(ERGO) – Xassan Aadan Cigaal oo ka mid ah afartan iyo labo dhallinyaro ah oo bishii labaad ee sanadkan shaqo laga siiyay shirkadaha kalluumaysiga ka shaqeeya ee magaalada Muqdisho, waxaa u suuragashay inuu dabbaro nolol maalmeedka qoyskiisa.
Xassan ayaa sheegay inuu niyo jab weyn ka qaaday markii uu waayay shaqo uu ku maareeyo noloshiisa markii uu jaamacadda dhammeeyay sanad iyo bilo kaddib wuxuu ka faa’iidestay shaqo abuurkan oo ay iska kaashadeen maamulka gobolka Banaadir iyo shirkadda Kalluun-maal.
Xasan oo ka mid ah 20 dhallinyarada ah ayaa hadda ka shaqeeya shirkadda Kalluun-maal kaddib muddo bil iyo bar ah oo loo tababaray jariibka iyo xannnaaneyta kalluunka. Bil kasta wuxuu mushaar ahaan u qaataa $300. Wuxuu sheegay inay lacagtan noloshiisa wax badan ku soo kordhisay isla markaana uu caawiyo hadda qoyska iyo walaalihiis.
“Runtii aniga shaqsi ahaanteyda ma ihi nin xaafad ku tiirsan, waxaan iska ahay dhallinyarada iskaabulada ah, waad dareemeysaa. Waxaan dhihi karaan aniga shaqsi ahaanteyda nolosheyda aad bay wax uga beddeshay, qoys ahaan waxaan ahayn nin la dhahayo ninkii Xasan ahaa wuu shaqeeyaay. Waalidiintayda markaan mushaarka qaato noloshooda ayaan wax ka bedelaa nin shaqeeya oo lagu xisaabtamo ayaan ahay.
Toban ka mid ah dhallinyada shaqada ka helay Kalluunmaal, waxay ka shaqqeeyaan gudaha iyagoo diyaariya kalluunka loo geeyo halka 10 kale ay badda u kalluumeysi tagaan si maalinle ah marka laga reebo xilliga ay baddu kacsan tahay. Labaatan shaqada joogtada ah ka helay kalluunmaal marka laga tago waxaa jira 15 kale oo la soo shaqo geliyo marka loo baahdo shaqaalo dheeraad xilliga la helo kalluunka badan.
Xasan wuxuu tilmaamay in shaqada uu helay dhaqaalaha ka soo gala ka sokow uu ka bartay aqoon maanta u suuragalin karta in haddii uu maalgelin helo uu iskiis uga shaqeysan karo badda oo uu xusay inuu ka fahmay sida loo sameeyo kalluun dabashada iyo xannaaneyntiisa.
Ka hor inta uusan shaqo abuurkan ka faa’iideysan wuxuu dedaalkiisa isugu geeyey sidii uu uga bixi lahaa baago-muudanimada oo uu sheegay inay ku haysay walwal kaas oo ku xambaaray inuu xafiisyo badan albaabada u gaaro isaga oo shaqo raadis ah. Wuxuu intaa ku daray inuu marar hakiyay waxbrashada kadib lacagta bisha oo uu awoodi.
“Muddo hal sano ah ayaan shaqo la’aan iska ahaa, dawladda iyo hay’adaha waad aragtay shaqo abuurka aad bay u adag tahay, Markii aad radio meelaha ay fursaduhu ka jiraan aad bay kuugu adkaaneysaa. Markan anigoo ka mid ah dhallinyadii gobolka banaadir ee jaamacadaha dhameeyay, meelahana iska jooga, marar badan ayaan cabashadeyda shaqo la’aanta u gudbiyay gobolka Banaadir. Fursaddan waxaan iiga faa’iideeyay gobolka.
Barnaamijkan ayaa intiisa badan loogu talagalay in shaqo abuur loogu sameeyo dhallinyarada ka soo jeeda qoysaska barkaca ah si noloshooda iyo midda qoysaskooda ay ugu filnaadaan.
Dhallinyarada barkaca ah ka mid ah Faarax Cabdi Xirsi oo ah aabbe haysta labo carruur ah oo aan heli jirin shaqo joogto ah. Nolosha qoyskiisa ayaa ku tiirsanayd gargaarka hay’adaha samafalka ay bixiyaan oo aysan mar kasta heli jirin. Waqtigiisa ugu badan wuxuu sheegay inuu uga bixi jiray goobaha lagu kulmo ee fadhi ku dirirka.
“Shaqadan ka hor waxaan ahaa baago muddo waxaan qaban jiray ma aysan jirin, qof baago muuddo ahna waad dareemi karta ooo inta uu subaxa soo tooso mar uu darjiin fariisto iyo mar uu dariiq istaago jaaniskiisu ku dhammaado. Allxamdullilaah haddana qof shaqo qabta ku xisaabtama shaqada uu hayo, haddana ku qanacsan baan ahay oo lagu xisaabtamo oo isaga wax qabta ama nolosheyda ha ahaato, ama qoyskayga ha ahaado ama carruurtayda.”
Maxamed Aadan oo isna barakac ah wuxuu ka mid yahay 36 da’yar ah oo laga soo xulay xeryaha Muqdisho nasiibkana u yeeshay fursaddan. Wuxuu xusay in shaqadan ay u tahay tii ugu horreysay ee uu si rasmi ah u helo noloshiisa. Wuxuu Raadiyo Ergo u sheegay inuu hadda mushaarkiisa ka caawiyo ehelkiisa.
“Shaqo la’aanta aad ayay u dhib badan tahay qalbi mural ayaa kugu dhacaya, feker baa ku galaya. Qofka marka uu shaqeysanayo nafsiyan uu qanacsan yahay. Qof marka uu ku su’aalo maxaad qabataa wax ma qabto iyo waan shaqeeyaa labo faraq ayay kala yihiin. Awal waxaan dhihi jiray waxba ma hayo, haddana laakiin waan shaqeeyaan waaan ku qanacsanahay, mrakaan sheegayo qalbiga farxad ayaan dareemaan. Reerku way iska tabbaleysnaa kiradii iyo cuntada masha alllah waan u soo dhigay.”
Marka la joogo soomaaliya shaqo la’aanta waa mid ka mid ah dhibaatooyinka muddada dheer ay wajahayaan dadka Soomaaliyeed si gaar ah dhallinyada, Xiish Dhaqane Aadan madaxa shaqada iyo shaqaalha ee shirkadda Kalluun-maal ayaa Raadiyo Ergo uga warramay sida ay ku timid in la shaqaaleysiiyo dhallinyrada.
“Dhallinyadan in la shaqaaleysiiyo waxay ku timid iskaashi ay isla sameeyeen gobolka banaadir, iyadoo laga ambo qaadayo in dhallinyarada shaqo la’aanta ah loo sameeyo xirfad ay ku shaqeystaan, xirfadaas oo la xiriirta kalluumeysiga iyo sidii looga afa’iideysan lahaa khayraadka badda. Shirkaddaana waxaa shaqo ka helay 20 dhallinyaro ah 10 gudaha ayay ka shaqeeyaan inta kalana badda.”
Sida ay weriyeen hay’adaha tiro koobyada sameeya, dhallinyarada waxay bulshada Soomaaliyeed ka yihiin 70% iyo wax ka badan. Caqabadaha haysta waxaa ugu waa weyn shaqo la’aanta. Nidaamka shaqo helidda waxaa ku gedaamay culeysyo aysan dadka oo dhami xal u heli karin oo qabiilku ugu horreeyo iyadoo ay yar yihiin fursadaha la helo.
Xiish ayaan weydiinay sida lagu soo xulay dhallinyardaan maaddama ay jiraan dhallinyaro badan oo shaqo la’aan ah oo ay ku jiraan kuwo jaamacado dhameeyay.
“Sooo xulista waxaa iska leh gobolka Banaadir, iyaga ayaa waxay hayaan liiska dhallinyada gobolka banaadir ilaa iyo kun iyo dheeraad sida ay noo sheegeen. Intii ay u arkeen kuwa ugu mudan in la shaqaaleysiiyo ayay soo xuleen sidaas ayaa lagu tababaray. Ujeedkeenna ugu wayn waa in laga faa’’ideysto khayraadka badda laguna soo dabbaalo dhallinyada shaqo la’aanta ah in xirfaddi la baro mar kasta waxaan diyaar u nahay inaan lacag la’aan ku siino tababarro.”
Shaqada kalluumeysiga ayuu Xiish aaminsan yahay inay wax badan ka qaan karto dhibaatada shaqo yaridda.
Wuxuu sheegay sababta xaruntooda loo aasaasay inay tahay sidii dhallinta looga faa’iideyn lahaa shaqooyinka badda laga abuuri karo oo uu sheegay inay doonayaan inay da’yarta ku soo jeediyaan.