Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Caafimaadka

Jubada hoose: Qoysas heli jiray adeegyo caafimaad oo bilaash ah oo ay ka joogsadeen

admin by admin
June 12, 2020
in Caafimaadka, Wararkii u Danbeeyay
0
New health centre opens for refugee returnees in Kismayu

Sawir kayd

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

Dadka ku nool 12 tuulo oo dhanka waqooyi ka xiga magaalada Kismaayo oo heli jiray adeegyo caafimaad oo bilaash ah ayaa ay ka istaageen muddo laba bil ah sabab la xirirta dhanka dhaqaalaha. Seddex koox oo guur-guura fadhigooduna ahaa deegaannada Goob-weyn,Buula-guduud iyo Yoontooy ayaa siin jiray dadkan adeegyo caafimaad oo kala duwan toddobaadkiiba laba jeer.

Agaasimaha guud ee wasaaradda caafimaadka Jubbaland Idiris Xasan Maxamuud ayaa xaqiijiyay inuu go`ay dhaqaalihii lagu bixin jiray adeegyada caadimaad oo ay ka faa’ideysan jireen xoolo-dhaqato iyo beeraley ka fog magaalooyinka waayweyn.

Barnaamijkan caafimaadka ayaa la billaabay xilligii abaarta 2017 sida uu sheegay agaasimuhu oo ay taageeraysay hay`adda IOM, hase ahaatee iminka lagu wargeyliyay wasaaradda caafimaadka Jubbaland in dhaqaalihii mashruucaas uu dhamaaday.

“Annagu waan u tagnay qoladii hay’adda iyo qoladii lacagta bixisayba in ay kordhiyaan xilliga mashruuca,laakiin fankii hore-na wuu dhamaaday,qoladii fankaas bixinaysay ma cusboonaysiinayno ayey dhaheen”

Waxaa goob caafimaad ugu dhow deegaanka Buula-guduud oo aysan ka helayn adeegyada caafimaad ee ay u baahan yihiin waliba dhanka daawooyinka, iyadoo dadka imaanayana ay badan yihiin sida uu Raadiyo Ergo u sheegay madaxa caafimaadka ee deegaankaas.

Cabdiyo Ooyow Cusmaan waa haweenay uur leh oo daawo ka soo doonatay xarunta caafimaadka deegaanka Buula-guduud iyadoo ka soo lugeysay tuulada Laan-abaar. Cabdiyo si ay u soo gaarto xaruntaas waxay ku qaadtay saddex saac iyo bar iyadoo weliba sidda ilmo yar oo ay dhashay oo xanuunsan oo ay xarunta caafimaadka kala soo doontay iney u hesho dawo.

“Aniga waan xanuunsanaa, cunugga waa iga xanuunsanaa, afka ayuu boog ka yahay,meeshana dhawaanshaha ayaan ku soo raacnay oo kismaayo ayey nooga dhowdahay,saaka ilaa maanta dhan waan fadhiyey”

Xuseen Maxamed Xaaji oo ah madaxa caafimaadka deeganka Buula-guduud ayaa Raadiyo Ergo u sheegay in xarunta markii hore ay qaabili jirtay ilaa 70 qof, iminkana ay qaabisho ilaa 180 bukaan, taasoo uu ku sheegay iney aad u kala badan yihiin awoodda xarunta iyo bukaannada ay hadda qaabishho.

“Culayska nahaayaa waa bukaankii oo aad u farabatay,maaddaama deegaanno badan oo ay (mobile teamyadu) kooxaha guur-guura ay qaabili jireen, dadkii ay u shaqayn jireen hadda waxay soo koreen xarunta cafimaadka Buula-guduud.” ”ayuu yiri.

Wasaaradda caafimaadka Jubbaland ayaa bishiiba mar u dirta dawooyin xarunta Buula-guduud hase ahaate ma aha wax ku filan maaddaama ay soo kordheen dadkii bukaanka ahaa ee loo adeegayay, sidaas darteed wuxuu agaasimuhu u sheegay Raadiyo Ergo iney u direen wasaaradda warbixin ay ku caddeynayaan baahida ka jirta halkaas iyo tirada dadka imanaya.

Cusmaan Cabdi Aadan wuxuu ka yimid tuulada Wirkooy oo 15km u jirta Buula-guud, wuxuu caafimaad iyo daawo kala soo doonay xarunta caafimaadka ee Buula-guduud laba gabdhood oo xanuunsan oo walaalihiis ah oo midi uur leedahay.

“Waxaan imaannay shalay,waxaa nala dhahay barrito imaada,daawooyinkii waa la soo wadaa,waxbaa dhiman,waxbaa siya, xilliyada qaar waxaa jira adiga oo xanuun saa’iid ah uu ku hayo aadan xanuun baabi` iye ka heleynin”

Kooxaha guur-guura ayaa iyagu shaqayn jiray lix maalin toddobaadkiiba oo ay aadi jireen maalin kasta tuulooyinka, waxaana muuqata in adeegyadoodii ay qaban jireen ay halkaas ka baxeen iyagoo aanan la helin wax beddela oo sidoodii oo kale u shaqeeya.

Sidaas darteed waxaa ku soo baxsaday xarunta caafimaadka Buula-guduud adeegyadii ay kooxahaas ka fulin jireen tuulooyinka. Haddii aanan dib loo soo celinin adeeggaas ama aan la helin wax kaloo beddela waxay isku dhib qabi doona dadka bukaanka ah iyo xarunta oo aanan xamili karin culayskaas.

Previous Post

Boqollaal qoys oo biyo yari ku hayso xerada Wadataal ee duleedka Gaalkacyo

Next Post

Jowhar: Ardayda iska bixin waayay lacagta iskuulka oo ka walaacsan inay imtixaannada ka haraan

Related Posts

Qoysas ku nool Galgaduud oo cunno xumo uga baxay adeegsiga mooto Faykoonta
Beeraha Iyo Xoolaha

Qoysas ku nool Galgaduud oo cunno xumo uga baxay adeegsiga mooto Faykoonta

March 25, 2026
blank
Wararkii u Danbeeyay

Arday raashin iyo biyo ku taageeray qoysas roob la’aan ay ku hayso miyiga Bari

March 24, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qaxooti cusub oo nolol xumo iyo diiwaan galin la’aan ku wajaha Dhadhaab

March 19, 2026
blank
Wararkii u Danbeeyay

Qoysas nolol-maalmeedkooda ay galaafatay colaad ka jirta Hiiraan

March 12, 2026
Mudug: Nolol xumo ka dhalatay qoysas laga jaray biyo bilaash ay oo ku heli jireen
Wararkii u Danbeeyay

Mudug: Nolol xumo ka dhalatay qoysas laga jaray biyo bilaash ay oo ku heli jireen

March 11, 2026
blank
Wararkii u Danbeeyay

Dhaqashada Shinida oo fursad dhaqaale u noqotay qoysaska haween ku nool Baydhabo

March 10, 2026
Next Post
DHALINYARO JAAMICIYIIN AH OO TABARRUC WAXBARASHO U FIDINAYA BARAKACAYAASHA IYO DANYARTA

Jowhar: Ardayda iska bixin waayay lacagta iskuulka oo ka walaacsan inay imtixaannada ka haraan

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 25-MAR-2026

IDAACADDA 25-MAR-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 25-MAR-2026
Episode play icon
IDAACADDA 25-MAR-2026
March 25, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 24-MAR-2026
March 24, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 23-MAR-2026
March 23, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 22-MAR-2026
March 22, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 21-MAR-2026
March 21, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo