(ERGO) – Labo kun iyo labo boqol oo ah dhallinyaro qaxooti ah ayaa fursado shaqo abuur ka helay suuqa ganacsiga online-ka, markii ay hay’adda NRC ay bartay xirfadaha looga shaqaysto, kuwaas oo il-dhaqaale u noqday qoysaskooda oo ku nool xeryaha Dhadhaab.
Xaawo Maxamed Cabdi oo 29 jir ah ayaa ka mid ah. Waxay si madax bannaan ugu shaqaystaa xirfadda Upwork qaybteeda turjumidda luuqadaha Soomaaliga iyo Ingiriiska. Macaamiisheeda oo ay si online ah ugu adeegto ayay ka heshaa lacagta soo gasha.
Waxay sheegtay in ay ku xisaabtanto bil walba lacag u dhaxeysa $500 ilaa $600. Dhaqaalahan ayaa u sahlay in ay u hesho labo carruur ah oo lagu furay cunno ku filan saddexda waqti ee maalintii iyo hoy ay leeyihiin. Waxay ku faraxsan tahay is baddelka ay u horseedday shaqadan.
“Intii aanan billaabin shaqadan ka hor noloshayda aad bay u xumayd. Waxaan la dagganaa hooyo aniga oo ciyaal wata nolosheenuna ma fiicnayn. Markii laakiin aan xirfaddan bartay kaddib, noloshayda waxyaabo badan baa iska beddelay. waan ku faraxsanahay. Waan isku filanahay.”
Xaawo ayaa ku biirtay suuqa ganacsiga online-ka bishii Maarso ee sanadkan, markii ay soo dhameystay tababar muddo lix bil ah u socday. Waxay ku baratay sida looga shaqaysto, taasi oo fursad dhaqaale oo aysan filayn u noqotay iyada iyo qoyskeeda.
Qabashada shaqadan ayay u adeegsatadaa computer ay iibsatay iyo internet iyadoo joogta gurigeeda oo ku yaalla xerada qaxootiga Xagardheer. Arrintan ayaa ka caawisay Xaawo in shaqadeeda iyo xannaanaynta carruurteeda ay isku dhex-waddo.
Waxay sheegtay in dhaqaalaha ay ka heshay suuq online qayb ka mid ah ay ku iibsatay guri labo qol ah oo ka sameysan alwaax iyo jiingad. Bil ka hor ayay u wareegtay gurigeeda cusub. Waxay ku iibsatay $1,500. Wuxuu u yahay hoy iyo goob ay ku shaqayso.
“Maaddama aan carruur haysto waxaan ku fekeray haddii aad shaqo heshay lacag fiicanna ay kaa soo galayso waa in aad guri gaar ah gadato, kaddib waa ii suurto gashay. Guri la gadayo Ayaan maqlay. Waan gatay, kadibna waan dayac-tiray. Hadda meel waan iska soo saaray. Waxaan rajaynayaa nolosha aan ku jiro mid ka sii wanaagsan in aan gali doono.”
Waxay sheegtay in ay ka maarantay shaqo ay u qaban jirtay hay’adda Refugee consortium of Kenya oo bishii ay mushahar ahaan uga heli jirtay $70. Waxay xustay in lacagtan aysan dabooli jirin baahida cunno, taasi oo ku qasabtay in ay dulsaar ku noqoto hooyadeed.
Dhaqaale xumadaas waxaa u dheerayd Xaawo dhibaato ay kala kulantay guur qasab ah oo ay wajahday iyada oo 20 jir ah. Qoyskeeda ayaa ku daray nin Qurbo-joog ah xilli ay dhiganaysay fasalka koobaad ee dugsiga sare.
Inkastoo ay ka hortimid guurkaas haddana waxay waalidiinteeda ku qanciyeen in ay yeesho. Waxay tilmaamtay in uu ka faa’iideystay ninka guursaday duruufta dhaqaale xumo ee haysay iyada iyo qoyskeeda oo qaxooti ah.
“Markii uu iguursaday uur baan qaaday anigoo iskuul dhiganaya. Dhibaatooyin badan baan maray. Waan dhalay, kaddib ugu yaraan saddex sano ilaa afar sano ayuu iska maqnaa. Aniga laakiin iskuulkayga kama tagin. Waan dhiganayay, markii aan iskuulka ka baxay ayaa go’aan gaaray. Waxaan dhahay, maaddama aadan soo socon ha I lugoynin isoo fasax (i fur).”
Waxay sheegtay in ay kala tageen iyadoo umul ah sanadkii 2018. Xaawo caqabadaha soo wajahay kama hor istaagin in sii wadato waxbarashadeeda. Waxay dhameysay dugsiga sare sanadkii xigay iyadoo ku dartay xirfadda ay ku caano-maalayso.
Dhallinyarada kale ee xirfadaha bilaashka lagu baray ka faa’iideystay waxaa ka mid ah Cabdullaahi Cabdiraxmaan Nuur oo 36 jir ah. Waxaa macaamiishiisa u badan ganacsato kala jooga Soomaaliya, Kenya iyo waddamo kale, kuwaas oo si online ah uu ugu kala turjumo luuqadaha Soomaaliga iyo Ingiriis. Shaqadan ayuu ka helaa in ka badan $600 bil walba.
Howshan oo uu billaabay bishii koobaad ee sanadkan ayaa suuro galisay in uu maareeyo dhamaanba baahiyihii nolashiisa iyo tan qoyskiisa oo 8 ah, kuwaas oo cunno ku filan helay.
Wuxuu xusay in markii hore ay ku adkayd in uu u helo hal waqti waxay cunaan maalintii, maaddama shaqada uu xerada Xagardheer ka hayay ay ahayd mid si mutadawacnimo ah uu u qabanayay.
“Markii koobaad ee aan barnaamijkan billaabayay ama baran rabay waxaan ahaa macalin ka shaqeeya iskuul kuna shaqeeya qaab bilaash ah, kaddib barnaamijkan Ayaan arkay. Waan aaday oo waan ka faa’iideystay, markii aan bartay kadib, waxay ii saamaxday in aan noqdo qof leh dhaqaale dhigmeed oo qoyskiisiina wax ka beddelay.”
Xirfadda Upwork ee uu uga shaqaysto suuqa online-ka ayaa u sahashay in labadiisa waalid oo ku noolaa tuulada kabxa ee gobolka Hiiraan uu u soo raro magaalada Baladwayne, halkaas oo uu ka dajiyay guri uu ku iibiyay lacag dhan $2000.
“Reerka raashinkooda, biilkooda iyo wax walbo oo dhan aniga ayay masuuliyaddayda tahay oo korkayga iga saaran tahay.”
Shan caruur ah oo la dhalatay oo wax kabarta magaalada baladwayne ee xarunta gobalka hiiraan ayuu ka bixiyaa lacagta waxbarashada oo dhan 500$ bilwalba.
Cabdullaahi waxuu xerada Dhadhaab yimid sanadkii 2006 isaga oo kaligiis ah. Ujeedka imaanshihiisa ayuu ku sheegay in uu helo fursad waxbarasho. Rajadaas ayaa u hirgashay. Wuxuu nasiib u yeeshay in uu helo waxbarshada hoose, dhexe iyo sare oo bilaash ah.
Hase ahaatee, waxaa ku adkaatay maaraynta qoyskiisa, maaddama uusan helin fursad shaqo oo il-dhaqaale u noqota. Waxaa se uu billowgii sanadkii hore ka war helay in ay jirto xirfad la barayo dhallinyarada qaxootiga, taasi oo durba uu iska diiwaan-galiyay.
Barnaamijka lagu baro xirfadaha looga shaqaysto suuqa ganacsiga online-ka ayaa soo billowday sanadkii 2018, balse saddexdii sano ee hore arday badan kama faa’iideysan sida uu sheegay Weli Xaaji Mahad oo ah maamullaha xarunta xirfadaha lagu baray dhallinyarada oo ku taalla xerada Xagardheere.
Wuxuu Raadiyow Ergo u sheegay in hay’adda NRC ay uga golleedahay barnaamijkan sidii dhallinyaro badan oo waxbartay ay horumar uga sameyn lahaayeen suuqa online-ka oo noqday sanadihii danbe meel dhaqaale fiican laga helo, taas oo dad badan oo qaxooti ah ay noloshooda ka maarayn karaan.










