Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Beeraha Iyo Xoolaha

Hiiraan: Beeraleyda oo ka cabanaya cayayaanka Malabisada oo xaaluf ku haya beerahooda

Radio Ergo by Radio Ergo
March 25, 2021
in Beeraha Iyo Xoolaha, Wararkii u Danbeeyay
0
Jowhar: Abuurkii bariis-caddaha oo dib loo soo nooleeyay

Kaydka Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Malabisada oo ah cayayaan aan duulin, laakiin u kala gudba beeraha isku dhow marka ay dabashu qaado ayaa saameyay beeraleyda in ka badan 20 tuulo oo bari iyo galbeed uga began degmada Buulaburde. beerahaas ayaana ah kuwo ku tiirsan waraabka biyaha wabiga Shabeelle. Qaarkood dalagii ku yiilay wuu baaba’ay, qaar kalana waxyeelo weyn ayaa gaartay, sida uu sheegay guddigga iskaashatada beeraleyda degmada Buulaburde.

Nuur magan Mahdi oo beer laba higtar iyo bar ah ku leh deegaanka qanyaxle oo hoos taga degmada Buulo burde ee gobolka Hiiraan waxaa dalagii u beernaa oo ahaa Yaanyo, Bocor, Qare iyo Galleey ka cunay cayayaanka Malabisada oo ah mid beeraha ku dhasha, kaas oo ku bilowday bilowgii bishii February ee sanadkan.

Nuur ayaa sheegay in dalaga ka baaba’ay uu ahaa mid uu beeray horraantii bishii Junaury, uuna ku hanweynaa inuu usoo go’o 45 cesho kadib.

Malabisada ayuu xusay in ay tahay cayayaan yar oo geedka ka cunaya diirka iyo caleenta, sidoo kalana daloolinaya miraha. Waxa uu kula tacaalay sunta Sato Plus oo si guud cayayaanka loogu adeegsado, taas oo $96 oo deyn ah uu ku soo qaatay horraantii February, wallow uu xusay in markii uu beerta ku buufiyay uu asbuuc cayayaanku ka yaraaday, balse uu soo laba kacleeyay todobaadkii xigay illaa markii dambe uu baabi’iyo dalagii beerta.

“Geedka dhan suu u taagan yahay dhacaanka ayuu ka dhuuqa waa dhimanaa, in aan iska dhaafo ayaaba isoo baxday.”

Nuur oo ah 65 jir qoyskiisu ku tiirsanyahay beertan oo ah mid waraabka biyaha wabiga shabeelle ku tiirsan ayaa sheegay in aysan wax dalag ah usoo go’in deyrtii lasoo dhaafay, kadib markii dalagyadii u baxayay oo ahaa Qare, Sisin, Galley iyo yaanyo ay ka baabi’iyeen fatahaad iyo ayax iskaga dambeeyay intii u dhexeysay bilihii October illaa horraantii December ee sanadkii 2020.

In kastoo uu la warwarayo qasaaraha gaaray, hadana waxa uu tilmaamay in fakar gaar ah ay ku hayso sidii uu ku bixin lahaa deyn $180 ah, taas oo ah abuurka dalaga uu cayayaanku ka cunay iyo lacagta waraabka beerta.

“Tabar mahaayo, nin abuurka soo deeynsaday ama shidaalka deeyn kusoo qaatay hadane waxii uu beeray kasii dhinteen meel ay wax kasoo galayaana laheyn waxa uu ku sugan yahay waa iska garan kartiin.”

Nuur ayaa intaa ku daray in qoyskiisu ay tan iyo bishii October ee sanadkii hore ku tiirsanaayeen raashiin uu soo deymanayay oo lacagtiisu geereyso $85 iyo raashin gargaar ah oo bilihii December iyo January uu qoyskiisu ka helay hay’adda Meeris iyo maamulka Buulaburde oo is kaashanaya, taas oo aheyd deeq loogu talagalay qoysaska ay saameeyeen fatahaadaha iyo Ayaxa. Qoyskiisa ayaana labadaas bilood helayay bil kasta 75kg oo ah bur, bariis, sokor iyo saddex liiter oo saliid ah. Nuur ayaa tilmaamay in hammigiisu ahaa in beerta uu cayayaanku ka cunay uu ka helo dhaqaale ka badan $1,000 oo uu iskaga bixiyo deynta lagu leeyahay, uuna uga baxo marxaladda kumeel gaarka ah ee caawinta iyo deyn qaadashada.

“Beertii mar fatahaad ayaa iga gashay, mar ayax, hadana malabiso saasey iga noqotay, walaahi waan yaabanahay.”

Cabdulle Cumar Caraay oo beertiisa oo saddex higter ah muddo todobaad ah buufinaya isagoo adeegsanaya sunta Sato Plus ayaa tilmaamay in saddex meelood-meel uu cayayaanku waxyeeleeyay beertiisa oo kowdii bishan March uu ku abuuray dalaga uga baxaya oo ah qare, masago, galleey iyo yaanyo.

Walaaca uu Cabdulle qabo ayaa ah in daawadu ka go’do cayayaanka oo wali jira, maadaama ay ku adagtahay in mar kale uu soo deynsado sida uu sheegay.

‘’Tabar yari waa iska jirtaa wax walba lacag ku goob waaye. waan dhib qabaa daawadaas ayaan la daba Joognaa, Labo beri kadib waala buufiyaa, waaka dhimanee hadane waa soo laabanee.”

Cabdulle oo ah aabaha 21 ubad ah ayaa sheegay in dalagan uu hadda la tacaalayo badbaadintiisa uu ugu talagalay inuu uga soo kabto qasaare ka soo gaaray fatahaad iyo ayax ka baabi’iyay dalagyo iskugu jira, liin, cambe, sisin iyo galley isla beertan uga baxayay saddexdii bil ee ugu dambeeyay sanadkii hore. taas oo dhaxalsiisay in tan iyo bishii October ay qoyskiisu ku noolaadaan raashiin deyn ah oo hadda lacagta lagu lee yahay ay gaartay $430.

Waxa uu intaa ku daray in dalaga hadda u beeran oo abuurkiisa u uku soo qaatay deyn $250 ah uu qorsheynayay in marxaladdan uu uga baxo, uuna deynta iskaga gudo marka ay beertu usoo go’do. Wallow hadda aysan rajadiisu wanaagsaneyn.

“Magaaladii aan ku dhalanay ayaan iska joogna, ilmaha hadii aan deyn loo qaadin baahi ayeyba juf u leeyahiin.”

Guddoomiye ku xigeenka iskaashatada beeraleyda degmada Buulaburde ee gobolka Hiiraan Nuur Muxumed Kuulle ayaa Radio Ergo u sheegay in cayayaanku uu boqolkiiba lixdan saameeyay beeraleyda. waxa uu xusay in baahida koowaad ee beeraleyda ay tahay in ay helaan sunta disha cayayaanka.

Previous Post

Dadka Afxirka qaato oo takoor ka la kulma bulshada magaalada Boorama

Next Post

Dhegeyso Barnaamijka Deegaanka

Related Posts

Qoysas ku nool Galgaduud oo cunno xumo uga baxay adeegsiga mooto Faykoonta
Beeraha Iyo Xoolaha

Qoysas ku nool Galgaduud oo cunno xumo uga baxay adeegsiga mooto Faykoonta

March 25, 2026
blank
Wararkii u Danbeeyay

Arday raashin iyo biyo ku taageeray qoysas roob la’aan ay ku hayso miyiga Bari

March 24, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qaxooti cusub oo nolol xumo iyo diiwaan galin la’aan ku wajaha Dhadhaab

March 19, 2026
blank
Wararkii u Danbeeyay

Qoysas nolol-maalmeedkooda ay galaafatay colaad ka jirta Hiiraan

March 12, 2026
Mudug: Nolol xumo ka dhalatay qoysas laga jaray biyo bilaash ay oo ku heli jireen
Wararkii u Danbeeyay

Mudug: Nolol xumo ka dhalatay qoysas laga jaray biyo bilaash ay oo ku heli jireen

March 11, 2026
blank
Wararkii u Danbeeyay

Dhaqashada Shinida oo fursad dhaqaale u noqotay qoysaska haween ku nool Baydhabo

March 10, 2026
Next Post
Baydhabo: Suuq ay sameysteen dad soo barakacay

Dhegeyso Barnaamijka Deegaanka

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 25-MAR-2026

IDAACADDA 25-MAR-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 25-MAR-2026
Episode play icon
IDAACADDA 25-MAR-2026
March 25, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 24-MAR-2026
March 24, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 23-MAR-2026
March 23, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 22-MAR-2026
March 22, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 21-MAR-2026
March 21, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo