Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Gedo: Qoysas abaarta ku xoolo waayay oo cunno yari ku wajahaya deegaano ay u barakaceen

Radio Ergo by Radio Ergo
May 5, 2021
in Barakacayaasha iyo Qaxootiga, Wararkii u Danbeeyay
0
Gedo: Qoysas abaarta ku xoolo waayay oo cunno yari ku wajahaya deegaano ay u barakaceen

Qaar ka mid ah dadkii u soo barakacay magaalada Luq/Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Maamulka gobolka Gedo ayaa sheegay in 90,000 kun qoys oo xoolo dhaqato iyo beeraley ah ay cunno yiri wajahayaan kadib markii jiilaalka afartii bil ee lasoo dhaafay uu saameeyay.

Guddoomiyaha arimaha bulshada ee gobolka Gedo Ibraahim Maxamed Gumoow oo Radio Ergo la hadlay ayaa sheegay in xaaladdan ay ka dhalatay roobyari sababtay in ceelashu xilli hore guraan ama biyo yareeyaan iyo ayax cunay daaqii dhulka ee xoolaha calafka u ahaa iyo dalagii beeraha.

Qoyska Maxamuud Maxamed Marjic oo ahaa xoolo dhaqato waxaa xaalad cunno yari ah oo hadda ay wajahayaan dhaxalsiiyay jiilaalka oo ay ku waayeen ari 240 neef ah oo harraad iyo gaajo uga dhintay kadib markii ay waayeen calaf ay cunaan iyo biyo ay cabaan.

Maxamuud oo qoyskiisu uu ka koobanyahay toban qof waxaa hadda ku adag iney helaan cunno halmar ay karsadaan maalinkii. Waxa ay hadda ku tiirsan yihiin raashiin ay ku caawiyaan qoys ay qaraabo yihiin oo deggan degmada Luuq oo ay ku soo guureen bishii march markaas oo ay ka soo hayaameen miyiga deegaanka Ceel-garaar oo Luuq u jira 40km.

Waxa uu xusey in habiinkii oo kaliya ay karsadaan bariis aan mararka qaar iidaan laheyn. Waxaa hoy u ah geed cirifyada kore laga saaray kartoomo oo ku dhexyaalla deyrka reerka ay caawinaadda ka helaan.

“Reerkii aan ku soo degnay ee qaraabada ahaa ayaan wali dusha ka saaranahay. Sadax waqti nin wax karsada waa nin dharagsan halka waqti baa yaa allaah lagu helaa.”

Ku sii tiirsanaanta qoyska ay dulsaarka ku yihiin ayuu sheegay ineysan aheyn mid sii jiri karta isagoo u sababeynaya nolosha reerka oo ku tiirsan shaqo dullaalnimo oo suuqa xoolaha ee magaalada Luuq uu ka qabto odayga reerka ay la nool yihiin.

Duruufta dhaqaale ee uu wajahayo darted waxa uu ku fakarayaa in qoyska uu ula guuro xeryo ku yaala dowlad deegaanka Soomaalida oo loogu sheegay in WFP ay ka bixiso raashiin qamadi ah. Balse waxaa geediga ka hortaagan sida uu tilmaamay dhaqaalihii uu ku guuri lahaa oo uusan haysan iyo walaac ku saabsan waxa ay kala kulmi doonaan dhulka oo ah mid aanu aqoon u laheyn.

”Qoyska aan la noolnahay iyagaa danyar ah marka inaan xeryaha  qaxootiga iska aadno Ayaan qorsheynayaa, balse tabar aan ku guuro ma hayo.”

Maxamuud ayaa sheegay in markii uu xoolo beelay ayna waayeen cid ay maciinaan oo ku nool miyiga uu ka soo barakacay ay halis u galeen in harraad iyo gaajo ay u dhintaan, maadaama sida uu tilmaamay dhulka uu deganaa looga barakacayay jiilaal iyo biyo la’aan.

Siddeetan doolar oo walalkiis oo xamar jooga usoo diray ayuu reerka ugu soo kireeyay mooto bajaaj soo gaarsiisay degmada Luuq, balse walaalkiis uma sii awoodin inuu sii caawiyo madaama sida uu Maxamuud sheegay uu yahay nin xoogsato ah.

Xilli roobaadkan oo kale ayuu sheegay in markii uu xoolaha lahaa ay u aheyd xilli warwar la’aana oo ah barwaaqo ay helaan caano iyo cunno ku filan. Waloow maanta uu ka fakarayo sidii ay qoyskiisu ku heli lahaayeen wax ay cunaan iyo hooy ay roobka ka galaan. Carruurta uu aabahood yahayna waxba ma bartaan oo waxaaba adag sida loogu helo cunno maalmeedka.

”Waxbarasho nin ilmo gashaday waa nin dharagsan, caruurteyda diif ayaa ka muuqata waana intii ay xoolaha iga baaba’een.”

Dhanka kale Warsame Maxamuud Isaaq oo isna ah xoolo dhaqato ku noolaa miyiga degmada Ceelwaaq ayaa dantu ku qasabtay inuu u barakaco tuulo la yiraahdo Caashacad oo 75km u jirta Ceelwaaq kadib markii ku dhowaad boqol ari ah oo uu dhaqanayay ay 60 uga dhinteen harraad iyo gaajo markii ay tuuladu biyo la’aan noqotay.

In ka yar afartan neef oo xoolo uga haray ayuu tilmaamay iney noqdeen kuwo liita oo cad iyo caano aan laheyn, iibna galin. Xoolahaas iyo qoyskiisa oo ka kooban 16 qof ayuu tuulada ula soo guuray horraantii March si reerka uu ugu helo raashin uu u deyn qaado, xoolahana uu biyo ugu helo. In ka badan $500 ayuuna tilmaamay iney gaartay deyn uu qaadanayay xilliga adag.

”Xoolo ma jiraan oo deyn ayaan ku qasbanaaday, marka waqtiga hadda la joogo cunna yari iyo dhibaato baaba jira. dadka ay xoolaha ka dhammaadeen tuuladey soo dageen wey ka imaadeen duurka.”

Warsame ayaa hadda naawilaya in xilli roobaadkan ay xooluhu ka soo kabtaan nafaqa darada jiilaalku u geystay, markaas oo uu qorsheynayo inuu joojiyo deyn qaadashada.

“Dhulkiina baadbaa ka soo baxay warihiina biyaa galay marka xoolihii baad la’aanta wey ka hartay marka in duruuftan aan ka baxno ayaan rajeyneynaa.”

Guddoomiyaha arimaha bulshada ee gobolka Gedo Ibraahim Maxamed Gumoow ayaa sheegay in roobka guga ee da’aya uu yareyn doono cunno yarida, Waloow uu tilmaamay in taasi aysan guud ahaan meesha ka saareyn xaaladda cunno yarida.

Previous Post

Dhegeyso Barnaamijka Tacab

Next Post

Puntland: Qoysaskii ay saameysay duufaantii Gati oo aan weli ka soo kaban dhaqaale xumadii ku dhacday

Related Posts

Qoysas ku nool Galgaduud oo cunno xumo uga baxay adeegsiga mooto Faykoonta
Beeraha Iyo Xoolaha

Qoysas ku nool Galgaduud oo cunno xumo uga baxay adeegsiga mooto Faykoonta

March 25, 2026
blank
Wararkii u Danbeeyay

Arday raashin iyo biyo ku taageeray qoysas roob la’aan ay ku hayso miyiga Bari

March 24, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qaxooti cusub oo nolol xumo iyo diiwaan galin la’aan ku wajaha Dhadhaab

March 19, 2026
blank
Wararkii u Danbeeyay

Qoysas nolol-maalmeedkooda ay galaafatay colaad ka jirta Hiiraan

March 12, 2026
Mudug: Nolol xumo ka dhalatay qoysas laga jaray biyo bilaash ay oo ku heli jireen
Wararkii u Danbeeyay

Mudug: Nolol xumo ka dhalatay qoysas laga jaray biyo bilaash ay oo ku heli jireen

March 11, 2026
blank
Wararkii u Danbeeyay

Dhaqashada Shinida oo fursad dhaqaale u noqotay qoysaska haween ku nool Baydhabo

March 10, 2026
Next Post
Barakac kale – Duufaanta Gati oo saameysay barakacayaasha Puntland

Puntland: Qoysaskii ay saameysay duufaantii Gati oo aan weli ka soo kaban dhaqaale xumadii ku dhacday

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 25-MAR-2026

IDAACADDA 25-MAR-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 25-MAR-2026
Episode play icon
IDAACADDA 25-MAR-2026
March 25, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 24-MAR-2026
March 24, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 23-MAR-2026
March 23, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 22-MAR-2026
March 22, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 21-MAR-2026
March 21, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo