Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Wararkii u Danbeeyay

Beeralayda Arabsiyo oo iska kaashaday dayactirka doox ku fatihi jiray

Radio Ergo by Radio Ergo
February 2, 2022
in Wararkii u Danbeeyay
0
Somalia live news, Somali live news, Radio Ergo news, Humanitarian news

Beeraleyda Arabsiyo ayaa si iskaashi ah dhagaxyo iyo silig isaga xiray doox beerahooda ku soo fatahda xilliga roobka/Ilyaas Cabdi/Ergo

1
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Yuusuf Muuse Wacays wuxuu billaabay inuu dib u diyaarsado beertiisa oo abuur ay ugu dambeysay bishii Oktoobar ee sanadkii 2017-kii, xilligaas oo uu ku soo fatahay dooxa Biyo-Macaan. Fatahaadda waxay ka dumisay ceelkii uu beertiisa ku waraabin jiray, sidoo kalena waxay ka qaadday matoor beerta u saarnaa iyo lixdan geed oo bambeelmada iyo saytuun isugu jiray. Meelihii ay fatahaadda ka soo gali jirtay beertiisa ayaa looga ooday darbi dhiirirkiisu yahay labo mitir, ballaciisuna yahay hal mitir.

“Waan ka tagay markii hore beerta oo ceelkii ayuu iga aasay. Dhirtii midhaha laga manaafacaadsanayay qayb dhan ayuu qaaday, dhibaato wayn ayuu ku sameeyay marka hore. Iminka difaac wanaagsan ayaa laga helay,” ayuu yiri.

Yuusuf wuxuu hadda ka gurayaa beertiisa qashinkii ay fatahaaddii ugu dambeysay ku reebtay, wuxuuna ku rajo weyn yahay inuu beerta dib u abuurto bisha Febraayo ee sanadkan, marka ay iskaashatada beeraleyda dhameeyaan dib u qodista ceelkiisa.

Afartii sano ee la soo dhaafay, qoyskiisa oo ka kooban lix qof ayaa ku tiirsanaa $200 oo ay u soo dirto walaashiisa oo ku nool dalka Jabuuti. Wuxuu hadda ku rajo weyn yahay inuu ka kaaftoomo lacagtaas, marka uu beertiisa abuurto oo ay u soo go’do.

Cabduqaadir Maxamuud Axmed, guddoomiyaha iskaashatada Xamdi oo ay ku mideysan yihiin beeraleydan ayaa Raadiyow Ergo u sheegay in ololahan ay uga xiri doonaan fatahaadda dooxa in ka badan 400 oo beer. Beerahan ayaa ku kala yaalla tuulooyinka Biyo-Macaan, Gogol-Wanaag iyo Huluq oo 35 km galbeedka uga beegan Hargaysa.

Guddoomiyaha ayaa xusay in howshan ay soo gaba-gabeynayaan inta aan la gaadhin bisha Abriil oo la filayo inuu curto roobka gu’ga.

“Dhibaatada ugu wayn waxay ahayd waqtiyada roobka marka uu daadku fataho wuxuu qaadayaa mashiinkii, iyo wadnihii beerta oo ceelkii ah. Ceelashii xagga dooxa ayay xigaan inta badan, marka uu aasmo waxay beertii noqonaysaa mid aasantay oo ma shaqeynayso, taas ayaa keentay in dadka ay ka tagaan beerahooda,” ayuu yiri.

Cabduqaadir ayaa sheegay inay dib u soo laabanayaan labaatan beeraley ah oo isaga tagay tacabka markii uu daadku baabi’iyay ceelkii iyo dalagyadii u beernaa.

Khadar Nuux Batuun oo ah beeraley ku nool tuulada Huluuq ayaa sheegay in beertiisa uu daadku dhowr jeer ka baabi’iyay dhirtii ku beernayd oo ahayd saytuun iyo liin-macaan. Wuxuu sheegay in daadkii u dambeeyay ee dooxa oo dhacay 2021-kii uu ka qaaday dalagyada. Sidoo kale saddex sano oo isku xigta ayuu ceelka ka dumay markii dooxu ku fatahay.

Khadar oo ah aabbaha sagaal carruur ah ayaa sheegay in beertiisa oo 12 hektar ah hadda loogu sameeyay darbi meelihii ay fatahaaddu ka soo gali jirtay.

Beeraleyda iskaashanaya ayaa meelihii ay fatahaaddu ka soo gali jirtay ku ooday dhagxaan silig lagu guray, kaas oo ay dayr uga dhigeen dhinacyada dooxa xiga.

Previous Post

Beeraleyda Goobweyn oo ka walaacsan biyaha webiga oo dhanaan isu rogay

Next Post

Qoysas uu guryahoodii dab baabi’iyay oo weli hoy-la’aan ku ah Dowlad-deegaanka

Related Posts

Xaalad quus ah oo ka dhalatay roob la’aanta ka sii daraysa ee haysa qoysas ku nool Bari
Beeraha Iyo Xoolaha

Xaalad quus ah oo ka dhalatay roob la’aanta ka sii daraysa ee haysa qoysas ku nool Bari

February 2, 2026
Dhoobley: Qoysas barakac ah oo abuurtay il-dhaqaale oo lagu garab-siiyay
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Dhoobley: Qoysas barakac ah oo abuurtay il-dhaqaale oo lagu garab-siiyay

January 30, 2026
blank
Cunto-Yaraanta

Waayeel iyo dad nugul oo looga guuray deegaan roob la’aan ah oo Hargaysa hoostaga

January 30, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Kumannaan qof oo dhibaato nolol xumo ku wajahaya  deegaannada Koonfur-galbeed

January 30, 2026
Mudug: Xoolo-dhaqato hore oo nolol xumo kaga baxay tacabka dhulka oo ay ku dhiiradeen
Beeraha Iyo Xoolaha

Mudug: Xoolo-dhaqato hore oo nolol xumo kaga baxay tacabka dhulka oo ay ku dhiiradeen

January 29, 2026
Qoysas ku biiray xeryaha Baydhabo oo cunno xumo iyo hoy la’aan wajahaya
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas ku biiray xeryaha Baydhabo oo cunno xumo iyo hoy la’aan wajahaya

January 26, 2026
Next Post
Somalia live news, Radio Ergo news, Humanitarian news,

Qoysas uu guryahoodii dab baabi’iyay oo weli hoy-la’aan ku ah Dowlad-deegaanka

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 02-FEB-2026

IDAACADDA 02-FEB-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 02-FEB-2026
Episode play icon
IDAACADDA 02-FEB-2026
February 2, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 01-FEB-2026
February 1, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 31-JAN-2026
January 31, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 30-JAN-2026
January 30, 2026
Episode play icon
IDAACADDA-29-JAN-2026
January 29, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo