(ERGO) – Shire Maxamuud Xasan oo sanad ka hor ku cayroobay abaarta ayaa awood u yeeshay in uu il-dhaqaale u helo qoyskiisa oo barakac ah, markii xerada Ceeljaale-labo ee duleedka Kismaayo uu ka sameeystay meherad ganacsi.
Wuxuu ku iibiyaa raashinka, noocyada kala duwan ee bagaashka iyo soolar uu ku dabeeyo taleefoonnada gacanta. Bishii May ee sanadkii 2022 ayuu ku hirgaliyay lacag dayn ah oo uu ka helay nin bakhaarle ah, kaasi oo uu raashinka ka gadan jiray xilligii uu dhaqanayay xoolaha.
Ganacsigiisa oo kobac sameeyay sanadkan ayaa u suurto galiyay in uu ku filnaado nolosha carruurtiisa oo afar ah iyo hooyadood.
Faa’iidada lacageed ee uu ka helo meheraddiisa oo maalintii ah $13- ilaa $15 ayuu qayb ka mid ah dhigaal sadaa, halka inta kale uu ku dabbaro arrad-tirka qoyskiisa iyo cunnada ay helaan saddex waqti maalintii.
“Dhanka raashinkana waan ka fiicannahay. Maanta oo kale waxaa laga yaabaa in reerku $2 uu iska biisho. Maalinta kale iidaan baa la socda waxaa laga yaabaa $3 ilaa $4 in ay gaarto. Wixii aan annagu cunayno meesha ayaan ka bixiyaa.”
Dhaqaalaha ka soo xarooda ganacsiga Shire ayaa sidoo kale ka caawiyay saddex ka mid ah carruurtiisa oo kala ah labo wiil iyo gabar in ay helaan waxbarasho markii ugu horreysay.
Iskuulka ay dhigtaan oo hoose iyo dhexe ah wuxuu ku yaallaa xerada Ceeljaale, inkastoo waxbarashadiisu ay bilaash tahay haddana Shire waxay caqabad ka haystay helidda lacag uu ku diiwaan galiyo carruurtiisa isla markaana uu ugu gado agabka waxbarashada.
Bishii Janaayo ee sanadkan ayay waxbarshada billaabeen, markii lacag $30 ah uu ugu iibiyay agabka ay wax ku bartaan kuna diiwaan galiyay.
Ganacsiga baddelay nolosha qoyskiisa wuxuu ku iibiyaa qol jiingad ah oo ku dhinac yaalla gurigiisa oo cooshad ah.
“Nin macrifo aan ahayn markii horayna si wanaagsan isku baranay ninkii isaga ahaa ayaan la xidhiidhay. Waxaan ku iri; Ninyahow sidaas baa xaalkaygu yahay badeeco ayaan u baahanahay xoolo la’aanta horay loo guma diyaar garoobin.”
Shire wuxuu sheegay in laga aqbalay dalabkiisa. Kiilooyin raashin ah oo uu bakhaarkiisa ka qaadan jiray ayuu billaabay in uu ku iibiyo miis uu dhigtay waddada dhinaceeda. Lacagta uu ka heli jiray ayuu dib ugu celin jiray ganacsadaha isagoo ka reeban jiray faa’iidada.
Wuxuu sheegay in bishii Ogoosto ee sanadkii hore uu ka dayntay ganacsdaha lacag dhan $320 si uu u yagleello ganacsi u gaar ah.
“Waxaan ku soo gatay adeeg noocyadiisa kala duwan sida tooshash, saabuun, oomo, cabitaanno, sonkorta iyo caleenta. Alaab baan ku soo qaaday oo ah ayuu noooc ah.”
Muddo ka yar labo bil ayay ku qaadatay in uu iska bixiyo inta badan dayntii lagu lahaa, taasi oo ka qayb qaadatay kobaca ganacsigiisa iyo in la aamino.
Shire mar kale ayuu u baahday dayn kale si uu u ballaariyo ganacsigiisa. Bishii Oktoobar ayuu ka amaahday bakhaarlaha $500.
Cabdikhayr Cabdi Yuusuf oo ah ganacsadaha uu daymaha ka qaato Shire ayaa Raadiyow Ergo u sheegay in dedaalkiisa shaqo iyo aqoonta uu u leeyahay muddada dheer ay ku riixday in uu siiyo dayn bilaa shuruud iyo dulsaar la’aan ah.
“Waxaan ku aaminay waa nin shaqo badan oo active ah. Wax yar baan marka hore ugu billaabay. Waan waday. Wuu soo caddeeyay. Kulli wuu ii keenay haddana weli waxbuu iga qaad qaataa. Saacaan aan kula hadlayo waxaan ku leeyahay $187 oo buugga ugu qoran.”
Cabdikhayr iyo Shire tobankii sano ee la soo dhaafay waxay ahaayeen macaamiil. Shire ayaa raashinka qoyskiisa uu iibin jiray xilligii uu reer guuraaga ahaa wuxuu ka qaadan jiray bakhaar lahan, taasi oo door ku lahayd isfahanka dhex maray.
Inkastoo ganacsiga Shire uu sii horumarayay marba marka ka danbeysa haddana waxaa barbar socday caqabad uu kala kulmay helidda goob ku habboon in wax lagu iibiyo, maaddama xerada uu ku nool yahay aysan lahayn suuq u gaar ah.
Billowgii sanadkan ayuu dhistay dukaan ka sameysan jiingad iyo alwaax, kaddib qasaare uu kala kulmay balbalo dhinacayada ka furan uu ku iibin jiray ganacsigiisa dhowr bil.
“Dhowr jeer oo salaadda aan aaday alaab baan ka waayay oo meesha albaab malahan. Bac weeye, waxaa laga yaabaa alaab sidaas isku dulsaaran ama carfiso iyo shaamo oo kale in ay ka dhacaan oo ilmo ayaa laga yaabaa in ay gadaal ka sii qaadaan. Meeshii markaan ku rafaaday waxaan sameystay meel sandaqad ah oo albaab leh.”
Shire oo 32 jir ah wuxuu muddo shan bil ah barakac ku ahaa xerada uu ku nool yahay ka hor inta uusan billaabin ganacsigiisa. Fekraddan ayuu tilmaamay in ay ku dhalatay, markii xerada barakaca uu ka waayay cid caawisa.
Wuxuu sheegay in xaalad cunno xumo iyo biyo la’aan uu uga soo hayaamay miyiga deegaanka Qooqaani ee gobolka Jubbada hoose, halkaas oo abaartu uga dishay 80 lo’ ah. Xoolihiisa intii u danbeysay oo ahaa sagaal neef waxay ka dhinteen bartamihii bishii Oktoobar ee sanadkii hore.
Shire wuxuu sheegay in dadka abaaraha ku xoolo beelay ee sidiisa oo kale ganacsi sameystay ay ku yaryihiin xerada uu ku nool yahay. Wuxuu tilmaamay in noloshooda ay ku xiraan gargaarka hay’adaha iyo shaqooyinka xoogsiga ah oo aan joogta ahayn.
Ganacsiga u saaran dukaankiisa ayuu ku qiimeeyay $1,500. Wuxuu ku rajo wayn yahay in uu sii wado dedaalka uu ugu jiro hormarintiisa.
“Ganacsigayga waxaan rabaa walaal in ilaa heer kambani uu gaaro ayaan jeclahay oo ugu yaraan dad badan in ay u shaqeeyaan oo duruufo kala duwan hayaan sida hadda anigaba aan u duruufaysanahay oo kale. Waxaan jeclahay kambani loo soo shaqo tago oo lagu tashado in uu noqdo.”
 
 












