Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Arrimaha Bulshada

Kismaayo: Qaxootigii ka soo noqday Dhadhaab oo ka faa’iidaystay birjikooyin dhuxusha tashiilaya

Radio Ergo by Radio Ergo
June 9, 2020
in Arrimaha Bulshada, LATEST POSTS, Wararkii u Danbeeyay
0
In ka badan kun qoys oo ka faa’iidaystay mashruuc lagu yaraynaayo jarista dhirta

Sawir Kayd/Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Toddobo boqol oo qoys oo ah dadkii ka soo laabtay xeryaha qaxootiga Dhadhaab Kenya kuna sugan ayaa ka faa’iidaystay birjikooyin lacag la’aan ah oo ay bishii hore qaybisay Wasaaradda Deegaanka iyo Dalxiiska Jubbland. Birjikooyinkaan oo lagu magacaabo jikokaawo ayaa  ka duwan kuwii caadiga  ahaa ee hore loo iibsan jiray, waxaana loogu tala-galay in ay qoyska u suurta-galinayaan in dhuxushii ay hal mar isticmaali jireen ay hadda isticmaali karaan qiyaastii saddex jeer, taas oo qoyska danyarta ah ka caawinaysa in ay baykhaamiyaan kiishka dhuxusha oo hadda Kismaayo ka jooga   $7.

Shamso Axmed Cabdi oo ah qoys ballaaran oo ka kooban 14 qof  kana mid ah dadkii ka soo laabtay Dhadhaab oo ka faa`iideystay barnaamijkan ayaa u sheegtay Raadiyo Ergo in ay jikooyinkan ku liibaantay iyadoo isticmaalaysay muddo laba toddobaad ah, waxay sheegtay inuu ka yaraaday kharashkii badnaa oo ay ku bixin jirtay dhuxusha oo dhamayd ilaa $21 bishiiba, haddana ay qiyaasayso in ay u baaqanayso $14 bil walba.

“Birjikooyinka kale waa dhagax lakiin middaan waa bir iyo shabaq isku dhex jira, danbaska hoos ayay u daadinaysaa, halka midda kale dhuxul badan ka isticmaasho” ayay tiri

Wasaaradda Deegaanka Jubbaland oo taageero ka heshay hay’adda GIZ ayaa qoysaska sida Shamso u qaybisay birjikooyinka, waxayna sheegeen in ay jirto faa’iido kale oo ah in la yareeyo jarista iyo gubista dhirta. Agaasimaha Guud ee wasaaraddaas Saynab Rashiid ayaa ka warbixisay barnaamijkan birjikooyinka iyo sida ay u soo xusheen dadka loo qaybiyay.

“Waxaan u kala dooranay sida ay u sii kala liitaan, dadka baahiyaha gaarka ah qaba,dadka waayeelka ah iyo qoysaska ballaaran ee dad badan ka kooban”

Saynab ayaa sheegtay in arrintani ay qayb ka tahay qorshe ay wadaan oo la doonayo in 50% hoos loogu dhigo dhuxusha lagu isticmaalo magaalooyinka waa weyn ee Jubbaland, lana baro dadka  sida loo isticmaalo qalabka gaaska. Waxay Saynab sheegtay in bishan dhexdeeda la keeni doono 1,500 shooladaha wax lagu karsado, kuwaasoo loogu talagalay in ay dadku iibsadaan, ugagana maarmaan ku tiirsanaanta dhuxusha oo waxyeelo wayn ku haysa deegaanka.

“Waa in la baro, waxii lagu baddali lahaa dhuxusha oo gaas-ka isticmaalan, iyadoo deegaanka loo danaynaayo,” Ayay tiri Saynab

Faadumo Muxumed Hilowle oo ah hooyo toban carruur ah haysata oo odaygeeda yahay naafo waayeel ah, ayaa ka mid ah qoysaska ka faa’iidaystay birjikooyinkaan. Waa qoys danyar ah oo aan xataa awoodin inay kiishash dhuxul ah gataan, waxayna inta badan soo gadanayeen dhuxusha la sii tafaariiqeeyo oo goob-goobta ah, waxayna ku iibsadaan goobtiiba $0.5 – $1. Waxay Raadiyo Ergo u sheegtay in halkii goobo oo ay mar keliya soo iibsadaan iminnka u ugu filan yahay in ay saddex waqti iyo shaahaba ku karsadaan xilliyo kala duwan.

Hooyadan ayaa ka shaqeeysa hawlaha dhismaha, waxayna tahay xamaali caawiya ragga fuundiyadda ah ee guryaha dhisa, iyadoo u soo qaadda shamiintada, dhagaxa, bulukeetiga iyo waxyaabaha kale ee hawsha dhismaha guriga, iyadoo maalintii ka hesha lacag dhan ilaa 150,000 shilin Soomaali ah oo u dhiganta $5.5, taas oo ay ku maarayso nolasha qoyskeeda.

“Nolasheenna aad ayey isaga ciriiri tahay, wax kale oo aan ku tiirsannahay ma jiraan, carruur yar-yar ayaan haystaa fadhi ii maba yaallo” ayay tiri Fadumo

Sannadkii  2018 ayaa la joojiyay dhoofinta dhuxusha Soomaaliya in kastoo ay weli jiraan meelo badan oo Soomaaliya ah oo weli dhirta dhuxuleeya.  Cabdixakiin Kediye oo la taliye u ah Wasaaradda Deegaanka Jubbaland ayaa Raadiyo Ergo u sheegay in xogta la hayo ay muujinayso in Soomaaliya laga jaro 1,700,000 oo geed, wuxuuna sheegay in ay doonayaan in ay hoos u dhigaan jarista geedaha shanta sano ee soo socota.

Previous Post

Dadaallo looga hortagayo in cudurka Koroona uu ku faafo xeryaha barakaca ee Hargeysa

Next Post

Dhadhaab: Macallimiintii iskuullada gaarka ah ee xeryaha oo wajahaya duruufo nololeed

Related Posts

Qoysas ku nool Galgaduud oo cunno xumo uga baxay adeegsiga mooto Faykoonta
Beeraha Iyo Xoolaha

Qoysas ku nool Galgaduud oo cunno xumo uga baxay adeegsiga mooto Faykoonta

March 25, 2026
blank
Wararkii u Danbeeyay

Arday raashin iyo biyo ku taageeray qoysas roob la’aan ay ku hayso miyiga Bari

March 24, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qaxooti cusub oo nolol xumo iyo diiwaan galin la’aan ku wajaha Dhadhaab

March 19, 2026
blank
Wararkii u Danbeeyay

Qoysas nolol-maalmeedkooda ay galaafatay colaad ka jirta Hiiraan

March 12, 2026
Mudug: Nolol xumo ka dhalatay qoysas laga jaray biyo bilaash ay oo ku heli jireen
Wararkii u Danbeeyay

Mudug: Nolol xumo ka dhalatay qoysas laga jaray biyo bilaash ay oo ku heli jireen

March 11, 2026
blank
Wararkii u Danbeeyay

Dhaqashada Shinida oo fursad dhaqaale u noqotay qoysaska haween ku nool Baydhabo

March 10, 2026
Next Post
Dhadhaab: Macallimiintii iskuullada gaarka ah ee xeryaha oo wajahaya duruufo nololeed

Dhadhaab: Macallimiintii iskuullada gaarka ah ee xeryaha oo wajahaya duruufo nololeed

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 25-MAR-2026

IDAACADDA 25-MAR-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 25-MAR-2026
Episode play icon
IDAACADDA 25-MAR-2026
March 25, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 24-MAR-2026
March 24, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 23-MAR-2026
March 23, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 22-MAR-2026
March 22, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 21-MAR-2026
March 21, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo