Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Dhadhaab: Wadayaasha gawaarida yaryar oo shaqadooda ay saameysay xayiraadda safarka gudaha

admin by admin
June 8, 2020
in Barakacayaasha iyo Qaxootiga, Wararkii u Danbeeyay
0
Dhadhaab: Wadayaasha gawaarida yaryar oo shaqadooda ay saameysay xayiraadda safarka gudaha

Axmed Cali Xasan wuxuu ka mid yahay wadeyaasha ay saameysay xayiraadda safarka ee xeryaha Dhadhaab/Kaamil Axmed Cabdi/Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Axmed Cali Xasan wuxuu ka mid yahay 50 darawal oo ka dhex shaqeeya seddexda xero
ee Ifo, Dhagaxlay iyo Xagardheer ee xerada qaxootiga Dhadhaab ee gobolka Waqooyi
Bari ee Kenya. Xasan iyo wadayaasha kale ayaa waxaa saamayn ku yeeshay xayiraadda
lagu soo rogay gawaarida sabab la xiriirta cudurka COVID19-ka oo wali ku sii faafaya
gudaha dalka Kenya. Shaqadan ayuu ku maareeyaa nolasha qoyskiisa oo ka koban shan
qof.

Xasan oo ah milkiilaha gaariga yar ee uu ku shaqaysto ayaa sheegay in maalnti 5-6 jeer u bixi jiray gaarisgiisa, isagoo heli jiray lacag u dhiganta 50 doollar.

“Hadda baabuurtii ayaan shidaal u la’anahay, lacagta i soo gasha waxna waan isticmaali
jiray waxna gaariga ayaan u dhigan jiray.”

Wuxuu sheegay inuu xaddidan yahay socodkoodu ee loo gool yahay uun iney xaafadaha u kala qaadaan dadka , haseyeeshee dadkii raaci lahaa ayaanba haysan wax lacag ah oo ay gawaarida ku raacaan Koronaha dartiis.

“Waxaa nagu hoos noolaa dadka haya maamumlka boosteejada, dadka gawaarida rara,
kuwa dhaqa, kuwa buufiya iyo garaashlayda, hadda haduu jabo xataa uma hayno lacag aan ku soo samaynno,”

Waxaa jira guddi ka kooban 20 qof oo loogu talogalay in uu kala hago shaqada maalinlaha ee gawaarida oo ka howlgala seddexda xero, kuwaas oo ka shaqeeya boosteejada laga raro, islmarkaasna u sameeya kaltanka iyo kala horreynta gawaarida sidii ay u kala horbixi lahaayeen. Dool Carays Guhaad oo xubin ka ah guddigaas ayaa uga warbixiyay Raadiyo Ergo hoos-u-dhaca ku yimid shaqadii guddigaas.

“Aroor kasta ayaan diwaangalin jirnay siday ay u kala horreeyan isagoon gaari kasta
ilaalinaya kaltankiisa, qofkii sharciga ku xad-gudbana xeerka ayaa qabanaya,”

Dool wuxuu sheegay inuu shaqadaas ku qaadan jiray maalin walba lacag u dhiganta 30
doollar ee uu ku maarayn jiray nolosha qoyskiisa, haddase ay taas meesha ka baxday
markii la waayay gawaari la kala hago.

“Haddiba ay dhacdo in lagu sii daro oo taarikhada ay dowladda sheegtay in xakamaynta la qaadi waayo, halkaan ka shaqaynayay ayaa gabi ahaanba joogsanaysa, bannaanka ayaan soo istaagayaa”. Ayuu yiri

Waxaa sidoo kale ku noolaa gawaaridan dallaaliin rari jiray baabuurta oo ka heli jirtay
nolal maalmeedkooda. Dadkaasi waxaa ka mid ah Cabdullaahi Labi Ibraahim oo qaban
jiray shaqada dallaalnimada, islamarkaana ka ka ururin jiray dadka rakaabka ah lacagaha.
Wuxuu Cabdullaahi shaqadan soo waday muddo toban sano ah, taasoo uu ka biilan jiray
qoyskiisa oo ka kooban toddobo ruux.

“Mushahaar kama qaadanayn dowladda mana ahayn nin wax bartay oo iskuul dhigtay
meel kale oon shaqo u raadiyana ma arkin, intii yarayd oo nolol-maalmeedka ahayd oon
gawaarida iyo bulshada ka qaadanayay ayaan wayay, wax kale oo caawinad ahna ma heli jirin” ayuu ku calaacalay Labi

Inkasto saamaynta Karona Fayriska ay kala mid yihiin dunida inteeda kale haddana waxaa dadka ku jira xeryaha qaxootiga Dhadhaab u dheer baahiyo badan oo gaar ah oo ka dhasha ahaanshaha qaxootinnimada.

Gargaarka yar ee ay ka helaan ha`yadaha caalamiga ah waxay had iyo jeer ku kaban jireen shaqooyinnka iyo ganacsiyada yaryar taasoo maanta la waayay iyadoo ay ugu wacan tahay Korna Fayrus oo wax walba xayiray.

Previous Post

Khubarrada oo ka jawaabaya su’aalaha ayaxa ee dhegeysteyaasha

Next Post

Noocyada sunta lagula dagaallamo ayaxa

Related Posts

Sanaag: Nolol xumo ka dhalatay dab baabi’iyay tuulada Milxo
Cunto-Yaraanta

Dab qasaare gaystay oo saamayn ku yeeshay boqollaal qoys oo ku nool Hargaysa

October 2, 2026
Qasaare ka dhashay roob dabeyl watay oo saamayn ku yeeshay danyar oo ku nool Bari
Wararkii u Danbeeyay

Qasaare ka dhashay roob dabeyl watay oo saamayn ku yeeshay danyar oo ku nool Bari

October 1, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Roob la’aan qalajisay beeraha oo barakicisay 300 qoys oo maciin biday Afgooye

September 30, 2026
blank
Cunto-Yaraanta

Afar boqol oo macalin oo shaqo la’aan noqday, markii ay xirmeen iskuullo ku yaalla Garowe

September 25, 2026
Adado mechanic gears up displaced youth for jobs in vehicle repair and solar tech
Wararkii u Danbeeyay

Dhalinyaro la baray xirfaddo ay ku maareeyaan nolosha qoysaskooda oo barakac ku ah Cadaado

September 24, 2026
Danyar ku nool Hargaysa oo ka soo kaban waayay burbur ku yimid ganacsiyadooda
Cunto-Yaraanta

Danyar ku nool Hargaysa oo ka soo kaban waayay burbur ku yimid ganacsiyadooda

September 22, 2026
Next Post
Khubarrada oo ka jawaabaya su’aalaha ayaxa ee dhegeysteyaasha

Noocyada sunta lagula dagaallamo ayaxa

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 03-OCT-2026

IDAACADDA 03-OCT-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 03-OCT-2026
Episode play icon
IDAACADDA 03-OCT-2026
October 3, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 02-OCT-2026
October 2, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 01-OCT-2026
October 1, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 30-SEP-2026
September 30, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 29-SEP-2026
September 29, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo