(ERGO) – Caasho Maxamuud Cabdi oo ah hoyada sideed carruur oo agoon ah waxay hoy la’aan, biyo yari iyo cunto la’aan ku wajahaysaa duleedka deegaanka Ceelaanyo ee bariga gobolka Sanaag.
Waxay halkan soo degtay billowgii bisha Janaayo ee sanadkan, markii ay abaarta ku waysay 234 neef oo ari ah, kuwaasi oo ay nolosha qoyskeeda ku tiirsanayd.
Lix iyo toban neef oo xoolaha uga soo haray ayay sheegtay inaysan lahayn cad iyo caano toona, sidoo kale na iib ay ku wayday.
Waxay nolosha qoyska hadda ku maareysaa raashin ay dayn ahaan uga soo qaadato dukaamada deegaanka. Maalmaha qaar ee ay raashinka dukaamada ka soo waydo waxaa caawiya dadka deegaanka ku ah Ceelaanyo.
“Xaaladda kaamka aan ku noolnahay waa mid ilaahay ogyahay, waana iska joognaayo hadda meel kale aan aadno ma naqaanno. Laakin meesha dadka jooga waa dad ku dayacan oo liita, waa dad Ilaahay iyo islaamba ubaahan,”
Caasho ayaa ka mid ah 200 oo qoys oo xoolo-dhaqatada ah oo dhowaan ka soo barakacay miyiga deegaanka Ceelaanyo, kuwaasi oo soo degay duuleedka magaalada.
Waxay xustay in sababta ay xerada u timid ay tahay in magaalada ay u soo dhowaato, si ay carruurta ugu hesho biyo iyo raashin.
“Markii ay abaartii dheeraatey biyihii waa ay naga go’een. Dabadeed, arigii oon iyo xanuun ayuu u dhamaadey oo baaba’a ayuu noqday. Dadkii waa ay iska dhaafeen inay qashaan oo kuwii la qashay ayaa xanuun laga sii qaadayay. Marka taa ayaa keentay inaan Ceelaanyo soo aadno,” ayay tiri.
Waxay sheegtay in tan iyo markii ay yimaadeen aysan helin wax gargaar ah, marka laga reebo raashin yar oo ay u soo uruuriyeen dadka deegaanka. Raashinkaa ayay sheegtay inuu uga dhamaadey wax ka yar isbuuc.
Dadka qaar ee ragga u jooga ayay xustay in badda ay kalluun ka soo dabtaan. Qoyskeeda oo agoon ah ayay tilmaantay inaysan haysan cid kalluunka u raadiso, maaddaama carruurta u joogta ay da’a ahaan yaryihiin.
Maxamuud Siciid oo sidoo kale abaarta ku waayay 70 neef oo ari ah oo uu xoolo ka haystay ayaa sheegay inuu duleedka deegaanka Ceelaanyo soo degay bishii Diseembar ee sanadkii la soo dhaafey. Ninkan oo ah aabbaha qoys ka kooban 11 qof ayaa xusay in qoyskiisa ay dhibaato weyn ku qabaan helidda biyaha.
Wuxuu tilmaamay in biyaha laga cabbo deegaanka Ceelanyo ay keenaan booyado, kuwaasi oo labaatanlihii iibiya $10. Ninkan ayaa sheegay in lacagtan aysan awoodin.
Wuxuu xusay in labadii bil ee u halkan degnaa u biyaha isaga iyo carruurtiisa soo dhaaminayeen. Ceel biyihiisa kharaar ah oo 10 km u jira ayuu tilmaamay inay ka soo baryaan biyaha oo si lacag la’aan ah lagu soo siiyo.
“Dhul naga fog ayaan biyaha ka soo dhaaminnaa. Annaga ayaa tagno oo waxaan qaadannaa cagadaha shanlaha ah ama saddexleyda ah, oo ceelka ayaan u lugeynaa. Carruurta ayaa caagadaha nala qaado,” ayuu yiri.
Maxamuud ayaa xusay in dhanka raashinka u sidoo kale dhib ka haysto. Qoyskiisa ayuu sheegay inay hadda ku noolyihiin kalluun uu badda ka soo dabo. Maalmaha qaar oo uu kalluunka soo waayo ayuu tilmaamay inuu raashin uga soo daymiyo dukaamada.
Cabdullaahi Xasan oo ah aabbaha qoys ka kooban siddeed qof ayaa sidoo kale ka mid ah dadka duuleedka Ceelaanyo u soo barakacay. Wuxuu halkan soo degay bishii Diseembar ee sanadkii la soo dhaafey. Ninkan ayaa xusay in sababta u deegaankiisa uga soo barakacay ay tahay biyo iyo cunno la’aan.
Wuxuu tilmaamay inuu filaayay in deegaanka Ceelaanyo u caawinaad ka heli doono, markii ay ka dhammaadeen 300 oo ari ah iyo 15 neef oo geel ah oo uu ku dhaqanayay miyiga.
Cabdullaahi ayaa sheegay in biyaha booyadaha lagu keeno ee macaanka ah aysan awoodin iibsashadooda. Wuxuu xusay in biyaha ay qoyskiisa cabbaan ay yihiin kuwa ay ka soo baryaan ceel u jira 10 km. Carruurtiisa ayuu tilmaamay in biyaha ay calool xanuuneen ka qaadeen oo kuwa yar ay shubmayaan, balse aysan u hayn beddel kale.
“Dad soo cayroobay baan nahay. Biyo iyo ma helno caafimaad ma helno. Waxan codsanaynaa, Ilaahay ka sokow in dadkan la ogaado oo wax loo qabto oo loo soo gurmado,” ayuu yiri.