Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Haween barakacayaal oo nolal-maalmeed ka hela mashruuc nadaafadeed

Radio Ergo by Radio Ergo
June 4, 2021
in Barakacayaasha iyo Qaxootiga, Wararkii u Danbeeyay
0
Haween barakacayaal oo nolal-maalmeed ka hela mashruuc nadaafadeed

Jihaan Axmed Diiriye oo qashin ku shubaysa god/Axmed Cabdi Maxamed/Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Jihaan Axmed Diiriye oo haysta afar carruur ah ayaa ku faraxsan inay haysto shaqo joogta ah oo ay kala soo baxdo nolal maalmeedka carruurteeda. Waxay ka mid tahay 80 haweenka ah oo ku kala sugan sideed tuulo oo magaalada Kismaayo ka xiga waqooyiga oo shaqo abuur ka helay mashruuc nadaafadeed oo laba sano ah.

Jihaan oo ku nool tuulada Goobwayn oo ka mid ah meelaha laga fuliyay mashruucan ayaa toddobaadki shaqaysa sedex maalmood oo maalinti ay ku qaadato 10 doollar, taasi oo wax wayn uga dhigan nolal maalmeedkeeda.

Waxay qabataa inay xaaqdo meelaha wadooyinka ah, waxay sidoo kale gurtaa saxarada dameeraha kadibna ay ku qaaddaa gaari-can, waxayna ku shubtaa god loogu talogalay in qashinka lagu gubo, shaqadan waxay wada qabtaan sagaal haween ah.

“Qoys ahaan aniga waxay iga kaafisay daymo, ayaan isaga bixiyay, sonkorta oo iga go’nayd waan ku soo gata, raashinka waxii iga go’naa waan ku soo gataa, nolasheenna koray u soo kacday, waayo reer dabku ka dansan yahay waad dareemi kartaa, qofka marka uusan maanta shaqo haysanin welwel badan ayuu qabaa, sababtoo ah xitaa ilmihiisa caanihiisa way dhibaysaa in uu helo”sidaa  tiri Jihaan Axmed Diiriye.

Jihaan oo markii hore ka shaqayn jirtay beer dad kale leeyahay ayaa sheegtay in maalintii ay ka heli jirtay lacag dhan 2.5 dollar,taas oo aan ku filay nolasha qoyskeeda,waxaana ay xustay in subax kasta ay u kalihi jirtay shaqada beerata oo qaban jirtay in geedaha ku dhexyaalla beerta iyo dacalladeeda ay gurto iyo in ay fasho.

Qoyskeeda ayaa waxaa uu ku nool yahay guri laba qol oo dhis ah oo korka ay ka Saran tahay bac UN oo ku yeel meel ka baxsan gudaha Tuulada Goobwayn oo iyagu ay dhisteen intii ay joogeen deegaanka.

“Dhib badan kama maro shaqadan nadiifinta ah, bacaha iyo calallada la tuuro oo dhan ayaan aruurinaa, aad baan uga shaqaynaa waxii nadaafad darro keenaya oo dhan, kaartoomad oo kale caagadaha la tuuray oo kale waxyaabahaas oo dhan ayaan aruurinaa oo godka gaynaa, ka dibna waanu gubnnaa.”ayay tiri Jihaan.

Qoyska Jihaan ayaa sedex sano ka hor ka soo barakacay degmada Jilib kadib fatahaad uu sameeyay webiga Jubba, halkaas oo ay ku lahaayeen beer laba hikter ah oo ay uga bixi jireen dalagyo kala duwan balse ay fatahaadii webiga ay ka baabi’isay.

Haweenka Shaqada ka helay mashruucaan nadaafadda iyo faya-dhowrka ayaa ku kula nool tuulooyinka kala ah Goobwayn, Qaam Qaam, Istaanbuul, Daa’if, Haaji- wayne, Buula-garas, Saafi iyo Buula-guduud.

Fardowsa Yuusuf Cabdi, oo ku nool tuulada Daa’if oo Kismaayo u jirta 25 km ayaa bilwalba hesha 120 doollar taas oo ka fududaysay culayska nolal-maalmeedka oo haystay ayada iyo carruurteeda. Bilihi Abriil iyo May oo ay shaqadan haysato waxay u araktaa fursad nolaleed oo cusub maadaaa marki hore ay ku adkayd in xataa hal mar ay u hesho wax cunaan carruurta.

Fardows oo ay kala tageen aabbaha carruurteeda ayaa sheegtay in shaqadan ka hor ay dadka dariska ah u soo aruurin jireen raashin ay u kariso carruurta maadaama aysan waxba ahayn aabbaha carruurtana uusan waxba ku siin sida ay tiri.

“Aniga horta ilmo yar yar ayaan haystaa, oo la igu furay, oo afar ciyaal ah,oo aan iska korsado, aad ayaan uga walwali jiray marka ilmaha caanaha ka dhammaadan, waxaan oran jiray xaggee ayaad uga keeni doonta, haddana intaan dayn ku soo qaato ayaan iska bixiyaa oo lacagtii aan dhul xaaqa ka qaatay ayaan ka bixiyey, hadii aan shaqeeyo dee bishii inta ay iga maqan tahay dukaanka raashinka ayaan u tagayaa.” Ayay tiri fardowso oo wajigeeda ay ka muuqtay farxad.

Mushaarka ay bishi hesho ayay ku maaraysaa nolal maalmeedka qoyska sida raashinka, biyaha iyo guud ahaan waxay u baahan yihiin. Carruurta Fardowsa oo afar ah ayaa wiilka ugu wayn uu dhigtaa fasalka koobaad ee dugsi hoose oo ku yaalla deegaankooda oo bilaash ah.

Fardowso ayaa ka soo barakacaday degmada Jamaame ee gobolka Jubbada hoose  kadib marki fatahaadda webiga ay saamaysay beerteeda oo ahayd shan hiktar oo ay ku beernaayeen, galay, digir, sinsin iyo khudaar.

Fardowsa ayaa intii aysan helin shaqadaan, ayaa mararka qaar ka shaqayn jirtay dhoobista guryaha iyo dhardhaqista  oo maalinta ay hesho ku qaadan jiryay laba doollar.

Mashruuca guud oo ku saabsanaa faya-dhowrka iyo nadafaadda oo laga fulinayay 8 tuulo ayaa waxaa ka faa’idaystay kun qoys oo ku kala nool tuulooyinkaas. Waxaa hirgalisay hay’add maxalli ah oo la yiraahdo WASDA, halka dhaqaalaha ay ka taageereen hay’adaha AVSI iyo Hay’adda Horumarinta dalka Talyaaniga(Italian Agency for development cooperation). Madaxa Mashruucan ee hay’adda WASDA, Cabdirashiid Cali Axmed ayaa sheegay inay qodeen 120 musqulood oo 110 lagu wareejiyay qoysaska barakacayaasha ah, halka 10 kale laga qoday goobaha waxbarashada iyo caafimaadka ee tuulooyinka.

“Musqulo iska banaan oo dhis ah oo dulduleela ayay dumarku isticmaali jireen kuwaas oo khatardeeda leh, hadda waxaa loo dhisay musqulo fiican oo faraxalkooda iyo wata, dhaqaalaha yar ee soo galayna waxaan aragnay in uu anfacay, nolashoodana wax bay ka badashay, hadii meeshii aad fadhisay lagaa qaado oo meel ka fiican lagu geeyo waad dareemaysaa in nolasha ay wax iska badashay,” ayuu yiri Cabdirashiid Cali Axmed.

 

Previous Post

Gedo: Qoysas laga barakiciyay dhul ay deganaayeen oo ka cabanaya biyo iyo hoy la’aan

Next Post

Qoysas ku tiirsanaa ganacsiga Maydiga iyo Beenyada oo suuq-la’aan ku dhacday wax soo saarkooda oo ka cabanaya nolol-xumo

Related Posts

Nugaal: Boqollaal qoys oo dayac iyo nolol xumo galay markii ay daad ku hanti beeleen
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Nugaal: Boqollaal qoys oo dayac iyo nolol xumo galay markii ay daad ku hanti beeleen

September 17, 2025
Muruq-maalka Mudug oo wajahaya nolol xumo ka dhalatay shaqo la’aan haysa
Cunto-Yaraanta

Muruq-maalka Mudug oo wajahaya nolol xumo ka dhalatay shaqo la’aan haysa

September 16, 2025
blank
Beeraha Iyo Xoolaha

Baydhabo: Dhallinyaro ku hungoobay safar tahriib oo isku bahaystay beero falashada

September 15, 2025
Hargaysa: Gabdho adeegtooyin noqday markii ay dhaqaale xumo ka reebtay waxbarashada
Wararkii u Danbeeyay

Hargaysa: Gabdho adeegtooyin noqday markii ay dhaqaale xumo ka reebtay waxbarashada

September 12, 2025
Dalagyo ka qasaaray beeralayda Mudug markii ay biyo la’aan wajaheen
Beeraha Iyo Xoolaha

Dalagyo ka qasaaray beeralayda Mudug markii ay biyo la’aan wajaheen

September 11, 2025
Da’yar barakac ku ah Muqdisho oo shaqo la’aan ay seejisay waxbarashada
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Da’yar barakac ku ah Muqdisho oo shaqo la’aan ay seejisay waxbarashada

September 10, 2025
Next Post
Kalluumaysatada deegaanka Binna ee gobolka Bari oo ka cabanaya jariif

Qoysas ku tiirsanaa ganacsiga Maydiga iyo Beenyada oo suuq-la'aan ku dhacday wax soo saarkooda oo ka cabanaya nolol-xumo

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 17-SEP-2025

IDAACADDA 17-SEP-2025 by Radio Ergo

IDAACADDA 17-SEP-2025
Episode play icon
IDAACADDA 17-SEP-2025
September 17, 2025
Episode play icon
IDAACADDA 16-SEP-2025
September 16, 2025
Episode play icon
IDAACADDA 15-SEP-2025
September 15, 2025
Episode play icon
IDAACADDA 14-SEP-2025
September 14, 2025
Episode play icon
IDAACADDA 13-SEP-2025
September 13, 2025
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo