(ERGO) – Wasaaradda caafimaadka Galmudug ayaa sheegtay in ku dhowaad afar boqol oo qof oo cudurka shuban biyoodka uu soo ritay la keenay isbitaalka guud ee koonfurta Galkacyo tan iyo 8 May. Bukaanada Isbitaalka la keenay ayaa u badan carruur ay da’adooda ka yar tahay shan sano.
Wasaaradda ayaa sheegtay inay baaritaan ka billowday tuulooyinka ugu daran ee uu cudurka ku faafey si ay u ogaato waxa sababay dillaaciisa.
Raadiyo Ergo ayaa wareysatay isku-duwaha wasaaradda ee gobolka Mudug, Cabdikariin Abshir Ciise, si ay wax badan uga ogaato cudurka siduu ku faafay.
Cabdikariin Abshir Ciise: Kiisaskii ugu horreeyay ee cudurka ayaa la soo sheegay billowgii bisha May. Tan iyo markaas tirada dadka u ku dhacayo cudurka ayaa sii badanaya. Dadka uu cudurka soo ritay ayaa lagu daaweeynayaa meel gooni ah oo loogu talagalay dadka qaba cudurada faafa si looga ilaaliyo in dadka kale uu cudurka ku faafo. Guud ahaan, isbitaalku wuu u diyaarsanyahay cudurkaan iyo cudurada kale ee faafa sidii loo la tacaali lahaa. Isbitaalka wuxuu ka koobanyaha maamulka iyo shaqaalaha dhamaantooda na wey u diyaarsanyihiin la tacaalidda cudurkaan. Waxaa jira bukaanno la daaweeyay oo laga saaray isbitaalka si nafaas loogu baneeyo dadka kale uu cudurka soo ridanaayo.
Radio Ergo: Dadka hataan isbitaalka u jiifa cudurkaan shuban biyoodka intay dhanyihiin?
Cabdikariin Abshir Ciise: Horta dadka isbitaalka ku jira ma aha dad tiro yar. Isbitaalku qeeybtiisa gaarga ah ee lagu la tacalaayo dadka uu cudurkaan soo ritay waxaa yaalo 70 sariir, dhamaantood bukaano uu cudurka soo ritay ayaa jiifo. Cudurkaan shuban biyoodka waa cudur si ballaaran ugu fafaayo dadka ku nool magalada Galkacyo. Sacad kasta bukaano hor leh ayaa isbitaalka la keenayaa.
Radio Ergo: Wasaaradda maxaa u qorsheeysan maaddaama aad sheegtay in kiisaska ay si deg deg ah u sii kordhayaan?
Cabdikariin Abshir Ciise: Marka hore, cudurkaan waa cudur ka dhasha biyaha. Roobabkii Gu ayaa wadooyinka qaar biyo ku reebay. Biyahaan ayaa ka dhalan karaan cuduro maaddaama aan jeermis dile lagu shubin. Waxa kale oo jira duqsiyo badan oo magaalada jooga oo ka qayb qaadanaya faafida cudurkan, sidaa darteed waxaan dadweynaha ka codsanaynaa inay ilaaliyaan nadaafadda.
Sidoo kale waxaan ku boorinaynaa dadka ku nool magaalada inay biyaha ay cabbaayaan ay ahadaan kuwo nadiif ah si loo xakameeyo cudurkaan. Marka, baahi weyn baa loo qabaa ilaalinta heerarka nadaafadda deegaanka iyo nadaafadda shaqsiyeedba.
Radio Ergo: Ma u maleyneysaa in isbeddelka cimilada uu ka qayb qaatay dilaaca cudurkaan?
Cabdikariin Abshir Ciise: Haa, isbeddelka cimilada waa waxa keeno cudurada inta badan. Mararka qaar, waxaa suura gal ah in cuduro cusub ay ka dhashaan isbeddelka cimilada, ama in dib ay u soo noqdaan cuduro hore. Waqtigaan la joogo waa waqtiyadii ay cudurada faafa sida shuban biyoodka iyo jadeecada ay dilaacaan. Waxaa hataan na loo soo sheegay warbixino la xiriira kiisaska jadeecada.
Waxaan ka codsaneynaa dadweynaha inay nagala shaqeeyaan sidii loo xakameyn lahaa cuduradaan oo ayna ilaalinayo nadaafadda deegaankooda iyo sidoo kale nadaafaddooda shaqsiyadeed.