Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Arrimaha Bulshada

Muqdisho: Haween lagu caawiyey miisas qudaarta ay ku gataan oo ganacsigoodu isbaddelay

admin by admin
July 1, 2020
in Arrimaha Bulshada, Wararkii u Danbeeyay
0
Ganacsato cabasho ka muujiyay baaritaano ay kala kulmaan jidka isku xira Muqdisho iyo Afgooye

Sawir kayd/Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

Faadumo Xaaji Macaallin waxay ka mid tahay konton haween ah oo qudaarta ku iibiya hareeraha waddooyinka magaalada Muqdisho, kuwaasi oo ka faa’ideeystay miisas uu ku taageeray Mashruuca Geel si ay ugu ganacsadaan.

Haweenkan ayaa dhibaatooyin ku qabay miis la’aanta, hoosna u dhigay ganacsigooda qudaarta, maaddaama waddooyinka ay ku ganacsadaan ay nadaafaddoodu fiicnayn, welibana xilliyada ay roobabku da’ayaan iyo waddooyinka markii ay noqdaan kuwo aad u mashquul ah.

Faadumo oo korsata 14 carruur ah oo agoon ah, ayaa waxay noloshoodu ku maareeysaa waxay ka hesho qudaarta, waxayna sheegtay in markii la siiyay miiskan cusub uu kordhay dakhligeeda, taasoo ay ugu wacan tahay markii ay ka dul muuqdeen badeecadaheedii miiskan, una sahashay in dadku ay meel fog ka arkaan qudarteeda, sidaasna loogu soo leexdo.

“Miiskan wax wayn ayuu ii qabtay, waxaanba ka dareemay dadka, miiska waa iisoo jiidanaa,mooska waa laygu bartay, qudaarta waa laygu bartay, hilibka waa laygu bartay illaa saddex saac, labo saac iguma gaarayo, 30 kiilo oo hilib ah, ayaan gadaa iyo beerkiiisa iyo killidiisa, intii miiskan leysiin wax yar-yar ayaa ii gadmi jiray oo adiga al-yoomka waa ka heli jiray.”

Hani Cabdullaahi oo haysata afar carruur ah oo ay nolol maalmeedkooda ka soo saarto iibinta qudaarta ayaa ganacsigan ku jirta muddo laba sano ah. Waxay iibisaa qudaar kala duwan sida mooska, cambaha, ansalaatada iyo kuwa kale oo ay ka soo qaaddo suuqa wayn ee Bakaaraha.

Hani ayaa tilmaamtay in hadda ay dareemeeyso in dad badan ay ka iibsanayaan qudaarta maaddaama ay heshay miis midkii hore ka duwan, oo ganacsigeeda ka dhigay mid muuqda oo ay dadka ka heli karaan adeeg ku filan.

“Ganacsigiisa aad ayuu ufiicanyahay, sidii hore wuu ka baddalanyahay, farqiayaa u dhaxeeya, wixii Ilahay igasiiyo horta wuu iga soo galaa, nolol maalmeedka waa laga helaa; $8 doollar maalinkii, markii hore waxaan ka heli jiray mar $5, mar $4,”ayee tiri Hani Cabdulahi.

Haweenkan ayaa ka mid ahaa 250 dumar ah oo shaqo-abuur ka helay shirkadda (SomFresh) iyo Geel oo ka ganacsata qudaarta, awalna ahayd shirkad taageerta haweenka oo dhirrigelisa islamarkaasna ay haweenku ka qaataan mooska oo ay iyaguna dib u sii iibiyaan.

Waxyaabaha lagusoo xulay haweenkan loo qaybiyay miisaska ayaa waxay yihiin sida ay ugu kala baahi badan yihiin, islamarkaasna la eegay qaabka ay ganacsigooda u hormarinayaan.

Xirsiyo Cabdulle Siyaad waa asaasaha iyo maamulaha (SomFresh) waxay sheegtay in haweenka ay ku dhib qabeen waddooyinka ay ku ganacsanayaan, dhanka nadaafadda iyo sidoo kale mararka qaar oo xoolaha waddada lagu soo daayo ay ka boobaan qudaarta.

Waxay Xirsiyo intaas ku dartay iney iyadu lahayd fikirka ah in haweenkan lagu caawiyo miisas si ay dhulka uga kacaan una wanaajiyaan ganacsigooda. Tani waxay dhiirrigelin u tahay haweenka danyarta ah ee doonaya iney ganacsigooda hormariyaan, noloshoodana ku maareeyaan.

“Miisaska markii suuqa lagu arkay runtii dad badan ayaa dhiirigalin ku helay, waxaan haynaa Konton kale iyo ka badan oo miisas dalabanaya, oo dhahaya waan u bahannahay annagana waxaan rabnaa in dhulka nalaga qaado, marka baahidana way sii badatay oo miisaska haweenka waa u bahan yihiin, quruxda magaaladana niinki hadda magaalada mara waa la arkay,” ayay tiri Xirsiyo Cabdulle.

Previous Post

Nalalka cadceedda oo daboolay baahidii iftiinka guryaha iyo ganacsiyada ee danyarta Kismaayo

Next Post

Muqdisho: Sheekada dhaqtarad iyadoo caawinaysa bukaannada Koroonaha uu cudurku dhacay.

Related Posts

Qoysas ku nool Galgaduud oo cunno xumo uga baxay adeegsiga mooto Faykoonta
Beeraha Iyo Xoolaha

Qoysas ku nool Galgaduud oo cunno xumo uga baxay adeegsiga mooto Faykoonta

March 25, 2026
blank
Wararkii u Danbeeyay

Arday raashin iyo biyo ku taageeray qoysas roob la’aan ay ku hayso miyiga Bari

March 24, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qaxooti cusub oo nolol xumo iyo diiwaan galin la’aan ku wajaha Dhadhaab

March 19, 2026
blank
Wararkii u Danbeeyay

Qoysas nolol-maalmeedkooda ay galaafatay colaad ka jirta Hiiraan

March 12, 2026
Mudug: Nolol xumo ka dhalatay qoysas laga jaray biyo bilaash ay oo ku heli jireen
Wararkii u Danbeeyay

Mudug: Nolol xumo ka dhalatay qoysas laga jaray biyo bilaash ay oo ku heli jireen

March 11, 2026
blank
Wararkii u Danbeeyay

Dhaqashada Shinida oo fursad dhaqaale u noqotay qoysaska haween ku nool Baydhabo

March 10, 2026
Next Post
Muqdisho: Sheekada dhaqtarad iyadoo caawinaysa bukaannada Koroonaha uu cudurku dhacay.

Muqdisho: Sheekada dhaqtarad iyadoo caawinaysa bukaannada Koroonaha uu cudurku dhacay.

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 25-MAR-2026

IDAACADDA 25-MAR-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 25-MAR-2026
Episode play icon
IDAACADDA 25-MAR-2026
March 25, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 24-MAR-2026
March 24, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 23-MAR-2026
March 23, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 22-MAR-2026
March 22, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 21-MAR-2026
March 21, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo