Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Muqdisho: Roob saamayn ku yeeshay dadka barakacayaasha ah

admin by admin
July 18, 2020
in Barakacayaasha iyo Qaxootiga, Wararkii u Danbeeyay
0
Muqdisho: Roob saamayn ku yeeshay dadka barakacayaasha ah

IDP women who have have been hit by floods/Abdiwahab/ Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

Roobka xagaaga oo toddobaadkan ka da’ayay magaalada Muqdisho ayaa saamayn ku yeeshay dadka barakacayaasha ah iyo guud ahaan magaalada. Waxaa ka dhashay khasaare kala duwan sida dhimasho, burbur guryo iyo barakac.

Deeqo Maxamed Yuusuf, waxay ku wayday roobka seddex carruur ah oo ay dhashay kaddib marki uu ku dumay darbi ay ku hoos lahaayeen hoy buush ah. Qoyska Deeqo ayaa deggan xerada barakaca Malable oo ku taalla deegaanka Garas-baallay ee duleedka magaalada Muqdisho.

“Darbiga nagu soo dumay seddex cunug oo mid 12 sano jirto, mid 8 Jir tahay, midna 7 jir ayaa iiga dhintay, dhagaxii ku soo dhacay cunug, haddana yariiskeeyga ah isagoo dhagaxii iiga hoos jiro Muslim Ilaahay ii sahlay, meesha iigu soo galay, meel ayaa leega furay, meeshi ka soo baxay; seddexdaas cunug meeshaa iiga geeriyootay,” ayay tiri Deeqo Maxmed.

Deeqo ayaa lix sano ka hor colaad darteed uga soo barakacday degmada Qoryoolay, si ay nolol u helaan. Waxay nolosha qoyska ku maaraysaa dhar dhaqaw iyo shaqada xamaalka oo ay magaalada ka soo qabato maaddaama nolosha carruurteeda ay iyada oo kaliya ay ku tiirsan tahay, halka carruurta aabbahood uu jiro baadiyaha gobollka Shabellaha Hoose.

Ma jirin cid kale oo ay gurmad ka heshay marka laga reebo dadka xerada la deggan oo caawiyay markii dhibku soo gaaray, waxay sheegtay in wax walba oo ay haysatay uu daadku ka qaaday oo ay wajahayso hadda hooy la’aan, una baahaan tahay in loo soo gurmado.

“Waxii kaam silic ayay iskaga nool yihiin, haddase dhibka dhacay ilmahaas meesha iiga dhamaaday, waxii oo dhan way naga burbureen, waxaan fara ku hayno ma leh hadda,” ayee tiri Deeqo.

Kaamka Malable ayaa waxaa ku nool qoysas tiradooda ay garayso 265 qoys kuwaasi oo intooda badan ka soo barakacay Shabellaha Hoose sida ay sheegtay Nasra Xuseen oo ah horjoogaha xeradaas.

Maamulka degaanka Garasbaalley ayaa sheegay in qoysaska barakacayaasha ah ee ku sugan degaanka ay haysato xaalada adag oo dhanka nolosha ah, islamarkaana xilligaan ay ugu darsantay xilliga roobka oo aysan meel ay ka galaan haysan, iyadoo ay u sii dheer tahay hooy-xumo, cunno-yari, dawo la’aan.

Guddoomiye ku-xigeenka arrimaha bulshada deegaanka Garasaballeey Muxiddiin Axmed Yuusuf ayaa Raadiyo Ergo u sheegay in robabka ay si guud u saameyeen.

“Wax wali gurmad ah oo dadka loo geeyay ma jiraan, waa dad dhibaataysan waa dadkaasi maanta murugada u taaallo; Gobollka Banaadir kaliya maahee cid kasta oo gacan ka gaysan karta ayay u taallaa”.

Xaliimo Axmed Nuur waxay haysataa toddobo carruur ah oo agoon ah, waxayna ka soo barakacday lix bilood ka hor deegaanka Jannaale ee gobolka Shabeelaha hoose. Xaliimo iyo carruurteeda waxay muddo afar habeen ah jiifaan meel bannaan ah oo xogaa taag ah, oo ku taalla xerada Warta Siigaale kaddib marki buush uga dhisnaa xerada uu ka qaaday roobkii.

“Meeshaan deggannahay Ilaahay ku sugeeynaa wax hadda aan ku heysanno ma jiraan, hoy la`aan, raashin la’aan, dhar la’aan, daawo waan u baahneen haddaan heli karno, xanuun waa jiraa sababto ah biyaha haddii ay ku soo galaan kaneeca jirtaa maahanoo,” ayee tiri Xaliimo.

Cabdullaahi Ooyaaye oo ka tirsan qoysaska xerada barakaca ee Warta Siigaale ayay isaguna roobabku ku yeesheen saamayn, wuxuuna sheegay iney tahay markii labaad oo ay roobabku dhibaato u gaysanayaan, waxayna ka xaaqeen gurigii uu degganaa oo awalba ka samaysnaa qoryo iyo baco, sida uu raadiyo Ergo u sheegay.

Maamulka Gobollka Banaadir ayaa sheegay inay wali ku hawlan yihiin xogta khasaaraha uu gastay roobka, iyagoo soo bandhigo doona xaddiga dhibaatooyinka uu gaystay sida uu Raadiyo Ergo u sheegay agaasimaha Waaxda samafalka iyo xuquuda aadanaha ee Maamulka gobolka Banaadir, Muxiyadiin Maxamuud Cabdulaaahi.

Previous Post

Muqdisho: Heerka shaqo la’aanta Dhallinyarada Soomaaliyeed oo sii kordhaya

Next Post

Dhibaatada uu ayaxu u geysto ilo-biyoodyada dusha ka furan

Related Posts

Burbur ganacsi iyo nolol xumo ka dhashay hakad ku yimid isticmaalka lacagta dalka
Wararkii u Danbeeyay

Burbur ganacsi iyo nolol xumo ka dhashay hakad ku yimid isticmaalka lacagta dalka

May 5, 2026
Gaalkacyo: Nolol xumo ka dhalatay waalidiin xabsi ku mutaystay daymo lagu yeeshay
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Gaalkacyo: Nolol xumo ka dhalatay waalidiin xabsi ku mutaystay daymo lagu yeeshay

May 1, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Nolol xumo ka dhalatay qaxootiga Dhadhaab oo laga jartay gunno gargaar oo la siin jiray

April 28, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas nolol xumo ku wajahaya Baydhabo markii laga gubay beero iyo kayd raashin

April 24, 2026
Cadaado: Haween nolosha qoysaskooda ka maarayn jiray iibinta Khudaarta oo shaqo la’an noqday markii ay saameysay fatahaadda webiga shabeelle
Cunto-Yaraanta

Haweenka khudaarta ku iibiya Kismaayo oo wajahaya suuq xumo cuno yari biday

April 23, 2026
blank
Beeraha Iyo Xoolaha

Roob la’aan sababtay dhaqaale xumo iyo dayn la’aan nolol xumo biday reer miyiga Galgaduud

April 22, 2026
Next Post
Khubarrada oo ka jawaabaya su’aalaha ayaxa ee dhegeysteyaasha

Dhibaatada uu ayaxu u geysto ilo-biyoodyada dusha ka furan

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 07-MAY-2026

IDAACADDA 07-MAY-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 07-MAY-2026
Episode play icon
IDAACADDA 07-MAY-2026
May 7, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 06-MAY-2026
May 6, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 05-MAY-2026
May 6, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 04-MAY-2026
May 4, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 03-MAY-2026
May 3, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo