaqo uu ka soo galo daqli baahiyaha qoyskiisa daboolay.
“Qayb waxaan ka dhigtaa rashin ayaan ku soo iibsadaa. Asxaabtayda ninkii u baahan waan u dhiibayaa lacagta waan siinayaa caruurtiina waxbarashada waan kaga bixinyaa nolashayda aad iyo aad ayay u fiicnaatay.”
Cabdiraxmaan wuxuu warshadda u qaabilsan yahay nadaafadda guud. Wuxuu tilmaamay inuu shaqadan ku helay nasiib. Wuxuu ka mid ahaa shaqaalihii wax ka dhisay dhismaha si gara ah qeyb shamiito qasidda.
Markii shaqada la dhameeyay ayuu codsay in fursad la siiyo. Markii loo sheegay in lagu daray galka shaqaalaha ayuu xusay inuu farxad la ilmeeyay. Markii uu helay mushaarkii ugu horreeyay cunno iyo dhar ugu gatay carruurtiisa iyo xaaskiisa.
Ninkan ayaa qorshaynaya inuu daqliga soo gala qeyb ka mid ah u dhigto beertiisa oo uu u beeran waayay biyo la’aan iyo qarash yari. Wuxuu sheegay inuu filayo in mushaar kordhin loo sameeyo bilaha soo socda.
Dadka deeganka Dhagaxle ee degmada Shabeelay waxay u badan yihiin beeralay-xoolo dhaqato, balse waxay duruufo nololeed ka dhaxleen isbedelka cimilada. Warshadda magaaladooda laga furay ayay arkaan fursad.
Axmed Xubbi Ibraahim oo 40 jir ah wuxuu ka mid yahay dadka warshadda shaqo abuurka ka helay ee ay noloshoodu isbeddeshay. Waxaa bille jeebkiisa u soo galaya $150 taas oo ka caawisa inuu marasho iyo cunno ku filan ugu gato qoyskiisa.
“Nolosheyda iyo ta qoyskaygaba 100% noloshanada waxbay ka bedeshay aniga iyo inta ila midka ahba. Qof wax haysta oo ma aragtay dee kolkii loo yimaado wax laga heli karaan ahey.”
Ninkan ayaa shaqadan ka biila lix carruur ah oo uu dhalay iyo afadiisa. Kaalintiisa shaqo ee warshadda ayaa ah daaridda iyo kormeeridda mashiinnada iyo matoorrada. Waa shaqadii ugu horreysay noloshiisa ee uu helo.
Axmed wuxuu sheegay dhaqaale la’aanta qoyskiisa darteed inuu carruurrtiisa afar ka mid ah u geeyo dad ay qaraabo yihiin, markii uu awoodi waayay cunnadooda iyo dharkooda balse hadda wuu soo celiyay markii uu shaqadan helay.
Wuxuu sawirayaa sida ay aheyd xaaladdiisa ka hor inta uusan fursaddan helin iyo waxa hadda iska beddelay.
“Hadda waxbarashdii caruurta boqolkiiba boqol waxaa weeyaan qof aan waxba haysan buuggna ma iibin karo qalina ma iibin karo qadana ma helayo ciyaal kayagii waa ciyaal wax haysta oo wax baranaya oo buugg loo iibiyonayo qalinkii loo iibinayo qadadoodii u imanaya qureec doodadii u imanaya mataqanaa cashadoodii u imanaya markaa waxaa weeye qof wax haysta iyo qof aan wax haysan wax wayn ayaa u dhaxeeyay ayay ka dhigan tahay.”
Axmed ayaa ka mid ahaa dadkii ugu horreeyay ee la shaqaalaysiiyay. Sababta loo qaatay ayuu ku sheegay inuu ku soo baxay imtixaan tijaabo ah oo laga qaaday. Wuxuu tilmaamay in la qaatay xilli uu baahi weynu qabay qabay helidda il dhaqaale.
“Waxaa weeye qofku ilmihiisa yar we ciyaalka ah haddii uuna waxba haysan waxbarasho ma gayn karo xaaskiisa hadii uuna biil sii karin waa culays balaadhan marka culaysyada noocaas ah waa laga baxay,” ayuu yiri.
Ninkan ayaa sheegay in xubnaha qoyskiisa oo ay duruufaha dhaqaale oo haystay ay kala geeyeen inay hadda isku soo laabtay. Wuxuu ahaa xamaali helaya dukaamada iyo guryaha alaabta u kala qaada. Wuxuu ka heli jiray labo 2-4 doollar oo aan joogto ahayn.
Xoog-maalka shaqada ka helay warshadda waxaa sidoo kale u fududaatay inay carruurtooda oo dhigta iskuulka deegaanka ka baxsan oo bilaash ah inay u awoodaan tiris boor iyo qarashka buugaagta iyo dharka oo ay horey ugu dhib qabeen iibintiisa.
Hawlaha shaqo ee warshadda ayaa kala duwan. Jamaal Carab oo ah meereeyaha Jigjiga Export Slaughter House (JESH) ayaa sheegay inay warshaddu tahay tii ugu horreyay ee deegaanka ka shaqo bilowda.
Wuxuu sheegay inay maalinle u qalaan 50 neef oo ari ah iyo labo geel ah. shaqaalaha u shaqeeyay ayuu xusay inay inay qabtaan shaqooyin kala duwan sida qalliinka, caafimaadka, iyo ilaalinta xarunta. Wuxuu ka hadlayaa waxa ay ku xushaan.
“Inay ka yimaadan community-ga nagu hareereysan, inay een aan dadkaas ka recruit gareyno ayaan ugu talo galnay dadkaa iyaguna Dan-yarta ah ee sida qaxoontiyaasha iyo dadka ma aragtay soo barakacay, dadkaas iyagana number ka mida inaan een shaqada qayb ka siino qaybta kalena waa qayb technical ahoo iyagu qualification een leh sida dhakhaatiir oo kale, takhasus xaga qalitaanka oo deg-degi xageeda dad aqoon lehbaa jira,” ayuu yiri.
Ninkan ayaa sheegay inuu qorshahooda dhaw ka mid yahay shaqaalaysiin tiro badan oo dadka deegaanka ah kuwaas oo ay ilihii ay ku tiirsanaayeen ay ay saameeyay roob yari.










