Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Wararkii u Danbeeyay

Qoysas abaartu ku barakicisay Jalalaqsi oo lagu caawiyay beero ay si kumeel-gaar ah u tacbadaan

Radio Ergo by Radio Ergo
December 15, 2021
in Wararkii u Danbeeyay
0
Somalia live news, Radio Ergo news, Somalia live news, Humanitarian news

Koox beeraley ah oo beertooda falanaya/Kaydka sawirada/Ergo

1
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Boqollaal qoys oo ah xoolo-dhaqato ay abaaruhu saameeyeen oo saddexdii bil ee la soo dhaafay miyiga degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan abaar uga soo barakacay ayaa lagu caawiyay beero ay tacbadaan, si ay noloshooda ugu maareeyaan.

Beeraha la siiyay oo ay bixiyeen dadka deegaanka ayaa ah kuwo saaraan wabiga Shabeelle oo ay tacban karaan xilliga jiilaalka. Arrintan waxay ka soo baxday kulan ay isugu yimaadeen beeraleyda deegaanka, odayaasha iyo maamulka degmada Jalalaqsi, kaas oo lagu go’aansaday in maamulku uu dadka aan awoodin ka bixiyo kharashka waraabka iyo abuurka, dadka deegaanka ah ee beeraha lehna ay bixiyaan dhul-beereedka, iyadoo qof walba uu bixiyay inta uu awoodo.

Xaliimo Ibraahim Isaaq oo ka mid ah qoysaskaan waxay heshay beer hektar barkiis ah oo ay ku abuuratay galley iyo yaanyo, labaatankii bishii Nofeembar. Abuurka dalagga u beeran iyo lacagta cagafta u fashay beerta waxaa ka bixiyay maamulka degmada.

“Sidii shalay aan aheyn maanta aad iyo aad ayaan uga rajo fiicannahay, maaddaama hadda beer wabiga ku taalla nala siiyay. Waxaan rajeynayaa inaan nolol-wanaagsan ku helno,” ayay tiri.

Xaliimo oo ah hooyada shan carruur ah oo agoon ah waxay bartamihii bishii Oktoobar ee sanadkaan ka soo barakacday miyi ku yaalla xadka ay wadaagaan gobollada Hiiraan iyo Shabeelaha dhexe, kaddib markii ay abaarta uga la’deen ari 25 neef ahaa iyo 29 lo’ ahaa. Waxay hadda iyada iyo carruurteeda dulsaar ku yihiin reer ay qaraabo yihiin oo magaalada deegaan ku ah.

Nolosha carruurteeda waxay ku maareysaa $2 – $3 oo ay maalinkii ka soo hesho shaqo nadaafad ah oo ay ka soo qabato guryaha magaalada. Waxay xustay in xillina ay qabato shaqadan, xillina ay ka shaqeyso beerta.

“Waan ku faraxsanahay aad iyo aad oo nolosheydii shalay sidii ay aheyd oo aniga qalbi jabka igu hayay, markay xoolihiina iga ba’een oo beerna aan haysanin, haddii la i yiri ‘beertan ka noolow’. Ciddii naga kaalmeysay Ilaahay kheyr ha siiyo, iyagana wax kheyr qaba ha u soo dhiibo, anagana wax kheyr qaba ha naga siiyo. Taas aad iyo aad baa uga mahadcelineynaa,” ayay tiri.

Cumar Cabdulle Nuur oo ka mid ah odayaasha degmada Jalalaqsi ee caawinta dadkan u ololeynayay ayaa Raadiyow Ergo u sheegay in bulshada deegaanka ay ku baraarujiyeen inay caawiyaan dadkan tabaaleysan oo uu sheegay inay soo maciin-bideen dadka deegaanka. Wuxuu tilmaamay in bil ay ku qaadatay howshaan abaabulkeeda.

Odaygaan ayaa xusay in dadka aan la siin milkiyadda dhul-beereedka, sidoo kalena aan laga kireyn, balse uu yahay dhul ay tacban karaan ilaa iyo inta ay ka soo kabanayaan xaaladda abaarta.

Odayaasha deegaanka ayaa soo xulay dadka la caawiyay, waxayna sheegeen in lagu qiimeeyay duruuftooda oo aan lagu xulan qaraabonnimo.

Cumar oo sidoo kale ka mid ah dadka bixiyay beeraha ayaa xusay in beer sagaal hekter ah oo uu leeyahay uu saddex hektar ku caawiyay afar qoys oo ah dadka ay abaaruhu saameeyeen.

“Matoorkeyga xataa ninkii aan shidaal haysan dadka intaan uga qaraamo ayaan ugu shubaa, bir garaac xataa kama qaato. Kannaalada deegaannada ka dhowna waxaan u sheegay maantaa nala soo maciinaye qeybta kaalinta nooga aaddan aan ka soo dhalaalno,” ayuu yiri.

Abuukar Cali Muudeey oo ah aabbaha shan carruur ah oo ka soo guuray deegaanka Gamaasle, horaantii bishii November, wuxuu beer saddex hektar ah oo lagu caawiyay ku beertay masago iyo galey. Ninkaan oo sidoo kale, ari 30 neef ah iyo 23 lo’ ah ku dhaqda duleedka waqooyi ee magaalada ayaa sheegay in abuurka laga caawiyay, balse uu iska bixiyay lacagta uu beerta ku fashay.

Abuukar waxaa abaarta uga dhimatay afartan neef oo ari ah bishii September ee sanadkaan. Ninkaan ayaa tilmaamay in xoolaha u haray ay yihiin caato aan iib galin, sidaas darteedna uu soo deyn qaato raashiinka ay hadda ku tiirsan yihiin qoyskiisa.

Guddoomiyaha degmada Jalalaqsi Maxamed Nuur Dabaashe oo la hadlay Radio Ergo ayaa sheegay in maamul ahaan ay garowsadeen in sida kaliya ee dadkan ay wax uga badali karaan noloshooda ay ahayd in beero lagu caawiyo, maaddaama ay awoodi waayeen in ay siiyaan raashiin abaarta ay uga baxaan.

Abuurka uu maamulku qeybiyay ayuu sidoo kale xaqiijiyay inuu ahaa mid ay bixiyeen hay’adaha FAO iyo NRC.

Sida uu maamulku xusay ilaa iyo 700 oo qoys oo ka tirsan 1,000 qoys oo ku soo barakacay magaalada iyo hareeraheeda ayaa la siiyay beero ay tacbadaan.

Previous Post

Qoysas abaarta uga soo barakacay Bay oo cunto-yari iyo hoy-la’aan ay ku haysato Muqdisho

Next Post

Beeraley ay barakicisay abaarta oo cunto-yari ay ku haysato Buulo-burtada go’doonsan

Related Posts

Nugaal: Boqollaal qoys oo dayac iyo nolol xumo galay markii ay daad ku hanti beeleen
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Nugaal: Boqollaal qoys oo dayac iyo nolol xumo galay markii ay daad ku hanti beeleen

September 17, 2025
Muruq-maalka Mudug oo wajahaya nolol xumo ka dhalatay shaqo la’aan haysa
Cunto-Yaraanta

Muruq-maalka Mudug oo wajahaya nolol xumo ka dhalatay shaqo la’aan haysa

September 16, 2025
blank
Beeraha Iyo Xoolaha

Baydhabo: Dhallinyaro ku hungoobay safar tahriib oo isku bahaystay beero falashada

September 15, 2025
Hargaysa: Gabdho adeegtooyin noqday markii ay dhaqaale xumo ka reebtay waxbarashada
Wararkii u Danbeeyay

Hargaysa: Gabdho adeegtooyin noqday markii ay dhaqaale xumo ka reebtay waxbarashada

September 12, 2025
Dalagyo ka qasaaray beeralayda Mudug markii ay biyo la’aan wajaheen
Beeraha Iyo Xoolaha

Dalagyo ka qasaaray beeralayda Mudug markii ay biyo la’aan wajaheen

September 11, 2025
Da’yar barakac ku ah Muqdisho oo shaqo la’aan ay seejisay waxbarashada
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Da’yar barakac ku ah Muqdisho oo shaqo la’aan ay seejisay waxbarashada

September 10, 2025
Next Post
IDPs Somalia

Beeraley ay barakicisay abaarta oo cunto-yari ay ku haysato Buulo-burtada go’doonsan

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 17-SEP-2025

IDAACADDA 17-SEP-2025 by Radio Ergo

IDAACADDA 17-SEP-2025
Episode play icon
IDAACADDA 17-SEP-2025
September 17, 2025
Episode play icon
IDAACADDA 16-SEP-2025
September 16, 2025
Episode play icon
IDAACADDA 15-SEP-2025
September 15, 2025
Episode play icon
IDAACADDA 14-SEP-2025
September 14, 2025
Episode play icon
IDAACADDA 13-SEP-2025
September 13, 2025
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo