Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Wararkii u Danbeeyay

Toddobaatan jir dugsi dhexe dhammeeyay oo doonaya in uu bare noqdo

admin by admin
July 24, 2020
in Wararkii u Danbeeyay, Waxbarashada
0
Toddobaatan jir dugsi dhexe dhammeeyay oo doonaya in uu bare noqdo

Never too late to learn for Abdirahman Mahamud Mohamed, pictured outside his school in Qarqora, Mudug/Jabril Osman/Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

Cabdiraxmaan Maxamuud Maxamed oo 72 jir ah ayaa toddobaadkii hore u fariistay imtixaanka fasalka siddeedaad si uu ugu gudbo dugsiga sare. Wuxuu dhigaanyey dugsiga hoose/dhexe ee deegaanka Qarqoore oo Gaalkacyo u jirta 30 km ee dhanka bari. Wuxuu waxbarashadiisa ka billaabay dugsiga dhexe isagoo loo qiimeeyay qoraalka farsoomaaliga ee uu hore uga bartay Ololihii Horumarinta Reer Miyiga iyo xoogaa xisaaba ah ee uu yiqiin.

Cabdiraxmaan ayaa sheegay in uu aad ugu faraxsansan yahay in uu joogo heerkii uu ugu gudbi lahaa dusgiga sare, wuxuuna u sharrxay raadiyo Ergo sida uu heerkan ku soo gaaray iyo cidda ku dhiirrigelisay.

“Markasta waxaan ku taamayay in aan waxbarto, laakiin fursad baan u waayay, iskuulkaan aan galayna fursad baan u helay, macallimiintii waxbaraysay way igu soo dhaweeyeen, way ila shaqeeyeen, wayna i caawinayeen. 150 tallaabo buu ii jiraa meesha iskuulku ku yaallo,wuu ii muuqdaa, waan tagaa shaqayba ii noqotay in aan waxbarto marka saas baa igu dhiirigalisay.”

Noloshiisa oo idil wuxuu ku qaatay miyiga waana sababta keentay inuu waayo fursad uu wax ku barto, haseyeeshee wuxuu kaluu sheegay inuu ku faraxay markii ay jaaliyadda deegaanka Qarqoora ka soo jeeda oo debadda ku nool ay halkaas ka hirgeliyeen waxbarasho bilaasha, taasoo ka mid ahayd waxyaabaha ku dhiirrigeliyay inuu wax barto sida uu faahfaahiyay raadiyo Ergo.

“Dad fadhi ku dirira oo sheekeeya, kuwaas oo oranayay war ninkan wuu waalan yahay hala qabto, aniguna waan ka diiday macallimiintuna waxa ay yiraahdeen dhagaha ha u taagin, culayskaas baa iska jiray”

wuxuu intaas ku daray ee uu yiri”. Qorshahaygu waxaa weeye haddii aan fursad u helo ama dhaqaale ama tabar waan wadanayaa waxbarashada.” ayuu yiri Cabdiraxmaan oo jecel inuu waxbarashadiisa sii wato haddii uu helo fursad kale.

Barre Cabdulqaadir Axmed oo 15 jir ah ayaa sheegay in waxbarashadiisa uu doorwayn ku lahaa oday Cabdiraxmaan oo uu xusay inuu ku carbin jiray isaga iyo ardayda lamidka ah noqoshada arday wanaagsan, maaddaama fursad wayn ay haystaan, isaguna uu ka caawin jiray fahamsiinta casharrada ay wada-qaataan.

Fasalka lixaad ee dugsiga dhexe ayuu kula kowsaday Barre 70-jirkan, waxa uu xusay in ay layaab la noqtay in qof da`daas ah uu wax labarto, wuxuu tilmaamay in isaga iyo ardaydii kale ee kaga horreeyay fasalka Cabdiraxmaan ay markii danbe la qabsadeen, islamarkaana dhiiranaan iyo dadaal ay ka qaadeen la joogistiisii.

Afartan neef oo ari ah ayuu ku dhaqadaa deegaankiisa Qarqoora, kuwaas oo uga soo doogay abaarihii saddex sano ka hor. Cabdiraxmaan malaha wax carruur ah, kaligiis ayuuna noolyahay.

“Waxaa igu fiicnaan lahayd meeshaan joogo in la keeno dugsi sare, oo macalimiintayda aan aqaan oo horay ii la soo shaqeeyay oo igacanqabtay saas baa aniga ii fiicnaan lahayd,” ayuu Cabdiraxmaan oo jeclaan lahaa inuu deegaankiisa ku helo waxbarashada dugsiga sare yiri.

Mustaf Cabdullaahi Axmed waa maamulaha dugsiga hoose-dhexe ee deegaanka Qarqoora, sidoo kalana waa macallinka Cabdiraxmaan, wuxuu raadiyo Ergo u sheegay in dadaalka uu waxbarashada ku bixinayo 70 jirkan ay ka dhigtay midka dhex muuqada bulshada iyo ardayda uu wax la barto. Waxa uu xusay in uu tusaale u noqday qaar ka tirsan dadka da’da ah oo waxbarashada ka waynaaday. Labadii sano ee u danbeysay ayuu tilmaamay iney ku biireen iskuulka lix qof oo ah dadka waawayn oo laba haween yihiin in kasta oo da’doodu ka hoosayso konton jir.

“Baabuurta raashinka qaadda ee xagga gaysa magacyo ayaa lagu qoraa dadka way ku dhibban yihiin in ay magacooda akhriyaan maaddaama aysan waxna qorin waxna akhrin, laakiin Cabdiraxmaan waxa uu ka mid ahaa dadka faro-ku-tiriska ah ee loo wacdo si uu ugu akhriyo farriimaha iyo qoraallada,” ayuu yiri maamulaha.

 

Previous Post

Dhibaatada uu ayaxu u geysto ilo-biyoodyada dusha ka furan

Next Post

Afgooye: Fatahadda webiga oo sababtay barakaca in ka badan laba kun oo qoys

Related Posts

Dhadhaab: Haween ka soo kabtay ganacsiyo ka burburay markii la siiyay lacag amaah ah
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Dhadhaab: Haween ka soo kabtay ganacsiyo ka burburay markii la siiyay lacag amaah ah

June 19, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qiimo la’aanta ku dhacday lacagta dalka oo wiiqday rajada ganacsatada Baydhabo

June 18, 2026
Haweenay qurbojoog ah oo shaqo iyo xirfad u abuurtay xoolo-dhaqatada Soomaaliland
Beeraha Iyo Xoolaha

Haweenay qurbojoog ah oo shaqo iyo xirfad u abuurtay xoolo-dhaqatada Soomaaliland

June 16, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas ku nool Dhuusomareeb oo nolol xumo haysay uga baxay ka ganacsiga birta duugga ah

June 15, 2026
Beeraleyda tuulada sayn ee gobolka Bari oo wajahaya roob la’aantii ugu darnayd
Beeraha Iyo Xoolaha

Beeraleyda tuulada sayn ee gobolka Bari oo wajahaya roob la’aantii ugu darnayd

June 13, 2026
Qoysas ku cayroobay abaar ka dhacday Bari oo noqday kalluumeysto maareeyay noloshooda
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas ku cayroobay abaar ka dhacday Bari oo noqday kalluumeysto maareeyay noloshooda

June 10, 2026
Next Post
Roobab ka da’aya buurallayda Itoobiya oo laga digayo inay khatar fatahaad ku keenaan webiga Shabeelle

Afgooye: Fatahadda webiga oo sababtay barakaca in ka badan laba kun oo qoys

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 20-JUN-2026

IDAACADDA 20-JUN-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 20-JUN-2026
Episode play icon
IDAACADDA 20-JUN-2026
June 20, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 19-JUN-2026
June 19, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 18-JUN-2026
June 18, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 17-JUN-2026
June 17, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 16-JUN-2026
June 16, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo